Culimo Waaweyn Ooy Ka Midyihiin Sh.Umal, Sh.Shibli & Sh.Craxmaan Sh.Cumar oo Bayaan Ka Soo Saaray Heshiiskii Dhexmaray Ururka UWSLF & Itoobiya

Published on August 26, 2010 by   ·   70 Comments   ·   print

Bayaan ay ku saxiixanyihiin Culimo waaweyn oo ay ka mid yihii Sh. Umal, Sh.Shibli iyo Craxmaan Sheekh Cumar ooy ka soo saareen Heshiiskii dhexmaray Ururka UWSLF iyo Itoobiya ayaa Nuqul ka mida la soo gaarsiiyay Shabakadda Somalimirror wuxuuna u qornaa sidan;

Qodobada qoraalka:

1. Maxaa nagu bixiyay maqaalkan?
2. Hordhac lagama maarmaan ah
3. Maxaan ka qabnaa heshiiska?
4. Maxaan ku dhisnay soo dhaweenta heshiiska?
5. Maxaan ka qabnaa qodobada heshiiska?
6. Xukunka raggii heshiiska galay?
7. Talooyin.

Culimada Qoraalka soo saartay

1. Sh. Maxamed Macallin Cabdi Umal.
2. Sh. Maxamud Sh. Maxamed Shibli.
3. Sh. Maxamed Shaafici Khaliif.
4. Sh Cabdiraxman Sh Cumar.
5. Sh. Xasan Ashkir Ibraahim.

Maxaa nagu bixiyay maqaalkan?

Waayahan danbe waxaa si balaadhan warbaahintu u qaadaadhigaysay heshiiskii ay jabhadda ( UWSLF) la gashay dowladda Ethiopia, ayadoo aragtiyo kala gadisan laga qaatay.

Waxaase xusid mudan in culimo aan kamid nahay magacyadooda warbaahinta laga xusay, ayagoo loo tiirinayo dushana laga saarayo waxyaaba aysan waxba ka ogayn & mawaaqif aysan lahayn ayagu.

Arintaasi markay dhacday dhowr goorna ay soo noqotay kadib ayaa waxaa qasab noqotay inaan cadeynno xaqiiqada jirta & sida ay wax u dhaceen.

Hordhac lagama maarmaan ah

Waxaan jecelnahay inaan marka hore caddeynno in annaga oo ah culimada ku saxiixan bayaankan aannan waxba kala soconin, tashina nalaga galinnin heshiiska xabbad joojinta markii lagalayay, balse waxaa nala soo gaadhsiiyay markii lagu kala tagey dhaqan galentiisuna billaabatay kadib.

Sidoo kale nalooma keenin mana aannan akhriyin qodobada heshiiska intaan lasaxiixin, balse wuxuu nuqulka qodobada heshiisku nasoo gaadhay markii lagu kalatagay xafladii saxiixa kadib.

Maxaan ka qabnaa heshiiska?

Markay xabad joojintu soo baxday, si rasmi ahna loogu dhawaaqay, ayna muuqatay in loo socdo heshiis dhamaystiran oo lala galayo dowladda Itoobiya, si taxadar leh ayaan usoo dhawaynnay arinkaas guud ahaan.
Maxaan ku dhisnay soo dhaweynta heshiiska?

Soo dhawaynta heshiiska ladamacsanyahay balse aan wali qodobadiisu soo shaacbixin waxaan u cuskannay oo aan ku dhisnnay laba qodob oo lagama maarmaan u ah arin kasta oo miisaanka sharciga la saarayo, waana kuwan:

A ) waaqica xogtiisa

Cid kasta oo si dhab ah uga warhaysay waqtiyadii dambe xaaladda jabhadda & dadwaynaha gobolka daga ee muslimka ah, waxaa qasab ah inuu wax badan ka ogyahay xaqiiqadan hoos ku qoran:

1) Jabhaddu muddo dheer ayay dagaal kusoo jirtay, Dagaalkaa oo aan dhul lagu qabsanin, dacwo iyo diin faaftana aan waxba ku kordhinin.

2) Markii maskax fayow oo cilmi leh lagu fiiriyo natiijadii dagaalka waqtiga dheer socday iyo duruufaha hadda ku xeeran wuxuu malahiisu u badanayaa inuusan xaalku wax ka soo raynaya u muuqanin.

3) Bulshada muslimka ah ee dagan gobolkaa waxaa ku dhacay mudadii dagaalku socday dib dhac wayn oo dhanka diinta iyo aduunyaba leh, oo waxaa faafay jahli iyo afkaar ka horjeedda tawxiidka iyo sunnada, maadaama culimadii iyo ducaadii laga dhexsaaray magaalooyinkii ay bulshadu daganayd, taasoo fursad siisay afkaartii khaldanayd iyo jahli aan caadi ahayn.

B) Usuusha shareecada

Arinta markii la saaro miisaanka shareecada, lagana daayo xamaasadda iyo ficiltanka aan miisaannayn ee miithaaliga ah, waxaa soo baxaya inay lagama maarmaan tahay in la tixgeliyo qawaaciddan sharciga ah ee hoos ku xusan:

1) Waxaa si cad ugu qeexan quranka & sunnada nabiga (S.C.W.) in gaalada dagaalku nagala dhexeeyo lala geli karo heshiis nabadeed, waa haddii ay maslaxada muslimiintu sidaa ku jirto.

2) Waxaa kale oo sugan inay dhici karto hadii ay duruufi keento in ayadoo qayb muslimiinta kamid ah dagaal kula jirto gaalo, qayb kalana uu heshiis dhexmari karo, waana masalada loo yaqaano (تجزؤ العهد) arintaana waxaa cadeeyay quraanka aayada (72) ee suuratul anfaal iyo sunnada sida ku cad qisada Abubasiir ee saxiixulbukhaariga ku timid, iyo qisada xudeefa iyo aabihii ee saxiixulmuslim ku timid.

3) Waxaa kale oo quraanka & sunnadu cadeeyeen in jihaadka hubaysani uu wasiilo u yahay jihaadka kalimada, (dacwada) & inuu tirtiro ama yareeyo shirkiga & in dadka diinta laga fitneeyo, sida uu Allaah yidhi (وَيَكُون الدِّين كُلُّهُ لله وَقَاتِلوهُم حَتى لا تَكُون فِتنَة)

4) Culimada aqoonta dheeraadka ah u leh cilmiga loo yaqaanno (علم المقاصد) sida سلطان العلماء العز بن عبد السلام iyo الإمام الشاطي iyo شيخ الإسلام ابن تيمية waxay cadeeyeen in hadii uu tasarufku ama wasiiladu xaqiijin waydo ujeedadii & maslaxadii loogu tala galay, ama nusqaamiso oo ay dhib u gaysato inaysan shareecada waafaqsanayn ayna lagama maarmaan tahay in la saxo. كل تصرف شرع لمقاصد بطل بفوات مقاصده أوبعضها) )( )

5) Sidaa darteed hadii jihaadka seeftu keeni waayo towxiidka iyo sunnada fiditaankooda, fitnada iyo shirkiguna inay bataan mooyee uusan waxba kadhimin, ma aha jihaadkaasi kii quraanku sheegay, sidaa darteedna wuxuu u baahan yahay in dib loo fiiriyo oo lagu noqdo sharciyadiisa.

6) Hadii ay mas’uuliinta jabhadda (UWSLF) iyo culimadoodu u cadaato in qorigii uusan xaqiijinnin maslaxadii shareecadu ugu talagashay, raja badanna aan laga qabin inuu hadda kadib wax soo kordhin doono, isla markaana laystuso inay kubadalan karaan jihaadkii kalimada & dacwada ee asalka ahaa, waa arin sharciga iyo caqliguba fahmi karaan mudnaanteedana leh.

Hadday masaladu sidaas tahay waxaa fiqhi darro lagu tilmaami karaa in la yidhaahdo ku soco jid loo badinayo in uusan keenaynnin guul dacwo iyo mid millatari toona, oo taa macnaheedu waxaa weeye waxba yaysan kuu badbaadin.

7) Waxaa lagama maarmaan ah in la ogaado qoriga & jihaadka hubaysani inaysan ka hoos baxsanayn miisaanka wayn ee axkaamta shareecada oo dhami ay hoos timaaddo loona yaqaanno ( قاعدة المصالح والمفاسد ), taasoo sheegaysa wax kasta oo dhibkiisa & mafaasidiisu kabadato dheeftiisa & maslaxadiisa inuu noqonayo xaaraam, xataa asalkiisu waajib ha ahaado markii hore( ) .

Sidaa darteed in larumeeyo oo lagu qanco in mar walba, xaalad walba & wakhti walba uu qorigu maslaxo yahay mafsado raajix ahna uusan marna yeelan Karin, waa nooc kamid ah waxay shareecadu u taqaanno ( الغلو فى الدين ) oo macnihiisu yahay xadgudub & kabad badis diineed.

Qawaaciddaa & kuwa lamid ah ayaan ku dhisnnay soo dhawanytii aan soo dhawaynnay heshiiska xabad joojinta & nabadda.

Kadib maxaa dhacay?

Waxay kadib – Xabad joojintaa aan sidaas ku soo dhawaynnay – jabhaddu billowaday inay isu diyaariso heshiiskii rasmiga ahaa, iyo qodobadiisa waxaanan markaa kula talinnay inay aad isaga ilaaliyaan intii suurto gal ah, wixii tanaasul ah ee kusaabsan diinta & arimaha aayaha u ah ummadda, wakhti kadib waxaa xigtay inaan codsannay nuqulka qodobada heshiiska intaan lasaxiixin si aan talo sharci ah ugu biirinno, wixii aan haboonaynna tala bixin uga gaysanno intii suuro gal ah, Laakiin nasiibdarro arintaasi masuuroobin, sidaa darteed waxba maannaan ka ogayn qodobada heshiiska ee lakala saxiixday intaysan banaanka usoo bixin.
Maxaan ka qabnaa qodobada heshiiska?

Waxaa lagama maarmaan ah in laka saaro labadan arimood.

1) Heshiiska guud ahaan & in hadii ay adkaatay in dagaal wax lagu keeno lagu badalan karo dacwo & jihaadka kalimada oo ah inta ay culimadu soo dhaweeyeen.

2) qodobada heshiiska oo markay soo baxeen kadib uun la ogaaday inay xambaarsanyihiin khaladaad waawaayn oo ay ahayd inaan la aqbalin asal ahaan.Waxaa noo muuqata in aysan adkayn in qodobada heshiiska badankood loo heli karo meelayn sharci ah markii lagu dhiso ( فقه حالة الإضطرار، وفقه الأقليات المسلمة ) ee aan lagu dhisin (فقه حالات الإختيار ).

3) Waxaa noola culus qodobada heshiiska inay jabhaddu ogolaato oo ay waafaqdo u hogaansanka dastuurka Ethiopia, iyo dhammaan qawaaniinta wadanka, sida ku cad qodobka (1)aad faraciisa (5)aad, waana waxyaabaha burin karaya islaamnimada, isla markaana keeni kara gaalnimo, arimaha sidaas oo kale ahna waxaa lageli karaa kaliya markay kugu timaaddo xaalad khaas ah oo shareecadu u taqaanno ( الإكراه الشرعي بشروطه المعتبرة), taas oo la isla ogol yahay, ama daruuro aan gaadhsiisnayn ikraah, sida ay qabaan culimada qaarkood ( ).

4) Waxaa baraarujinn mudan in la ogaado in masaladani tahay mid ka guda weyn qadiyadan oo xukunkeedu saamaynayo muslimiinta joogta dhamaan meelaha looga badan yahay ama looga awood roon yahay ( الأقليات المسلمة ) oo ay tahay qadiyad xukunkeeda ay wadaagayaan malaayiin muslimiin ah, waxaana soo galaya dhamaan arimahan soo socda: ( qawaaniinta oo la aqbalo in loo hogaansamo (si cad ama curfi ah), ama loo codeeyo inay hirgasho, ama la doorto xubinkii baarlamaan ee dajin lahaa, ama la qaato aqoonsiyada shardiga ay u tahay u hogaansanka qawaaniinta, iwm ).

Intaan ognahay mushkiladan haysata muslimiinta ku nool meel kasta oo aan sharciga Allaah looga dhaqmin maannaan arag wax culima ah oo wadartooda ku gaalaysiiyay arimahaas, waxayna ku xanbaareen laba midkood:

1- In ay dadku yihiin Mukrahiin aan lahayn khiyaar kale.
2- In ay ku jiraan xaalad daruuro oo loogu cudurdaari karo.

Intaas oo dhan waxay keenaysaa in waxii isku mid ah lasiiyo xukun isku mid ah, asal ahaana ay wadaagaan waxii cudurdaar ah, oo ay khalad tahay in la kala farqiyo sabab la’aan.
Xukunka raggii heshiiska galay?

Waxaa noo suurto gashay inaan walaalaha waydiinno waxa ku kalifay inay arintaa aqbalaan oo ay saxiixaan, waxayna noogu jawaabeen inay isku qanciyeen in uusan u furnayn khiyaarka diidadu, oo ay ku qasbanaayeen (مكرهين) haysatayna xaalad ay rukhso u heli karaan inay saxiixaan qodobka ku saabsan dastuurka iyo qawaaniinta Itoobiya, ayna tahay sidii Allaah yidhi: { مَن كَفَرَ بِالله مِن بَعدِ إيمانِهِ إلا مَن اُكْرِهَ وَقلبُه مُطمَئِن بِالإيمان}iyo {إلا أن تتقوا منهم تقاة }

Waxaa kale oo ay isku qanciyeen in ummad dhowr milyan ah badbaadinteedu ay tahay daruuro loo geli karo arintaan oo kale.

In kastoo dhinacyada qaarkood aan kaga aragti gadisanahay, hadana labadaas arrimoodba waa wax lagu kala aragti duwanaan karo, laakiin waxaa dooddaa walaalaha na dhexmartay nooga soo baxday inay ahaayeen muta’awiliin (متأولين) wax ku dhisay labadan arimood:

1) In daruurada aan ikraaha gaadhsiisnayn gaalnimo loogu dhawaaqi karo.
2) In xaaladda ay ku sugnaayeen noqon karto ikraahii shareecadu sheegtay.

Waxaa kale oo aan shaki kujirin in labada mas’alaba ay ka qarsoomi karaan in badan oo culimada kamid ah, iyo ardayda (طلبة العلم) caamada iskaba daaye, sidaa darteed waxaa khalad iyo xad gudub noola muuqda in la gaalaysiiyo ragga heshiiska galay lafahooda, (تكفيرالأعيان) oo riddo lagu xukumo, ayadoo ay caddahay inay ahaayeen muta’awiliin (متأولين ) ama markay ugu yartahay ay jirtay shubhatul ikraah ( شبهة الإكراه ) .( )
Waayo waxaa la ogyahay in mad-habka saxaabada iyo salafku uu ahaa inaan muta’awilka noocaas oo kale ah lagaalaynsiin Karin ilaa xujada lagu oogo shubhadana laga zuuliyo, inta ay shubha jirtana aan qofka xukun iyo xuduud lagula deg degin.(لاتكفير لأهل الخطأ في التأويل السائغ حتى تقام عليهم الحجة وتزال عنهم الشبهة ).

Waxaase ayadu xadgudub iyo ka badbadis (من الغلو) ah in lagaalaysiiyo cid kasta oo u fatwootay ama taageertay ama ku faraxday.

Talooyin:

Gabo gabada maqaalka waxaan jeclahay aniga iyo culimaduba inaan walaalaha u dardaaranno.

1) Inay walaaluhu laasimaan alle ka cabsiga iyo ilaalinta diinta iyo inay Allaah danbi dhaaf ka waydiistaan dhammaan wixii khaladaad ah ee dhacay.
2) Inay ujeedsadaan xoogana saaraan faafinta dacwada iyo towxiidka, ayagoo iska ilaalinaya wax
Kasta oo arintaa carqalad ku keeni kara, kana faa iidaystaan waaya aragnimada ay kadhaxleen mudadii dheerayd ee ay dagaalamayeen.
3) Inay ka fogaadaan siyaasadda wasakhaysan si aysan sumcadooda u dhaawicin kadibna dacwada dhib ugu gaysannin, kaalintooduna ay noqoto inay naseexo culimanimo & tala bixin ay siiyaan kolba ciddii ummadda taladeeda haysa.
4) Inay iska ilaaliyaan wax kasta oo keeni kara in loo adeegsado dagaal lala galayo dad muslimiin ah, gudaha ama dibadda dalka .
5) inay tallaabo kasta oo ay qaadanayaan hadda kadib aad looga fiirsada dhinacyo badanna laga daraaseeyo gaar ahaan dhanka sharciga:

Waxaa qoray/

1) Sh. Maxamed Macallin Cabdi Umal…………………………………….Date 21/08/2010
2) Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar…………………………………………. Date 21/08/2010
3) Sh. Maxamed Shaafici Khaliif…………………………………………….Date 21/08/2010
4) Sh Maxamuud Sh. Maxamed Shibli…………………………………….Date 21/08/2010
5) Sh. Xasan Ashkir Ibraahim……………………………………………….Date 21/08/2010



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (70)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    …………….culimooy dadkii waa wareeriseen…………….

    ……diis-tuur soomaali bay soo dhawayn doonaan markaasna way is burin doonaan mar kale
    ee u fiirsada muslimoooooow.

    mawqifkoodii shariifka waa la ogaa , haddana kii melizinaaw waa kuwaan hadda si fiican isu kashifay.

    WALLAAHU ACLAM

  2. Abuu Cabdullahi says:

    culumoy jazaakumullaahu kheyr
    laakiin waxaa aan u maleynayaa iney idinka hoos baxday ama aad u kasteen marba hadii aad sheegteen heshiiska qodobbo ka mid iney keenayaa gaalnimo maxaad ugu soo dari weyseen talooyinkiina in ey heshiiskii ka laabtaan UWSL isla markaana ka toobadan keenaan qeybta aad talooyinka ugu soo jeedineyseen ma ogi hadii adinka laftirkiinu aad lafihiina u baqdeen .

  3. Salax says:

    Asc walala yaal waxan ku talin laha in wax la barto hadii kale caqliga ayaa lagaga ciyaraya, mida kale dadka qaar waxey aamineyn in culimo qaldamin maalmo ka hor cumar faaruq wad ka war heysan macadal lahi kuwo ka yar yar ha ka hadlan farax macalinka kenya dasturka ku jira malin dhawey shibli wuxu laha wax jihad ah dunida kama jiran hadana jihadka aya dacwo lagu badalay aya lagu leyah waxa intas ka daran fiqhi muslinka dhulka u ku yar yahay waxa laga raba hijro ma ahan in galnimo lo sharciyeyo waxa kale oon layabay in la yirahdo muslinka qarna galada waa dagali kara qarna waa la heshin kara waliba dalil loo radiyo,horeyna waxad nogu shegten in hadi dhulmuslim galo qabsato jihad ka ceynobey hadi dadka dhulkas awood u laheyn musliminta dhan wajib ku noqoneyo waxa wax lagu qosla ah in la lido fahamka an koda ahey sida in lagu tilmamo dalabo ama caamo an waxba misamin waxas wa la yaqana mc salama

  4. BURAALE CARAALLE says:

    ASC.

    Wallaayaal Hadalka Culimaduna Waxaa uu Ku Cad Yahay Labo Arimood.

    1- IN Hadii Qolyahan Layiraahdo Camal Kufri aha Ayaad Ku Dhacdeen Ayna Khaas Ku Noqonaynin Waayo ONLF Ayaa HORAY Uqaadatay Dastuurka Markay Kilka Maamulayeen….!!! Marka Markaas ONLF Camal Kufri aha Ayay Ku Jireen Miyaaa….!!! Mida Kale Sheekha Iyo Culimada Kalaba Waxay tilmaameen In Qofkii Baasaboor {Sharci} qaataa, ama Dawlad Kuhos Nool Dastuurkeedu Khilaafsan Yahay Shareecada Islaamka Inuu Xukunkaas Soo Galayo- Xataa Sh. Umal Laftiisa oo Haysta Baasaboor KENYAN AHA

    2- IN UWSLF OO Culimo aha Ay Gashay Ijtihaad- Kasoo Laguna Saxmi Karo Laguna Khaldami Karo- Haday Khaldameena Ay Mu,awiliin Yihiin……!!!

    Laakiin Talada CULIMADU Soo Jeedisay Aad ayaan Ugu Bogay Waayo Qof Kastoo Muslim aha Khaladaad Badan ayuu Yeelanayaa, Waayo Maalin kastaaba Danbi Ayaan Dhamaanteen Ku Jirnaa, Saa Waaba Iyagoo Masiir Umadeed Wada oo Doonaya Inay Umadan Gumaysigu Dilooday Caqiidadiina Ka Fasahaaday Hagaajintooda Guda Galaan….!!!

    NOTE:- Waxaa Igu Maqaalo aha IN Culimadan Bayaanka Soo Saartay Lawaydiiyay ONLF Dagaalka ay Ku Jirtaa Majihaad baa Mise Lama Odhan Karo Jihaad….. Haday Arintaasi Jirto Waxaan Sugaynaa Fatwadaas, Si Guruub Walba oo Camal Umadeed Qabanaysa SHAREECADA Islaamka Loogu Miisaamo

    Wabilaahi Towfiiq

  5. tawdiiqda alloow na waafaji says:

    asc wr wb waxay ila tahay anigoo ah qof dumar ah in heshiiska u jeeddadiisu tahay in aysan shabaab ithopiya soo gelin ee kuwaan heshiiska qaatay derbi xabbadda la isaga dhigo laga sameysto yaan la is daalin wiilashaas yar yar ee koofurta ka dagaallamaya cid ka kheyr badan ma jirto iyagaana fahmay gaal iyo gaala taac waxay yihiin kuwaas ayaana soomaali galbeed insha allaah xoreyn doona iyo geeska afrika marka culumada adduunka jecelow dadka wareerka ka daaya waxaan oran lahaa in ay naga aamusaan wabillaahi tawfiiq

  6. duran ahmed says:

    asc w w w waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa bayaanka culimada waayo ilaahay wuxuu lee yahay fas,aluu ahla digri inkuntum laa laclamuun . waydiiya culimada waxii aad nan garanayn in shalaah ilaahay ha inagu anfaco waciya iyo waciidka waxaan kaloo ku talin lahaa maanta dadkeena diinteena iyo dalkeena badbaadin ayeey rabaan

    waxaana badbaadin kara culimada oo kaliya marka bilaahi calaykum maanta hala badbaadiyo aas aaska oo kala ah diin dad iyo dalka

    hana la dhameeyo si deg deg ah farqiga aad muudo in uu culiamadii u dhexeeyo ilaabay baan idin ku dhaariyee wali waxaan sidaa u lee yahay in aan diin garanaayo maaha balha waxaan culumada ka codsanyaa in ay dhameeyaan farqigaan aragtiyeen ama ma saaileen

    ilahay culimada ha inoo xifdiyo anaga wacyi gooda ilaah ha nagu anfaco aaaaaaaaaaaaaaamin shalaah

  7. mukhtar says:

    scw/ culimmada sharafta badan ayaan salaamayaa salaankadib waxaan rabaa inaan naseexo yer usoo jeediyo sheekh umal gaar ahaan inuu iska ilaaliyo degdega xaga fatwada iyo bayaanaatka raga iska dhici kudhisan iyo hadaladda is burinayaa wax badan ayaan arkey tanaaqudaat badan ayaa kamuuqdo hadalkiisa ilaahey haka cabsado scw

  8. khaadimul.ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ku:tawfiiqda alloow na waafaji:

    ……….darbi xabadda la isaga dhigo…………..

    ……………..wax culimo garan wayday baa qof dumara garatay………………

    jazaakiLLAAHU khayran marka hore , marka xigtana waxaad fahamtay wax rag lagu tiriyo culimo ay garan waayeen ee RABBIGAY adigoo kale ha ka soo saaro umadda muslimiinta ah ee soomaaliyeed ee culimadu wareerisay.

    WALLAAHU ACLAM.

  9. allaaa xaal og says:

    aslaama alykum ..illaahay baa xaal og horta walaal iygu culimay sheegteen ummase naqaan ..waxaan u naqaan ducaadii itixaadka culimaduna bariibay ka yihiin nimankan..waa niman daala dhaca oo hadab dabayshu meeshay u socoto lagu yaqaan inay racaan …daliilkoodan waxaa u ah masdar fiqul waaqic…kaasaay ku banaystaan waxay rabaan…hadan dulucda sheekadoodu waa kaas uun intaa ya sheegayaan waligeed waa jirtay ..bal iska daa soomalida cadwgu haysto e caruurta dhimanysa iyagaa u fadwooday inay maanta waxaa soomaliya ka dhacaya ilaahay baa idinla xisaabtamaya ummadduna inteeda aqoonta lihi waa idntaqaan ceebtiiniina ilaahay bankuu soo dhigayaa .

  10. daahir says:

    walaalyaal soomaaliya waxaa kabiloow day aniga iraac hadiikale gaalbaad tahay waxaan cadayn hayaa qiimaha umada soomaaliyeed in ay tahay umada qiimaysa culimadooda gaar ahaan sheekh umal iyo sheekh shibili oo caan ka ah soomaaliyea in taakadib waxaan ucadayn hayaa dhamaan umad soomaaliyeed in ay nooga ha dheen jihaadkii kasocday soomaaligalbeed mar kay noogaba xeen wakaa maan ta waxaala haysa taa muqdisho mar kii la di faaci waayay herar laakiin hada mar kaan anagu ka ta sh nay danahaga maxaa kee nay in lana gaa lay sii yo waxaan ugu baaqayaa dhamaan umada soomaaliyeed in lay nalaga laan ji haad ka haday diidaan hanaga aamusaan asc

  11. Umu Cabdullaah says:

    Alxamdulillaahi waxdah wassalaatu wassalaamu calaa man laa nabiya bacdah

    Allaahuma arinaa xaqa xaqqan warzuqna ittibaacahu waxabibnaa ilayhi wa arinaa baadila baadilan warzuqnaa ijtinaabahu wakarihnaa ilayhi.

    Culimadda sharafta leh maashaa Allaah, Allaha xifdiyo oo hakaraameeyo oo ha dhowro. Runtii fatwadooda – bayaankooda aad baan oogu farxay waxaana Allaah kabaryayaa inay xaqqa asiibaan oo nasriga asiibitaanka xaqoodana uu Allaah natusiyo goor dhow inshaa Allaah. Waxaa ayaan daro ah in akhlaaq daradii kadhalatay burburkii wadankeenii soomaaliya ay naga muuqato oo hada aan marayno inaan culumadii ijtihaadka latimid oo intaas wakhtigooda iyo maalkooda kubixinaaya badbaadadeena mid diin, mid daleed, iyo tan shacab ahaaneedba oo runtii intay naftooda ama ehelkooda ay wax u qabtaan ay dhici karto inay kabadan tahay tan guud aan hadana hilibkooda aan sidaan ugu cunayno meeshan (homepagekan) oo waliba kamid ah kawa ugu roon. Marka waxaan kacodsan lahaa walaalaha webka iska leh inay shaandheeyaan fikradaha oo kuwa carabka dalabta leh ay kasaaraan meesha ilayn daawo looma helo carab dalab lehe. Hadii kale waxaan isleeyahay amay ku dhacdaa walaalaha webka leh cuquubadda ay helayaan dadkaan u bareeray culimadda (Allaah uu xifdiyay inshaa Allaah) wax kasheegeeda oo ah in ay dhintaan geeridooda horteeda waa tii layiri (QOFKII CULIMADDA WAX KASHEEGA GEERIDIISA HORTEEDA AYUU DHINTAA). Qofku rayi waa dhiiban karaa laakiin qaab asluub leh waa inuu kudhiibtaa.

    ALLAHUJCAL HAMMANAA HAMAL AAKHIRAH WAHADAFANAA LITAKUUNA KALIMATUKA HIYAL CULYAA WAJCAL QAAYATANAA AN TARDAA CANNAA WA AN NARAA WAJHAKAL KARIIMAL BAAQII

  12. runle says:

    waxay ku haboontahay in tafatiraha oo wada sheego magacyada ku saxiixan qoraalka oo qaara uusan buunbuunin qaarna magacooda oo uusan katagin. hadii aadan aqoon u lahayn waxaa kuu sheegayaa culumada aadan magacooda sheegin inay ku jiraan kuwo wax baray ku wa aad sheegtay adigu. sida uu sh shible noogu cadeeyay asagoo joogo birmingham

  13. l i b a a x says:

    BISMILLAAHIRRAXMANIRRAXIIM,

    ku:umucabdallaah:

    somaaimirror way mahadsanyiin:

    bahda somalimirror walaal way ku mahadsanyihiin haddayba madal u dhigeen umadda soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaanba kooda faajirka ah iyo kooda caasiga ah iyo kooda kale si ay kulligood isaga
    arkaan boggaan caqliyadu ku wada hardamayaan
    laga yaabee in ay kasbadaan hanuun iyo caqli waana ku mahadsan yihiin dhammaan inta boggaan soo abaabusahay iyo inta ku hawlan sidii ay dadka ugu daadihin lahaayeen soo bandhigidda afkaarahooda kala duwan taasna waa iga mahad calin maadaama la yiri qofkii wax fiican kuu gala waa lagu shukriyaa haddii kale shukrintii rabbigiis buu meel uga dhacay.

    ummu cabdullaahi : waxaan filayaa inaad soo gaartay nidaamkii daalimka ahaa ee lagu magacaabi jiray kacaankii 1969 iyo nadaamyadii ka horreeyay ee ayana daalimiinta ahaa iyo kuwii ka danbeeyay ee daalimiinta ayana ahaa ilaa aad ka soo gaarto maanta oo la marayo kala bax xaq iyo baadil oo mujaahidiintu ay ka xoreeyeen dhulkeenii soomaaliya gacan ku dhiigla yaashii daalimiinta ahaa waxaana markhaati laga yahay in walaayooyinka la xoreeyey ay ku raaxaysanayaan amni iyo amaan iyo ku dhaqan shareecada rabbigeena wayn. haddaba burburukii nidaamyadii dulmiga ahaa waxaa bur burshay waxay ahaayeen danbi umaddu ka gashay rabbigeena wayn iyo dunuub fara badan oo ay galeen dhammaan intii isku raacday dulmiga guud ahaan.

    waxaase biya dhacaygu yahay inaan adna kuu sheego inaysan xal ahayn inaynu is ammaano oo waligeen ammaan isla daba joogno ee waa in aynu ka hadalnaa gafafkeena isdaba jooga ah oo ay horseedka ka yihiin kuwa aynu culimada ka dhinay ee aad adigu hadda ammaanayso ee axmaarada hoosta uga jira maanta shalayna umadda ku dhammeeyay xabadda ayagoo ay la ahayd inay jihaad ku jireen haddase ay u caddaatay in ay shalay baadi ahaayeen oo aysan jihaadayn haddase ay qaladkoodii garteen oo ay ku saxsan yihiin inay axmaaro magan waydiistaan
    haddaba haddaad leedahay iska ammaana culimada waxaa imaanaysa inaad aakhirka culimada rabbi aad ka dhigato maadaama aad sax iyo qaladba ku raacday.

    sideedaba waxa hadda dhibka wada waa culimada oo aan lahayn waji loogu yimaado khaas ahaan kuwa makarafoonada loo ogol yahay iyo fiisooyinka yurub iyo ameerika .

    culimada saxda oo u baahan in la garab istaago waa kuwa xabadda la hortaagan acdaaa’ul-islaam
    meel kasta oo ay joogaanba khaas ahaan soomaaliya waxaa inoo ah culimo mujaahidiinta rabbigay ha dhoowro hana ka ilaasho sinbiriirixa ay ku dheceen kuwaan oo kale.

    rabbooooooow islaaaaaaamka igu dil.

  14. mohamed (abucamir) says:

    waxaan qabaa in cadawga somali galbeed uu ku guulaystay in uu dabar jaro wixii uu in badan ku taama yay ee ahyd in uu mar un arko isagoo ku dhex maraya dhulka somali galbeed si nabada oo iyagu ay isu dhiibeen cadawgu hashiis mala hane ogaada waa un kii idinkaga baxay heshiiskii dhacay waqtigii itixaadka oo labada mar ahaa………..

  15. alwahaabi aljihaadi says says:

    ALLAAHU AKBAR waxaa layaab leh cizadaan lahayn meeshay kubaaba,day iyo sharaftaan lahayn maahi inaan aflagaadeenayo culumadan baayaanka soosaaray ALLAAH HAILAALSHO KHAATUMADANA HAUWANAAJIYO intaa kadib anigoo asal min usuuli diin kaduulayo oo ah halganka in lagu helo wax yaabo tirabadan oo maantay heshiislagugalo aan laguhelikarin markay itoobiyaanka jabeen oo ay daaleen kunasigteen inay iskadaayaan gumaadka ay kuhayeen dadka soomaaliyeed ee ogaadeeniya baa ciyaalsuuq ibraahim isdhiibay waxaan kaxishoonayaa inaan {shaik} kumagacaawo culumadana sida SH UMAL SH SHIBILI iyo inta bayaanka soosaaray ijtihaadkooda aykaduuleen haday qaldamaan 1 ajar ayay leeyihiin caksigana 2 ajar waxaase sida xaqa ah ugu hsbsaday abuusalmaan waa sh xassaan xuseen aadan waxaana uraajacdaan maxaadaradi {fataawaa inhizaamiyah;cajalada 23,24,25 iyo mawqici oo ah {www. abuusalmaan.com} waxaad kaheli risaalooyin uu kaqoray arinkaa { WALAAHU XAYIL QAYUUM ACLAM}

  16. fariin says:

    asc wrmt ALLAAH salaantaas kadib waxaan idin leeyahay dhalin yarooy wax barta wax barashada waa muhiim mid aaqiro iyo mid aduunba ,culamadana waxaan leyahay anagoon agayn ayaan saxiixnay wax aan idinka dhagaysanayno majiraan waayo qaarkiin waala socdeeen hoowsha Allaah kabaqa umada hawareerinina qodobada meesha kuyaal waad aragteen sideed ku saxiixdeen oo oowrta niiligu kacsaday mida kale dagaalka kuwa sooqoray natiijo wuu dhaliwaayay kadib waan isdhiibnay micnaheedu ayaada Allaah ayaa wax tariwaysay ayaad kawadaan kadib aqligeena ayaan isticmaalnay,Allah u toobadkeena kuwa qoray iyo kuwa alifay intaba qoraalkaas waxaan leeyahay markii hore ayeeydan u galin Allaah dartiis ee aad rabteen xukunraadis hadii aad jihaadka dhab idika ahaan lahaa kuma daali laheen qofka u galaa halagaa sheego iyo ku hel xogaa aduun ah waa ku daalayaa ee markii hore ayeey idinka aheed munaafiqnimo Allaah kacabsada umada diinta aad xabaarsantihiin ka run sheega Allaah been uma sheegi kartaane tuubuu illallaah dhaha oo xaqa sheega waxaa laga la’yahay clumada haday qaldamaan in aay umada soo horjoogsadaan waan gefnay ee walaalaha ha ogaadan midwalba qaladkiisa ayuu ku adkaysanayaa oo uu qiil u yeelayaa sheedaan ayaa kibirgalinaya kuna dhahaya sideed u leedahay waan qaldamay dadka ayaa ku nacaya ee is adkay waad saxan tahay war Allaah ka baqa waa la qaldami waana kasoo noqon kartaane umada runta u sheega ogaadana cid meel idin fadhisaa ma jirto diinta waa la bartay Allaah ayaa mahad idilkeed iskaleh sharafna nabigeena muxamed ah scw ee ceebta iska dhaqa idinka saari mayso taas qiilka aad jeebabka ku wadataan wabillaahi toowfiiq wsc wrmt

  17. abu cumar says:

    war in inkaari haigu dhac dee culimada kadhaafa aflagaadada iyo qanuunaca ada ladaba taagan tihiin akaw noo xifdi dhamaan tood aamiin a/s/m

  18. sh.yasin says:

    aslamu caleykum ramadhan kariim waxa ad nasiibdarro u ah inad adiga jaceshahay inad kunooolatid nolasha teeda ugu saresa oo nabada ay kow katahay walalahana marwaliba ay kujiran digal iyo harjad an dhamaneynin on raja laga qabin dhamadkisa uwsf waxey gareen go`aan kaga danbees ah cid umqana majirta ceel uqoodana mijrta walalhood matada ah ayay badbadshey weyna mahadsanyahin danbigoodana ilahay hadhafoo nabad didkana allaha umada somaliyeed kaqabtoo

  19. A.fatax says:

    Asc. Jaahiliin aanan diin iyo ilaahay aqoon culumadana aflagaadeeya waligii ma xoroobo ee xishooda ilaahna ka cabsada

  20. Mohamed Farah says:

    As/w/w/
    Waxaan aad ula dhacey ama aan nuxurkiisa ugu bogey qaabka culimada u soo diyaarisey arrintan oo aad moodo caadifadii lagu yaqaaney kuwa badan oo cilmi sheegta isla markaana aad moodo in ay cadaabka qareeno u yihiin dadkana qof kasta ka saara diinta aad moodo in uu ka miisaamanyahay kheyr dhamaantii Allaaha siiyo culumada. Waxaan kacodsan lahaa in ay sameeyaan meel loogu soo hagaago fatwooyinkooda oo dhan waxaan filayaa arimo badan oo ay bulshadu u baahantahay ayay ka hadlaan.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines