Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?(7,8,9,10).

Published on August 23, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

W/Q: cali Axmad

asadxg@hotmail.com

Q: 7aad

Qeybtaana waxaan kusoo qaadan Doonaa Suuaradaha kala ah: Yuunus, Huud, Yuusuf iyo Al Rracad, waana Qeybtii 7aad ee Maqaalkii aan u magac darnay Sideen u fahamnaa Qur’aanka?.
 
Suurada 10 aad Yuunus:

Suuradan waxaa loo yaqaan Yuunus, taasoo Xasuusin u ah Qisadii Nabi Yuunus, Qiasada Suuradan Sheegtay waa in Qolodii uu Dacwada Gaarsiiyay Nabi Yuunus , markii ay warkiisa diideen Cadaabkiina soo dagtay hadana laga Cafiyay oo Cadaabkii laga Badbaadiyay Markii ay Rumeeyeen Nabighooda Saacidihii ugu Dambeeyay, arintaas oo ah Galad iyo Ixsaan gaar ah oo uu Allaah ugu Nimceeyay Qoladii Nabi Yuunus.

Suuradan Yuunus waxaa ay ka mid tahay Suuradaha ku soo dagtay Magaalada Makah, marka laga reebo Aayadaha kala ah (40, 94,95,96) oo soo dagtay Markii Madiina loo Hijrooday ka dib, tiro ahaan Ayadaheedu waa 109 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-israa ka dib, waxeyna ku bilaabataa Xuruuf kala go’go’an, waxeyna Suuradaan ku Dhamaataa Fariin ah in ay Waajib ku tahay Dadka Raacida Xukunka Alle (Cw) Suuradan Yuunus waxey ku Beegan tahay Juz ahaan kan 11aad badnkiis.

 Macnaha Guud ee Suurada Yuunus:

Suuradan waxey si u weyn wax uga Tilmaantaa Arkaanta Iimaanka sida Iimaanka Alle, Kan Rususha, kan Kututubta, iyo Soo Bixinta Maalinta Qiyaame si looga Abaar mariyo Cid walba waxii ay Kasbatay, waxeyna Dadka u tilmaantaa Guud ahaan Rumeynta Kutubadii Rabi soo dajiyay gaar ahaana Kitaabka Qur’aanka ah kaasoo ah Kii lagu soo Gabagabeeyay Risaalooyinka uu Ale Caalamka u soo dajiyay,
 
Suurada 11aad Huud:

Suuradan waa Suurada 11aad marka loo eego Habka Musxafka Qur’aanka u Nidaamsan yahay, waxaana loogu Magac daray Nabi Huud oo ahaa Nabigii loo soo diray Qoomkii loo yaqaanay Reer Caad ee ku Kadsoomay Xooga Alle ugu Nimceeyay, Kibirkana ka gaaray in ay Yiraahdaan: Yaanaga Xoog badan?.

waxaana Awooda inta ay la eg tahay lagu Tusiyay in lagu Halaago Dabeylo Duufaan ah oo Cagta Mariyay ayagoo Dhan, marka laga reebo Koox yar oo Raacday Nabi Huud uun.

Suuradan waxey ka mid tahay Suuradaha Magaalada Maka intii aan laga Hijroon ku soo dagtay marka laga reebo Sadax Aaayadood oo kala ah: (17, 12, 114) kuwaasoo ah Aayado Magaalada Madiina Hijradii ka dib soo ku dagtay, Xaga tirada Aaayadaheduna waa 123 Aayadood, waxey soo dagatay Suurada Yuunus ka dib, Suuradan waxey ka mid tahay Suuradaha ku Biloowda Xuruufaha kala gogoan, Juz ahaana Musxafka waxey kaga Beegan tahay Juzka 12aad Biloowgiisa ilaa ku dhawaad Dhamaadka Juzkaas.
 
Macnaha Guud ee Suurada Huud:

Suuradan waxey aad ugu ban baxdaa Asalada Diinta Islaamka sida: Caqiidada Towxiidka, Risaalada Nabiyada, Soo Bixitaanka Geerida ka dib, iyo Abaal Marka Maalinta Qiyaame la Muteysanayo, waxeyna si Faahfaahsan u soo Ban dhigtaa Suuradan Qisooyinka Nabiyada si Rasuulka (SCW) iyo Muslimiinta ugu Sabarsiiso Dhibaatada ay Mari jireen Nabiyadii Hore iyo kuwii Raacayba, si ay ugu Dulqaataan Dhibaatada kaga Imaaneysay Mushrikiintii Makah, aygoo Naftooda barbardhigaya Dhibaatooyinkii Nabiyadii hore ku dhacday, waxeyna Suurada ku beegneed soo dagitaankeeda Xili Mushrikiintii Makah ay Dhibaatada ku Jibaareen Nabiga (Scw) ka dib Markii uu Geeriyooday Adeerkiis Abuu Dhaalib iyo Xaaskiisii Khadiija Binti Khuweylid.
 
Fadliga Suurada Huud:

Abuukar (Allaha ka raali Noqdee) ayaa Nabiga Maalin Suaalay asagoo leh: Maxaa Dhacay ood la Ciroowday Rasuulkii Alloow?, waxaa uu ku Jawaabay Rasuulka: {Waxaa i Cireeeyay Suurada Huud iyo Walaalaheed Ciroobid ka hor}.
 
Suurada 12 Yuusuf :

Suuradaan waxaa lagu Magaacaa Yuusuf, maxa yeelay Biloowgeeda ilaa Dhamaadkeedaba waxey ka Sheekeysaa Nabi Yuusuf, waxaana Xasuusin Mudan Suuradan in ay kaga Duwan tahay Suuradaha kale ee Qur’aanka in Gebigeed ka Hadashay Qisada Hal Nabi kaliya, waxey kaloo Suuradan la gaar tahay in aanan Marna lagu Sheegin Dhexdeeda Magaca Janada iyo Naarta. .
 
Suuradan Yuusuf waxey soo Dagatay intii Magaalada Makah la joogay marka laga Reebo Aayadaha kala: (1,2,3,7.) oo ah Aayado kusoo Dagtay Magaalada Madiina, Tiro ahaana Suuradan waa 111 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Huud ka dib, waxey ku Bilaabtaa Xuruuf Go’go’an, Magaca Nabi Yuusuf waxaa lagu Xusay in ka badan 25 Jeer, waxa ayna kaga Beegan tahay Musxafka Dhamaadka Juzka 12aad iyo Biloowga Juzka 13aad.
 
Macnaha Guud ee Suurada Yuusuf :

Suuradaan waxey wax ka Sheegtaa Guud ahaan Qisooyinkii Nabiyada, waxeyna si gaar ah uga Sheekeysaa si Fhfaahsan Nabi Yuusuf Taariikh Nololeedkiisii iyo Dhibaatooyinkii uu la kulamay laga Bilaabo tii ay u Geesteen Walaalihiis ilaa iyo Haweentii Boqorka iyo Xabsigii iyo Dhagartii ay la maageen Haweenkii Masar , waxeyna Suurada tilmaameysaa sidii uu Alle (Cw) u Badbaadiyay Nabi Yuusuf Dhibaatooyinkaas oo Dhan, arintaana waxey Samirsiin u aheyd Nabi Muxamad oo Murugo badan iyo Culeysyo ay kaga Imaanayeen Mid dhaw iyo mid Fogba.

Waxaa kaloo Suuradaan Tilmaan Wanaagsan ah in Nabi Yuusuf asagoo Nicmo Aduun oo dhan heysta hadana uu ku Duceysanayay Markii uu Alle Baryay: {Alloow waxaad i Siisay Xukun waxaadna i bartay Fasiraada Riyada, Allaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulkoow Adaa Gargaare ii ah Aduur iyo Aakhiraba ee i Oofso Anoo Muslin ah ina Haleeshii kuwa Suuban}.

Ducadaas waxaa ay Dadka Muslimiintaa ku baraarujineysaa Qiimaha weyn ee ay leedahay in Ruux uu Islaamnimo Alle ku Galadeesto.
 
Suurada 13aad Al-Rracad:

Suuradaan waxaa loo Yaqaan Al-Rracad oo Macnaheedu yahay (Gugac), sababta loogu Magcaabayna waa in Dadka la Xasuusiyo Muuqaalka Koonka ka Jira ee yaabka badan, kaasoo Dadka ku Baraarujinaya Awooda Alle (Cw) weynideeda, Suuradaana waxey tustaa in Biyaha yihiin Maadada Nolosha, Allena waxaa uu ka soo Dajiyaa Saxaabka (Caadka), Saxaabkuna waxaa uu Alle (Cw) ka Dhex Abuuray Raxmad iyo Cadaab Dhexdood, waayo waxaa uu Sidaa Saxaabku Roob, isla Markaana waxa Sidaa Biriq, Taasoo Macnaheedu yahay in Biyuhu yihiin Maadada Nolosha, Biriqduna tahay Maado wax Halaagta, arintaas oo Muujineysa Awooda Alle (Cw) oo waxa uu Hal mar Meel isugu keenay laba Shey oo aan Marna Cid kale Meel isugu wada keeni Karin, labadaas oo ah(Biyo iyo Hilaac) waxaa uu meel isugu keenay Saxaab Biyo Wada, iyo Hilaac Dab ah.

Suuradan waxey soo Dagatay Markii Muslimiinta Madiina u Hijroodeen ka dib, tiro ahaana Ayadaheedu waa 43 Aayadood, waxeyna Soo Dagatay Suurada Mumaxamad ka dib, waxa ayna ku Bilaabataa Xuruuf kala Go’go’an, Juz ahaana waa Bartamaha Juzka 13aad.

 Macnaha Guud ee Suurada Al-Rracad:

Suuradaan Maadama ay kusoo Dagatay Magaalada Madiina waxa ay wax ka Tilmaantaa Waxaaid ahaansha Alle (Cw) , Soo Bixnta Geerida ka dib, iyo Abaal marka ka Dambeeya, waxa ayna Suuradaan si Faahfaahsan u Tilmaantaa Cilmiga Alle (Cw) inuu yahay Mid wax kasta Koobay oo aysan jirin wax ka qarsoomi kara, isla markaana waxey Naqdin ku sameyneysaa Shubahaadka ay Mushrikiinta Abuuraan.

Q: 8aad

Suurada 14aad Ibraahiim:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Aabihii Nabiyada Ibraahiim, si ay u waarto Xusuustii Taariikhdii Nabi Ibraahiim markii uu Asagoo Dhalin yaro ah u Istaagay Qoomkiisa oo Gaalo Mushrikiin ah ahaa inuu ugu yeero Toowxiidka, markii ay ku madax adkaadeena Gacanta u Qaaday Sanamyadoodii, markii ay Su’aaleena ku yiri Bal kan ugu weyn Su’aala haduu idiin sheegi karo, Markii ay ogaadeen inuusan Jawaabeena waxey Talo ku Goosteen in ay Gubaan si ay ugu Gargaaraan Sanamyadooda, taasna Alle (Cw) ayaa ka Badbaadiyay oo Dabkii Dhexdiisa ku Nabad Galiyay Nabigiisii Ibraahiim, kadib Markii uu Allaah (Cw) ku Amray Dabkii inuu noqdo Ibraahiim Qobow iyoNabad.

Suuradaana waxa ku jira Ducadii Dhaxal galka aheyd ee uu Nabi Ibraahiim ku Duceeyay markii uu Reerkiisii Dajiyay Dhul Banaanaa Markaas oo hada ah Magaalada Makah Halka ay ku taal.

Suuradan waxey soo dagatay 10 Sano Magaalada Makah la joogay, marka laga reebo Aayadaha kala ah:(28, 29) kuwaasoo soo Dagtay Hijradii Madiina ka dib, tiro ahaan Aayadeedu waa 52 Aayadood, awxa ayna ku Bilaabataa Xuruuf Go’go’an, waxa ayna Juz ahaan Musxafka kaga Beegan tahay Juzka 13aad Dhamaadkiisa.

Macnaha Guud ee Suurada Ibraahiim:

Suuradaan waxey aad uga Hadashaa Tiirarka Iimaanka sadax ka mid ah sida: Rumeynta Alle(Cw) Rumeynta Rususha iyo Soo Bixinta Geerida ka dib, si aad ahna waxa ay Xooga u Saartay Risaalada Nabi Muxamad (Scw) ayadoo soo Bandhigeysa dacawdii Nabiyada (Cs), waxeyna Cadeysay Suuradaan in Risaalooyinka Nabiyada oo dhan isku Mid ahaayeen, maxaa yeelay Nabiyada oo dhan Shaqada Koowaad ugu weyn Shaqadooda waxey aheyd in ay Caaqiidaa Towxiidka Aduunka ku Faafto, si ay Dadka uga Saaraan Mugdiga Shirkiga una Saaraan Iftiinka Tooowxiidka.

Suurada 15aad Al-Xijri:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Xijri so loo waariyo Xasuusta Cadaabkii ku Dhacay Reer Thamuud iyo Magaaladii ay daganaayeen oo la dhihi jiray Xijri, taaso aheyd Magaalo aad u weyn oo ku ooli jirtay inta u Dhaxeysa Magaalada Madiina iyo Dhulka Shaam loo Yaqaan.

Reer Thamuud waxey ahaayeen Qabiil Carabtii hore ah sidoo kalana Reer Caad oo aan kaga soo hadalnay Suurada Huud, Reer Thamuud waxey ku Caan baxeen in ay Buuraha Guryo ka Dhex Qortaan, waxeyna ahaayeen Dad aad Aduunka ugu Dadaala sidii ayagoo aan ka tageynin Weligood, Markii Nabi Saalax Diinka ugu yeerayna waa ay Beeniyeen, waxeyna iloobeen Nicmooyinka ay Heestaan in ay ka Helaan Alalaha loogu yeerayo, waxeyna Xujooyin iyo Cadeymi ka Dalbadeen Nabi Saalax, markii Mucjizadii Hashii ay ka Dalbadeen arkeena talo ku Goosteen in ay Dilaan Kibir Dartiis, taasoo keentay in Qeylo lagu Cadaabo oo ay Dhamaadaan marka laga Reebo koox yar oo Raacday Nabi Saalax.

Suuradaan waxey ka Mid tahay Kuwa magaalada makah ku soo Dagtay, marka laga Reebo Aayada 87aad, tiro ahaana Aayadaheedu waxey Gaarayaan 99 Aayadood, waxeyna soo Dagtay Suurada Yuusuf ka dib, Musxafkana waxey kaga Began tahay Juzka Biloowga Juzka 14aad.

Macnaha Guud ee Suurada AlXijri:

Suuradan waxaa ay Guud ahaan faahfaahin ka Bixisaa halaagii ku Dhacay kuwai Nabiyadii Horeeyay Beeniyay, sidaa darteed Suurada waxey ku Bilaabataa Handadaad iyo Digniino tusaya in kuwa Gaalnimada ku Dhinta ay Imaan Doonto Maalin (Qiyaamo) ay Tamaniyi Doonaan in ay Fiicnaan laheyd in ay Muslmiin ahaadaan (Aduunkii), waxeyna Suurada Tilmaameysaa in Nimco Walba oo Gaal heestaa Cadaab ka dambeeyn Doono.

Waxaana xasuusin Mudan Qisada Reer Thamuud iyo Reer Caad in ay yihiin Qisooyinka soo Gudbintooda uu la gaarka yahay Kitaabka Qur’aanka, mana ka hadlaan Kitaabada kale ee ay heystaan Ahlu Kitaabka oo ah Yuhuuda iyo Nasaarada.

Suurada 16aad Al-Naxli:

Suuradaan waxaa loogu Madac daray Al-Naxli, oo Macno ahaan ah Shinida, si dadku u ogaadaan Cajabka ku Jira Uunka Alle (Cw) xataa haduu yahay mid sida Shinida oo kale u yar, maxaa yeelay Nooca ay Shinida u Abuuran tahay iyo Habka ay u Nooshahay, Habka ay Sameeyso Malabka iyo Habka ay u Nidaamsan tahay Nolosha Shinida intuba waa Daliil Cadeynaya in Alle kaliya koonka Maamulo, Aasaga kaliyana inuu yahay Kan Caabudida Muteystay.

Suuradan waxa ay Soao Dagatay Intii Magaalada Makah la Joogay, marka laga Reaebo Aayadaha 126,127,128 kuwaa oo ah Aayado Magaalada Madiina kusoo Dagtay, tirada Aayadaheeduna waa 128 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al Kahaf ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Juzka Biloowga 14aad ilaa laga gaaro ku dhawaad Dhamaadka Juzkaas.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Naxli:

Suuradaan waxey aad u Faahfaahisaa Caaqiidada arimha Quseeya, ayadoo u soo Bandhigeysa Hab ah in ay Dadka Dareensiiso in ay Dib u eegaan Koonka ku Hareyreeesan Sida: Cirka, Dhulka, Badaha, Xidigaha, Buuraha, Dhulka Siman ee Dadku Dagan yihiin,Roobka, Dhirta Dhulka kasoo Dhalata, Maraakiibta iyo Doomaha Badha isaga Goosha kuwaasoo Xidigaha ka Dhigta Caalamadii ay Mugdiyada Badaha kaga Gudbi lahaayeen,..i.wm.

Suuradaan waxey Insaanka Caalamka ku nool ugu yeereysaa in ay Bal Dib u eegaan Hareertooda si ay u arkaan Muuqaalada Cad cad ee ka Hor Muuqda ee Tusaya Allaah (Cw) inuu yahay Hal kaliya Maadama aysan jir Cid Koonkaas la Abuurtay.

Suurada 17aad Al-Israa ama Banuu Israaiil:

Suuradan Al Israa waxaa loogu Magac daray Mucjizadii weyneed ee Nabi Muxamad lagu gaarka yeelay, Mucjizadii Nabiga Suuban lagu Dheelmiyay Habeen asagoo Joogay Makah lana Geeyay Qudus Masjidka ku yaala ee Al-Aqsaa, asagoo Halkaas kula Kualmay Nabiyo Badan salaadna ku Tushiyay, ka dibna waxaa la Korsiiyay Samooyinka …

Suuradan waxey soo dagatay Xiligii Makah la Joogay, marka laga reebo Aaayadaha nambarkoodu yahay(26,32,33,57,73,74,75,76,77,78,79,80) oo ah Aayado Magaalada madiina kusoo Dagtay Hijradii ka dib, tiro ahaana Aayadaheedu waa 111 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suura Al-Qasas ka dib, waxeyna Suuradan ku Bilaabata Amaanta Allaah (Cw), Juz ahaana waxey Musxafka kaga Beegan tahay Juzka 15aad Biloowgiisa ilaa laga gaaro Kaloo barka Juzkaas.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Israa:

Suuradan Al Israa waxey Xooga Saarta Arimaha Caqiidada Quseeya sidaba Caadada u ah Dhamaan Suuradaha Magaalada Makah intii la Joogay Soo dagatay, laakiin suuradaan waxey si Gaar ah Xooga usii saartaa Shaqsiyada Nabi Muxamad (Scw) iyo Mucjizaadkii Allaah siiyay iyo Xujooyinkii Cadcadaa ee uu Mushrikiintii Quresh kala Hor tagay ee Tusayay Nabiga Nabi inuuu yahay.suradana waxey Dadka Muslimiinta ka Dhistaa Aadaabta Wanaagsan sida: Edebta ay tahay in Waalidka iyo Qaraabada lagula Dhaqmo, iyo Balanta la Dhowro, waxeyna Muslimiinta ka reebtaa Aadaab Xumida sida:Bakhiilnimada, ama Xoolo ku Dheelka, in Caruurta loo Dilo Gaajo ka Cabsi, waxey kaloo ka reebtaa Muslimiinta una Cadeysaa Khatarta Zinada leedahay iyo in Xoolaha Agoonta lagu Xad gudbo.

Fadliga Suurada:

Imaamu Tirmiidi waxuu Wariyaa in Hooyadii Muminiinta Caaisha ay tiri: {Nabiga Suuban (Scw) wuxuu ahaa inusan Seexan jirin Habeenkii ilaa uu ka aqriyo labada Suuradood ee Al-Zumar iyo Suurada banuu Israaiil (Israa)}.Xadiiskuna waa Xasiix

Q: 9aad

Suurada 18aad Al-Kahf:

Suuradaan waxaa lagu Magacaabaa Al-Kahaf, oo Macnaheedy Yahay Godkii, maadama ay ka Sheekeyso Qisadii Mucjizada laheyd ee Dhalinyaradii Godka Galay ayagoo Baxsad la ah Diinkooda ee Hurdada Dheer Allaah uu galiyay ilaa ay kasoo Naxaan Mar Dambe oo Boqortooyadii Gaalada aheyd ee Diinka Towxiidka la Dagaashaneed Allaah uu ku Badalay Mid Towxiidka Aaminsan.

Suuradaan waa Suurad Soo Dagatay waqtigii Muslimiinta ay Magaalada Makah Dhibaatada ku heysatay, Marka laga Reebo Aayadaha ka Biloowdo 86 ilaa laga gaaro 101, Tiro ahaana Aayadaheedu waa 110 Aayadood, waxeyna Soo Dagatay Suurada Al-Ghaashiyah, waxeyna ku Bilaabata Amaanta Allaah (Cw), Suurada waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Juzka 15aad Qeybtiisa Dambe iyo Biloowga Juzka 16aad, waxeyna Suuradaan Caan ku tahay in ay ka Sheekeyso Qisooyin Badan sida Dul-Qarneyn, Nabi Muuse iyo Khadir.

Macaha Guud ee Suurada Al-Kahfi :

Suuradan waxey Mid ka tahay 5 Suuradood oo ku Biloowdo Amaanta Allaah (Cw) kuwaasoo kala ah: Al-Faatixa, Al-AnCaam, Al-Kahfi, Faadhir, iyo Suurada Saba, taasoo Macnaheedu yahay Suuradaan waxey Astaan u tahay Amaanta iyo Alle, waxa ayna dadka baraarujisaa in Allaah kaliya loo Ictiraafo, Weyni, Kibir iyo Dhameystirnaan oo Dhan.

Sidaa darteed Suuradaan waxey Dadka ugu yeereysaa inaan lagu Kadsoomin Dhaldhalaalka Dunida iyo Nicmooyinkeeda sida Beeraha iyo Maalka, ayadoona Dadka ku Baraarujineysa waxa Anfaca leh in ay yihiin wixii Maalinta Qiyaame Cadaabka Alle (Cw) looga Badbaadi karo kaliya.

Fadliga Suurada Al-Kahfi:

Waxaa ku soo Arooray Suuradan Axaadiis Saxiix ahoo Tilmaameysa: Ruuxii Xifdiya 10 Aaayadood oo Biloowga Suuradaan ah in Allaah (Cw) Badbaadinayo Fidnada Dajaal, ama 10 Aayadood oo Dhamaadka Suuradan ah Ruuxii akhriya Dajaal Dhib ma gaarsiiyo.

Axaadiis kalana waxey Tilmaameysaa: Qofkii Aqriya Suurada Alkhf sidii loo soo Dajiyay, waxey Maalinta Qiyaame u Noqotaa Nuur ka biloowda Meesha uu Joogo illa Makah Gaara.

Waxaana Sidoo kale soo Aroortay Axaadiis tilmaameysa : Ruuxii Aqriya Suuradan Maalinta (Habeen) Jimcaha ah Nuur ayaa u ifa ilaa Jimcaha kale laga gaaro.

Suurada 19aad Maryama:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Maryama Binti Cimraan, si ay u Waarto Xusuusta Mucjizadii Alle (Cw) uu Maryama ugu Hibeeyay Wiil aan Aabe laheyn, ka dibna Alle uu ka Hadashiiyay Wiilkii yaraa Maalintii uu Dhashayba asagoo sheegay inuu yahay Adoon Alle yahay Nabina yahay Dacwada Gaarsiin Dooona Banuu Israaiil.

Suuradan waxey soo dagatay intii Makah aan laga Hijroon, marka laga Reebo labada Aayadood ee kala ay Aayadaha 58 iyo 71 oo ah kuwa Madiina Markii loo Hijrooday soo Dagtay, tiro ahaana Aayadaha Suuradaan waa 98 waxeyna soo dagatay Suurada Faadhir ka dib, waxa ay ku Bilaabataa Xuruuf Gogoan, Juz ahaan Musxafka kaga Beegan tahay Qeybta hore ee Juzka 16aad.

Macnaha Guud ee Suurada Maryama:

Suuradan waxey Xooga Saartaa Towxiidka iyo ka Nazahida Alle (Cw) wax walba uusan Mudneyn, waxeyna Dadka u Tilmaantaa in Geerida ka dib la isoo Bixin doono si Qof walbaa uu u helo waxuu Kasbaday Shar ama Kheyr, waxa ayna Suurada ka Sheekeysaa Jidka ay kala Mareen kuwa Hanuunsanaa iyo Kuwa Baadiyoobay.

Waxaana Xasuusin Mudan Suuradan magaca ay wadataa waa Magaca Dumar ee kaliya ee Quraanka ku Xusan.

Fadliga Suurada Maryama:

Suuradan Maryama fadligeeda waxaa Tusaya: Markii saxaabada u Hijroodeen Dhulkii loo yiqiinay Dhulkii Xabashida, ee uu Boqorkii xabashida Najaashi Suaalay Waxa ay Muslimiinta ka Aaminsan yihiin Maryama Binti Cimraan?.

Muslimiintii Muhaajiriinta ahaa waxaa u Hadlay Jacfar Ibni Abii Dhaalib oo Sharaxay Caqiidada Muslimiinta ee ku Aadan Maryama iyo Wiilkeeda Ciise asagoo ku dul aqriyay Suurada Maryama, taasoo keentay in Boqorkii Najaashi iyo Baadariyadii ka agdhawaaba ay ilmeeyaan ayagoo la yaaban kuna khushuucsan sida Wanaagsan ee Quraanka u Sharaxay Qisada Maryama, waxa ayna ku Dhawaaqaan Shahadadii Islaamka oo waxeyna arintaas Albaab u Noqotay in Dhulka Xabashida Diinta Islaamka ku Faafto.

Waxaana Xasuusin Mudan Maantadan la Joogo in Muslimiinta Xabashida yihiin kuwa ugu Badan Xaga Tirada marka laga Hadlayo Wadamada ku yaala Geeska Afrika.

Suurada 20aad Dhaahaa:

Suuradaan waxaa la yiraahdaa Dhaahaa oo Culimada qaar ku fasireen in ay tahay kalimadaas Magac uu Nabi Muxamad leeyahay, waxeyna Suurada madax dajin u tahay Nabi Muxamad oo Dhibaatooyin badan Markaas kaga imaanayeen Dhanka Mushrikiintii Carabta.

Suuradan waa Suurad Soo dagatay intii aysan Muslimiinta ka Hijroon Magaalada Makah, marka laga reebo labada Aayadood ee kala ah Aayada 31 iyo 32aad oo ah Madiina kuwa kusoo Dagtay,xaga tirada Aayadahana waa 135 Aayadood, Juz ahaana waxey ku Beegan tahay Qeyta Dambe ee Juzka 16aad, waxeyna Soo Dagatay Suurada Maryama ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Dhaahaa:

Suuradaan waxey Xooga Saartaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada sida lagu yaqaan Dhamaan Suuradaha Magaalada Makah ku soo dagtayba Maadaama ay makiyah tahay.

Suurada 21aad Al-Anbiyaa:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Anbiyaa, maadaama Suurada so kookooban ay usoo Hadal Qaaday Nabiyo Fara badan, waxa ayna Suurada Tilmaamo ka Bixisay Nabiayadaas Dadaalkoodii Xaga Dacwada, Sabarkoodii iyo Sidii Naftooda ugu Hureen Jidka Allaah (Cw).

Suuradan waa Makiyah, Tirada Aayadaheeduna waa 112 Aayadood, waxeyna Juz ahaan Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga ilaa Bartamaha Juzka 17aad, waxeyna soo Dagatay Suurada Ibraahiim ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Anbiyaa:

Suuradan waxe ka Hadshaa Caqiidada Arimaha Quseeya sida: Risaalada Toowxiidka, Soo Bixinta Maalinta Qiyaame, Abaal Marka maalinkaas jira, waxa ayna sidoo kale wax ka Tilmaantaa Saacada Qiyaamaha iyo Dhibaatooyinka ay Xambaarsan tahay Marka lagaaro Dhicitaankeeda, iyo Guud ahaan Qiyaamaha waxyaabah ka jira ee Dhibaatooyin ah, waxeyna soo Hadal qaadaa Nabiyada iyo Rususha Sheekooyinkooda.

Suurada 22aad Al-Xaj:

Suuradan Al-Xaj ayaa Magaceedu yahay, si loo Waariyo Xusuusta Ducadii Nabi Ibraahiim Markii uu Dhisay Kacbada Sharafta Badan.

Suuradaan waxa ay Soo Dagatay Magaalaga Madiino Markii Loo Hijrooday ka Dib, marka laga Reebo Ayadaha nambarkoodu yahay: 52, 53, 54, 55 kuwaas oo kusoo Dagtay Meel u Dhaxeysa Makah iyo Madiino, tiro ahaana Aayadaheedu waa 78 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Nuur ka dib, waxa ayna Juz ahaan Musxafka kaga Beegan tahay Barka dambe ee Juzka 17aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Xaj:

Suuradaan waxa ay ka hadashaa Arimaha Sharciga ku Saabsan maadama ay Madaniyah tahay, waxaase ka Dhex Muuqda Muuqaaladii ay Xambaarsanaayeen Suuradaha Makiyada ah, oo waxaa ay aad u Faahfaahisaa Arimaha: Toowxiidka, Digniino, Cabsiin, iyo Abaal marka jira Geerida ka dib marka la isa soo Nooleeyo, Arintaan oo keeni karta Ruuxa aqriniya Suuradaan inuu Moodo Suuradan in ay Makiyah tahay, waxey kaloo ka hadashaa Dhinacyada Sharciyada ku saabsan: Idinka Jihaadka, Axkaamta Xajka, iyo Xoolaha Hadyiga ah ee Xujaayda Goowracdo.

Waxaa Xasuusin Mudan Suuradan in ay Suuradaha Qur’aanka kala Gaar Noqotay in ay ku jiraan laba meelood oo ay Sunno tahay marka la gaaro Aqrinteeda in la Sujuudo.

Suurada 23aad Al-Muminuun:

Q: 10aad:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Muminuun si Muslimiinta loo Xasuusiyo Darajooyinka wanaagsan ay ku leeyihiin Janda Firdowsa Dhexdeeda.

Suurada waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 118, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Anbiyaa ka dib, waxeyna ku bilaabataa Aayado Xambaarsan Kalimaad Muujinaya liibaanta Mumniinta Maalinta Qiyaame gaarayaan, Juz ahaana waxey kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 18aad ilaa ku Dhawaad kaloo Bar.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mumnuun:

Suurada waxey ka Hadashaa Arimaha Quseeya Caqiidada sida Toowxiidka, Risaalada, iyo Soo Bixinta Maalinta Qiyaame, waxeyna Faahfaahin ka bixisaa Tilmaamaha kuwa Janada Firdowsa Dhaxalka u yeelan Doona, waxaana ka mid ah Tilmaamahaas:In Salaada lagu Khushuuco, in Hadalada Macno Darada ah laga Jeesto, in Zakada la Guto (Bixiyo), in Zinda laga Fogaado, in Amanaada iyo Balamada la ilaaliyo..
 
Suurada 24aad Al-Nuur:

Suuradan waxaa loogu magac Daray Al-Nuur, maadama ay Xambaarsan tahay Nuurkii Shareecada ku Jideysay Aadabo Far badan, waxaana ku jirta Aayad tilmaameysa in Allaah yahay kan Nuuriya Koonka oo Dhan, taasoo laga qaatay Magaca Suuradan.

Suuradan Al-Nuur waxa ay soo Dagatay Magaalada Madiina Markii loo Hijrooday ka dib,Aayadaheeduna waa 64 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Xashri ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaha Juzka 18aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Nuur:

Suuradaan waxa ay aad uga hadashaa Sharciyada iyo Aadaabta, waxeyna Fiiro gaara u leedahay Arimaha Guud iyo Gaar ahaaneed ee ay tahay Muslimiinta in ay ilaaliyaan, Bulsho ahaan ama Afraad ahaanba, Suuradaana waxaa ku jira Axkaam Muhiim u ah Qoyska Muslimka iyo Bulshada Muslimiintaba, waxeyna Suurada Dadka Muslimiintaa Bartaa Khatarta ay leedahay Dacaayada Faafinteeda, iyo Cadawga Muslimiinta Faa’iidada ugu Jirta in ay Muslimiinta Gudahooda is dacaayadeeyaan.

Suuradaan waxaa Xasuusin Mudan waxey si Faahfaahsan uga Sheekeysay Been Abuurkii loo Geestay Qoyskii Nabiga ee lagu Beegsaday Sharafta Caaisha (Alaha ka raali Noqdee) iyo sida kuwa Munaafiqiinta ah u Buunbuuniyeen Dacaayadaas ayagoo Dano gaar ah ka alaahaa, waxey kaloo Suurado Sheegtay kuwa Iimaan leh laakiin dacaayadii Markii ay Badatay Run Mooday oo Faafinteeda ka qeyb qaatay, taasoo tuseysa in Dadka aad uga Digtoonaadaan dacaayadaha Dadka Muslimiinta ah Dhexdooda ku Faafsan, maxaa yeelay Allaah (Cw) waxaa uu Tilmaamay in Dadku Maleeyaan Daacayada wax yar , laakiin ay Alle Agtiisa ku Weyn tahay.

Suurada 25aad Al-Furqaan:

Suuradaan waxaa loogu Magac darat Al-Furqaan oo ah Magac ka Mid ah Magacyada Kitaabka Quraanka loo yaqaan, Magacaas oo loola Jeedo Macno ahaan in Kitaabku yahay kala Saaraha Xaqa iyo Baadilka, Iimaanka iyo Kufriga, Nuurka iyo Mugdiga:

Suuradan waxaa ay ka mid tahay Suuradaha soo Dagtay intii Magaalada Makah la Joogay, Marka laga reebo Aayadaha kala ah: 68, 69, 70, Cadadka Aayadaheedu waa 77 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Yaasiin ka dib, waxa ayna ku Beegan tahay Biloowga Juzka 19aaad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Furqaan:

Suuradaan waxey Guud ahaan ka Hadashaa Sugitaanka Dhabnimada Quraanka iyo Rasuulnimada Nabi Muxamad (Scw), waxayna soo Bandhigtaa Qisooyin ay ku jirto Waana Qaadasho.

Waxaana si gaar ah Xasuusin u Mudan Suuradan in ay Dhamaadkeeda Soo Bandhigto Tilmaamo Gaaraya 12 oo Calaamad u ah Awliyada Alle (Cw) Tilmaamahaas waxa ay ka Kooban yihiin kuwa Isugu Jira Caqiidada lagu Yaqaan Awliyada Alle (Cw) Ciibaadooyinka Awliyada Alle (Cw) iyo Aaadabta Awliyada, waloow Maanta Dadki ayagoo Tilmaamahaas garab Marsan Hadana Sheeganaayaan in ay Awliyo Alle (Cw) yihiin, Hadey Tahay Dhowritaanka Caqiidada, hadey tahay Cibaada ku Dadaalka Hadey tahay ka Dhowrsashada Xumaanta Sida Dhiiga Muslimiinta iyo Faaxishada Zinada.

 Suurada 26aad Al-Shucaraa:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Shucaraa, Maadama Suurada ay ka Hadashay gabyaaga Cida Raacada iyo Astaamaha lagu yaqaan, taasoo Meesha ka Saareysa in Nabiga Suuban (Scw) lagu Tuhunsado in uu Gabyow yahay.
Suurada Al-Shucaraa waa makiyah, marka laga Reebo Aayadaha kala 197, 224, 225, 226, 227, kuwaas oo ah Aayada kusoo dagtay Markii Madiina loo Hijrooday ka dib, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Waaqica ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Shucaraa:

Suuradaan maadama ay ka mid tahay kuwii Makah kusoo Dagtay waxey si gaar ah Xooga u Saartaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada, waxeyna Soo Bandhigtaa Tusaalooyin Cadcad oo Muujinaya Dhibaatooyinkii Aduunka ku Qabsaday Kuwii Toowxiidka Diiday sida Nabi muuase kuwii Beeniyay Fircoon Dadkiisii, Qoomkii Nabi Ibraahiim Beeniyay, Qoomkii Nabi Nuux Beeniyay, Qoomkii Nabi Huuh Beeniyay, Qoomkii Nabi Saalix Beeniyay, Qoomkii Nabi Luudh Beeniyay, Qoomkii Nabi Shuceyb Beeniyay, waxa ayna Suuradan Dadka ku Waanisaa in lagu Tusaale qaato Cadaabka ku Dhacay Qolooyinkaas Diiday Dacwadii Toowxiidka ee ay Nabyadooda u wadeen.

Waxaa kaloo Suuradaan laga Faaiidaa nabiyadu in ay Dad ahaayeen Dhlasho ahaan, maxaa yeelay Suurrada waxa ay Tilmaantay Nabi Walba inuu Qolo ka Dhashay, laakiin uu Allaah ku Karaameeyay Waxyi xagiisa kaga yimid, waxaa kaloo suuradaan laga Faaiidaa in Nabiyada aysan Dacawada Gaasiinteeda waxba kaga Dooneyn dadka ay Dacwada ugu yeeayaan, laakiin in ay Ula jeedadooda aheyd kaliya rabi Waajibka uusaaay in ay Gutaan.

Waxaa Xasuusin Mudan Nabiyadaas oo Dhan dacwadooda waxey aheyd Mid ku gaa ah Qoomkooda ama Qabiiloadooda, halka Dacwada Nabi Muxamad ay ka tahay Dacwo Caalamka oo Dhan ku Socota.

Q: 12aad.

 Suurada 30aad Al-Ruum:

Suurada Al-Ruum si ay Xasuus ugu Noqoto Mucjazadii Qur’aanka uu Alle (Cw) ku sheegay oo aheyd Guul Mustaqbalka Dhaw ay gaari Room xili Markaas waqti ka hor lagu jabiyay Dagaal ay la Galeen Boqortooyadii Faaris (Beershiya).

Labadan Qolo ee Ruum iyo Faaris waxa ay ahaayeen laba Boqortooyo oo Aduunka Xiligaas ugu Awood Roonaa isla markaana waxaa ka Dhaxeeyay Hardan Xaga Awooda ah, Diin ahaan waxa Ahlu Kitaab ahaa Ruumaanka oo Markaas waxa ay ahaayeen kuwa Xaga Diinta ugu Dhaw Muslimiinta Makah joogay oo Markaas ay ku Cusbeyd Dacwada Diinta Islaamka, Faarisna waxa ay ahaayeen Dab Caabud Mushrikiin ah (Majuus), labadaan Qolo Meelaha uu Dagaalka ku Dhex maray waxaa ka mid ahaa Waqooyiga Jaziirada Carabta, sidaa darteed waxaa Suurada tilmaantay in Muslimiinta ku Farxi Doonaan marka Ruum ay Guuleysato maadama ay Dad ayaga u Xigeen Caqiido ahaan.

Suuradaan waa Makiyah, marka laga Reebo Aayada 17aad oo ah Madaniyah, tiro ahaana Aayadaheedu waa 60 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Inshaqaaq ka dib.

 Macnaha Guud ee Suurada Al-Ruum:

Suuradan waxa ay wax ka Tilmaantaa Arimaha Quseeya Caqiidada Maadama ay Makiyah tahay, sida Kalinimada Alle (Cw) oo la Aamino, Risaalada Nabi Muxmad in ay tahay Risaaladii ugu Dambeysay ee uu Rabi (Cw) soo Dajiyay, iyo in la isoo saari Doono Maalinka Dambe ee Qiyaamaha qof walbana la Siin Doono Abaal marka uu Xaqa u yeesho…

 Suurada 31aad Luqmaan:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray luqmaan, oo ah Nin ka Mid ahaa Umadihii hore ee Diinta Islaamka Aaminsanaa, Ninkaas waxaa ay Suuradaan ka soo tabisaa Waano aad u Qiimo Badan oo uu Waaniyay Wiilkiisa, taasoo Dhinacyo Badan ka Koobneyd.

Luqmaan waxaa uu Wiilkiisa ku Waaniyay inuu Aqoon u yeesho Allaha uu Caabudayo, Cibaadadana uusan Cid kale waxba ka siin, waxaa uuna uga Digay Wiilkiisa Shirkiga (Cibaadada Alle oo Cid kale Qeyb laga siiyo amaba Cid kale loo wada leexiyo) Qatartiisa, ka dibna waxaa uu ku waaniyay Arimo Aadaab ahaan looga Baahan yahay Qofka Muslimka ah ee Caqiidada u Saxan tahay, Maxaa yeelay Caqiidada iyo Aadaabtu kalama Haraan, oo waxaa la yiraahdaa Qofkii Caqiidadiisa Wanaagsanaato waxaa lagu gartaa Aadaabta Wanaagsan, sidaa Daraadeed Culimada Wax ka Qora Araimaha Caqiidada waxa ay mar walba ku Lamaaniyaan Qeybo ka Hadlaya Aadaabta maadaama ay Caqiidada ku Shaqo leedahay Laabta waxa ku Qarsoon, Aadaabtuna waxa ay soo Muujisaa Laabta Wanaaga kujira, marka Arintaas waxa ay tuseysaa in Qofkii Aadaabtiisa Xuntahay ay Caqiidada Xuntahay.

Suurada waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah: 27, 28, 29, tirada Aayadaheeda Guudna waa 34 Aayaadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Saafaad ka dib.
 
Macnaha Guud ee Suurada Luqmaan:

Suuradaan waxa ay Xooga Saartaa Umuuraha ku Saabsan Rumeynta Muslimka looga Baahan yahay sida Rumeyntaa Alle(Cw) inuu Kali ku yahay Cibaadada, Nabi Muxamad (Scw) inuu yahay Rasuulkii ugu Dambeeyay Rusushii Alle (Cw) soo diri jiray iyo Soo bixinta Maalinta Qiyaame Geerida ka dib ah.
 
Suurada 32aad Al-Sajdah:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Sajdah, maadaama lagu Dhex Sheegay Tilmaamaha Wanaagsan ee Muminiinta Saxda ah in ay ka mid tahay Hadii ay Maqlaan Aayadaha Alle (Cw) in ay u Sujuudaan Alle ayagoo Mahada Rabi ku Tasbiixsanaya ayagoo aan aan iska weyneysiineyn Quraanka Kariimka ah.

Suurada waa makiyah marka laga Reebo Laga Bilaabo Aayada 16aad ilaa iyo Aayada 20aad oo ah Aayado Magaalada Madiina kusoo Dagtay, tiro ahaan Aaayadaheedu waa 73 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Muminuun ka dib.

 Macnaha Guud ee Suurada Al-Sajdah:

Suuradaan waxa ay la mid tahay Guud ahaan Suuardaha Maka ku soo Dagta Xaga manhajka, waxa ay ka hadashaa Caqiidada iyo Rumeynta Saxda ee looga Baahan yahay Muslimiinta, waxa ayna faahfaahisaa Soo bixinta Dambe marka Caalamka Dhamaado ka din ah taasoo in Badan Musrikiinta ay aad ga Doodaan, taasoo ay Daliil uga Dhigtaan Beeninta Rususha Alle (Cw) soo diray.
 
Suurada 33aad Al-Axzaab:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Axzaab, si ay Muslimiinta u Xasuuso Isbaheysigii Mushrikiinta ay u Sameysteen Dabar Goynta Diinta Islaamka yagoo Rasuulka iyo Saxaabadiisa ku soo qaaday Duulaan aad u Balaaran, laakiin waxaa uu Alle (Cw) Muslmiinta ku galadeystay Guul aad u weyn ayagoon Dagaal Buuxana la galin Isbaheysigii Mushrikiinta.
 
Suuradan waa makiyah, Aayadaheeduna waa 73 Aayad, waxa ayna soo Dagatay Suurada Aala-Cimraan ka dib, Juz ahaana waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 21aaad iyo Biloowga hore ee Juzka 22aad.
 
Macnaha Guud ee Suurada Al-Axzaab:

Suuradaan Maadaama ay Madaniyah tahay waxa ay aad Xooga u Saartaa Sharciyada Quseeya Nolosha Muslimiinta, waxa ayna ka Hadashaa Nolosha Muslimiinta umad ahaan Qoys ahaan iyo Qof ahaanba, waxa ayna Xambaarsan tahay Xukuno umada Muslimka ah hadii ay Dabaqaan Noloshoodu wanaagasanaaneyso, oo u Damaanad qaadaya Qeybaha Umada ka kooban tahay in ay Sacaado ku Noolaadaan.

Dhanka kalana Suuradaan waxa ay la dagaalantay qaar ka mid ah Caadaadkii iyo Dhaqanadii soo jireenka ahaa ee ay lahaan jirtay sida in Ruuxa naagtiisa yiraahdo Waxaad iga Tahay Hooyadey(Dihaarka), sidoo kalana waxa Suuradaan la Dagaalantay Caado aheyd in Ruuxa Adoon uu leeyahay uu yiraahdo waa Wiilkeygii oo Aftirsiimadiisa loogu yeero oo loo yaqaanay Tabani (Wiilka dhigasho), sidoo kalana waxa ay Suuradaan la Dagaalantay waxyaabo qalad ah oo Dadka Qaar Aaminsanaayeen sida in Ruux uu yeelan karo laba Qalbi, arintaas oo aheyd Khuraafaat aad loo Buunbuuniyay.
 
Suurada 34aad Saba’:

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Saba oo ah Magaalo ay Daganaan jirtay Boqrtooyo ay Qabiilada Yaman lahaayeen, Boqortooyadaas oo aheyn mid ku nooleyd Barwaaqo iyo Nimcooyin aysan heysan Umadaha kale ee Daganaa Jaziirada Carabta oo Dhan, markii ay ku Kibreen Nicmooyinka Rabi (Cw) oo ay Gaaloobeen waxaa Nicmadoodii Badalay in aylagu Fatahiyo Byo Xireenkii Noloshooda ku Tiirsaneyd taasoo keentay in Qax iyo Abaaro ku Dhacaan Boqortooyadiina Dunto.

Suurada waa Makiyah, marka laga Reebo Aayada 6aad, tirada Aayadaheeduna waa 54 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Luqmaan ka dib,waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilooga ilaa Bartamaha Juzka 22aad.
 
Macnaha Guud ee Suurada Saba’:

Suuradaan Maadama ay Makiyah tahay waa Caadi in ay Xooga Saarto Amuuraha Caqiidada Quseeya, waxa ayna u soo Gudbisay Hab ah in lagu waano qaato Dadka ka leexda Caabudida Alle (Cw) kaliya waxa ku Dhaca Qisada Reer Saba’.
 
Suurada 35aad Faadhir:

Suuradan waxaa loogu magac daray Faadhir oo ah kalimad ku Jirta Aayadaha Biloowga ah ee Suuradaan, Taasoo Macna ahaan tuseysa in Alle uu yahay Kan Bilaabay Abuurka Cirarka iyo Dhulka asagoonan uga Tusaale Qaadan wax ka Horeeyay oo Abuur ah, arintaas oo ah mid Muujineysa Weynida iyo Awooda Alle (Cw) iyo Inaysan jirin Abuur kale oo Dhibaya Ha ahaado Abuurka Malaaigta, kan Insaanka iyo kuwa kalaba, Maadaama uu Abuuray Cirarka iyo Dhulalka Awoodiisana ku taagan yihiin.

Suuradan waa Makiyah, Tirada Aayadaheeduna waa 45 aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Furqaan ka dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Juzka 22aad ku Dhwaad ilaa Dhamaad ayada oo ka Bilaabata Bartamaha Juzkaas.
 
Macnaha Guud ee Suurada Faadhir:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa Arimaha Caqiidada Quseeya, waxa ayna Dadka ugu yeertaa Caqiidada Towxiidka ayadoo soo Aroorisa Daliilo iyo Xujooyin Kalinimada Alle (Cw) Muujinaya, waxa ayna Suuradaan Salka u siibtaa Asalka Caqiida Shirkiga, ayadoo ugu yeereysa in ay Qalbigooda Wasqda Shirkiga ka Nadiifiyaan lana yimaadaan Aadaab wanaagsan.
 
Suurada 36aad Yaasiin:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Yaasiin, maadama Suurada ay kalimad ahaan ku Bilaabato Ereyga Yaasiin, ereygaas oo ka mid ah Ereyo Suurado badan ku Bilaawdeen oo Macnahoodu Qarsoon yahay.

Suurada waa Makiyah, marka laga Reebo aayada 45aad, Tirada Aayadaheeduna waa 83 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Al-Jini ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 22aad iyo Biloowga Juzka 23aad.
 
Macnaha Guud ee Suurada Yaasiin:

Suuradan waxa ay ka hadashaa Arimaha kala ah: Rumeynta Maalinta Qiyaame, Daliilo Muujinaya Alle (Cw) kali inuu ku yahay Caabuditaanka iyo Qisadii Dadkii Tuulada (Qaryada) daganaa ee Dilay Ninkii Toowxiidka ugu yeeray.

Sheekaadaas oo kooban waa waxaa jiray Nin ka mid ahaa Dadkii Raacay Dacwadii Nabi Ciise Dadkii waday welibana Donay inuu Dadkiisa Dacwo gaarsiiyo oo ku waaniyay in aysan Dacwada Toowxiidka ka hor imaan, asagoo Tusaale ku siiyay Naftiisa haduu Cid aan Allaah aheyn Caabudo waxa dhici kara oo leh: {ma waxaan yeeshaa Illaahyo Alle (Cw) ka so keeya oo uu haduu Alle ila Doono Dhib anan waxba ii tari karin}, si uu Dadkiisa ugu Muujiyo Baryada iyo Cibaadad wax Alle (Cw) ka Sokeeya la Cabuudaa in ay tahay midaan wax Faaiida ah lagu gaareyn, hase yeeshee Dadkiisii kama faaidin Waanada iyo Caqli Celinta Walaalkood weyna Cadibeen ilaa uu ka Geeriyooday, waxaana Allaah (Cw) Suuradan ku Dhex Sheegay in Ninkaas Muslimka ahaa ee la Dilay Jano ugu Abaal Guday.

 
Waxaa xasuusin Mudan waxaa Jira Axaadiis aad u fara badan oo dadka Fadli ahaan usoo Arooriyaan marka la Joogo Suuradan Yaasiin laakiin aan saxiix aheyn, sidaa darteed Qof Walba oo Jecel Qur’aanka waxaana u wanaagsan inuu Fadliga Suuradaha iyo Aayadaha Quraanka ka Baarto Axaadiista Saxiixa ah kaliya si uusan wax gaf ah ugu Dhicin asagoo Cibaado iyo wanaag raadinaya.

Q: 11aad


Suurada 27aad Al-Namal
:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Namal, si ay u Waarto Xusuustii Mucjizooyinkii la siiyay Nabi Suleymaan taasoo ay ka mid aheyd inuu afgaran jiray wax kasta oo uu Alle Koonka ku Abuuray sida Shimbiraha, Quraanyada oo ah Magaca Suurada Xambaarsan tahay.

Sheekada Quraanshada waxey Suuradaan ka Sheegtaa mar uu Nabi Suleymaan Safar ahaa oo ay la Socdeen Ciidamo fara Badan oo ka Kooban Uun kala Duwan Jidkiisii uu ku Beegmay Tog ay Quraanyadu Degan tahay, Quraanyaduna waxa ay ka mid tahay Noolayaasha aadka u Nidaamsan tahay Noloshoodu, oo waxey leedahay Hogaan, Ciidan Duula, kuwa Amaankooda ilaaliya, Sahan iyo wax walba oo Umad Nooli leedahay, Quraanyadii ayaa Markii ay aragtay Ciidanka kusoo Foolka leh Togii ay Daganeyd Qaar ku yiraahdeen kuwii kale, Ka carara meesha yuusan Cagta idin marin Ciidanka Nabi Suleymaan ayaga oo aan idin Jeedin, Nami Suleymaana waxaa Mucjizo ahaan loo Siiyay inuu wax walba oo Koonka ku Nool Hadalkooda Fahmo, waa Dhoolo cadeeyay markuu hadalkeeda maqlay waxa uuna u Mahad Celiyay Alle (Cw) oo ku Baryay inuu ku Hanuuniyo inuu ka Mahad Celiyo Galada weyn iyo Nicmooyinka la siiyay…

Suurada waxey soo Dagatay Xiligii Makah la Joogay, tiro ahaana Aayadaheedu waa 93 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Al-Shucaraa ka dib, Juz ahaana waxey ku Beegan tahay Dhamaadka Juzka 19aad iyo Biloowga Juzka 20aad.
 
Suuradaan Al-Namal waxa ay ka mid tahay Sadax Suuradood oo Musxafka la isugu Xijiyay sidii ay usoo Dagteen kala horeyn ahaan iyo isku xigidba, waxa ayna kala yihiin Suurada Al-Shucaraa, Al-Namal iyo Al-Qasas oo ah Suurada Xigta, waxey kaloo Suuradan Al-Namal la Gaar tahay in ay Gudaheeda ku jirto Bisin la mid ah kan Suurad walba ku Bilaabato.
 
Macnaha Guud ee Suurada Al-Namal:

Suuradan Maadama ay Makiyah tahay waxaa Caadi ah in ay si Gaar ah uga hadasho Umuuraha Caqiidada ku Saabsan sida: Toowxiidka, Rumeynta Rususha, iyo soo Bixida Maalinta Qiyaame, waxa ayna Xaga Manhajka kala mid tahay Gaar ahaan Suurada ka Sareysa iyo tan ka Dambeysa marka loo fiiriyo Habka ay dadka ugu Caqli Celiso ama u waniso in ay ku tusaale Qaataan Dadkii tagay.
 
Waxaana xasuusin Mudan Suuradaan in ay la gaar tahay Taariikhdii ay Diinta Toowxiidka ku Gaartay Dhulka Yaman Waagii Nabi Suleymaan, hadii aan soo koobana Qisada waxay Cadeyneysaa in Yaman ay lahaan Jirtay Boqortooyo ay Xukumi Jirtay Naag Balqiis la dhihi jiray, waxa ayna Boqortooyadaas Alle ahaan u Caabudi jireen Qoraxda, waxaana arintaas Nabi Suleymaan soo Gaarsiiyay Shimbir ka mid ahaa Ciidankiisa (Hud-hud) kana war bixiyay si Faahfaahsan, markaa ka dib ayuu Nabi Suleymaan Risaalo ku Bilaabata magaca Alle (Cw) u diray Boqoadii Reer yaman oo uu ugu Baaqayo in ay Islamaan, taasoo natiijadii noqotay markii ay Reerkeedii la tashatay Boqoradii Saba (Yaman) ku Qancaan in Islamaan..
 
Waxaa kaloo xasuusin mudan Marka laga Hadlayo Nabi Suleymaan in aan Ogaano in Diinta Islaamka kaliya tahay tan sida ugu Wanaagsan u Tilmaanta marka loo eego Nasaarada iyo Yuhuuda , waayo Labdaas Kooxba waxey Aaminsan yihiin inuu Suleymaan Ahaa Boqor Saaxir ah (Alle ayaa Xumaan ka Nazahane) waxaa ayna Aaminsan yihiin inuusan aheyn Nabi Alle (Cw) soo Diray, hase yeeshee Muslmiinta (Umada Raacday Nabi Muxamad) waxa ay Aaminsan yihiin inuu Suleymaan ahaa Nabi ka mid ah Nabiyaashii Reer banuu Israa’iil loo soo diray, Isla markaasna ahaa Boqor.
 
Suurada 28aad Al-Qasas:

Suuradaan waxaa lagu Magcaabaa Al-Qasas waayo waxaa ay si Faahfaahsan uga Qiseysaa Taariikhda Nabi Muuse laga Bilaabo Dhalashadiisa ilaa laga gaaro Risaaladii loogusoo Dhiibay Reer Banuu Israa’iil oo Xiligaas ku jiray Adoonsi, waxaan Suurada aad u tilmaantaa Allaah sida uu u Guuleeyo kuwa Jidka Towxiidka qabsada isla Markaan uu u Halaago kuwa Cadaw ku Noqda Towxiidka.
 
Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo labada Aayadaood ee kala ah 52, 85, Aayadaheeduna tiro ahaan waa 88, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Namal ka dib sidaanba horey usoo Tilmaanay, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Juz ahaan Bartamaha Juzka 20aad ilaa ku Dhawaad Dhamaadkiisa.
 
Macnaha Guud ee Suurada Al-Namal:

Suuradaan waxaa ay Faahfaahin u tahay Labadii Suuradood ee kala Ahaa Al-Shucaraa iyo Al-Namal amaba Dhameestir Xaga manhajka iyo Qisooyinkaba, si gaar ahna waxey faahfaahin ka Bixisay Taariikhada Nabi Muuse, isla markaana waxey ka Sheekeysay Dhibaatda Xiligaas heysatay Israa’iiliyiinta oo Markaas ahaa Umad Towxiidka iyo Nabiyadii Alle soo diray Aaminsan, waloow ay Dhibaato badan marsiiyeen Nabi Muuse mar walbana hadii Mushkilo kala Gudbo ku Abuurayeen mid kale, ilaa uu ka Habaaray oo ay Galaan 40 sano oo Jahawareer ah, Afartankaas Gudaheeda ayaana la oofsaday Nabi Muuse (Nabad iyo Naxariis Alaha yeelee Korkiisa).
 
Suurada 29aad Al-Cankabuut:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Cankabuut oo Macnaheedu yahay Caaro, sababtana waa in ay Suuradan ku Tilmaantay kuwa Toowxiidka Rabi (Cw) ka leexday ee Caabuda wax Allaha koonka Abuuray ka soo Hara in ay la mid yihiin Caaro guri dhisatay oo kale, waa marka loo eego Faa’iido ahaan waxa ka soo Galaya Cibaadada ay la Aabaareen Uunka Alle ha ahaado Sanam la Qortay, ama Malag Suuban sida Jibriil, ama Nabi sida Nabi Ciise oo kale ah, ama Weli ka mid ah Awliyada Alle sida Maryama Binti Cimraan, maxaa yeelay waxba ma siin karaan, mana u diidi karaan, sidaa darteed Suuradaan waxey tilmaantaa in ay waxba ka heleyn Cibaadada Shirkiga Sida Caarada aysan waxba ugu Dheefsan Guriga ay Dhisatay ee aan Qaboowga iyo Qoraxda iyo Cadawgaba ka aqrin.
 
Suuradan Al-Cankabuut waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah: 1 ilaa 11aad kuwaas oo ah kuwa kusoo Dagtay Magaalada Madiina Markii Nabiga Suuban (Scw) iyo Saxaabadiisii u Hijroodeen ka dib, waxa ayna soo Dagatay Suurad Al-Ruum ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 20aad ilaa Bilowga hore ee Juzka 21aad.
 
Macnaha Guud ee Suurada Al-Cankabuut:

Suuradan Maadama ay Makiya tahay Waa Caadi in ay Caqiidada Xooga saarto, waxaana u dheer in ay Faahfaahiso kuwa Caqiidada saxiixa ah qaatay in ay Aduunka Dhexdiisa kula kulmaan caqabado lagu Imtixaanayo iimaankooda inta uu Gaarsiisan yahay, waxaana ugu Imtixaan weyn Nabiyada, waxaana ku Xiga kuwa Iimaan ahaan darajada Nabiyada Iimaanka ka hooseya, ka dibna sida lookala Iimaan Wanaagsan yahay.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sideen u Fahamnaa Quraanka?. Q:2aad.
  2. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?(Q; 3,4,5,6).
  3. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?
  4. Gaalada Mareykanka iyo Neceybka ay u Hayaan Quraanka
  5. Sideen ugu hiilinnaa Nabi Muxamad S.C.W

Readers Comments (1)

  1. maxamed xuseen says:

    waxaan ahay milkiile madbacad waxaan jecleystay inaad isoo gudbisan qisooyinka diiniga ah si aan usii daabaco oon ugu qoro ciwaanadiina




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sideen u Fahamnaa Quraanka?. Q:2aad.
  2. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?(Q; 3,4,5,6).
  3. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?
  4. Gaalada Mareykanka iyo Neceybka ay u Hayaan Quraanka
  5. Sideen ugu hiilinnaa Nabi Muxamad S.C.W

Latest Headlines