Dagaalo xoogan oo ay barbarsocdaan Duqeymo ba’an oo Maalintii sedexaad ka socda Muqdisho.

Published on August 25, 2010 by   ·   6 Comments   ·   print

Dagaalo aad u xoogan oo ay Barbarsocdaan Madaafiic aan kala go’laheyn ayaa Maalintii Sedexaad oo xiriira ka socda Magaalada Muqdisho waxana gabi ahaaba Xiran isku socodka iyo ganacsiga Magaalada gaar ahaan Suuqaweyne ee Bakaarahab iyo Deegaanada ku xeeran.

Xalay oo dhan waxa Wadada Makal Al-Mukaramah ka socday Dagaalo aad u xoogan oo faraha looga gubtay, waxaana leysku heystaa gacan kuheynta halkii wado ee ay adeegsan jireen AMISOM iyo Saraakiisha DKMG, iyadoo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheegatay inay qabsadeen Qeybo muhiim ah oo kamida Wadadaas sida Isgoyska Dabka iyo Hotel Wehliye.

Duqeymo aad u xoogan oo isugu jira PM- Taangi iyo Madaafiicda Goobta ayey Ciidamada AMISOM si aan kala go’laheyn ugu wadaan Magaalada Muqdisho wax dhaqdhaqaana kama jiraan Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo ay Madaafiicdu sidii roobkii ugu daadaneyso.

Ugu yaraan 5 qof oo Rayid ah ayaa ku dhimatay 30 kalana wey ku dhaawacmeen Dagaalka maanta sidoo kale isku darka khasaaraha Rayidka ee sedexda maalin ayaa gaaraya ku dhawaad 50 dhimasho ah iyo dhaawaca in kabadan 150 kale.

Maalintii labaad ayuu Suuqa Bakaaraha haawanayaa mana jiro wax ganacsi ama dhaqdhqaaq ah oo ka jira Madaafiiduna aad ayey ugu hoobaneysaa.

Sidoo kale Bakarac Xoogan ayaa ka jira Xaafadaha lagu dagaalamayo ee Magaalada Muqdisho waxayna dadku u cararayaan Duleedka Magaalada iyagoo dusha kuwada Caruurtooda iyo agab yaryar.

Dagaalada ayaa wali siisocda waxaana la arkayaa Taangiyada AMISOM oo si toos ah dagaalka ugu jira halka Dhanka islaamiyiinta la arkayo Cutubyo kamida Ciidamadooda oo ku sii qulqulaya jiidaha dagaalada.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Maalintii 2-aad ka socda Muqdisho & Dhinacyada kulugta leh oo ka hadlay.
  2. Dagaalo & Duqeymo maalintii 3-aad oo xiriira ka socda Muqdisho.
  3. Dagaalo xoogan oo ka socda Muqdisho & AMISOM oo 24 saac oo Xiriira duqeymo ku wada Caasimada.
  4. Ciidamada AMISOM oo Duqeymo Khasaare Xoogan dhaliyey ka geystay Muqdisho.
  5. Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho inteeda badan.

Readers Comments (6)

  1. Kiimikaal says:

    Allaahu akbar alle ha guuleeyo Islaamka meel walba oo ay joogaa
    waxaan alle ugu baryeynaa in uu guul siiyo mujaaahidiinta soomaliaya
    BY kiimikaal Afgoi

  2. abdilaahi says:

    dagaaladu waa ay sii soconayaan , bi idni laahi kariim , waxayna noqon doonaan kuwii gaalada iyo dabadhilifka horboodaya dalka looga xoreyn lahaa , dad weynaha waxaa mudan in mujaahidiinta la jiraan dagaalkana ka qayb qaataan, ama ay guryahooda shubka ka galaan si aysan madaafiicda gaaladu ridayaan u heleelin, iyada oo aan meesha laga reebi karin kii raba in uu macooda nocda kuwa dagaalka naga dhexeeya, ma jiro wax u dhaxeeya xaqa iyo baadilka , dhexna lagama haankaro ee waa in aad dhinac uun kamid tahay ,maanta muqdisho ma joogo shakhsina ilaa ama xaqa ayuu la jiraa ama baadilka amisom iyo dawlada.
    dagaalku wuxuu ku gaadhsiiyaa heer aad ama aad noqoto wax ku ool oo lagagu xisaabtamo, ama ugu yaraan heer aad guulku gaadho oo aad qayb ahaan guulaysato, walow yaadan wada guulaysanbee.

    markaa alshabab iyo amisom yaa inoo dan ah inaga?
    dagaalka maanta jira waxaa ka dhalan kara laba natiijo
    alshabab iyo xisbul islaam oo guulaysta
    amisom iyo dawlada iyo suufiyada oo hela guusha
    adiga yaad la jirtaa yaadse ku lamaanthayy?

    jawaabtu waa hadii amisom ay guulaystaan maxay somali u yaala oo midho dhal u ah”
    natiijada ka dhalan karta guusha amisom aniga waxay ila tahay mid leh mustaq bal dhow iyo mid fog
    mustabalka dhow waa
    1. aragtida inay dawladaha shisheeyuhu awood ku muquuninkaraan xarakaat islaamiga ee ka jira wadamad muslimiinta sida ciraaq, iyo afghanistan oo kale
    2. umada somaliyeed oo aan waxba layskaga tirin
    3.dawlado dabadhilif ah oo wadanka ka dhasha kana amar qaata dalalka ciidamadoodu wadanka k joogaa
    laakiin haday alshabab guulaystan waxaa loo arkayaan in shacbiga somaliyeed wax iska caabinkaro waana la iloobi doonaa propagandada fara badan ee ka socda idaacadaha reer galbeedka iyo kuwa kaga dayda ay ku ceebanayaan dagaalka iskacaabinta ah ee somalia ka socda,

  3. wadaad yare says:

    Dagaaladaan sidii kuwii hore markey dhowr beri socdaan ayey iska qaboobi doonaan. Iyadoo waxa la faa,iideyna tahey dhowr boqol oo soomaali ah oo dhimashaa,dhowr boqol oo agoon ah, intoo kaloo cuuryaamiin ah iyo kumanaan baro kacey! Askarta Ugandana lama hubo xataa in hal askari ka dhimanayo, rasaastana iyagu ma qabaan xoogaaga over timeka ah oo ay shaqeeyeen oo madaafiicda shacabka iyo argagixisada ku hurgufeena lacag dheeraad ah ayey ku qaadanayaan!

    Argagixisada qawleysatadaa ee caalamigaa oon hoyga aduunka ka heysan oo baas abuurka ah oo balaayada ay ugu dararto garaney oo iyaga noloshoodaaba hoogga ku xirane,waana tii hore loo yiri:(dalka niman u dhalan uma naxee duulow ha u sheegin) ee kan soomaaligaa oo halaagaas macaashka u arka oo ku faraxsani maxaa lagu aqriyey? Sidee maskaxdiisa loo gediyey? Waa cajiib aadunuhu markuu aqligiisa isticmaali waayo waxa ka suurto gala!

  4. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ………baadarigii kaniisadda rooma oo baroortay ! ! !……….

    baadariga kaniisadda kaatoligga maxaa ka keenay qaylada dadooooooooooooooooooooooooow ?

    taas macnaheedu waa inuu yahay taliyaha kowaad ee dagaalka lagu xasuuqayo muslimiinta aduunka
    meel kasta oo uu joogo qof muslima.

    haddaba inuu soomaaliya kiristaaanka ku soo jeediyo iyo yuhuudda macnaheedu waa in mujaahidiintu ay gaarsiiyeen gaalada khasaaro aad u sarreeya.

    muslimoooooooow baraaaaaaaaaarug oo diintaada
    ISLAAMKA u gargaar haddaad rabto inaad gaarto sharaf aduun iyo aakhiro iyo ridaha ALLAAAH.

    WALLAAAAAAHU ACLAM.

  5. Duli Diid says:

    Waa jabeenee jebiya gaalada aan gudneyn abnaau AIDS iyo acwaantooda

  6. { Ibra } Dowlad jecel says:

    HADAN U BAAHAN NAHAY NABAD MICNAHEEDU MAAHAN IN AAN RABN0 WAX SHACABKA TAAGDA DARAN QOORTO0DA JARAAY0 MARKA DHALINTA QIIMAHA LEH EE SOOMALIYED YAANA CAQLIGA WAXBO LAGA XADIN ……WE NEED CHANGE ( ANOTHER S0MALI IS BOSSIBLE GIVE PEACE A CHANs… Ilaah wadanka haka qabto… waxa noola ladiidan yahay s0omali nimada :-D :-D:-D:-D:-D:-D




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Maalintii 2-aad ka socda Muqdisho & Dhinacyada kulugta leh oo ka hadlay.
  2. Dagaalo & Duqeymo maalintii 3-aad oo xiriira ka socda Muqdisho.
  3. Dagaalo xoogan oo ka socda Muqdisho & AMISOM oo 24 saac oo Xiriira duqeymo ku wada Caasimada.
  4. Ciidamada AMISOM oo Duqeymo Khasaare Xoogan dhaliyey ka geystay Muqdisho.
  5. Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho inteeda badan.

Latest Headlines