Alle ha u naxariisto Maxamed Tahliil oo dhawaan lagu diley deegaanka Ceelasha biyaha isagoo sooman, salaad casarna ka soo baxay.
Waxaan ku bartay Xamar 13 sano ka hor. Wuxuu ku dhashay magaalada Matabaan ee gobolka Galguduud sannadkii 1973kii. Isla deegaankaas ayuu ku barbaaray, kuna soo qaatay waxbarashada aasaasiga ah, ka dibna Muqdisho ayuu ka sii ambaqaaday waxbarshadiisii ilaa uu ka qalinjabiyey kulliyadda shereecada ee jaamica islaamiya oo Muqdisho ku taal.
Wuxuu ka qaatay dadka iyo deegaanka uu ku dhex barbaaray tilmaamo badan oo wanaagsan, sida: firfircoonida, kartida, geesinimada, isku kalsoonida, xilkasnimada iwm. Tilmaamaha kale ee uu caanka ku ahaa waxaa ka mida:
Xiriirka guud:
Sheekh Maxamed Tahliil wuxuu ahaa nin calaaqaad badan la leh qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Asxaabtiisu waxay isugu jireen culumo iyo caamo, ganacsato, siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, gudaha iyo dibadda, rag iyo dumar, yar iyo weyn, gobol fog iyo mid dhaw. Inta badan gobolada dalka cagta ayuu mariyey, dalal dhawr ahna wuu tagey, sida: Sucuudiga, jibbuuti iyo Kenya, wuxuuna dal iyo dibadba ka samaystay saaxiibo badan.
Calaaqaadkiisu ma lahayn xuduud, cid kasta oo ay maalin is bartaana wuxuu la ahaa saaxiib ku weyn. Dadka ay is bartaan uga ma hari jirin saaxiibnimo guud iyo is barasho kaliya ee wuxuu ula dhaqmi jirey walaal oo kale, saaxiibadiis wuu u faa’iidayn jiray, saaxiibnimadoodana khayrka iyo danta guud buu uga faa’iidayn jirey.
Kiil walba gale
Wuxuu ahaa nin karti badan, iskuna kalsoon, dadkiisana ku kalsoon oo Ilaahay u sahlay fikrad curinta, qancinta dadka iyo abaabulkooda. Xiriiradiisa badana waxay u sahleen inuu isku mar la wada hawlgali karo dhawr qolo oo kala duwan, shaqooyin kala duwana isku mar ku wada dhaqaaqi karo. Kiilalka uu ka hawlgali jirey waxaa ka mid ahaa:
Wuxuu ahaa daaci naftiisa, maalkiisa iyo waqtigiisa u hura diinta iyo wax u qabashada ummadda. Wuxuu ka qaybqaadan jirey shaqooyinka diinta loogu adeegayo cid kasta ha waddee. Wuxuu kaloo hormuud ka noqon jirey hawlo dacwo iyo kuwa waxbarasho, sida: aasaasidda madaarista iyo socodsiintooda, dhisidda masaajidda iyo horumarintooda, xoolo u aruurinta iyo abaabulidda dacwada deegaankuu ku dhashay oo uu ka qaybqaatay aasaasidda guddiyo iyo jamciyado loogu adeegayo dacwada iyo waxbarashada deegaanka.
Wuxuu ahaa nin naxariis badan oo xoog furan, isla markaasna aad u dareensan masuuliyadda ka saaran dadkiisa meel kasta ha joogeene, reerkay doonaana ha u dhasheene. Gurmadyada aan xusuusnahay ee uu ka qaybqaatay waxaa ka mid ahaa:
a) ololihii lagu taakulaynayey dadkii abaaruhu ku dhufteen koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo sannadkii 2006.
b) ololihii lagu caawinayey dadkii daadadku ku fataheen gobolka Shabeelaha dhexe isla sannadkaas.
c) Xilligii Xabashidu qabsatay gobolada koonfureedna wuxuu ka mid ahaa dadkii ku dadaalay inay dadweynaha dhibaataysan wax uga soo uruuriyaan qurba-joogta Soomaaliyeed ee walaalohood ah.
Magaalada Muqdisho oo ay xilligii uu joogay ku badnaayeen kooxaha hubaysan ee dadweynaha dulmiga u gaysta ayuu Sheekh Maxamed ka mid ahaa ragga mar walba u taagan u gurmashada ciddii soo qaylisa ha ahaato dad la boobayo ama la laynayo ama madaxfurasho loo qabsadaye. Waxaanan hilmaamyn mar nin mooryaan ah oo ay Sheekh Maxamed isku qoys ahaayeen uu nin Sheekha ku yiri: waan kugu kaadshayaa!; waayo adigoo guri dabaqa saaran ayaad igu soo kaadiday[1]. Sheikh Maxamed markii arrintaa la soo gaarsiiyey ayay isaga iyo rag kaloo gardarradaas ka qiirooday boobeen hubkooda; si ay ninkaas mudankiisa u mariyaan, Sheekhana dulmigiisa uga difaacaan.
Sheekh Maxamed wuxuu ahaa nin xiriir badan oo cid kasta fura, taasina waxay u sahashay inuu cid walba gaarkeeda u soo qancin karo, dadkana isu keeni karo. Waxaa ka mida dadaaladiisii heshiisiineed:
a) markuu abaabulay salaadiinta iyo nabadoonada labo beelood oo ku dagaalamayey gobolka Galguduud, taas oo sabab u noqotay inuu dagaalkaas joogsado. Intii uu hawshaas ku maqnaa ayay ciidamadii Itoobiya soo weerareen gurigii uu ka deganaa magaalada Guriceel, waxayna ka qaateen kumbuyuutarkii Labtop-ka ahaa iyo baasaboorkiiba.
b) Markuu ka qaybqaatay sidii la isu fahamsiin lahaa kooxihii ka qaybgalay dagaalkii lagaga hortagayey kooxdii la baxday la dagaalanka argagixisada, taas oo aakhirkii lagu yagleelay Golihii maxaakimta islaamiga.
Ololayaasha aadka loogu xusuusto Sheekh Maxamed waxaa ka mid ah dayactirkii waddada warshadaha oo uu madax ka ahaa guddigii u hawlgalay. Horayna waxaan usoo sheegnay inuu gaar ahaan u aasaasay ama ka qaybqaatay hirgalinta mashaariic ay ka mid yihiin madaaris iyo masaajid. Waxaan kaloo soo sheegnay inuu wax ka sameeyay jamciyado iyo guddiyo dacwo iyo tacliimeed oo ummadda loogu adeegayo.
Sheekh Maxamed wuxuu ka mid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa hay’addii Kacdoonka Shacabka ee ka qaybqaadatay la dagaalankii kooxdii isu bixisay la dagaalanka argagixisada. Wuxuu kaloo xubin firfircoon ka ahaa Golihii Maxaakimta Islaamiga, ka dibna wuxuu aasaasay hay’addii Samadoonka.
In badan oo wadaadada Soomaalida ka mida tolkood way ka dheeraadaan; si ay diintoodu ugu badbaado ama way ku milmaan oo hadba meeshuu u jeediyo ayay u jihaystaan, laakiin Maxamed Tahliil wuxuu ahaa nooc seddexaad oo tolkood bartanka kaga jira, wixii khayr ahna kala qaybqaata, wixii shar ahna inay ka hor-istaagaan isku daya.
Wuxuu ahaa nin tolki iyo wanaaggooda jecel, kuna dadaala siduu hanuunintooda iyo horumarintooda uga qaybqaadan lahaa. Waxaan xusuusnahay marar badan oo uu talo iga weydiiyey mashaariic iyo afkaar tolka wax loogu qabanayo. Dadka qaarki tolkood waxay ula dhaqmaan sidii qabriga oo qori saar maahee aan qori ka qaadis lahayn Sheekh Maxamadse wuxuu ammaan weyn ku lahaa inuu tolki uga faa’iideyn jirey ra’yigiisa, aqoontiisa, xooggiisa, xoolihiisa iyo wajigiisaba, isla markaasna uu tolki u adeegsan jirey sidii diinta iyo ummadda wax loogu qaban lahaa. Sidaas ayaana sharciga waafaqsan.
Maxamed waqtigiisii ka hor ma dhiman
Haddii uu jiri lahaa qof waqtigiisa ka hor geeriyooda ama la dilo (maba jiree) Sheikh Maxamed waxaa la dili lahaa xilligii lala dagaalamayey kooxdii sheegatay argagixiso la dirirka ama markii Xabashidu dalka haysatey ama beryihii uu wadey abaabulka Samadoonka. Haddii waqtiyadaas oo dhan la dili waayey ee la dilay xilli aysan jirin wax sabab ah oo dilkiisa loogu marmarsoodo, laguna diley goob aan wax balaayo ah laga fileyn waxay tusaysaa inuu go’ay markii xilligiisu go’ay.
Gabagabadii nin la jecelyahay iyo nin la necebyahayba geeri baa ka dambaysa, waxaana muhiim ah in qofku meesha uu u socdo wax u diyaarsado, diintiisa iyo dadkiisana wax uga tago. Qormadaana waxaynu uga gol leenahay inaynu oofino wax ka mida xaqa walaalkeen ina ku leeyahay iyo inaynu muujino dhinacyada iftiimaya ee taariikhdiisa; si ay ubadkiisa iyo jiilasha dambe ugaga daydaan. Ilaahayna waxaan uga baryaynaa inuu dambigiisa xasanaad ugu badalo, jannadana uu ka waraabiyo, ubadkiisa iyo ehelkiisana uu khaliif uga noqdo.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
[1] ) waa hadal sheekha lagu daandaansanayo; si loo baado.

Related posts:
ilaahay ha u naxariisto, aniguna intaas ayaan ku aqaanay, nin hufan,alla ka baq leh, joogteeya salaada jamaacadda waaana arinta aan aamibsanahay inay imaan u damaano qaadayso, waa la dilaye maxaa lagu dilay, kii dilayoow ii sheeg walaaloow aan ogaadee waxa aad ku dishay, dadkaan ugu dhawaa wax dhiigiis lagu banaysto ahdaan ogahay waan uga naseexayn lahaa, laakiin ilaahay hortii xataa cadaawo cid khaasa oo Soomaali ama muslimah kuma arag.
ilahay walalkeen ha u naxariisto
gacan ka gardaran ayaa dishay waxaan umalaynaa ninkii dilay maxamed tahliil nin caqli leh ma aheeen ama waxaan dihi karnaa waa nin fitnoobey sababta nin sooman hadana masajidka ka soo baxay qof islam ah oo qiyaamo rumeysan hadan ilaahay wax ka raba waxaas ma sameeyo
waxaan soo jeedinaa in diinta islamka la barto sida saxda ah ee la iska ilaasho wax yaabaha lagu fitnoobaayo sida banaysasha qofka islamka ah
Maxamad tahliil Allaha u Naxariisto iyo Dhamaan Muslminta Dhiigooda lagu Daadinayo Soomaliya Muqdisho gaar ahaan,
Maxamad waxaa Sharaf ugu Filan inuu Soomanaa Markii la Dilayay salaada Casarkana uu Tukaday waxaan ilaah uga rajeyneynaa Khaatumadiisaas inuu u aqbalo