Dagaaladii Muqdisho oo wali socda & Sh Shariif oo Dalbaday gargaar milatari oo degdeg ah.

Published on August 30, 2010 by   ·   6 Comments   ·   print

Dagaalo iyo duqeymo isbarbarsocda ayaa Maalintii sideedaad oo Xiriira ka socda Magaalada Caasimada ee Muqdisho, iyadoo DKMG ahi beesha Caalamka ka dalbatay in lala soo gaaro gargaar Milatari iyo mid dhaqaale

Dagaalka oo xalay bilowday ayaa ilaa saaka socday Degmada Boondheere ayuuna Xoogiisu ku dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah oo isku dhinac ah iyo Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay 16 kalana wey ku dhaawacmeen Duqeymo Xoogan oo ay Ciidamada AMISOM ladhaceen qaar kamaida Xaafadaha Magaalada sida Suuqa Bakaaraha.

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sh Abu Muscab ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar kaga yimid dhanka AMISOM isla markaana ay tiro Ciidamado ah oo ay ku jiraan Saraakiil kaga dileen Dagaalka.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay inay hooboyeyaal ku dileen 10 neeyo kamida Askarta AMISOM oo uu carabaabay inay kawarheleen iyagoo safaf kujira oo dagaal isu diyaarianaya Madaxtooyada dhexdeeda kadibna ay beegsadeen.

Majiro war ku aadan dagaalka maanta oo ka soo baxay AMISOM iyo DKMG ah.

Dhanka kale Madaxweynaha DKMG ah ayaa maanta ka codsaday beesha Caalamka in dowladiisa lala soo gaaro kaalmo dedeg ah lagana badbaadiyo Xoogaga Islaamiyiinta ah ee Dagaalada ba’an kula jiro.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay in islaamiyiintu khatar galiyeen DKMG loona baahanyahay inaan lagu fiirsan, wuxuuna shariif dalbaday in lala soo gaaro Taageero milatari iyo mid dhaqaale oo lamid ah faragalinta reergalbeedka ay ku sameeyeen Dalka Afqanistan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaaladii Camaara & Bacaadweyen oo wali socda & Qasaaraha oo kordhay.
  2. Dagaalada & Duqeymaha oo wali ka socda Muqdisho iyo Al-shabaab oo soo bandhigtay saraakiil isku dhiibtay.
  3. Dagaal Culus oo Wali ka socda Buulo-barde
  4. Khasaaraha Dagaaladii Shalay oo kordhay & Muqdisho oo Maanta Dagan.
  5. Al-shabaab & DKMG oo guulo ka sheegtay Dagaaladii ka dhacay Muqdisho.

Readers Comments (6)

  1. Duli Diid says:

    ASC

    Sharif ma illoway inuu Allah kaalmo weydisto!! Haloo sheego beesha caalamka waa yahuud rabto in caalamal islaam ay gumeysato.WSC

  2. Wanaag says:

    Waa arin nasiib daro in markasta la dhuqeyo dowlada KMG shapaapna rux tuso xaqiiqa ayay wayeen allow ada garani xalke e badbaadi dadka somaaliyed

  3. abuu muscab says:

    ninkasta cuksay cidii oo islahaaaaaaa waxbeey koo qabankartaaaaa saas daraadeed shariif wacay gaaladii mujaahidiin to na waxeey wacanayaaaaaan allaah waa na laogaan doonaaaaaaa cida gormad ahaan soo dheeyreeysa

  4. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ALLAAHU-AKBAR ALLAAHU-AKBAR ALLAAHU-AKBAR WALILLAAHIL-XAMD ALLAAHUMMA LAKAL-SHUKR

    Fadliga iyo ammaanta iyo mahadinta gabi ahaanba
    ALLAAAAAAAAAH SUBXAAAAAAAAANAH baa iska leh cid
    kalena lama wadaagto , RABBIGEEN SUBXAANAH guusha ha siiyo dhammaan mujaahidiinta muslimiinta ee u dagaalamaya inay kalimadda ALLAAH KOR KA DHIGAAN.

    .magaciin ba’yee reeryada baahuuko iska qaada…

    mar hadday duqeeyeen daartii xatooyada
    baahuukayaashii dugsanayayna ku dumiyeen
    afartii dibirsanaydna dhiigood cabsiiyeen
    shariif baahuukana waaray ka yeersheen
    nasrigii la sugayay caraftiis billaantay
    mar hadday maquunsheen saliibkii la keenay
    RABBIGAY ha daayee muslimoow midooba
    maankiina ka saara waxkastoo khilaafa
    RABBIGIINA WAAXIDKA MAGACIISA kor yeela
    RASUULKII SUUBANAA CIRDIGIISA ilaasha
    mar haddaad waxmaqlaysaan naseexadayda yeela
    magaciin ba’yee reeryada baahooko iska qaada.

    ALLAAHU AKBAR WALILLAAHILXAMDU.

    WALLAAHU ACLAM.
    binfaqiih@hotmail.com

  5. weheliye says:

    ilaahbaa wayn maa haduu gaalo kale oo aan haayn tajoogta miciin biday ilaahbaa miciinleh
    wellee nin kaalme karaadiyey meel kale baan guul gaarin uyeero gaalo anan waxaanu uyeeranaynaa ilaahay alaahu mawlaanaa walaa mawlaa lakum

  6. kaahiye says:

    haa dagaaladu wali wey kasocdaan magaalada waxaana ku soo qulqulaya Dagaalyahano kuwii ugu dambeeyeyana Xizbiga ayaa keensaday shalay.

    sida aan ku arkay webkan:

    http://futuuxaat.com/xizbiga/?p=1431

    http://futuuxaat.com




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaaladii Camaara & Bacaadweyen oo wali socda & Qasaaraha oo kordhay.
  2. Dagaalada & Duqeymaha oo wali ka socda Muqdisho iyo Al-shabaab oo soo bandhigtay saraakiil isku dhiibtay.
  3. Dagaal Culus oo Wali ka socda Buulo-barde
  4. Khasaaraha Dagaaladii Shalay oo kordhay & Muqdisho oo Maanta Dagan.
  5. Al-shabaab & DKMG oo guulo ka sheegtay Dagaaladii ka dhacay Muqdisho.

Latest Headlines