20 meeyo qof ayaa ku dhimatey 83 kalena dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaarey oo u badan rayid dagaal qaraar oo galabta ka dhacey qeybo ka mida Magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo socdey muddo ka badan 4 Saac ayaa u dhaxeeyay Xoogaga Xarakada Shababul Mujaahidiin iyo Ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM oo isku dhinaca.
Dagaalka ayaa bilowdey wax yar, markii Afhayeenka Al-shabab, Sh Cali Maxamuud Raage uu ku dhawaaqey dagaal lagu soo afjarayo ciidamada AMISOM iyo dhinacyada saarka la leh.
Dagaalka ayaa ka dhacey qeybo ka mida Degmooyinka Hodan, H/wadaag, Boondheer, Wardhiigley iyo Shibis, waxa uuna yimid kadib markii ciidamada Al-shabab weeraro ku eekeeyeen Fariisimada Ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM.
Inta badan Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee soo gaarey dadka rayidka waxa ay ka dhasheen Madaafiic culus oo ciidamada AMISOM si arxan daro ah ugu garaaceen goobo ka baxsan kuwa Dagaalka.
Suuqa Dahablaha, Badarka, Bacadlaha iyo wadada labaad ee Bakaaraha ayaa ka mida goobaha khasaaraha ugu badan dadkii ku sugnaa soo gaareen, ka dib markii Madaafiic dhanka Xarumaha AMISOM iyo kuwa DKMG ka soo dhacdey ku habsadeen.
Isbitaalad Dayniile, Keysaney iyo Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa la dhigey inta badan khasaarihii dadka rayidka ka soo gaarey duqeynta AMISOM.
Dagaalkan ayaa dadka Muqdisho ku sifeeyeen kii ugu cuslaa oo dhaca intii Bisha Ramadaan, waxa uuna qeyb ka noqonayaa kuwa soo noq noqda ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Related posts:
inaalillaahi wa inaa ileyhi raajicuun waxa masuul ka ah xasuuqa shacabka raggan wejiga duuban oo fulayada ah oo shacabka dhexdooda madafiicda ka tuura inaalillaah ilaahey ha u naxariisto intii ku geeriyootey iyadoo bil ramadaana oo laga yaabo ineysan afurin ,intii ku dhaawacanteyna ilaahey ha caafiyo waa musiibo loo soo dirtey shacabka muqdisho ku nool raggan dharka bakistaniga wato rabbow adan kaaga dacwooney ,gacan bir ah nooga qabo.
waxaa mas,uul ka ah wixii dhacay shariif gaaal iyo kooxda la safan xozbul islaam iyuo shabaab waa raga kaliya ee u taagan difaaca dalka iyo dinnta iyo umada gaalo iyo wixii la socdo waxaa la dhihi karaa waa gaalo wixii taageeroan iyaga ayeey ku xukunyihiin midakale ninkan iga horeeyay ee fikrada khaldan dhiibtay waxaan leeyhay xaqa alaha ku tusiyo hadad arki weydana seefteenu ww ku saaranthay mana ka baxsan karatid waad aragtay shalay meesha aan ku leeynay gaalada HADAD meel kast maciin bido waan kaaga dabas imaaneeynaa ogoow godkaad gasho waan kaa soo daba galeeynaa ku seexo arinkaas kunna soo toos