Ugu yaraan 6 Xildhibaan ayaa ku dhimatey 6 kalena way ku dhaawacmeen, weerar qorsheysan oo xoogag ka tirsan Xarakada Shababul Mujaahidiin saaka ku qaadeen Hotel ku yaalada Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho, laguna magacaabo Muna Hotel.
Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhintey 5 sarkaal oo ka tirsan DKMG, balse aan la cadeyn Darajadooda iyo qeybaha ay ka tirsanaayeen, sida uu Saxaafada u sheegay C/raxmaan Ibbi. Tiro kale oo Saraakiila ayaa sidoo kale dhaawacyo ka soo gaareen weerarkan.
Isku darka dhimashada weerarkan waxa uu Ibbi ku sheegay 33 qof oo ay ku jiraan ragii weerarka fuliyey.
Weerarka ayaa yimid ka dib markii ciidamo sigaara u tababarey, gaarayana 3 kuna labisnaa Direyska ciidamada Bileyska oo watey gaari Caasiya gudaha u galeen Hotelka.
Afhayeenka Al-shabab, Sh Cali Maxamuud Raage, oo Saxaafada la Hadley ayaa sheegay iney iyagu weerarka ka danbeeyaan, ayna fuliyeen ciidamo si gaara ugu taba baran howlahan oo kale.
Khasaaraha dhanka DKMG ka soo gaarey weerarkan ayaa wararka madaxa banaan ee lahelayo intaa ka badinayaan waxa ayna gaarsiinayaan tirada Xildhibaanada ee geeriyootey 15 Xildhibaan iyo tiro kale oo dhaawaca.
Isku soo duuboo, khasaaraha guud ee weerarkan ayaa la filayaa inuu sii kordho, waxaana dadkii ku dhaawacmey la dhigey Isbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho.
Hotelka weerarku ka dhacey oona sidaa uga fogeyn Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa degenaa tiro Xildhibaano ah oo lagu qiyaasey 60, waxa uuna weerarkan khalal badan ku abuurayaa Mas’uuliyiinta kale duwan ee DKMG oo muuqda godkoodii iney biyuhu ugu galeen.
Waxa uu weerarkan imaanayaa ka dib markii Xoogaga Islaamiyiintu weeraro xoogan ku ekeeyeen fariisimo dhowra oo ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM uga sugnaayeen Magaalada Muqdisho.

Related posts:
BISMILLAAH.
…………….god walaal ha qodin haddaad qoddona ha deerayn……………
………….ku dhici doontiyaa ma ogide………………..
shariifow ayaa sabab u ah dhimashada iyo dhaawaca ku dhacay raggii uu beenta u sheegay,
shariifow meel walba buu u maray sidii loo gumaadi lahaa umadda muslimiinta ah ee soomaaliyeed khaas ahaan kuwa xamar dagan.
ciidamo cusub oo gaalo najaaso badan oo hor leh buu soo galiyay magaalada xamar.
waxuu ka dhigay caasimadii soomaaliya meel uu gaal walba soo hunguriyeeyo ilaa uu yuweeri kaafir uu iska dhigay inuu soomaaliya u taliyo,
taasna waxay daliil u tahay dacfiga iyo liidnimiada shariifow uu ugu tuugsaday gaalad in ay la gumaadaan dadkaas muslimiinta ah ee soomaalida uu hadda ka hor u ahaa wadaad maxaakim islaamiya u hogaamiya.
haddaba hadduu godkaas dheer u qoday umadda uu ka soo jeedo shariifow maanta ha ka jawaabo raggaas la laayay sababta loo laayay inay ahayd
in ay u shirayeen amar uu asagu ku siiyay raggaas sidii ay uga shaqayn lahaayeen gumaadka shabaabul mujaahidiin, shabaabkuna gacmaha ma laaban ee intaysan gaadin bay kala hormareen xeeladdii dagaalka illayn dagaalku waa xeelade.
muslimooooooooow baraaaaaaaaarug oo ka kac hurdada oo u gargaar mujaahidiinta la isugu tagay ee meel kasta gaala looga keenay ee la rabo in laga tirtiro dhulka maadaama ay ku dhawaaqeen inay diinta ALLAAH kor ka dhigayaan.
WALLAAHU ACLAM.
alaahu akbar alaahu akbar alaahu akbar
cadawgu hajabo islaamku haguulaysto, waxay meesha ujoogeen inay gaalo keenaan islaamkana bara bixiyaan ee ilaahay ayaa nooga filnaaday, alaahu akbar.
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Ilaahey ha u naxariisto muslimiintii halkaas ku geeriyootey. Kuwii falkaas sheydaanimada ah soo maleegeyna ilaahey waxey mudanyihiin haku abaal mariyo.
Kolley iyagu aydiyaloojiyad ay iska dhaadhiciyeen unbey wax ku leynayaane sharciga islaamku arrintaas beribuu ka yahey.
Ragga Shabaabka u tanthiiriya oo u qiil bixiya oo qaarkood leeyihiin aqoonta ayaan su,aal u hayaa ee ha isku kallifeen iney ka jawaabaan.
Dadka badankiisu wuxuu rumeysanyahey iney Hotel Shaamow Shabaab ka danbeeyeen. Taageerayaasha Shabaabna waxey yiraahdeen mujaahidiintu kama danbeeyaan arrintaas!
Waxaan idin weydiinayaa maanta tan Hotel Muna ka dhacdey maxey uga gedisantahey tii Shaamow waaqic ahaan iyo sharci ahaanba?
Haddey maanta tan dhacdey oo 21 qof oo rayid ah ku dhinteen banaantahey noo sheega? Haddeysan bannaaneyna nimanka kuwaan abriyadaa laayey maxaa diidaya iney kuwii ka horeeyey iyaga yihiin?
Waa haddii aad gar iyo xujo wax qadarin ah u heysaan.
ASC
Illahey waxaan ka baryaa in mujaahidiinta guul siiyo oo allah makaniyo arlada si ay fidiyaan caddaalada islaamka. Hadda walaayada islaamka ee gobolada kala gedisan waa nabdoon tahay, sidaas oo kale ayaan allaah ooga in gaalada nagu soo duulay ciribtiro, kuwa u hiilinayana umadaa ka qabto.WSC
Markii ay qirteen shabaab falkaan waxashnimada ah, durbadiiba fiiri sida somalimirror sheekada u badashay. wixii meesha ku dhintay oo dhan waxay ka dhigeen dowladda. wax rayid ah ma sheegin.
wadaad yare, waa isku mid 2da dhacdo. Waliba dhinaca howlahda dowladda waxaa aad ugu xanuun badnaa kuwii shaamow oo wasiiro badan ka dhinteen. Ali dheere wuxuu khatar galay markii uu inkiray dhacdaddii shaamaow. Hadda waa inuu amararka shiyeeyaha u hugaansamaa oo warka caddeeyaa
somalimiror wey ku farxan xasuuqa mushdisho iyo isqarxinta shabab kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxey ku faraxsan yihiin ragga sanawi isku dhiibey oo ay noo soo sawiran mmmmmmmmmmmmmmm
ASC
Waxashnimada ka weyn maxay tahay, marka dad guryahooda ku sugan ay madaafiic ku garaacayaan rag nooga yimid ardul AIDS?? Raggan kalmadaha reer galbeedka u soo dhiibeen halkan ku soo qorayo ha ogaadeen in dhiigga muslimiinta hadar aysan ahayn oo loo aarayo. WSC
Asc wb
Walal dadkiidhintey oo dhan rabi ha uu naxariisto.d adka ku faraxy dhiiga islmak oogsonow in aad ka mid tahey dadka filkaa faley inkasto soomli ay mataiqabantsahey raabiyow noo noo naxxaariiso kuwan sida aw uu galyo waa uubadkeena oo maskaxda laga qaldey xamar iyo dul islamba jano mataalo ee raabiyo naga qabo kuwan shrwadenada ha shareeconah wax ay ka oogyihiin majirto.
dadka somalie mirror dadka lah ma takfiirbaa?
wayo dad waxaa wax ku soo qora dad qaba afkaartii takfiir ee fadlan waxnu nahey islam waxaa aan ka nahey somali ee mil taqfiir meel uma haayno. eee
Waa arin cajiib ah walaahi intaad aduunka ku nooshahay wax walba waad arkeysaa,
ninkaan al-shabaab ah waa fitno lagu imtixaanay dadka shacabka muslimka ah ee soomaaliyeed madfaceey tuuraan wuxuu ku dhacaa dad muslim ah waxay isku qarxinayaan meel ay ka buuxaan dad muslim ah Waa su,aal da,weyne yaa la weydiinaa dadka rayidka ah ee muslimka ah ee ay dilaan yaa la weydiinaa masuuliyadeeda,
nimanka dowlada sheeganaayo ee gaalada xasuuqaya shacabka hoos joogo iyo ayagaba wax isma dhaamaan maxaa yeelay midkoodka uma damqanaayo shacabka ,
waxaa xaqiiqo ah in maalin qof walba la weydiin doono waxa uu sameeyey iyo qofkii uu dilay ay jiri doonto alle dalka nabad hanooga dhigo waxaan siyaasada isku heystana dhinac hanoo dhaafiyo .
Wadaad yare waxa meesha lagu halaagay waa nimankii isku magacaabay golaha sharci dajin ama majlisu tashriic ama low-makers, waa nimankii saxiixay in axmaaro dalka qabsato dadkana xasuuqdo waa nimanka ka masuulka ah 21-kun oo muslimiinta somaliya ay gaaladu xasuuqayda waa nimanka halkaa na dhigay hadaad adigu ilowday anagu waan xasuusanahay waana aar goosanay waana ciil baxnay waana carro boganay casharo cibro leh waan dhignay cadawna waa jabay
To Wadaad yare.
marka hore waxaan muujinayaa in somalida ka hadasho camalkeeda oo aysan ka hadlin cilmigeeda. Tusaale ahaan: Somalimirror waxay muujisay in ay taageersan tahay xasuuqa, sabab too ah waxay soo bandhigtay 6da xildhibaan. shacabka ku xasuuqmay meesha dhiigooda Mahduur miyuuu noqday? mise ciil ay u qabaan dowladda ayey u qariyeen shacabki xasuuqmay?
mida kusaabsan su aasha (Wadaad yare), waxaan leeyahay xasuuqii shaamow wuxuu ku dhacay arday 6sano wax baraneysay oo aan dowlad iyo qolo diin ku qaraabata ku lug lahayn.waxaana somalida ku cusbaa xasuuqa ardayda. sidaasi darteed shacabka ayey odoroseen marki hore marakay ogaadeen sida ay shacabka umuujiyeen dareenkooda ayey kabadin isku dayeen in ay dafiraan.
laakin midkan Hotel-Muna wuxuu ku dhacay xildhibaano iyo shacab kaliya sidaads darteed xildhibaanaduna waxay ahaayeen targetki, shacabkana wuxuu noqday mid aan saas looga nixin dilkiisa mudooyinkii danbe sidaas darteed ayey ula soo deg degeen sheegashadiisa.
ardadi shaamow ayaa loo arkay mid kucusub somaliya sidaas ayaana loo dafiray. ee waa caadi in la sheegto dilka dowladda iyo shacabka oo iska noqday mid aan saaas loga nixin dilkiisa baryihii danbe.
BISMILLAAH. marka ugu horraysa waxaan si ay ku jirto walaaltinimo soomaaliyeed ugu naseexaynayaa inta ku jirta safafka hore ee gaaladu gadaal ka joogto inay xabadda ku jeediyaan gaalada iyo gaala raaca si ay ALLAAH SUBXAANAH ugu toobad keenaan oo ay khiyaanada ka daayaan ammaanadii loo abuuray darteed.
midda xigta inta hoteelka ku dhimatay horaa loogu digay oo dhagaha looga qayliyay loona sheegay inay isaga tagaan gaalada iyo jaalkooda
soomaaliyeed ee la bahda ah sida shariifka iyo xizbigiisa uu hogaamiyo.
fariin gaara ku: wadaad yare iyo runta.
dadkaas magtooda waxaa laga rabaa kuwii soo qalday ee yiri la dagaala shabaabka , waxaadna ogtihiin in gaalada soo buux dhaafisay meelaha uu shariifku dhuumanayo aysan u imaanin inay macmacaankii xalwada kismaanyo iyo kaluunkii ceelgaab iyo muufadii macsarada lahayd iyo hilibkii maraqa macaanaa aysana u imaan xamar isla markaasna ay ogyihiin layta iyo barakaca ay u gaysanayaan reer xamar aysan ku imaan waddo sharci ah oo rabbi raali ka yahay laga yaabee inaad raggiinaan meelaha ka qaylinaya aad shariifka arday u tihiin oo fataawihiisa aad haysataan.
waxaadna moodaa inay qabyaaladi idin dubayso oo calooshiina ku karkarayso una baahan tahay inay kala qabowdo oo kala neefsato saasbaadna diin ugu gabbataan meelaha qaarkood oo hadal fara badan oo aan haan buuxin ku wareerisana umadda sida ninkaan wadaad yare la baxay oo bogga sh.umal u hadlay sidii inuu yahay muftiga aduunka ugu cilmiga badan , markii uu arko in gaala raacyada wax loogaystayna la qayliya hoteelaa horay loo qarxiyay.
odayaal sheekadiinu waxay u egtahay niman qabiil iyo qabyaaldi daraja cilmi ku qaaatay oo doktooraah ka gaaray ee waxaad ku nasataan oo ku raaxaysataan madaafiicda gaalada iyo gaala tuuksadayaashu ku gaaracayaan umadda haybayn iyo maalin markastana shabaab uun baad saarantihiine ku dhinta xaasidnimadiina iyo qabyaaladnimadiina foosha xun.
rabboooooow islaaaaaaamka igu dil.
haddaad muslim tahay oo soomantahay maxaa ku agfariisiyay gaalada yugaandhiiska , haddaadse saas u cabaadaysaan dadkiinaan hadda uun dareemay xanuunka dhimashada maad dareentaan kuwaad bara kiciseen?
waxaase la yaab leh oo aan aad uga yaxyaxaa markaan arko nin ku faraxsan axmaar iyo yugaandhiis iyo keenyaanti iyo gaalo oo dhan oo soo socota oo soo hanjabaysa ku farax san oo oronaya maanta ayay u dhamaatay shabaab oo gaalaa garabsiinaysa shariif , haddana dad maanta ka waaninaya inaysan ku farxin jabka soo gaaray shariifow iyo gaalada.
waxba ha barooraninee shaiifkiina iyo shaydaankiina gacmaha ka qabta wadadana u baneeya mujaahidiinta si ay umadda ugu soo celiyaan nabaddii waagii khilaafatul muslimiin jirtay oo kale.
rabbooooooow islaaaaaaamka igu dil.
Diinta iyo danta shakhsigaa kala saar
Waad asiibtey, dadka umada cameynaya waa in xujada lagu oogo.
Libaax!
Horta in laguu jawaabo ma mudnin,laakiin maadaama ilaahey na badey inaan adigoo kale qadiyada dal kala sheekeysano waan ku qasbanahey inaan mugdiga la haasawno!
Haddaad diin leedahey ama inna gar qaadasho ah kugu jirto, daliil sharciya ayaad ku doodi laheyd ood abriyada aad xasuuqdeen ku difaaceyso oo wiilka saqiirkaa oo hotelka iridiisa yaallaa ka midka yahey.
Laakiin waxaad wadaani waa in gaariga faraska laga hor mariyo,meeshii farasku horeyn lahaa.
Faham gurracan oo maan gaabnimo iyo ijraam isku darsadey ayaad iska dhaadhiciseen, markaas kaddib ayaad diinta ku maxaafsaneysaan si ijraamkiina aad qiil indho sarcaada ugu sameysaan.Laakiin la idin faham waxaad tihiin. Hadda tuug la fahmey laakiin aan weli loo tabaabusheysan sidii loo qaban lahaa unbaad tihiine iska ciyaara oo baashaala.
Dadka soomaaliyeed inta la dilo in hadana isla iyagii loogu aaro in wax qabad looga dhigo way ka waayeelsanyihiin.
libaax hadal badan oo maalaa yacniga inta iska dhaafto. soo dhacdaadaan waxashnimo maahan ninka sheegtay inuu dad muslimiin ah oo sooman oo rajid ah laayo asagiina is dilo. Diin islaam arrintu waa dhaaftay waa un waxashnimo aan horay loo arag. Ka warran waxaas oo waxashnimo ah dadk diinta islam madaxa u galiyanaya oo magaca oga dilaya. ma cadow ka weyn oo diinta ayaa jira. Waa dad si toos ah diinta ula dagaalaya. Waligey isma dhihin qof bin’aadam ah oo islaam sheeganaya ay arrintaas ka suurtowdaa. Waa arrin waji gabax ah oo meel loo dhigo leheyn.
AMISON waxa ay sameynayaa waa arrin warlord nimo ah oo ay madfac ku jawaabaan meeshii laga soo weeraro. ayanku marna ma sheegtaan inay target gareeyaan dad rayid ah. Xattaa waa inkaraan. Laakiin ka warran dadkaan ku faanaya leynta marrasta oo waliba diin ka dhigaya. Haddii ay innaba ha la ekaatee diin qiiro kugu jirto ma arrintaaas ka dhiidid. Qabiil iyo quraafaad maxaad meesha u keeneysaa?
Runta
Maashaa Allaah! Hadal xujo ku ah daalimiinta waad tiri,laakiin way sarkhaansanyihiin!(La camruka innahum fii sakratihim yacmahuun)!
sixitaan
(Lacamruka innahum lafii sakratim yacmahuun).
Macnaheeduna waxaa weeye in Ilaahey ku dhaartey iney baadinimadooda iskaga daba wareegayaan gaaladu. Al cibratu bicuumi lafthi laa bikhusuusi sabab. Daalimiin ku miyir doorsoon dulmigooda oon miyir laheyn oo sidii wax sarkhaansan aan xaqiiqda arki karin ee iska daba wareegayana waa khuseysaa aayadu.
BISMILLAAH.
ku: libaax RABBIGAY ha dhowree:
walaal waad ku asiibtay risaaladaada wanaagsan
tawjiihaaguna waa mid fiyow oo diin ku qotoma
waadna la heshay oo isha ayaad ka abbaartay mas’alada.
raggaana malaha waxay moodeen boggaan somali mirror sidii kitaab la sharaxayo oo 33 majalad
oo kale ah mana oga inay haystaan fursad yar oo
dadka afsoomaaliga ku hadla wax looga dhaadhicin karo in meeshaan ay tahay laguna wada xiriiri karo si loo gaaro xaqiiqada jirta iyo dhibka umadda ka dhex jira isla markaana loo garab istaagi lahaa dadka laga gardaran yahay loogana bari noqon lahaa dadka gardaran.
haddaba ha isku daalin inaad raggaan qabyaalad iyo xasad iyo la dagaalan gaalo iyo qaadid isbaaro iyo saldhig mooryaan.
waxay wax ku leeyihiin waa inay tashwiish iyo waswaas umadda dhex dhigaan oo intaas oo waqti ah ku dhumiyaan inay mujaahidiinta wax ka sheegaan ama ay la dagaalaan jihaadkooda
cilmi dheer oo sii fogba lagama rabee ma u qiri karaan mujaahidiinta la dagaalaysa gaalada
inay xaq ku taagan yihiin ? mase taageeri karaan maalin kaliya in baahuuko lala dagaalo in ay xaq tahay ?
jazaakaLLAAHU KHAYRAN walaal libaax.
WALLAAHU ACLAM.
inaa lilaahi wa inaa ileehi rajicuun.alaah waxaan u waydiinaynaa in naxaiista janno ka waraabiyo muslimiinta ayagoo sooman dhintay.
alshabaab waxaan leeyhay ilaah baa og inaydaan janno iyo guu middna ku helaynin mislim aad qar xisaan .
kan isqarxiyayna ilaah janadiisa waaba ka xaaraan waxaan lagu cadaabi waxa uu isku qarxiyay.
waxayse ku dhib la,dahay in qof waliba waxa uu gaysto aduunka iyo aakharaba ay qoran yihiin.
ina raage waxaan leeyahay fan kuu noqon mayso muslim aad dishay ee allaah u tawbadkeen inta ay goori goor tahay ogawna adiga iyo ina godane inaad mar uun dhimanaysan.