Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?(Q; 11, 12, 13, 14 ,15 ,16.)

Published on August 26, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Q: 11aad


Suurada 27aad Al-Namal:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Namal, si ay u Waarto Xusuustii Mucjizooyinkii la siiyay Nabi Suleymaan taasoo ay ka mid aheyd inuu afgaran jiray wax kasta oo uu Alle Koonka ku Abuuray sida Shimbiraha, Quraanyada oo ah Magaca Suurada Xambaarsan tahay.

Sheekada Quraanshada waxey Suuradaan ka Sheegtaa mar uu Nabi Suleymaan Safar ahaa oo ay la Socdeen Ciidamo fara Badan oo ka Kooban Uun kala Duwan Jidkiisii uu ku Beegmay Tog ay Quraanyadu Degan tahay, Quraanyaduna waxa ay ka mid tahay Noolayaasha aadka u Nidaamsan tahay Noloshoodu, oo waxey leedahay Hogaan, Ciidan Duula, kuwa Amaankooda ilaaliya, Sahan iyo wax walba oo Umad Nooli leedahay, Quraanyadii ayaa Markii ay aragtay Ciidanka kusoo Foolka leh Togii ay Daganeyd Qaar ku yiraahdeen kuwii kale, Ka carara meesha yuusan Cagta idin marin Ciidanka Nabi Suleymaan ayaga oo aan idin Jeedin, Nami Suleymaana waxaa Mucjizo ahaan loo Siiyay inuu wax walba oo Koonka ku Nool Hadalkooda Fahmo, waa Dhoolo cadeeyay markuu hadalkeeda maqlay waxa uuna u Mahad Celiyay Alle (Cw) oo ku Baryay inuu ku Hanuuniyo inuu ka Mahad Celiyo Galada weyn iyo Nicmooyinka la siiyay…Suurada waxey soo Dagatay Xiligii Makah la Joogay, tiro ahaana Aayadaheedu waa 93 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Al-Shucaraa ka dib, Juz ahaana waxey ku Beegan tahay Dhamaadka Juzka 19aad iyo Biloowga Juzka 20aad.

 
Suuradaan Al-Namal waxa ay ka mid tahay Sadax Suuradood oo Musxafka la isugu Xijiyay sidii ay usoo Dagteen kala horeyn ahaan iyo isku xigidba, waxa ayna kala yihiin Suurada Al-Shucaraa, Al-Namal iyo Al-Qasas oo ah Suurada Xigta, waxey kaloo Suuradan Al-Namal la Gaar tahay in ay Gudaheeda ku jirto Bisin la mid ah kan Suurad walba ku Bilaabato.
 
Macnaha Guud ee Suurada Al-Namal:

Suuradan Maadama ay Makiyah tahay waxaa Caadi ah in ay si Gaar ah uga hadasho Umuuraha Caqiidada ku Saabsan sida: Toowxiidka, Rumeynta Rususha, iyo soo Bixida Maalinta Qiyaame, waxa ayna Xaga Manhajka kala mid tahay Gaar ahaan Suurada ka Sareysa iyo tan ka Dambeysa marka loo fiiriyo Habka ay dadka ugu Caqli Celiso ama u waniso in ay ku tusaale Qaataan Dadkii tagay.

Waxaana xasuusin Mudan Suuradaan in ay la gaar tahay Taariikhdii ay Diinta Toowxiidka ku Gaartay Dhulka Yaman Waagii Nabi Suleymaan, hadii aan soo koobana Qisada waxay Cadeyneysaa in Yaman ay lahaan Jirtay Boqortooyo ay Xukumi Jirtay Naag Balqiis la dhihi jiray, waxa ayna Boqortooyadaas Alle ahaan u Caabudi jireen Qoraxda, waxaana arintaas Nabi Suleymaan soo Gaarsiiyay Shimbir ka mid ahaa Ciidankiisa (Hud-hud) kana war bixiyay si Faahfaahsan, markaa ka dib ayuu Nabi Suleymaan Risaalo ku Bilaabata magaca Alle (Cw) u diray Boqoadii Reer yaman oo uu ugu Baaqayo in ay Islamaan, taasoo natiijadii noqotay markii ay Reerkeedii la tashatay Boqoradii Saba (Yaman) ku Qancaan in Islamaan..

Waxaa kaloo xasuusin mudan Marka laga Hadlayo Nabi Suleymaan in aan Ogaano in Diinta Islaamka kaliya tahay tan sida ugu Wanaagsan u Tilmaanta marka loo eego Nasaarada iyo Yuhuuda , waayo Labdaas Kooxba waxey Aaminsan yihiin inuu Suleymaan Ahaa Boqor Saaxir ah (Alle ayaa Xumaan ka Nazahane) waxaa ayna Aaminsan yihiin inuusan aheyn Nabi Alle (Cw) soo Diray, hase yeeshee Muslmiinta (Umada Raacday Nabi Muxamad) waxa ay Aaminsan yihiin inuu Suleymaan ahaa Nabi ka mid ah Nabiyaashii Reer banuu Israa’iil loo soo diray, Isla markaasna ahaa Boqor.

Suurada 28aad Al-Qasas:

Suuradaan waxaa lagu Magcaabaa Al-Qasas waayo waxaa ay si Faahfaahsan uga Qiseysaa Taariikhda Nabi Muuse laga Bilaabo Dhalashadiisa ilaa laga gaaro Risaaladii loogusoo Dhiibay Reer Banuu Israa’iil oo Xiligaas ku jiray Adoonsi, waxaan Suurada aad u tilmaantaa Allaah sida uu u Guuleeyo kuwa Jidka Towxiidka qabsada isla Markaan uu u Halaago kuwa Cadaw ku Noqda Towxiidka.

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo labada Aayadaood ee kala ah 52, 85, Aayadaheeduna tiro ahaan waa 88, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Namal ka dib sidaanba horey usoo Tilmaanay, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Juz ahaan Bartamaha Juzka 20aad ilaa ku Dhawaad Dhamaadkiisa.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Namal:

Suuradaan waxaa ay Faahfaahin u tahay Labadii Suuradood ee kala Ahaa Al-Shucaraa iyo Al-Namal amaba Dhameestir Xaga manhajka iyo Qisooyinkaba, si gaar ahna waxey faahfaahin ka Bixisay Taariikhada Nabi Muuse, isla markaana waxey ka Sheekeysay Dhibaatda Xiligaas heysatay Israa’iiliyiinta oo Markaas ahaa Umad Towxiidka iyo Nabiyadii Alle soo diray Aaminsan, waloow ay Dhibaato badan marsiiyeen Nabi Muuse mar walbana hadii Mushkilo kala Gudbo ku Abuurayeen mid kale, ilaa uu ka Habaaray oo ay Galaan 40 sano oo Jahawareer ah, Afartankaas Gudaheeda ayaana la oofsaday Nabi Muuse (Nabad iyo Naxariis Alaha yeelee Korkiisa).
 
Suurada 29aad Al-Cankabuut:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Cankabuut oo Macnaheedu yahay Caaro, sababtana waa in ay Suuradan ku Tilmaantay kuwa Toowxiidka Rabi (Cw) ka leexday ee Caabuda wax Allaha koonka Abuuray ka soo Hara in ay la mid yihiin Caaro guri dhisatay oo kale, waa marka loo eego Faa’iido ahaan waxa ka soo Galaya Cibaadada ay la Aabaareen Uunka Alle ha ahaado Sanam la Qortay, ama Malag Suuban sida Jibriil, ama Nabi sida Nabi Ciise oo kale ah, ama Weli ka mid ah Awliyada Alle sida Maryama Binti Cimraan, maxaa yeelay waxba ma siin karaan, mana u diidi karaan, sidaa darteed Suuradaan waxey tilmaantaa in ay waxba ka heleyn Cibaadada Shirkiga Sida Caarada aysan waxba ugu Dheefsan Guriga ay Dhisatay ee aan Qaboowga iyo Qoraxda iyo Cadawgaba ka aqrin.

Suuradan Al-Cankabuut waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah: 1 ilaa 11aad kuwaas oo ah kuwa kusoo Dagtay Magaalada Madiina Markii Nabiga Suuban (Scw) iyo Saxaabadiisii u Hijroodeen ka dib, waxa ayna soo Dagatay Suurad Al-Ruum ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 20aad ilaa Bilowga hore ee Juzka 21aad.
 
Macnaha Guud ee Suurada Al-Cankabuut:

Suuradan Maadama ay Makiya tahay Waa Caadi in ay Caqiidada Xooga saarto, waxaana u dheer in ay Faahfaahiso kuwa Caqiidada saxiixa ah qaatay in ay Aduunka Dhexdiisa kula kulmaan caqabado lagu Imtixaanayo iimaankooda inta uu Gaarsiisan yahay, waxaana ugu Imtixaan weyn Nabiyada, waxaana ku Xiga kuwa Iimaan ahaan darajada Nabiyada Iimaanka ka hooseya, ka dibna sida lookala Iimaan Wanaagsan yahay

Q: 12aad.

Suurada 30aad Al-Ruum:

Suurada Al-Ruum si ay Xasuus ugu Noqoto Mucjazadii Qur’aanka uu Alle (Cw) ku sheegay oo aheyd Guul Mustaqbalka Dhaw ay gaari Room xili Markaas waqti ka hor lagu jabiyay Dagaal ay la Galeen Boqortooyadii Faaris (Beershiya).

Labadan Qolo ee Ruum iyo Faaris waxa ay ahaayeen laba Boqortooyo oo Aduunka Xiligaas ugu Awood Roonaa isla markaana waxaa ka Dhaxeeyay Hardan Xaga Awooda ah, Diin ahaan waxa Ahlu Kitaab ahaa Ruumaanka oo Markaas waxa ay ahaayeen kuwa Xaga Diinta ugu Dhaw Muslimiinta Makah joogay oo Markaas ay ku Cusbeyd Dacwada Diinta Islaamka, Faarisna waxa ay ahaayeen Dab Caabud Mushrikiin ah (Majuus), labadaan Qolo Meelaha uu Dagaalka ku Dhex maray waxaa ka mid ahaa Waqooyiga Jaziirada Carabta, sidaa darteed waxaa Suurada tilmaantay in Muslimiinta ku Farxi Doonaan marka Ruum ay Guuleysato maadama ay Dad ayaga u Xigeen Caqiido ahaan.

Suuradaan waa Makiyah, marka laga Reebo Aayada 17aad oo ah Madaniyah, tiro ahaana Aayadaheedu waa 60 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Inshaqaaq ka dib.
 
Macnaha Guud ee Suurada Al-Ruum:

Suuradan waxa ay wax ka Tilmaantaa Arimaha Quseeya Caqiidada Maadama ay Makiyah tahay, sida Kalinimada Alle (Cw) oo la Aamino, Risaalada Nabi Muxmad in ay tahay Risaaladii ugu Dambeysay ee uu Rabi (Cw) soo Dajiyay, iyo in la isoo saari Doono Maalinka Dambe ee Qiyaamaha qof walbana la Siin Doono Abaal marka uu Xaqa u yeesho…

 
Suurada 31aad Luqmaan:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray luqmaan, oo ah Nin ka Mid ahaa Umadihii hore ee Diinta Islaamka Aaminsanaa, Ninkaas waxaa ay Suuradaan ka soo tabisaa Waano aad u Qiimo Badan oo uu Waaniyay Wiilkiisa, taasoo Dhinacyo Badan ka Koobneyd.
Luqmaan waxaa uu Wiilkiisa ku Waaniyay inuu Aqoon u yeesho Allaha uu Caabudayo, Cibaadadana uusan Cid kale waxba ka siin, waxaa uuna uga Digay Wiilkiisa Shirkiga (Cibaadada Alle oo Cid kale Qeyb laga siiyo amaba Cid kale loo wada leexiyo) Qatartiisa, ka dibna waxaa uu ku waaniyay Arimo Aadaab ahaan looga Baahan yahay Qofka Muslimka ah ee Caqiidada u Saxan tahay, Maxaa yeelay Caqiidada iyo Aadaabtu kalama Haraan, oo waxaa la yiraahdaa Qofkii Caqiidadiisa Wanaagsanaato waxaa lagu gartaa Aadaabta Wanaagsan, sidaa Daraadeed Culimada Wax ka Qora Araimaha Caqiidada waxa ay mar walba ku Lamaaniyaan Qeybo ka Hadlaya Aadaabta maadaama ay Caqiidada ku Shaqo leedahay Laabta waxa ku Qarsoon, Aadaabtuna waxa ay soo Muujisaa Laabta Wanaaga kujira, marka Arintaas waxa ay tuseysaa in Qofkii Aadaabtiisa Xuntahay ay Caqiidada Xuntahay.
Suurada waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah: 27, 28, 29, tirada Aayadaheeda Guudna waa 34 Aayaadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Saafaad ka dib.
 
Macnaha Guud ee Suurada Luqmaan:

Suuradaan waxa ay Xooga Saartaa Umuuraha ku Saabsan Rumeynta Muslimka looga Baahan yahay sida Rumeyntaa Alle(Cw) inuu Kali ku yahay Cibaadada, Nabi Muxamad (Scw) inuu yahay Rasuulkii ugu Dambeeyay Rusushii Alle (Cw) soo diri jiray iyo Soo bixinta Maalinta Qiyaame Geerida ka dib ah.

 
Suurada 32aad Al-Sajdah:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Sajdah, maadaama lagu Dhex Sheegay Tilmaamaha Wanaagsan ee Muminiinta Saxda ah in ay ka mid tahay Hadii ay Maqlaan Aayadaha Alle (Cw) in ay u Sujuudaan Alle ayagoo Mahada Rabi ku Tasbiixsanaya ayagoo aan aan iska weyneysiineyn Quraanka Kariimka ah.

Suurada waa makiyah marka laga Reebo Laga Bilaabo Aayada 16aad ilaa iyo Aayada 20aad oo ah Aayado Magaalada Madiina kusoo Dagtay, tiro ahaan Aaayadaheedu waa 73 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Muminuun ka dib.

 
Macnaha Guud ee Suurada Al-Sajdah:

Suuradaan waxa ay la mid tahay Guud ahaan Suuardaha Maka ku soo Dagta Xaga manhajka, waxa ay ka hadashaa Caqiidada iyo Rumeynta Saxda ee looga Baahan yahay Muslimiinta, waxa ayna faahfaahisaa Soo bixinta Dambe marka Caalamka Dhamaado ka din ah taasoo in Badan Musrikiinta ay aad ga Doodaan, taasoo ay Daliil uga Dhigtaan Beeninta Rususha Alle (Cw) soo diray.
 
Suurada 33aad Al-Axzaab:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Axzaab, si ay Muslimiinta u Xasuuso Isbaheysigii Mushrikiinta ay u Sameysteen Dabar Goynta Diinta Islaamka yagoo Rasuulka iyo Saxaabadiisa ku soo qaaday Duulaan aad u Balaaran, laakiin waxaa uu Alle (Cw) Muslmiinta ku galadeystay Guul aad u weyn ayagoon Dagaal Buuxana la galin Isbaheysigii Mushrikiinta.
 
Suuradan waa makiyah, Aayadaheeduna waa 73 Aayad, waxa ayna soo Dagatay Suurada Aala-Cimraan ka dib, Juz ahaana waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 21aaad iyo Biloowga hore ee Juzka 22aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Axzaab:

Suuradaan Maadaama ay Madaniyah tahay waxa ay aad Xooga u Saartaa Sharciyada Quseeya Nolosha Muslimiinta, waxa ayna ka Hadashaa Nolosha Muslimiinta umad ahaan Qoys ahaan iyo Qof ahaanba, waxa ayna Xambaarsan tahay Xukuno umada Muslimka ah hadii ay Dabaqaan Noloshoodu wanaagasanaaneyso, oo u Damaanad qaadaya Qeybaha Umada ka kooban tahay in ay Sacaado ku Noolaadaan.

Dhanka kalana Suuradaan waxa ay la dagaalantay qaar ka mid ah Caadaadkii iyo Dhaqanadii soo jireenka ahaa ee ay lahaan jirtay sida in Ruuxa naagtiisa yiraahdo Waxaad iga Tahay Hooyadey(Dihaarka), sidoo kalana waxa Suuradaan la Dagaalantay Caado aheyd in Ruuxa Adoon uu leeyahay uu yiraahdo waa Wiilkeygii oo Aftirsiimadiisa loogu yeero oo loo yaqaanay Tabani (Wiilka dhigasho), sidoo kalana waxa ay Suuradaan la Dagaalantay waxyaabo qalad ah oo Dadka Qaar Aaminsanaayeen sida in Ruux uu yeelan karo laba Qalbi, arintaas oo aheyd Khuraafaat aad loo Buunbuuniyay.

Suurada 34aad Saba’:

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Saba oo ah Magaalo ay Daganaan jirtay Boqrtooyo ay Qabiilada Yaman lahaayeen, Boqortooyadaas oo aheyn mid ku nooleyd Barwaaqo iyo Nimcooyin aysan heysan Umadaha kale ee Daganaa Jaziirada Carabta oo Dhan, markii ay ku Kibreen Nicmooyinka Rabi (Cw) oo ay Gaaloobeen waxaa Nicmadoodii Badalay in aylagu Fatahiyo Byo Xireenkii Noloshooda ku Tiirsaneyd taasoo keentay in Qax iyo Abaaro ku Dhacaan Boqortooyadiina Dunto.

Suurada waa Makiyah, marka laga Reebo Aayada 6aad, tirada Aayadaheeduna waa 54 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Luqmaan ka dib,waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilooga ilaa Bartamaha Juzka 22aad.

Macnaha Guud ee Suurada Saba’:

Suuradaan Maadama ay Makiyah tahay waa Caadi in ay Xooga Saarto Amuuraha Caqiidada Quseeya, waxa ayna u soo Gudbisay Hab ah in lagu waano qaato Dadka ka leexda Caabudida Alle (Cw) kaliya waxa ku Dhaca Qisada Reer Saba’.

Suurada 35aad Faadhir:

Suuradan waxaa loogu magac daray Faadhir oo ah kalimad ku Jirta Aayadaha Biloowga ah ee Suuradaan, Taasoo Macna ahaan tuseysa in Alle uu yahay Kan Bilaabay Abuurka Cirarka iyo Dhulka asagoonan uga Tusaale Qaadan wax ka Horeeyay oo Abuur ah, arintaas oo ah mid Muujineysa Weynida iyo Awooda Alle (Cw) iyo Inaysan jirin Abuur kale oo Dhibaya Ha ahaado Abuurka Malaaigta, kan Insaanka iyo kuwa kalaba, Maadaama uu Abuuray Cirarka iyo Dhulalka Awoodiisana ku taagan yihiin.

Suuradan waa Makiyah, Tirada Aayadaheeduna waa 45 aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Furqaan ka dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Juzka 22aad ku Dhwaad ilaa Dhamaad ayada oo ka Bilaabata Bartamaha Juzkaas.

 
Macnaha Guud ee Suurada Faadhir:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa Arimaha Caqiidada Quseeya, waxa ayna Dadka ugu yeertaa Caqiidada Towxiidka ayadoo soo Aroorisa Daliilo iyo Xujooyin Kalinimada Alle (Cw) Muujinaya, waxa ayna Suuradaan Salka u siibtaa Asalka Caqiida Shirkiga, ayadoo ugu yeereysa in ay Qalbigooda Wasqda Shirkiga ka Nadiifiyaan lana yimaadaan Aadaab wanaagsan.
 
Suurada 36aad Yaasiin:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Yaasiin, maadama Suurada ay kalimad ahaan ku Bilaabato Ereyga Yaasiin, ereygaas oo ka mid ah Ereyo Suurado badan ku Bilaawdeen oo Macnahoodu Qarsoon yahay.

Suurada waa Makiyah, marka laga Reebo aayada 45aad, Tirada Aayadaheeduna waa 83 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Al-Jini ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 22aad iyo Biloowga Juzka 23aad.

 
Macnaha Guud ee Suurada Yaasiin:

Suuradan waxa ay ka hadashaa Arimaha kala ah: Rumeynta Maalinta Qiyaame, Daliilo Muujinaya Alle (Cw) kali inuu ku yahay Caabuditaanka iyo Qisadii Dadkii Tuulada (Qaryada) daganaa ee Dilay Ninkii Toowxiidka ugu yeeray.

Sheekaadaas oo kooban waa waxaa jiray Nin ka mid ahaa Dadkii Raacay Dacwadii Nabi Ciise Dadkii waday welibana Donay inuu Dadkiisa Dacwo gaarsiiyo oo ku waaniyay in aysan Dacwada Toowxiidka ka hor imaan, asagoo Tusaale ku siiyay Naftiisa haduu Cid aan Allaah aheyn Caabudo waxa dhici kara oo leh: {ma waxaan yeeshaa Illaahyo Alle (Cw) ka so keeya oo uu haduu Alle ila Doono Dhib anan waxba ii tari karin}, si uu Dadkiisa ugu Muujiyo Baryada iyo Cibaadad wax Alle (Cw) ka Sokeeya la Cabuudaa in ay tahay midaan wax Faaiida ah lagu gaareyn, hase yeeshee Dadkiisii kama faaidin Waanada iyo Caqli Celinta Walaalkood weyna Cadibeen ilaa uu ka Geeriyooday, waxaana Allaah (Cw) Suuradan ku Dhex Sheegay in Ninkaas Muslimka ahaa ee la Dilay Jano ugu Abaal Guday.

 
Waxaa xasuusin Mudan waxaa Jira Axaadiis aad u fara badan oo dadka Fadli ahaan usoo Arooriyaan marka la Joogo Suuradan Yaasiin laakiin aan saxiix aheyn, sidaa darteed Qof Walba oo Jecel Qur’aanka waxaana u wanaagsan inuu Fadliga Suuradaha iyo Aayadaha Quraanka ka Baarto Axaadiista Saxiixa ah kaliya si uusan wax gaf ah ugu Dhicin asagoo Cibaado iyo wanaag raadinaya.
 
Q:13aad
 
Suurada 37aad As-Saaffaat:

Suuradan waxaa loogu Magac daray As-Saaffaat, si Dadka loo xasuusiyo Adoomada Alle Abuurtay ee loo yaqaan Malaaigta iyo Shaqooyinka wanaagsan ee loo Xilsaaray, waxey u tasbiixsadaan rabigood habeen iyo Maalin kamana daalaan.
Suurada As-Saaffaat waa makiyah, Aayadaheeduna waa 182 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Ancaam ka dib, Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Bartanka Juzka 23aad.
 
Macnaha Guud ee Suurada As-Saaffaat:

Suuradaan waxa ay ka hadashaa Arimaha Caqiidada ku Saabsan sida Toowxiidka, Waxyiga Soo Bixintaanka Maalinta Qiyaame iyo Abaal Marka Maalinkaas la muteysanaayo.waxa ayna soo si Dul mar ah usoo hadal Qadaa Qisooyinka Nabiyada ayadoo si kooban usoo Bandhigta in ay Cadwgooda ka Guuleysan jireen mar kasta, Cadawga Toowxiidkana markasta in Ciribtiisa Ciqaab ahaan jiratay inta Aduunka la Joogo Cadaabka Qiyaamaha Sugaaya ka hor,
Waxa ayna Tilmaantaa Suuradaan waxyaabaha lagu Cadaabo Maalinta Qiyaame waxaa ka mid ah Geed Naarta ka Dhex baxa oo la yiraahdo Zaqquum iyo Carunka jirkooda ka baxo iyo Biyo kulul oo oonka u sii kordhiya mar walba ay Cabaan.

 
Suurada 38aad Saad:

Suuradaan waxa la yiraahdaa Saad, waxa ayna la mid tahay Suurado baa Bilaawda Xuruufo sidaan oo kale ah. Suurada Saad waa Makiyah, Aayadaheeduna Tiro ahaan waa 88 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Qamar ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Bartamaha Dambe ee Juzka 23aad.

Macnaha Guud ee Suurada Saad:

Suuradaan waa Makiyah waxa ay ku Manhaj tahay Suuradaha Mako kusoo Dagtay, oo waxa ay Xooga Saarta Caqiidada Arimaha Quseeya sida Suurada ka Horeysay oo kale.
Suuradaan waxa ay Muujisaa Muhiimada ay leedahay dacwada in laga Bilaabo Kalimada Toowxiidka, sidaba Nabiga uu uga Bilaabi jiray, waxaa kaloo Suurada Muujisaa kuwa Shirkiga Aaaminsan in aysan jirin in ay Maqlaan kalimadaas.
 
Suurada 39aad Az-Zumar:

Suuradan waxaa lagu Magcaabaa AZ-Zumar, oo waxa ay xasuusin u tahay Laba Koox oo mid walba Jiho gaara loo Kaxeyn Doono, Koox waa kuwa Liibay waa Ahlu Janada waxaa ay Janada Aadaan Aayagoo Koox ah markaas ayaa waxaey Tagaan janadii oo u Diyaarsan oo Albaabaheedii usii Furan yihiin, Kooxna waa kuwa Nasiib Xumo ku Dhacday Waa Ahlu Naarka waxaana loo Kaxeeeyaa Dhanka Naarta ayadoo loo furo Marka ay yimaadaan Albaabkeeda si Kuleylkeeda loogu Ciqaabo.

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah 52, 53, 54, Tiro haana Aayadaheedu waa 75 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Saba ka dib. Juz ahaana Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 23aad iyo Biloowga Juzka 24aad.
 
Macnaha Guud ee Suurada Az-Zumar:

Suurada waxa ay Xooga Saartaa caqiidada Toowxiidka weliba waxaa la dhihi karaa Suuradan waxaey kala gaar tahay Suuradaha kale in Gabi ahaan ay ku Kooban tahay Toowxiidka ka Hadlidiisa, Maxaa yeeelay Toowxiidka Waa Asalka Iimaanka, waa Aasaaska caqiidada Saxiixa ah, camalka Ruuxana lama Aqbalo Haduusan ikhlaas (Mid Allaah kaliya loo Sameeyay) aheyn.
 
Suurada 40 aad Ghaafir:

Suuradaan waxa loogu Magac Daray mid ka mid ah Sifooyin uu Aalaah Gooni u leeyahay oo ah inuu yahay Dembi Dhaafe, waxaana Suurada ay soo Celcelisaa magacaas Ghaafir marar badan sida Marka uu Muminka Reer Fircoon ka Dhashay Waaniya Tolkiisa Gaalada ah. oo uu leeyahay Waxaan Idinkugu yeerayaa inaad Caabudaan Alle Caziiz ah oo Ghafaar ah.
Suurada waa Makiyah, marka laga Reebo Aayadaha 56 iyo 57, Tiro ahaan Aayadaheeduna waa 85 Aayadood, waxa aynasoo Dagatay Suurada Az-Zumar ka dib.waxa ayna kaga Beegan tahay Musxafka Kaloobarka Juzka 24aad.

 
Macnaha Guuad ee Suurada Ghaafir:

Suurada maadaama ay Makiyah tahay waa waxaa caadi ah in ay aad wax uga Sheegto Umuuraha Caqiidada Quseeya, si gaar ahna waxay Suuradaan Soo Bandhigtaa Hardanka ka Dhaxeeya kuwa Xaqa Aaminsan iyo Ahlu Baadilka, ama hadii aan si kale u iraahdo Kuwa Hanuunsan ee Ahlu Towxiidka ah iyo kuwa Dhunsan ee Shirkiga, sidaa Darteed ayaa Jawiga Guud ee Suurada waxaa uu Muujinayaa xaalad Coleytan iyo Dagaal Culus oo ka Dhexeeya labada Dhinac, waxeyna Suurada soo bandhigtaa Mustaqbal Xumida kuwa Toowxiidka ka Dhunsan u Dambeyn Doonta.

 
Suurada 41aad Fussilat:

Suuradan waxaa loo yaqaan Fussilat, oo Macnaheedu yahay kala Saarsaar, Maxa yeelay Suuradaan waxa ay kala saarsaartay Aayadaha, Daliilada tusiya Awooda Alle (Cw) iyo Abuurkiisa Qurax badn ee Koonka, kaas Cadeynaya inuu yahay Koon hal Maamul iyo hal Nidaam ku Socda, si aysan Xujo u helin kuwa Caabuda wax ka Mid ah Uunka Alle (Cw) uu ku Dhex Abuuray Koonka.

Suuradan Fussilat waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedana waa 54 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Ghaafir ka dib, waxaa ay Juz ahaan kaga Beegan tahay Musxafka Dhamaadka Juzka 24aad iyo Biloowga hore.

 
Macnaha Guud ee Suurada Fussilat:

Suuradan Maadama ay Mako kusoo Dagatay Dhinacyado kala Duwan oo Caqiidada Islaamka Quseeya sida Toowxiidka, Risaalada nabi Muxamad, Soo Bixinta iyo Abaal marka Maalinta Qiyaame jira.

 
Suurada 42aad Ash-Shuuraa:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Ash-Shuuraa, oo Macnaheedu yahay (Tashi) si Muslimiinta loo dareensiiyo Wadatashiga Qiimaha uu ku leeyahay Shareecada Islaamka, si ay Noloshooda uga Faaiideystaan Dhaqankaas wanaagsan.
Suuradan waa Makiyah marka laga Reebo Aayadaha kala ah 23, 24, 25, 27, Guud ahaan tirada Aayadaheedu waa 53 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Fussilat ka dib, Juz ahaana waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 25aad.

 
Macnaha Guud ee Suurada Ash-Shuuraa:

Suuradaan waxa ay Guud ahaan Xaga Manhajka kala Mid tahay Suuradaha Mako kusoo Dagatay oo dhan, gaar ahaana waxey si gaar ah ula mid tahay Suurada Fussilat ee ka Sareysa.

Q: 14aad.

 
Suurada 43aad Az-Zukhruf:

Suuradaan waxaa Loogu Magac daray Az-Zukhruf oo Macnaheedu yahay (Dhaldhalaal) maadama ay Suurada Aduunyada iyo Raaxada Dhax taala ku Shabahday Dhaldhalaal Been ah oo lagu Dagmo. Suurada Makiyah marka laga Reebo Aayada 54aad, Ayadaheeduna waa 88 Ayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Fussilat ka Dib, Juz ahaana waxa ay ku Beegan tahay Bartamaha Juzka 25aad.

 
Macnaha Guud ee Suurada Az-Zukhruf:

Suuradan waxa ay kula mid tahay Suuradaha Makah ku soo Dagtay Manhajka, oo waxa ay ka hadashaa Arimaha Caqiidada sida, In la Rumeeyo kalinimada Alle (Cw),Rumeynta Risaalada Nabi Muxamad iyo Soobixinta iyo Abaal marka Maalinta Qiyaame.

 
Suurada 44aad Ad-Dukhaan:

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Ad-Dukhaan, oo Macnaheedu yahay (Qaac) si ay Xasuus ugu Noqoto Abaartii ku Dhufatay Mushrikiintii Makah ee ka Dhalatay Beenintii ay Nabiga Beeniyeen, ka Dibna waxaa dantu ku Qasabtay in ay Rasuulka (Scw) u tagaan oo yiraahdaan Alle (Cw) noo bari si Abaartan nooga Kacdo, markii uu Allaah (Cw) Baryayna waa laga Dulqaaday Abaartii Walow aysan ku waansamin.

Suurada waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 59 Ayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Az-Zukhruf ka dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Juzka 25aad Qeybta Bartamaha ka dib ah.

 
Macnaha Guud ee Suurada Ad-Dukhaan:

Suuradan waxa ay la Mid tahy Kuwii ka Horeyay Xaga Manhajka, Suurada waxa ay Xoogaa Saartaa Qaar ka mid ah Calaamadaha la arki Doono Marka Saacada Qiyaamaha Dhici Doonto, waxaana Suurada u Goodisay kuwii Abaarta Alle uu ka Dul Qaaday Markii uu Nabiga Baryay, waxaana la leeyahay waxaa la gaari Doono maalinta Qiyaame oo Abaal markiina aad heli Doontaan.
 
Suurada 46aad Al-Jaathiyah:

Suuradaan waxa ay Xasuusin u tahay Magceeda Xaalad Adag oo Qabsan Doonta dadka Marka la gaaro Maalinta Qiyaamaha, Maalinkaas Quraanka waxaa uu ku Tilmaamay in Xaalado Badn la mari Doono Magacyo Badana waa uu u Bixiyay marka loo Fiiriyo Xalaadaha ka jira Badnidooda Darteed.

Suuradan Al-Jaathiyah waa makiyah marka laga Reebo Aayada 14aad, Aayadaheeduna Tiro ahaan waa 37 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Ad-Dukhaan ka dib, Musxafka waxa ay Suuradaan kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 25aad.

 
Macnaha Guud ee Suurada Al-Jaathiyah:

Suuradaan waa Makiyah, waxa ayna si Baahsan uga Hadahashaa Caqiidada Islaamka, sida Iimaanka Alle Kalinimadiisa, Rumeynta Nabiga Suuban Risaaladiisa in ay tahay tii Risaalooyinka ugu Dambeysay iyo Rumeynta Maalinata Qiyaamaha, waxa ayna Suurada Xujooyin iyo Daliilo Cadcad u keentaa Alle (Cw) Kali ahaanshahiisa.

 
Suurada 46aad Al-Axqaaf:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Axqaaf oo ah deegaan ku yaalay Dhulka yaman oo ay ku Noolaan jireen Reer Caad oo ahaa Qoomkii loo soo Diray Nabi Huud si ay Xasuusin u ahaato Cadaabkii ku Dhacay Reer Caad Markii ay Kibir iyo Isla weynin kala Horyimaadeen Nabigoodii.
Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha Nambarkoodu kala yahay 10, 15, 35, Tirada Aayadaheeduna waa 35 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Al-Jaathiyah ka dib, waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 25aad iyo Bilooga Juzka 26aad.
 
Macnaha Guud ee Suurada Al-Axqaaf:

Suuradan waxa ay Guud ahaan ka Hadashaa ASalada Diinta Islaamka sida Toowxiidka, Rumeynta Risaalada Rabi (Cw) iyo Soo Bixinta Geerida ka dib ah Maalinta Qiyaame.
 
Suurada 47aad Muxamad:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Muxamad, Maadaama Aayada ugu Dambeysa ku Xusan tahay Magaca Nabi Muxamad (Scw). Waxaana Xasuusin mudan Magaca Nabi Muxamad Quraanka waxaa uu ku soo Arooray 4 jeer, halka Nabiyada kale Magacyadooda iyo Amaantoodu uu Xusay Marar Fara Badan, arintaas oo Tuseysa in Quraankan uusan aheyn wax uu Nabiga Naf ahaantiisa Alifay, waayo waxaa sahlan qof Haduuba Amaanayo Dad inuu Isaga Aamaantiisa ugu Badiyo kana Bilaabo Amaantiisa mid kasta ka hor.
Suuradan waa Madaniyah marka laga Rebo Aayada 13aad taasoo kusoo Dagatay Wadada u dhaxeysa Makah iyo Madiinah intii lagu jiray Socodkii Hirada , Aayadaheeduna waa 38 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-xadiid ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 25aad.

 
Macnaha Guud ee Suurada Muxamad:

Suuradan Maadaama ay madiina ku soo Dagatay waxa ay ka hadhashaa Sharciga Arimaha Quseeya sida Sharciyada dagaalka, ku Maxaabiista, Xoolaha dagaalka lagu Furto iyo Dhaqanka Munaafiqiinta si ay Muslimiinta uga Digtoonaadaan Dhagartooda, suurada waxaa la dhihi karaa Guud ahaan waxa ay Xooga si gaar ah u Saartaa Jihaadka Daiinta Alle dartiis loo Jihaado.
 
Suurada 48aad Al-Fatxi:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Fatxi, taasoo aheyd Bishaaro Muslimiinta ku socotay taasoo ugusii Bishaareyneysay Guul ay Muslimiinta Magaalada makah ku Furan Doonaan.
Suuradan waxa ay kusoo Dagatay Magaalada Madiina, Cadadka aayadaheedu waa 29 aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Jumcah ka dib xili Muslimiinta ay kasoo laabteen Xudeybiyah markii laga Hor istagay in ay Cimreestaan.
 
Macnaha Guud ee Suurada Al-fatxi:

Suuradan waxay ka Hadashaa Sharciyada sidaba lagu yaqaan suurada Magaalada madiina ku soo dagtay kuwaas oo ka hadla Cibaadaadka Aaadaabta iyo Baraarujin Guud oo ku socota Muslimiinta.
 
Fadliga Suurad Al-Fatxi:

Suuradaan waxaa Fadli ugu Filan in ay soo dagatay si ay ugu Bishaareyso Muslimiinta oo aad uga Muragsanaa in laga hor joogsaday Cimradii Xudeybiyah, Suuradan waxa ay Muslimiinta Laabta ugu qaboojisay Heshiiskii ay lagaleen Mushrikiintii makah inuu Miro Dhali Doono oo Maslaxad Muslimiinta ugu jirto, Sababna u Noqon Doono in ay Makah Furtaan, waloow Heshiiska u muuqday inuu Dan iyo Maslaxad gaar ah u yahay Mushrikiinta Makah Joogtay Markaas.

Q:15aad:

 Suurada 49aad Al-Xujuraat:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Xujuraat, Madaama uu Allaah (Cw) kusoo Hadal Qaaday Guryihii Nabiga Suubanaa (Scw)

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 18 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mujaadalah ka dib. Juz ahaana Musxafka wxa ay kaga Beegan tahay Bartaamaha Juzka 26aad. 

Suuradan waxaa Xasuusin Mudan Magaca Muminiinta Naado ku socota ayaa Hal qabsi u ah Mar walba oo ay Xaq Muslmiinta looga Baahan yahay Tilmaameyso, arintaas oo ah Baraarujin ku Socta Dadka Muslimiinta in ay Dhagaha u Raariciyaan fariinta kaga timid Xaga Rabigood Nazahnaaye. 

Macanaha Guud ee Suurada Al-Xujuraat:

Suuradan waxaa ay Dadka Muslimiinta ah bartay Xuquuqaha ay Waajibka tahay in la ilaaliyo iyo Sida Xuquuqahaas u kala Weyn yihiin, isla markaana waxa ay Suuradaan Muslimiinta ku Baraarujisay Waxyaabaha wax u Dhimi kara Xuquuqaha amaba Keeni kara in la Dhowri waayo.

Suuradan Xuquuqaha waxa ay u kala Qeybisan Sadax Qeybood:

A- Xuquuq uu Alle (Cw) leeyahay.

B- Xuquuq uu Nabi Muxamad (Scw) leeyahay.

C- Xuquuq ay Muslimiinta Dhexdooda isku leeyihiin.

 

Xuuqahaas u hadii aan u kala qaado laba Qeybood si aan usoo kobo, qeybta hore waxaan kusoo qaadi doonaa Xuquuqaha ay leeyihiin Alle iyo Rasuulkiisa

1-     Waxaa Dadka Muslimiinta ah ku waajib ah in aysan kala hor imaan Hadal ama Ficil Khilaafsan Hadalka Alle (Cw) iyo kan Rasuulka (Scw).

2-     Waxaa uu Allaah Muslmiinta ku Farayaa si ay Xaqaas ula yimaadaan waa in Alle (Cw) ka Cabsadaan, taasoo mcanaheedu yahay in aysan Muslmiinta ka Muuqan meel uu Allaah (Cw)ka reebay ama aanan laga weyn Meel la amray in ay ka Muuqadaan.

3-     Waxaa uu Allaah(Cw) Muslmiinta Xasuusinayaa in uu Ogyahay Xaladahooda oo dhan wax ka Qarsoonna aysan Jirin, taasoo Macnaheedu yahay Alle inuu ogyahay Cid walba ee Hadal Dad ka hor Marisa Hadalka Alle (Cw) iyo kan Rasuulka (Scw).

4-     Waxaan Suuradaan lagu Amray Muslmiinta in aysan Nabiga Agtiisa Codka kor ugu Qaadin, taasna waa Haduu Nolaana ma Banaaneyn Haduu Dhintayna waxaa Reeban in Qabrigiisa agtiisa lagu Dul Qeyliyo, Maxaa yeelay Xormada Nabi Muxamad (Scw) uu lahaa markuu Noolaa Mid la mid ah ayuu leeyahay Haduu Geeriyooday ka dibna, Sidaa darteed hadalkiisa lagasoo Guuriyay intuu Noolaa waxaa Xormad ahaan leeyahay Hadlkiisii Markii uu Nolaa oo kale, arintaas waxaa macnaheedu Noqonayaa in Axaadiista Nabiga (Scw) lagasoo Wariyay ee Kutubada Axaadiista ku Qoran marka Ruuxa Muslimka ah Maqlo ayadoo la aqrinayo inuu u Xushmeeyo sidii u Xushmeyn lahaa Nabiga Suuban oo Hortiisa taagan oo kale (Scw).

5-     Waxaana Sidoo Suuradan ay Fareysaa Muslimiinta in aysan Nabiga (Scw) ugu Naadin sida ay ayaga marka ay isu yeerayaan isugu Naadiyaan oo kale sida in la yiraahdo Muxamadow ama Axmadoow, laakiin waxaa loo Baahanyahay in la yiraahdo Rasuulkii Alle Nabigii Alle iwm.

6-     Suuradan waxey ugu Digeysaa kuwa aanan Sidaas u Xaq Dhowrin Xuquuqaha la faray in ay Dhici karto Camalkoodu inuu Buro ayagoo ismoog.

7-     Suurada waxa ay aad ugu Bogaadineysaa kuwa Dhowra Aadaabta lagu ilaaliyo Xuquuhaas kor ku Xusan, waxa ayna ku tilmaantay in qalbigoodu Xumaan oo dhan laga Daahiriyay oo Iimaan uu ku jiro.

8-     Suuradan kuwa aan Adaabta Xuquuqhaas lagu Dhowraya la imaan waxa ay ku tilmaantay kuwa aan Garaad laheyn.

Suurada waxaa ay sidoo kale dadka Muslmiintaa ku Baraarujisaa Adaabo Muhiim u ah sidii ay Xuquuqda u Dhaxeysa u Dhowri lahaayeen, Xuquuqahaasna waxaa ka mid ah kuwan Soo Socda:

1-     Suuradaan waxa ay Muslimiinta Fartay in Warka soo Gaara Hubsadaan oo aysan wax walba oo ay Maqlaan la Boodin ama Xukun iyo Go’aan lagu Saleyn ilaa la Hubsado maahane, si aysan Shalayto uga Imaan, hadii anan la ilaalin arintaas waxaa Muslimiinta Dhexdooda ka Dhalanaya Khilaaf iyo Dhibaatooyin.

2-     Waxaa ka loo Suurada Dadka fareysaa in laga Fogoodo Kufriga, (Gaalnimada) Fisqiga, iyo Caasinta, waxa ayna Dadka ku Boorineysaa Hanuunka iyo Toosnaanta isla markaana in laga Digtoonaado Isla Qumanaanta, maxaa yeelay Qof Tusaale ahaan Haduu Hanuun iyo wanaag ku Socdo waa inuusan Isla Qumanaan ee waa inuu Alle (Cw) uga magad Celiyo kuna Mahadiyo wanaaga uu u Hibeeyay, Isla qumanaanta sababta looga Digayana waa in aysan Dadka Muslimiinta ku Abuurin Isnaceyb iyo Xumaan Dhexdooda timaada.

3-     Suuradan waxaa ka mid ah Fariinta ay Muslimiinta u Xambaarsan tahay in ay ka Digtoonaadaan Dagaal inuu ka Dhex Dhaco, hadii ay Dhacdana inay Dagaalamaan dad Muslmiinta ka mid waxaa looga Baahan in ay ku Dhex Baxaan oo kala Maslaxaan, Hadii Koox Nabada Aqbasho Tan kalana  Diido oo ay Dagaalka si Gardaraa usii wadana waxaa la Amray in ay la Dagaalamaan tan Diida Heshiiska ee gardarada dagaalka u Hurineysa.

4-     Waxaana Allaah Muslmiinta faray in ay si Cdaalad ah u Dhex dhaxaadiyaan , waxuuna Alle (Cw) Sheegay inuu Jecal yahay kuwa Cadaalada Sameeya.

5-     Suuradan waxaa kale oo ay Muslmiinta u tilmaameysaa in Muslimiintu Walaalo yihiin, walaalnimada Diinta ku dhisan waa Mida uusan Marna Goeyn Xeriirkeeda Aduunka inta la Joogo iyo Maalinta Qiyaamaba.

6-     Suuradan waxa ay Muslmiinta fareysaa si wadajirkooda iyo Isjaceylkooda loo ilaaliyo waa in aysan Muslimiinta Qaarkood Qaarka kale Yasin hadey Rag yihiin waa inaysan Raga kale Yasin , hadey Dumar yihiina Dumarka waa inaysan Dumarka kale yasin, waayo waxaa Dhici karta kuwa la yasayaa in ay Kheyr badan yihiin kuwa wax yasaya.

7-     Suuradan waxey kaloo Muslimiinta Fareysaa in aysan Muslmiinta Magacyo Xun xun isugu yeerin, maxaa yeelay Qofkii Ceebeeya Ruux kale oo Muslim ah waa Ruux naftiisa Ceebeeyay, sidoo kalana Ceebeynta waxaa la mid ah Lacnada Ridada iyo Nifaaqa in lagu Sheego Muslmiinta.

8-     Waxaana Suurada Cadeyneysaa Dadka Caadooyinkaas kala geeya Muslmiinta la yimaada in ay Faasiqiin yihiin.

9-     Suuradan waxaa kaloo Muslimiinta Fareysaa in ay ka Digtoonaadaan Malaha Xun ee Qaarba Qaarka kale laabta ugu Qaadaan, maxaa yeelay waxa ay taas Meesha ka Saareysaa in ay Dad Muslimiintaa ahaadaan Dad Isjecel oo Walaalo ah.

10- Waxaa kaloo Suuradan Muslimiinta Fareysaa in aysan Is Jaajuusin oo aysan ka Shaqeynin waxa kala geynaya Muslmiinta.

11- Suuradan waxay sidoo kale Reebtaa in Muslmiinta Isxantaan oo wax Xun kala Sheegaan, waxaa uuna Allaah (Cw) kan Dadka xanta ku Sheegay inuu la mid yahay mid Cunaya Hilibka Walaalkiis Muslimka ah asagoo Meyd ah, taasoo macnaheedu yahay Xantu in ay tahay wax Xun oo Dhibaato ku keenaya Wadjirka iyo Isjaceylka Muslmiinta.

12- Sadaxdaan Qodob ee u Dambeeya ee kala ah Jaajuusnimada, Aflagaadeynta iyo Xanta, waxay Cadeyn u tahay Qur’aankan inuu ka yimid Xaga Alle (Cw) Maxaa yeelay Sadaxdaan Arin waa sida ay Xumaanta iyo Dhibaata ku Bilaabato kuna Balaarato dadkana ku Dhaliya Isnaceybka iyo Xumaanta Dhex timaada.

13- Waxaa Suurada Tilmaameysaa Dadku inuu Siman yahay Dhamaan xaga Abuurka oo ay kasoo wada Jeedaan Aadam iyo Xaawo, hase yeeshee in ay u kala Farcamaan Qabiilo iyo Shucuub kala Duwan si ay isu Aqoonsadaan, Taasna macnaheedu waa in aysan dadka ku kala Fiicneyn wadamada iyo Qabiilada iyo Shucuubta ay kasoo kala jeedaan.

14- Suuradan waxay Muslmiinta Bartaa waxa Dadka ku kala sareyn karaan in ay tahay sida Hadba Cabsida Alle (Cw) ugu kala Sareeyaan.

15- Waxey Suurada Dadka Bareysaa Tilmaamha uu leeyahay Muminka Xaqa ah, waxaana ka mid ah Tilmaamahaas in uu la yimaado Iimaan aan Shaki ku jirin, iyo inuu Naftiisa iyo Maalkiisa Jidka Alle (Cw) ugu Jihaado.

Hadii aan soo koobo Suuradan waxa ay Dadka muslmiinta ah Bareysa Waajibaadka Saaran iyo Sida ay u kala horeeyaan, waxa ayna uga digeysaa wax kasta oo wax u Dhimi kara Umad ahaan dadka Muslimiinta ah Midnimadooda.

Marka waxaan ugu yeerayaa Dhamaan walaalaha Ducaada ah iyo Culimada in ay aad dadka ugu Baraarujiyaan sidii loo joojin lahaa Dhiiga Maalin walba Gardarada uga Dadanaya Wadanka Soomaliya.

Q: 16aad:

Suurada 50aad Qaaf:

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo Aayada 38aad, Aayadaheeduna waa 45 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mursalaat ka Dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 26aad.

Macnaha Guud ee Suurada Qaaf:

Suuradan Qaaf waxa ay ka Hadashaa Asalada Caqiidada sida Rumeynta Toowxiidka, Rumeynta Risaalada Nabi Muxamad, iyo Rumeynta isi soo Bixinta Maalinta Qiyaame, waxa ayna si gaar ah Xooga u Saartaa Mowduuca Soo Noolaanshaha Geerida ka dib , suuradana waxay si Dadku Dareemi karaan usoo Bandhigtaa Muuqaal ahaan Qaabka Dadka usoo Bixi Doonaan Qiyaamaha Marka la gaaro iyo Dood kulul oo Dhex mari Doonta Ibliis Lacnadi haku Dhacdee iyo kuwa uu Duufsaday ee Diinta Islaamka ka leexday.  

Suurada 51aad:

Suuradan waa Makiyah, cadadka Aayadaheeduna waa 60 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Axqaaf ka dib, Juz ahaana Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 26aad iyo Biloowga Juzka 27aad. 

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhuur :

Suuradan waxa ay Xooga Saartaa Dhismaha Tiirarka Iimaanka, waxayna Dadka Indhahooda u leexisaa in ay Fiiriyaan Awooda Allaah (Cw) uu leeyahay weynideeda siay Nafta dadka ugu BeertoIimaan suag iyo Alle ka Cabsi. 

Suurada 52aad Adh-Dhuur :

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Magaca Magaca ah Adh-Dhuur oo ah Magacii Buurkii uu Allaah kulka Hadlay Nabi Muuse, Maadama uu yahay Buur Barakeysan.

Suuradan Adh-Dhuur waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 49 Aayadood,, waxa ayna soo Dagatay Suurada As-Sajdah ka dib, waxayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga hore ee Juzka 27aad. 

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhuur:

Suuradan waxa ay xaga Manhajka kala Mid tahay Suuradii ka horeysay oo waxa ay Xooga Saartaa caqiidada Islaamka Tiirarkeeda Qaar ka Mid ah Toowxiidka, Risaalada iyo Soo Bixindda maalinta Qiyaame si leysu Abaal Mariyo. 

Fadliga Suurada Ah-Dhuur:

Suuradan waxaa ay ka Mid ayeyd Suuradaha uu Nabiga ku Tukado salaadaha inta badan gaar ahaan salaada maghribka, waxaana Dhacday mar nabiga Suuban oo Salaad Maghrib ku Tukaday Suuradan, waxaana maqlay Jubeyr Ibnu Mudhcim nin la yiraahdo oo Markaas ahaa Gaal Mushrik ah, waxaana ay Laabtiisa ku Reebtay Xusuus weyn iyo inuu Waansamo, mudo ka dib markii dib ayuu Islaamay waxaa uuna Sheegay Markii Maalintaas maqlay Suurada Adh Dhuur  inuu Qalbigiisu ku Dhawaaday inuu Duulo Saameynta Maqalka Suurada ku yeelatay darteed. 

Suurada 53aad An-Najmi:

Suuradan An-Najmi waa Makiyah, Aayadaheeduna waa 62 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suura AL-Ikhlaas ka Dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Biloowga dambe ee Juxuzka 27aad. 

Macnaha Guud ee Suurada An-Najmi:

Suuradan waxa ay aad Xooga u Saartaa Mowduuc ahaan Caqiiqadad Gaar ahaana Risaalada Nabi Muxamad Dhab ahaan shaheeda in ay Sugto iyo Soo Bixinta Qiyaamaha Marka la gaaro si Qof walba loo Abaal mariyo. 

Suurada 54aad  Al-Qamar:

Suuradan waxaa loogu madaray Al-qamar si ay u waartto Mucjizadii Alle (Cw) uu siiyay Nabigiissa Muxamad ah (Scw).

Suurada waa Makiyah Aayadaheeduna waa 55 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Adhaariq ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta hore ee Juzka 27aad. 

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qamar:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa Asalada Caqiidada islaamka Biloowgeeda ilaa Dhamaadkeeda, waxa ayna Duulaan weyn ku tahay kuwa Quraanka Beeniya, Suuradana waxay ku Socotaa Nidaam ah Handaado, Goodiyo iyo Digniino ku socda Mucaanidta Quraanka diidan ayadoo soo bandhigta cadaabka sugaya Nooca uu yahay iyo sida Xaalada Aduunka noqon Doonto mara saacada Qiyaamaha Dhaceyso. 

Suurada 55aad Ar-Raxmaam:

Suuradan waa Madaniyah,  Aayadaheeduna waa 78 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Ar-Racad ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Qeybta labaad ee juzka27aad. 

Macnaha Guud ee Suurada Ar-Raxmaan:

Suuradan waxa ay si gaar ah uga hadashaa Awooda Alle iyo Nimcmooyinka uu ku Galadeystay Jini iyo Insiba, waxayna Suurada xasuusin u tahay Labdan koox in ay ku Fekeraan Nicmooyinkaas, sidoo kalna waxaey Suurada si gaar ah usoo Bandhigtaa Muuqaalka Qurux badan ee Janad iyo Noocyada kala Duwan ee Nicmooyinka ah ee lagu Dhex diyaariyay si Nafta ay Hiloow iyo dadaal ugu Beerto. 

Suurada 56aad  Al-waaqicah:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Waaqicah si ay dadka u Xasuusiso uguna Xaqiijiso Dhictaanka saacada Qiyaamaha.

Suuradan waa Makiyah, Aayadaheeduna waa 96 Aayadood, waxa ayna Soo Dagatay Suurada Dhaahaa ka dib, Muusxafkana wa ay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta labaad ee Juzka 27aad. 

Macnaha Guud ee Suurada Al-Waaqicah:

Suuradan waxa ay tilmaantaa Dhibaatooyinka Dhici Doona marka la Gaaro Waqtiga ay Dhaceyso Saacada Qiyaamaha iyo Dadka Qeybaha ay u kala Bixi Doonaan Maalinta Qiyaamaha, waxayna Dadka ukla Saartaa Sadax Qeybood oo kala ah: Asxaabta Midigta, Asxaabta Bidixda iyo Kooxda Saabiqiinta loo yaqaan.

Sadax Qolo waxa ay u kala Qeybsamaan Laba Qeyb, Qeyta koowaad waxaa ku wada Jira Laba Qolo oo Ahlu Jano wada ah Waloow Saabiqiinta ay darajo sareeyaan, qeybta dambana waa Ahlu Naaarka oo Dhan Suuradan waxa ay ku magacaawday Qoloda Bidixda. 

Waxaana Xasuusin Mudan waxaa Badan Axaadiis Dadka qaar Fadli ahaan u Sheegaan marka Suuradan la Joogo, waloow aysan Sixadooda Sugneyn in badan oo ka mida.

W/Q: Cali Axmad

asadxg@hotmail.com

 

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sideen u Fahamnaa Quraanka?. Q:2aad.
  2. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?(Q; 3,4,5,6).
  3. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?(7,8,9,10).
  4. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?
  5. Sideen uugu diyaar garoobaa Ramadaanka?

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sideen u Fahamnaa Quraanka?. Q:2aad.
  2. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?(Q; 3,4,5,6).
  3. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?(7,8,9,10).
  4. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?
  5. Sideen uugu diyaar garoobaa Ramadaanka?

Latest Headlines