Al-shabab oo ku dhawaaqey Dagaal Dabar-goyna.

Published on August 23, 2010 by   ·   11 Comments   ·   print

Afhayeenka Xarakada Shababul Mujaahidiin, Sh Cali Maxamuud Raage oo galabta shir jaraa’id oo uu qabtey kula Hadley Bahda Saxaafada ayaa ku dhawaaqey dagaal uu ugu magac darey “Dabargoynta kuwa xad gudbey”.

Dagaalkan ayuu sheegay Afhayeenku mid ka dhana ciidamada Shisheeye ee dalka ku soo duuley iyo kuwa la olaga ee gacan saarka leh, waxa uuna baaq u jeediyay Wilaayaadka Islaamiga ee hoos taga iyo qeybaha kale duwan ee Shacabka.

Maamulada Wilaayaadka oo uu la Hadley waxa uu ugu baaqey ciidamadooda kale duwan iney uga qeyb qaataan dagaal balaaran oo ka dhana ciidamada Shisheeye iyo kuwa gacan saarka la leh.

Shacabka ayuu sidoo kale baaq u jeediyay waxa uuna ugu baaqey iney dagaalkan qeyb ka noqdaan si dadka looga xoreeya waxa uu ugu yeeray Cadow shisheeye oo ka dhanna Diinta iyo Dalkaba.

Dagaalkan oo Afhayeenku sheegay inuu yahey mid lagu soo afjarayo ciidamada Shisheeya iyo cid walba oo gacan saar la leh, waxa uu ku baaqey inaan loo kala harin oo aanu noqod mid libintiisa cid gaara hadhow sheegato.

Sh Cali Raage, Xilliga uu shir jaraa’id qabanayey waxaa barbar taagnaa Xoogag ka tirsan Al-shabab kuna lebisan Tuutaha cagaaran ee ciidamada lagu yaqaano.

Wax yar kadib markii uu shirka jaraa’id soo gebo gebeeyay waxaa Magaalada Muqdisho ka qarxey dagaal safbaalarana oo kadhana Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Al-Xisbul Islaam oo ku dhawaaqey Dagaal ka dhana Ciidamada Shisheeyee & Raacooda.
  2. Dagaal ka dhacey Deg. Hodan.
  3. Al-shabab oo Afhayeen ciidan magacaabey
  4. Afhayeenka Al-shabab oo ka warbixiyay Hub ay qabteen & Dagaal Gal-cad ka dhacey
  5. Dagaal ka bilowdey deegaanka Goobanle ee G/Sh.Hoose

Readers Comments (11)

  1. Allemagan says:

    Dalka la xoreenayo calankee la saarayaa, yaa laga xoraynayaa yaase loo xoraynayaa?. Runtii Dalka waa in Al-shabaab iyo ajaanibta dabada ka wada ee dhiiga muslimiinta abriyada ah qubaya ee ku fool dhaqda, dadkana carrabka jara laga xoreeyaa.

  2. Geeddi says:

    ALLAAH mujaahidiinta ha guuleeyo ………aamiin.

    gaalada iyo kuwa la olaga ahna haku jabiyo oo hubkooda iyo maalkooda mujaahidiinta qaniimo allaah ha uga dhigo……….aamiin

  3. umu anisaa says:

    insha allaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah waa dhamaadkii al habab umadda allaha ka qabto waa laga afuri la, yahey ma tukadan miyaa waa iyaga waqtiga salaada maqrib dagaal qaadayo koley nin dhiigg muslin baneystey salaad ma tukanaayo kuwan allaha caziizka umada muqdisho haka qabto waa kibren waa xadgudbeen maanta magaalada muqdisho baahi baa loo dhimanaya waxey gubayaan raashin quudin laha kumayaal masakiin ah oo sooman yaa allaaaaaaaaaaaaaaaah gaaladii waa raashin u keeneyso shacabka idinka eebbe dartis shababna waa gubayaan subxaanallaah insha allaah markan allaah baa gacan bir ah ku qabanayo mufsadiinta, mutakibirinta xadgudubtey.

  4. AsSalafi says:

    xaqiiqda waxaa waaye in alshabaab diideen nabad iyo hadalada culumada waaweyn.

  5. khalid binu waliid says:

    waxaan leeyahay ninka ugu sareeya waxa laga xoraynayaa waa aidga iyo kuwii ay dhalieen amison ee caynkagan oo kale ah najis foqol najis

  6. khalid binu waliid says:

    ALLAHU MANSURIL MUJAAHIDINA FII KULI MAKAAN FII SOMAL ? waxaan leeyahay ninka ugu sareeya waxa laga xoraynayaa waa aidga iyo kuwii ay dhalieen amison ee caynkagan oo kale ah najis foqol najis

  7. maday says:

    WAR NIMANKAAN YAA DADKA KAQABTO ILAAHAYOOW MEEL DARAN WAX IDINKASII,AMIIN AMIIN.

  8. Gun Diid says:

    War wuxu waa xoolo, markasta eey ku baqaan dagaal waxaa la’laayaa ilaa boqolaal shacab masaakiin ah, khawaarijta iyo gaalada sanka waaweeynba wax saas ah oo dhib ah ma’soo gaaraab koodii si noqdana wexeey awood u leeyihiin in eey geeystaan xarumo cafimaad eey ayagu gaar u leeyihiin,marka maalinkasta inta la’ xasuuqo shacabka khawarijtana ha’dhahaan(ALLAH AKBAR)gaaladana ha’dhahaan ARGAGAXISO AYAAN LEENAY ayagoo ula jeeda shacabka ma’saakiinta ah.

  9. Wadani says:

    Jawaab walbo oo ay bixiso AIMSOM iyo AU (ha ahaato hoobiyo), intii ku dhimata ama ku daawacanta sababteeda waxaa iska leh Al-shabaab sababtoo ah, gaalada meesha joogto hadii hal hoobiyo lagu tuuro makula tahay waxa ku dhimanaya ineey AIMSOM tahay, jawaabtu waa maya. laakiin dadka hoobiya ka tuuraya ayaa fitnada iyo gaalaysiinta dhalinyarada shaqo ku leh, sababtoo diinta islaamku waa diin naxariis kuna saleysan nabad laakiin maanta waxa ay mareysaa diinta islaamka in wax laga badalay oo dhalinyaradii lagu shubay wax la yiraahdo amiir iyo is qarxin, waxaan dhihi lahaa mucaaradka insha allaah waqtigoodii waa dhamaaday, dagaalka ay qaadaana ayaga ayaa lagu laaynaa Insha Allaah…

  10. Allemagan says:

    khalid binu waliid,

    Nin yahow magac asxaabi wayn ayaad la baxday hadana waxaad aflagaadoonaysaa maalin Ramadaan oo aan anfacada, oraahda xun iyo fal gaf ahba aan Alle dartii uga soonay.

    Sida qur’aanku na barayo mark dad wax ma garato ah howraar ku la wadaagaan waa in la yiraahdaa “salaaman”. Nin bannaystay dhiig dad maslumiin ah dharaar walba, carrabka qaar ka jara qaarna gaalaysiiya inta soo hartana madfac ku afuriya laga filan mayo inuu carrabkiisa xakameeyo oo xumaan ka dhooro.

    Mida kale feegaarka aad nin yahow kor ku qortay, su’aalahayga midna kama bixin jawaab waafi’ ah. Lagaba yaabee inaadan garan dulucda su’aalaha iyo meesha ay u biya shubanayaan.

    Mar labaad “salaaman” Ramadaan kariim!

  11. Abu abdala says:

    Shabaab waa xisbullah amison iyo inta raacsan waa xisbi sheydaan




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Al-Xisbul Islaam oo ku dhawaaqey Dagaal ka dhana Ciidamada Shisheeyee & Raacooda.
  2. Dagaal ka dhacey Deg. Hodan.
  3. Al-shabab oo Afhayeen ciidan magacaabey
  4. Afhayeenka Al-shabab oo ka warbixiyay Hub ay qabteen & Dagaal Gal-cad ka dhacey
  5. Dagaal ka bilowdey deegaanka Goobanle ee G/Sh.Hoose

Latest Headlines