Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa goordhaw Shaacisay in Ciidamo kuwooda ah oo sigaara u tababaran ay gudaha u galeen Hotel Muna oo ku yaal Degmada Xamarweyne ayna ku laayeen Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil kale oo ka tirsan DKMG.
Afhayeenka guud ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Dheere oo u waramayey Idaacada IQK ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamado kumaan doos ah oo si gaara u tababaran ay si xeeladeysan ku galeen Hotelkaas ayna ku laayeen saraakiil isugu jira Xildhibaano iyo Saraakiil kale.
Sheikh Cali muusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan Tirada Xildhibaanada iyo Sarakiisha ku dhimatay Weerarka lagu qaatay Hotel Muna.
Warar goordhaw soo gaaray Shabakada warbaahinta Somalimirror ayaa sheegaya in 3 Nin oo Hubesan gudaha u galeen Hotelka waxayna warar hor dhac ah sheegayaan inay halkaa ku laayeen Saraakiil ka tirsan DKMG iyo xubno kale.
Raga hubeysan ayaa la sheegayaa inay ugu horeyn dileen dadkii ku sugnaa Afaafka hore ee hotelka kadibna gudaha u galeen al baabadana soo xirteen waxaana hotelka gudihiisa laga maqlayey Rasaas aad u xoogan.
Lama oga ilaa iyo hada inay ragii hubeysnaa ka baxeen hotelka iyo in ay ku jiraan waxaase ku gadaaman Ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM oo sheeda ka eegaya Hotelka.
Wixii ku soo korddha kala soco wararkeena Xiga insha Allah.

Related posts:
dabargoynta kuwa soo duulay uu cali dheere shalay sheegay ma somalida in la laayo ayay ahayd kuwa soo duulay hal askari kama dhiman ee maxaa hotelka dadka muslimka ah looga dhacayaa maa xalane loo dhaco wallahi waa yaab ?
Waxaan diintii islaamkoon naqaaney maahan. Waa xaalad waalli ah ee yeysan jadbada dhiig daadintu diinta iyo caqliga idinkala tegin. Adinkaa arki doona markii ay biyuhu kala degaan in camalkaasi yahey habaa,an manthuuran iyo khasaare labada daaroodba.
Waa loo bahan yahay in la laayo oo la xasuuqa kuwa isku sheegay dowlada oo laaya shacab ka musliminta ah waana la dhameenayaa ilaa shariif ka Nolasha lagu soo qabto insha allah
Allah ha u naxriisto dadka muslimiinta ah ee sida xaqdarada ah loo laayey iyadoo lagu jiro bil Ramadaan ah. Ficilada foosha xun ee Al Shabaab weli fara kama qodna.
Ar maxaa Diinta Islaamka magaceeda lagu laaynayaa dad muslimiin ah oo waxba galabsan.
kooxahaan mujrimiinta ah oo ka been sheegayaan islaamka sida ay ula dhaqmaan umadda islaamka waa ka daran/ka foolxum yahay sida yahuuda ula dhaqanto walaalaheen filsitiin maxaa yeelay ayagaa waxeey baneesteen wax uu rabigeena Allah swt xaaraameeyay(dhiiga muslimiinta la daadiyo oo la banaysto)
BISMILLAAH.
…………….gaal haddaad raacdo waad halaagsamin……………….
gaalo iyo munaafiqiini maanta si fiican bay u xanuunayaan maadaama ay waayeen saaxibadooda qaaliga u ahaa.
haddaba raggaan la laayay ayaguna waxay dagayeen tabtii iyo sidii ay wax u layn lahaayeen.
haddaba gaalada iyo munaafiqiintoodu waa inay isaga dareeraan saaxada ama ha u dulqaateen cadaabka aduun iyo midka aakhiro.
ALLAAH SUBXAANAH ha u gargaaro kuwa diintiisa iyo muuminiinta u gargaaraya, xaqqana ha ku sugo kuwa kalimadda ALLAAH KOR KA DHIGAYA.
WALLAAHU ACLAM.
Asalaamu calaikum.
ilaahay baan kamagan galay,
odayaasha qaarkood islaanimo 80 sano kugaaray , ee iyagoo hurda lalaaya.
hadana weliba inuu calidheere kufaano, waa ayaan darro markale usoo hoyatay, saxwadii diinta ee in badan laga dhursugayay.
Allaahumma sallim Allaahumma sallim, dhaha oo ku celceliya.
taabicigii waynaa ee saciid ibn mussayib, baa eraygaas afkiisa kuhayn jiray, markii laciqaabi jiray ee loo diiday dadku inay cilmiga kabartaan.
inaalillaah wa inaa ileyhi raajicuun subxaanallaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah kuwan allaha umadda haka qabto.
Waa wax lalayaabo dad islaam isku sheegaya inay dad islaama laayaan
Waxaan umalaynayaa ashabaab etiopia ayaa soo dirsatay sababtoo ah sidii ito ayay dadka u laynaysaa
mashalaah ialheey ha barkeeyo mujaahdiinta mida kale ninka galda soo waday oo muslim ka qandraas ku soo qatay in shilaah waa la carib tiraa gaalka weeyn asiag aa iska caraaryo aisgan in shilaah inasara saytii qariiib hala dul qaato
ASC
Adkeysi hore lahaaw ama adkeysi dambe lahaw. Ha adkeystaano kuwa dawlada sheegta ee ah hawaasiista yahuuda iyo reer galbeedka. Ha adkeystaan, markii habeen hore ay ku garaacayeen madaafiicda BMka suuqa bakaaraha ee ay ku xasuuqeen muslimiin guryahoodi ku cibaadeysay oo hurdayey ma hadar bay dhiigaas daadiyeen u maleeynayeen. Kallaa wa kallaa, Jundullaah ayaa yimid oo judusheydaan meesha way ka baxeen. Wayna socon ilaa dulmiga umadan lagu hayo meesha uu ka baxo, oo muslimiinta somaliya xor ay ugu noqdaan inay diinta islamka isku xukmiyaan. WSC
ALlaahu akbar alaahu akbar allaahu akbar,.
waa guul usoo hoyatey umada soomaliyeed in murtadiintii loogu galay guryahoodii walaahi inaadan hurdo seexanayn inta gaalko joogto oo hooyooyinkeen ay duurka joogaa.
hada waxan ugu bishaaraynayaa umada soomaliyheed in isgosgii dabka la qabsaday.
naagta la yiraahdo umu anisa jahanamo ilaaheey hakugu fogeeyo daalim ayaad tahay mujrimad ah ee orod oo ilmahaaga korso
SCW
Shabaab waxay ku dayanayaan alqaacidada Ciraaq. Qaacidada Ciraaq waxay laayeen muslimiin sunniyiin ah iska dhaafee shiica.
Tallaabooyinkaasi oo ahaa xikmad darro wayn. Waxaa ka dhashay in qabiilooyinkii ciraaq gaalada dabada gashadaan oo la baxaan saxwatul ciraaq.
Waxaa ku biiray dad badan oo sunniyiin ah oo aanan aqbalin fahamka sida xun loo dabaqay ee alwalaa iyo walbaraa ee ka baxsan la jihaadka gaalada mareykanka iwm iyada oo culimada rabbaaniyiinta lagala tashan.
Natiijada waxay noqotay maanta in Ciraaq qaacida lagu wiiqo oo muslimiintii sunniga dalkaasi oo gumeysiga Mareykanka ku jirtay maciin baddo in badan oo ka mid ah Mareykan kaashadaan si ay isu difaacaan.
Shabaab waxay ku soo celinayaan cajaladdii Ciraaq.
Sannad ka hor taageerada shabaab loo hayeey waa uu sarreeyey. Maanta gobollada ay ka taliyaan iyo xamartan waxaa uu marayaa meel xun.
Sababta waxay tahay Keligii taliye Godane waxaa uu ka dhigay shabaab urur:
- Shumuuli ah ama diktator ah oo ku dhisan cabsiis halka lagu dhisi lahaa jeclayn dadka shareecada
- Culimadii oo daaqadda laga tuuray iyada oo saaxada isugu soo horeen qowqaaiyeen arka in Soomaaliya tahay saaxa kelimadda masmuucada leedahay keliya shabaab marka laga taqaluso xisbiga
- Culimadii iyo wax garadkii shabaab oo hal hal loogu dilay duruuf aanan la garanyn sida dilkii insha Allah shahiid cayrow
- Siyaasad xumida ah haddii aad qoorta goyso dadka inay dadka baqayaan. Waa tii siyaad ku fashilay
- Shuuro laáan diin ama diin yeysan aqoonine oo ahabaab ilaa maanta lahayn shuuro si sharci wax u eegta.
- Fulinta xuduuda oo ay ka dhigeen mid ku dhisan fahamkooda mucwajka.
- Qudhaadooda oo ah wada majhuuliiin oo aan lahayn meel loogu soo hagaago. Haddii aad hadal ku soo celisana laga yaabo inaad noloshaada ku waydo.
- Afxumayn iyo gaalaysiin aanan diin ku disnayn ruux kasta oo khilaafa
- Banneysiga dhiigga mujaahidiinta Kambooniyiinta iyo gaalayntii Mujaahid Axmed Madoobe
- Buul ka yeelid Sh. Xasan Turki kaddib markii uu mooday ku biiriddooda in kalsoonida dadka jubooyinka lagu soo celin karo ama diin sax ah ka dhalan karto, ama moodeen in jubbooyinka ka dambayn doonaan magaciisa kaliya
- Ku hadaaqidda hadallo ka dhan ah- fiqiga siyaasiga ee shareecada iyo tabarta shabaab sida Alaaskaan ku tukanaynaa iwm
- khaarijinta raggii dacwadan iyo bulshada wax ku oolka u ahaa iyo ka beensheegidda dilkooda sida Daalibaan, Qayliye, Barre Cali, Sh, Maxamed Tahliil iwm
- Adeegsiga gowraca dadka aan waxba galabsan sida ay ku sameeyeen saddexdii mujaahid ee Kamabooniyiinta oo ku istikhfaafsadeen bal towxiidka maanta wax ha idiin taro. Cajalkaasi oo ay shabaab duubtay maanta nin raba xamartan ayuu yaallaa.
- U dhiibashada dhuqaadka u talisa khalijika maxasta iyo caruurta iyada oo ku ceebaya dadka kale oo arrintaasi sameeya.
- Bilmunaasaba nin ka mid ah hoggaanka shabaabka xaaskiisa iyo caruurtiisa waxay ku nool yihiin Iksandanaaviyada
-Iyaga oo dadka difaaca shabaabka sida fataanka mashbuuha ah Cabduwaaxid ee Somalimemo uu deggan yahay dalka Ingiriiska, halaka midka qora Somalimidnimo uu ku nool yahay halalaka FBI ku cadaabto Soomalida qaxootiga ee Maniyaaboolis ee USA.
Arrimahaasi oo dhan waxay bidhaan u yihiin in shabaab muqiwimaadka jiritaankooda uu sii yaraanayo.
Kuma jiri karaan AMISON la jihaadkeeda iyo shareecaan rabnaa iyada inta kor ku xusan oo dhan ay jiraan.
Haddii maanta dadka dhintay ay ahaan lahayd gaalada AMISON in yar oo munaafiqiin ah ayaa la ooyi lahayd.
Laakiin waa asaafaa fiqi darada shabaab maanta waxay la mid tahay midda uu maalin walba mareykanka ku sameeyo muslimiinta oo kolateril damage. Wiilkii Baalashlaha ee ay ku dileen Hotel muna hortiisa muxuu galabsadey?
Bilaha soo socda waa xublaa. Waxaan shaki ku jirin in shabaab dawlad islaami ah u jeedin, xanuujin karinna AMISON.
Tala waxay u taala culimada rabbaaniyiinta sida loo badbaadin lahaa calamkii diinta, mirihii jihaadka iyo shacabkan miskiinka ee jabay. Haddii kale tii saxwa sameeyeen ma foga goorta ay dhici doonto.
Ilaahow roob keen
nacam cali guure, wallee xaqiiqta jirta ayaad ka hadashay.
shabaab manhajka takfiir ayay ku dhaceen, oo xalaalsadeen wixii alle subxana watacaala xaaraameeyay.
Jidkooda/manhajkooda waa mid lagu galo naarta, ilaahay ha soo hanuuniyo.
alshabababow bishaa ramadaan xurmaaya oo dhiga dadanaay malinkasat joojin walaalay miska wad halkasoo farista ka shariif ahaan waa inaa kas tanaashusaa la shaakaasiga cawaaaaga oo walaal waxaa wada qaybsataan
Waa la yaab waxii ka socda somaliya aniga uma arko in ay fiican tahay dhiiga badan oo kasocda somaliya malin kasta gudaha m muqdisho yaana masuul u ah halaagaasi Allahu Aclam
Cali guure aayado quraana kuu daliiliyey xujada ku oogay welina waad ka hari la, dahay been iyo propagando bil ramadaan gudaheeda nin been sheegaya xukunkiisa waxaan u daynayaan akhristayaasha bartan, ileyn waxaa been cad ah inaad ku wardido mudo dheer bare cali waxaa dilay xarakada halka afhayeenka xarakada uu iska beri yeelay! Bal waxaa la soo cadeeyey inay ka danbeeyeen black water si ay iskaga horkeenaan mujaahidiinta si la mid siduu u jecel yahay cali guure inuu isaga horkeena mujaahidiinta xarakada iyo shacabkooda la garab taagan taageerada hiilka iyo hoogaba leh. Shalay oo ugu danbaysay kumanaan shacab ah oo jihaad doon ah ayaa isugu soo baxay kismaayo,beled-xaawo, marka iyo baydhabo. Xafiisyada wilaayaadka islaamiga ah ayaa ku mashquulsan diiwaan galinta dhalin yaro jihaad doon ah iyo dhaqaale ururin. Halka beled-xaawo looga ururiyey xarkada dhaqaale xoogan halka muqdishana idacada quraanka kariimka ah barnaamijkeeda jahisuu loogu yaboohay xarakada dhaqaale gaaraya kumanaan kun halka dhalinyadu ay gadayaan qoryaha iyo rasaasta gabdhuhuna ay dahabkooda iibinayaan kuna taageerayaan mujaahidiinta. Hadaba shacabkii soomaaliyeed sidaas ayey u taageersan yihiin shabaabka ee cali guurow waxaan ku su,aalay xagey joogaan shacabka aad nagu xuuxiso maalin walbo ee aad tiraahdo xumlaa ayaa dhici bilaha soo socda iyo saxawaadkii ciraaq ayaa samaysmi? Waxaan kuu sheegayaa caliyow bahasha shaarka ay leedahay u gali oo qabyaalada dhuunta ku joogto ee aad kula dirirsan tahay xarakada iyo amiirkooda ee aad qarsan la,dahay ee aad godanenaas aad hayso ee banaanka taalo ee cid walbo ay arag ciil qabkaa aad dhamaadka lahayn ee ragii majlisu tashriic isku magacaabay ee muna lagu halaagay ee aad doonaysid inaad nooga dhigto wiil yar oo baalushla ah oo la dilay! Layaab badanaa caliyow waxaad mujaahidnimo sheegataba waxaad maraysaa inaad ku hadasho afkii bahuuko iyo ibbi.
Muxamed
Waxaa been ah inaad tiraahdo shacabka gobollada ayaa taageersan shabaab. Kismaayo markii ay yiraahdeen kaalaya na taageera wax u soo baxay ayaa iska yar. Gobollada kalena iyada oo la cabsiiyo wax soo baxay ayaa iska yar.
Sheekada shabab iyo xamlooyinkooda kama duwana tii Siyaad Barre ama Raadiya muqdisho. Waa la isu soo baxay iyo ka kacaay oo been ah. Ha sugi waayin natiijda ka dhalata jihaad isu badely xarakat amniyaad ummadda gowracda, culimada caysa, masaakiyiinta carrabka ka jarta, gaalada saldhigyadooda ka cararta.
Waan ogahay inaan xaqiiqooyinka aan taxay aadan ka jawaabi karin. Si kasta oo aan ugu soo celiyo adiga iyo inta kula mid ah ee Godane indha tiray kama jawaabi kartaan.
Diiniyanna uma niqaashi kartid waayo tacliiqaada bayaanka culimada dhullaabu cilmi kasta waa uu arkaa.
Fadlan ka jawaab warkan uu cali dheere maalin dhowayd ku dhawaaqay.
Waxaa uu Cali Dheere yiri jahlan wa inxiraafan
Waxaa ugu baaqayaa ruux kasta oo muslim ah, damiir dadnimo ku jirto ama mid wadannimo ku jirto inay nagala qayb galaan jihaadka lagu qaadayo AMISON iyo kooxda shariifka.
Su;aal
Yaa u ballaan qaaday dadka dadnimida ku jirta inay janna geliyaan haddii ay shabaab la galaan dagaalka?
Yaa yiri ku dagaallanka waddanimo ayaa janna lagu galaa?
Haddallan towxiidka dhawaacaya waxaa ku hadlay afhayeenka shabaab sida dadka badankiisa ka dhageysteen idaacadaha. jawaab haddaadan u haynin ka gudub oo ku meermeer qabiil baa jiraa.
ugu dambayn xikmad darada shabaab waxa ka dhasha gaawaha laga buuxsado la arki doonee.
marka hore waxaan salamayaa shaqaalaha shabkada somalimirror marka waxaan aad uga xumahay dhibaatooyinka loo gaysanayo shacabka reer muqdisho iyo qaraxyada iyo is miidaaminta ay ku hayaan kooxaha mujaahidiinta sheegta ee aamisan mabda.a khaldan mahadsanidiin