Ugu horeyn, Xarakada Shababul Mujaahidiin oo sheegatey Mas’uuliyada weerarkan waxey ku tilmaamtey mid ku soo dhamaadey guul iyo sidii loogu talo galey, siduu Saxaafada ka sheegay Afhayeenka Al-shabab, Sh Cali Maxamuud Ragaare.
Afhayeenku waxa uu sidoo kale sheegay, weerarku inuu qeyb ka ahaa dagaal shaley gelinkii danbe iclaamiyeen ee ka dhanka ah ciidamada shisheeya ee duulaanka dalka ku jooga iyo kuwa gacan saarka la leh, waxa uu sidoo kale sheegay Xubno kale duwan oo isugu jira Mas’uuliyiin, Saraakiil ciidan iyo Xubno Baarlamaan iney ku dileen weerarka.
Khasaaraha ka dhashey weerarka ayuu sheegay Afhayeenku inuu ka badan yahey inta DKMG sheegatey, dadka ku dhintey ay dhamaantood yihiin kuwa u sheeqa Dowlada iyo waxa uu ku tilmaamey cadow shisheeye.
Waxa uu weerarkan ku tilmaamey Sh Cali, mid bishaaro u ah shacabka laga barakiciyey gurayahoodii ee ku dacdareysan duleedyada Magaalada Muqdisho.
Dagaalka shaley iclaamiyeen ee bilowdey ayuu sheegay Afhayeenku inuu sii soconayo inta ay ka xaqiijinayaan hadafka ay ka leeyihiin.
Sh Xasan Daahir Aweys, Gudoomiyaha Ururka Al-xizbul Islami oo u waramey Idaacada VOA-da laanteeda Af-Soomaaliga waxa uu ku micneeyay weerarkii Hotel Muna, mid qeyb ka ah Dagaalka dib Magaalada Muqdisho uga bilowdey.
Waxa uu sidoo kale sheegay Sh Xasan iney sii soconayaan Dagaalada ka dhanka ciidamada shisheeya iyo cid walba oo gacan saar la leh.
Cumar C/rashiid, Ra’isul Wasaaraha DKMG oo isna ka Hadley weerarkan mar uu la hadlayey BBC-da laanta Af-Soomaaliga, waxa uu ku tilmaamey mid laga xumaado oo ka dhana Shacabka siduu hadalka u dhigey.
Sh Shariif, Madaxweynaha DKMG oo dhinaciisa ka Hadley weerarkan mar uu u waramayey Idaacada codka Dowlada ku hadasho, waxa uu ku sifeeyay mid soo afjarey dulqaadkii ay u lahaayeen dagaalada lagu hayo Dowladiisa.
Waxa uu sidoo kale sheegay inuu soo afmeeray baaqii wada hadal nabad ku raadin ee horey ugu baaqeen Xoogaga ka soo horjeeda, wixii hadda ka danbeeyana dagaal diyaar u yihiin.
Awooda DKMG ayaa lagu tilmaamaa mid aan u babac dhigi Karin, tan Xoogaga ka soo horjeeda marka loo eego dagaalada xoogan ee ay ku hayaan iyo horumarada ay ka sameeyaan, waxa keliya ee ku xisaabtameysaa DKMG waa taageero shisheeye oo ay ka hesho Dowlaha shisheeye oo mar walba oo ay gaca u fidiyaan ay sii kordhineyso taageera dhanka Shacabka ay ka heleyaan Xoogaga Islaamiyiintu .

Related posts:
Awooda garaney ineysan dawlad ku sheegu awood laheyn, Alshabaabna aalad qatli tahey wax cusubna maahan taasi. Laakiin miyaan saxaafada waajib ka saarneyn iney ishaaraan dadka sida ula kacaa magaca islaamka loogu gumaadayo? Ugandaba wey leysneysaa xujo maahan, waa cudur daar denbiga ka xun. Uganda ma leyntaa lagula tartamayaa? Inagoo og in qaabkaan dadka dhiiga qabow sida bareerkaa loogu leynayo ay ka gedisantahey duqeynta. Innagoon sina ku difaaceyn duqeynta xaq darradaa ee rayidka, hadana tan waa dil bareer ah oo aan heysan qiilka ah xabad cadawga aan u wadney ayaa ku dhacdey.
Walaalayaal maanta oo fitno indho la,aan ah jirto mawaaqif shariif ah oo dulmiga magaca diinta lagu sameynayo mawqif ka qaata berri markii aafadaan laga reysto si damiir murtaax ah aad maqaayadaha ugu shaahdo.
a/c. inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun waa geeri laga xumaado dad muslimiin ah oo aan saf dagaal ku jirin oo iska degan meel caam ah iyo masaakiinta ka raadsata quutalyowmkooda meelahaas ee la gumaaday baa waxaa loo micneeyey guul usoo hoyatey dadka ku tabaalaysan daafah magaalada muqdisho subxaanalaah waxaad moodaa in muslimiinta dhibka loogu bishaaraynaayo halkii khayr loogu bishaarayn lahaa subxaanalahaa (a hadaa huwal jihaad)?????????/ kalaa thuma kalaa??? waxaanse ku samraynaa in la hor tegi doono allahii abuuray cirka iyo dhulka kuna fidiyey khalaa’iqdiisa oo aan cidna dulmiyey u diyaar garooba xiligaas.
sheydaan yare
Jabka cadowga dhafoorkaagaan ka gartay!!
Hotelka waxaa deganaa saraakiil dawladda fadarada,Xildhibaano rabinimo sheegtay iyo jawaasiis kaliya shacabba ma degi karin waayo amaankiisa aad baa loo ilaalinayay marka inta la gu laayay haduu shacab ku jiro yakhrujuuna calaa niyaatihim.
cajiib ilaahaw fitnada naga bad baadi dhiig islaamna naga badbaadi wax laga naxo ayaa kasocda wadankeenii
Muslimiin sooman ayaa la gumaaday, bil ramadaan baana la wada gawracay, website-yada islaamiga ahna way wada takbiirsanayaan, dhawr xildhibaan baa meesha ku jirtay miyaa 42 qof oo alle dartii u sooman loo dilay, ninka ku takbiirsanayoow, waxaan isaga kiin dhex baxay adiga iyo qabriga madaw ee ku sugi!
CAJIIB!
salaan kadib dadka falkan ka dambeeya iyo kuwa ku faraxsan intaba waan dhihi lahaa naftiina dib ugu noqda aayadaha xarimaya dhiiga muslinkana kor istaaga toobadana u dagdaga shakina yaanu idinka galin in aad fitno dhex dabaalaynsaan
ASC
Walaalayaal Waxkastoo Ka dhacay Ama Ka Soo socdo Somalia Qiilbaan u yeelnaa…
Awoowasheena Markee arkan Fidno Noocan oo kale ah, illaahbe baryi Jireen Inuu ka Qabto dhibkas hayo. Madama aan ku Jirno Bishi Barakesneed Tobankeedi danbe ee Raxmada
Illaah aan ka barino Inuu naga qabto qofka sharwadaa ah, ee Dalkeeni Dadkeeni Diinteena fidneenayo Meel walbo ayjoogaan
Amiin Amiin Amiin
waxaan anugu aaminsanahay in ay ku dhacday dawlada inkaartii ay shacabka muslimiinta ah ka galaysay ee ay ku fiirsanaysay gaalada duqaynaysa qaarkalana ugu yeeraysay hadii dhanka kale aan kafiirsho alshabaab iyo xisbul islaam waa niman dalka u dhashay xaqna u leh in ay xukumaan hadii ay shareeco ku xukumayaana waaba arin qaali ah oon lahelikarin marka
dawlada waa gumaad dadka loo soo diray dadkuna marabo waana sanka galis waxaana u daliil ah wadaadada ciidamo shisheeye dalka kumahaystaan ee waxay isticmaalayaan waa soomaali waliba ku qanacsan in ay ka amarqaataan oo xataa isqarxiyaan hadii amar lagusiiyo laakiin 24 saac dawladu dalka kuma jirikarto ayadoon gaalo difaacayn dadka somalida ahna oo lajooga dawlada waa dad aan rabin in ay dhintaan laakiin ku shaqaynaya qabyaalad ama lacag
Walal dhaman musliminta dhibka alha kaqado mel walba ay jogan dinta ben aya laga shegay waxana jihad ma ahan e wa alah kafgasho wada tosan alaha kuhanunso alqacida iyo ardadoda sida al shabab
ASC
War yaa islaam ah oo naga qabta, sharif, amisun, ahlu bidca waddalaal. Dadkii madaafiic arxan la’aan ayey ku leynayaan. Haddana dad maangaab oo daroogeysan kuna daroogeysan dawladnimo calmaaniyad diin la’aan ku dhisan, ku carrab dhabaya masaakiinta ayaa la laayey. Sow Amisun kuwa haysta oo u qeybiya muslimiinta, mise gaal waxaad u taqaanin ethiopia oo keliya. War gaal iska dhicis ayuu wax ku leeyahay ee malaha i daa.WSC
Al Shabaab iyo Al Qaacida waa dad ka faa’idaysa dhibaatada ummadda shacabka oo dhibaateysan, waxey yiraahdaan Jihaad doon ayaannu nahay laakiin Jihaadkooda waa mid Sunnada iyo Diinta Islaamka waafaqsanayn waxey inta badan si arxandaro ah u laayaan dadka muslimiinta iyaga oo gaalleysiya qof Sooman ama Salaad ka soo baxey.
Jihaadkooda wuxuu gef ku yahay Diinta Islaamka.
SomaliMirror Alle ka baqa waa dharaar Ramadaane runta ha is hortaagina. Mar walba qoraalkayga waad ka tillaabsanaysaan ee muxuu hadalkani idiin dhibin?
….
Inankii yaraa ee falkan argagaxa ka qayb qaatay ee uu madaxii uun ka soo haray aduunka si xun ayuu u geeriyooday asagoo dad abriya’ ahna sii slafaday. Aakhirana u malayn mayo in lagu janno gaynayo dad muslim ah oo sooman oo birta laga caseeyo xasuuq noocaas ahna loo gaysto. Howshaas ay Al-shabaab fulisay ma ahan camaliyad barakaysan ee waa hoog, halaag iyo dambi laga galay shacabka Soomaaliyeed.
Cali Raage iyo kuwa faalax gootiyaya maanta ee ku faanaya dhiiga muslimka ee qolqolaya waxba kama oga runtii fulinta argagaxaan. Duul shisheeye ah ayay dhaamaha u sidaan oo u fadhiyaan makarafoonka. Raga arrintaan fuliyay waa Carab iyo kuwii ku dhaaran jiray “walla aqdac lisaanak” oo ay hadaba nooga muuqato falka dadka carrabka looga jaro oo ah wax aan Soomaaliya laga aqoon jirin. Ragaas shisheeyaha ah ayaa howshaan wata dad Soomaali ah oo aan si kale u ceeshi karina ayaa shilimaadka Al-qaacida la hor lulayaa. Bal eeg Cali Raage sida uu u naaxay oo u dhalaalayo. Nin markiisii horeba xamaali Suuqa Bakaaraha ka ahaan jiray ka faani mayo si walba oo maciishad lagu raadsho. Inta Cali Raage wax yaalaha qarxa saqiir yaciis ah ku soo rarayo maa asaga lagu arko goob dagaal?
Tan kale waxaa dhab ah Shiikh Shariif iyo xukuumadiisu waxay noqdeen jawaanka feerka lagu barto (puching bag) ee la tarbuunyeeyo. Mar walba nabar ayaa ayaga iyo shacabka ay hogaamiyaan ku socda marana gacan ma fidiyaan. Duulkaan dawladnimada sheeganaya ma yaqaaniin cida ay la dagaalamayaa iyo canaasirta argagaxisada dalka ka wada tiradooda. Ma yaqaaniin tirada shisheeyaha dalka soo galay iyo cida ay yihiin toona maalin walbana midkood ayaa oran dagaal ayaan soo wadnaaye na suga. Baciidsan mayo in ay dawlada Shiikh Shariif nimanka falka argagaxisanimada ah fuliyay, ay ayada laftigeedu darayska military ee ay ku howl galeeen siisay. Niman yahow meesha ama ka muuqda ama ka maqnaada oo dadka ha hadoodilina. Cadow aan nixin ayaa Alle noo sakaar waray.
mar haddaan la xishoon wax walbaa la isaga hadlaa , ninka meeshaan u adeegsanaya sidii in uu yahay muftiga aduunka ugu waracsan miyuusan ogayn in la fahamsan yahay balaaqada uu adeegsanayo mase miyuusan la socon in umaddu tahay mid wax akhrisa ama wax taqaan malaha asagaa isu haysta mid aan laga daba hadli karin oo mufti caalim ah subxaanallaah .
markuu leeyahay:… [ Walaalayaal maanta oo fitno indho la,aan ah jirto mawaaqif shariif ah oo dulmiga magaca diinta lagu sameynayo mawqif ka qaata] : waa cajiib hadalkaas oo ninkaani malaha waaba hurdaa , fitnada ka wayn kufriga maxay tahay ? gaala dadka gumaadaysa , kuwo diin kula sheeganaya baa u shaqaynaya , shariif oo shaati diini sheeganaya baa dadka gaala ku soo hogaaminaya war kaasi fitna ma ahan miyaa ? waxaad doonaysaa dadkaas jihaadaya
oo kaa khayr badan inaad jihaadkooda waswaasiso sidii ibliis uu u waswaasiyay labadii dadka laga abuuray naxariisi dushooda ha ahaatee.
xaasidnima intaas ka wayn waligiin ma aragteen?
fitnada indhala’aaaaaaaaaaaaaanta ah ee uu sheegayo asagaaa dhexda u fadhiya.
waxaase la yaableh sida uu isula saxsan yahay haddana isma oga inuu danbiga la wadaagayo gaalada soo duushay iyo shariifka gacan yaraha u ah gaalada umadda dhammaysay .
oday mawqif shariif ah baan ka taaganahay haddaan nahay inta taageerta mujaahidiinta waxa ka dhacaya soomaaliye waana kuu sheegayaa
in gaal iyo gaala raac qoorta laga jaro meel kastana lagu qarxiyo dhiigadoona dhulka la qulquliyo ilaa kalimadda rabbigeen ay qaadato booskii loogu tala galay ee laga boobay.
ugu danbayn diinta adigu ha ku gabane caddee qabyaalada kugu mirirtay ee aad diinta u ku maldahayso.
rabooooooow islaaaaaaamka igu dil.
haddaad muslim tahay oo soomantahay maxaa ku agfariisiyay gaalada yugaandhiiska , haddaadse saas u cabaadaysaan dadkiinaan hadda uun dareemay xanuunka dhimashada maad dareentaan kuwaad bara kiciseen?
waxaase la yaab leh oo aan aad uga yaxyaxaa markaan arko nin ku faraxsan axmaar iyo yugaandhiis iyo keenyaanti iyo gaalo oo dhan oo soo socota oo soo hanjabaysa ku farax san oo oronaya maanta ayay u dhamaatay shabaab oo gaalaa garabsiinaysa shariif , haddana dad maanta ka waaninaya inaysan ku farxin jabka soo gaaray shariifow iyo gaalada.
waxba ha barooraninee shaiifkiina iyo shaydaankiina gacmaha ka qabta wadadana u baneeya mujaahidiinta si ay umadda ugu soo celiyaan nabaddii waagii khilaafatul muslimiin jirtay oo kale.
rabbooooooow islaaaaaaamka igu dil.
qabaxakumulaah wa akhzaakum ayuha takfiiriyuun ,xageed ka keenteen dad sooman layntooda haday xilbaanadu yihiin murtadiin sidaad sheeganaysaan maxaad u layseen dadkii rayidka ahaa ee masaakiinta ahaa soomaaliyeeye iska jira kuwani waa jamaacadii jukri ee masar oo soomaaliyaysan fidunyaa khizyun wa fil aakhirati cadaabun aliim
webkan waanba nacey fikirkeyga wey tuuran kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.
ASC
Allemaganow fiqhi ayaa kugu qaloocday, ee warka aan kuu saxo, waxa dadka xasuuqaya waa Abnaau AIDS iyo acwaanta yahuuda caalamka soo kiraysatay oo saaxibkaa sharif horboodayo. Sidaas u faham
ku : odayga isku magacaabay ,shekh dayib;
oday marka hore habaarkaaga cayda ahi waxuu daliil u yahay jahliga aad shiikhnimada ku sheegatay, lagana yaabee inaadan aqoon wax la dhaho takfiir oo aad iska maqashay, waxaanse u malayn inaad wadato sumaddii shariifow iyo kuwa axmaaroobay , haddaba haddaad soomaali u turayso ama aad ka naxayso saas umaad hadasheen ee waxaan ku waydiiyay : madaafiicda aad soo gamaysid adiga iyo yugaandhiiska faajiriinta ah ee kufrigu asal yahay oo aydan u aaba yeelayn ee aad ku sidii shaydaan indha la aad isaga gamaysaan oo aydan caruur iyo dumar iyo masjid lagu tukanayo iyo isbitaal la jiifo ukala duwayn ku gumaadaysaan sow dad sooman ma ahan oo rayida oo muslimiina mase yugaandhayska baa xaggaaga ka sooman qabbaxakallaahu yaa jaahila nafsihi wa qubxihi.
ha ooyn waxaad farxi lahayd maraad aragto inuu fulay qorshihii gaalada iyo gaala raacu ay ka fulinayeen hoteelka muna kaas oo u qorshaysnaa gaalada si ay u gumaadaan shabaabalmujaahidiin rabbigay ha daayee adna ha ku hoojieee saad waxaad habaartay mujaahidiin rayid difaacaya oo sharka gaalada iyo shariifka umadda ka horaya adna waxaad la mid tahay waswaasiyaha la baxay wadaad yare haddaadan ahayn asagii oo shaati shiikh soo gashaday.
rabbooooooow islaaaaaaamka igu dil.
allemagan
Horey ayaan kuu sheegay, inaad tahay beenmagan, mujaahidiinta waa
barbaar xaqa fahmay, allaana u gargaaray, ee waswasaaska ummadda masaakinta ee madfac asqeeyey ka daa, ama shariif iyo amisom la joog, ama qurbajoog ahaw, khayr kaama muqdo, XAASIDNA MAAYA AFLAX.
ilaahay ha madhiyo alshabaab iyo inta taageerada siisaba insha alaah