Saacad kadib markii ay Culmadi ka soo safartay magaalada Jigjiga ayay ahayd markii ay gaadeen magaalada Godey ee Gobolka Godey.
Gudigaa Culimada ahaa ayaa la dajiyay Hotel la daris ah Xarunta Maamulka Gobolka Godey,waxaana qaar kale oo culimadaa ka mid ahi la dajiyay Hotelka Dabaqa kadib markii uu buuxsamey Hotelkii markii hore loogu tala galay.
Culimada ayay magacyadoodu kala ahaayeen
1- Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul
2- Sheekh Maxamed Cabdi Nuur (casowe)
3- Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu Xasaan)
4- Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar (Madani)
5- Sheekh C/rashiid Xasan Aabi
6- Sheekh Axmed Maxamed nuur.
7- Sheekh Cumar Maxamed Xuseen (Faaruuq)
8- Eng axmad cabdi nuur
9- eng c/rashiid sh xuseen dayib
10- Wariya C/raxmaan Yare (ikhlaas)
Isla fal galkii Culimada & dadka gobolka Godey & Muxaadaraardkii xidhiidhka ahaa ee Culimada
Culimada markii ay soo gaadhay magaalada waxaa muxaadaraad kala duwan ka soo jeediyey masjidka jaamaca ah ee Magaalada ,waxayna Muxaadaraadka ay culimadu jeediyeen ahaayeen kuwo xidhiidha
Habeenkii Kowaad
Habeenkii koowaad ee ay Culimadu u hoyatay Magaalada Godey waxaa masjidka Jaaamaca ah muxaadaro ka soo jeediyay Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul.
Sheekhu waxa uu Muxaadaradiisa uga hadlay iqbaalu Ramadan iyo waxyaabaha laga doonayo qofka muslimka ah inta lagu guda jiro bishaa barakeysan e Ramadanka ,Sheekhu waxa uu Muxaadradiisa ku xusay in Bisha Ramadaan ay u qeybsan tahay sadex qeybood oo kala ah – 10 casho ee hore ay tahay raxmad ,10 casho xigana Dambi dhaaf ,10-ka u dambeysana Naarta ayaa la isaga xoreeyaa.
Habeenkii labaad
Habeenkii labaad waxaa Muxaadardo ka soo jeediyay Masjidka Jaamaca Godey Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim “Abuu Xasaan” waxayna Muxaarada Sheekh Abuu Xasaan ka hadleysay mowduuc uu ciwaankiisu ahaa (u toosnow sidii lagu amray).
Sheekhu waxa uu Muxaaradiisa ugu hadlay toosnaanta ay diintu ina amartay ee laga doonayo qofka muslimka ah ragg iyo dumar jinsiga uu doonaba ha noqdee ,wuxuuna Sheekhu tilmaamay in Diintiinu ay tahay mid dhameystiran suurta galna aysan ahayd in wax lagu soo daro ama laga reebo ,Nabigeena Suubana CSW uu jideeyay Shareecada uuna Umadiisa uga digay cadaabta ay muteysanayso cidii Diinta wax aan ku jirin ku soo darta ,si guud waxa uu Sheekh Abuu Xasaan u bidhaamiyay in qofka muslimka ah laga doonayo in uu u hogaamsamo wixii uu Alle amray.
Habeenkii Sadexaad
Habeenka Sadexaad ee Muxaadaraddka waxaa muxaadarada soo jeediyay Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar (madani) ,wuxuuna ka hadlay Muxaadaro uu ciwaankeedu ahaa (Xaqa uu Alle ku leeyahay Adoomadiisa),Dr ku waxa uu Muxaadaradiisa gogol dhig uga dhigay in Alle SW uu Umadiisa ku maneystay nimcooyin kala duwan waxa laga doonayo qofka Muslimka ahna ay tahay in uu Alle caabudo si uu Alle uga raali noqdo ,wuxuuna Drku tilmaamo ka bixiyay waxyaabaha uu Alle dadka ku waajib yeelay in ay ugu horeyso Cibaadadiisa iyo Caabuditaankiisa .
Dr-ku waxa uu tilmaamo ka bixiyay acmasha Alle uu adoomadiisa uga raali noqonayo iyo kuwa uusan uga raali noqoneyn ,qofka muslimka ahna laga doonayo .
Is badalkii laga dareemay Magaalada intii ay Culimada timid
Kadib muxaadaraadka xidhiidhka ahaa ee ay Culimadu Masjidka ka jeedisay waxa ay horseeday in magaalada is badal xagga dawacada laga dareemo.
Culimadu waxa ay kulan gooni ah la qaateen Ducaada magaalada ku dhaqan waxayana Culimada Ducaada ku aamaaneen dhabar adeygiii ay u soo dhabar adeygeen Dacwada iyo dhibaatooyinkii ay ka soo mareenba waxayna sheegeen in dadka ducaada ah ay yihiin kuwo inta badan dhib la kulma taasina ay tahay wadadii lagu yaqiinay Ambiyadda Alle soo diray wadadaasina ay tahay wadada ugu kheyrka badan
Bilowgii Booqashooyinkii Culimada ee Degmooyinka gobolka Godey
Maalin kadib markii ay Culimadu soo gaadhay magaaalada Godey ayay ahayd markii ay booqashada ku tageen Gidhibka oo ah halka laga sameeyey biyo xidheenka Wabiga Shabelle ee mara Magaalada Godey.
Gidhibku waxa ay 59 KM galbeed ka xigtaa Magaalada Godey waxaana Biya xidheenka halkaa laga sameeeyay loogu tala galay in lagu waraabiyo dhul beereed kor u dhaafaya ilaa 2 kun oo Hectare, qaabka uu u dhisan yahay biyo xidheenkaas ayaa ah qaab farsameysan waxayna biyaha wabigu si fudud ugu leexanayaan Kanaalka loogu tala galay in uu waraabiyo ama biyaha gaadhsiiyo dhul beereedka.
Dhismaha biya xidheenkaa ayaa qaatay in ka badan 7 sanadood oo xidhiidh ahayd waxaana jirtay in Shirkadii ugu horeysay ee Mashruucaa qaadata ay wadi wayday ,markaa kadibna laga badalay waxayna shirkada dambe ku guuleysatay in ay dhisto biyo xidheenkaa

Bidix -Sh.abu Xasan -dhex Bidix Dr C/raxmaan madani -Midig dhex Sh. Saadaq Shibli - Midig Sheekh C/rashiid Aabi
Degmadaa Haar Salaad iyo sidii ay ku asaasantay, Muxaadaradii Haar Salaad iyo Sheekh Abuu Xasaan
Kadib markii ay Culimadu ka soo laabteen Biyo xidheenka Gidhibka waxa ay soo mareen Degmada Haar Salaad oo markii hore la dhihi jiray Haar Bariis.
Degmadaa waxa ay asaasantay kadib markii la sameeyay Dhul beereedka loogu tala galay in lagu waraabiyo biyo xidheenka Gidhibka waxaana Degmada Dagan dad isugu jira beeralay, iyo xoolodhaqato.
Magacaas waxa uu ku baxay kadib markii Dadka Degmadaa loo qeybiyay Bariis loogu tala galay in uu ka qeyb qaato degnaanashahooda Degmadaa iyo in ay ku sii nagaadaan beera falashadooda iyo wax soo saarkoodaba, waxayna Degmadaa wixii xiligaa ka dambeeyay qaadatay magaca Haar Bariis waxayna Degmadu xiligaa ka hor laheyd magac kale
Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim “Abuu Xasaan” ayaa muxaadaro Salaada ka hadleysa ka jeediyay Degmadaa wuxuuna Dadka Degmada u sheegay in ay Degmada Magacaa ka badalaan kana dhigaan Haar Salaad halka markii hore ay u bixiyeen Haar Bariis ,waxayna Dadkii Degmadaa isla qaateen in ay Magacaa badalaan .
Muxaadarada Sheekh Abuu Xasaan uu ka jeediyay Degmadaa ayaa ahayd mid uu si gaar ah ugula hadlayay Bulshada halkaa ku dhaqan oo u badan Xoola dhaqato iyo beeraley wuxuuna Sheekhu muxaadaradiisa ku sheegay in Salaadu ay tahay tiirka labaad ee Diinta Islaamka qofkana uusan Islaam dhameystiran ahayd hadii uu Salaada tukan waayo sidoo kale waxa uu Sheekhu shegay in Salaadu tahay camalka ugu horeeya ee Maaalinta Qiyaame hadii ay Salaadiisu hagaagsanaatana uu hagaagayo camalkiisa intiisa kale.
Booqashadii Culimada ee Isbitaalka Godey
Isbitaalka guud ee Magaalada Godey waxa uu dhisan yahay in ka badan 50 sano ,wuxuuna Isbitaalku yahay Isbitaalka guud ee Gobolka Godey iyo Deegaanada u dhow dhowba ,Isbitaalku waxa uu ka kooban yahay qeybo kala duwan ,waxaana sanadihii dambe Isbitaalka lagu kordhiyay qeybo caafimaad iyo dhismayaal kale , qeybaha Isbitaalka ayaa kala ah ,Qeybta maamulka ,Qeybta Shaqaalaha ,Qeybta Bukaan socodka,Qeybta Jiifka,Qeybta Raajada,Qeybta Qaliinka,Qeybta Daawada ,Qeybta Dhalaanka,Qeybta Gar Gaarka Deg Deg ah .
Culimada ayaa mudo yar ku sugneyd Isbitaalka kadibna waxa ay uga sii gudbeen Magaalada Dhanaan
Booqashii Degmada dhanaan iyo Hadhaawe
Culimada,Engineerada ,iyo wariyayaashu waxa ay Booqasho kale ku tageen Tuulada Hadhaawe iyo Degmada dhanaan oo 70KM dhanka Bari ka xigta Magaalada Godey. Culimada intii aysan u gudbin Dhanaan waxa ay xooga yar ku hakadeen Tuulada Hadhaawe waxayna Tuulada Hadhaawe kala badhaa Degmada Dhanaan iyo Magaalada Godey.

Tuulada Hadhaawe
Culimada ayaa Salaadii Duhur ku tukaday Magaalada Dhanaan ,Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi (madni) ayaa Masjidka Jaamaca ah ee Magaalada Dhanaan dadka kula hadlay Salaadii Duhur ee 9-08-2010 sidoo kale waxaa sidoo kale Masjidka kale oo Magaalada ku yaala isla kalamad kale ka soo jeediyay Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan),Culimada waxa ay dadka ku baraarujiyeen xiligaa ay ay fooda ku soo heyso Bisha Barakeysan ee Ramadan loogana baahan yahay ,acmaasha laga doonayo bishaa barakeysan inta lagu guda jiro iyo ajarka ay bishaa xambaarsan tahay,sidoo kale waxa ay Culimadu kalamado ka yidhaahdeen cibaadada iyo ciqiidada.
Culimadu intaa kadib waxa ay dadka magaalada ku dhaqan kula hadleen Meel fagaaro ah oo ay isugu yimaadeen ,waxaana fagaarahaa dadka kula hadlay Sheekh Abuu Xasaan wuxuuna dadka ku booriyay in ay ku adkaadaan arimahooda diinta sidoo kalena ay lagama maar maan tahay in ay ka shaqeeyaan walaaltinimadooda iyo wada noolaanshahooda ,wax wada qabsigooda iyo iskaashiga guudba arintaasina ay keeneyso in ay bulshadu noqoto mid isku xidhan kala shaqeysa is kaalmeysi.
Dadka ayaa Muxaadarada gaabneyd ee uu Sheekh Abuu Xasaan u jeediyay aad u soo dhaweeyay waxayna gaba gabadeed Muxaadarada dadku Culumada xasuusiyeen in magaaladu aysan lahayd madarso lagu barto culuumta Diinta islaamka balse ay magaaladu leedahay Dugsi Quraano iyo Iskuul hoos taga Dowladda .
Culimada ayaa markii ay dib ugu soo laabteen waxa ay dooneen in ay Dadka ku dhaqan Tuulada Hadhaawe la hadlaan balse dadkii tuuladaa oo u badnaa Xoola dhaqato ayaysan suura galin in ay isku yimaadaan waxaana sidaa aan ku suura galin kalmadii ay Culimadu u qorsheysay in ay u jeediyaan dadka ku dhaqan Tuulada Hadhaawe.
Socdaalkii Culimada ee Gobolka Af dheer
Culimadu markii ay ka soo laabteen Degmada Dhanaan waxa ay Culimadu u ambabaxday Gobolka Afdheer oo dhanka Koonfur bari ka xiga Gobolka Godey waxayna Culimadu qaadeen wadada marta Buundada magaalada Godey sidoo kalena sii marta Degmada Cadaadle ama Bohol Xagarre.
Safarkaa Culimada ayaa ahaa sidii ay u soo arki lahayeen Xaalada dacwadeed ee gobolka Af dheer kadib markii ay ogaadeen xaaalada Gobolka Godey .
Masaafada u dhaxeysa Magaalada Godey iyo Magaalada Hargelle oo ah Caasimadda Gobolka Af dheer waa 220 KM oo ah Jey ,waxaana labadaa magaalo u dhaxeeya ilaa 10 Tuulo oo dhamaantood la dagan yahay.
Culimadu wax ay Magaalada Hargeelle gaadheen casar gaabadkii maalintii Koowaad ee Soonta ,markii ay magaalada Gaadheen Culimada waxaa la dajiyay Guriga martidda ee Gobolka waxaana halkaa ugu yimid ku simaha Gudoomiyaha magaalada Sheekh Shukri oo halkaa Culimada ugu keenay wixii ay ku afuri lahaayeen.
Kadib afurka waxa ay Culimadu aadeen Masjidka Jaamaca ah ee Magaalada wuxuuna Sheekh Abuu Xasaan Salaada Taraawiixda ka hor dadka u jeediyay kalmad ku saabsan bisha Baraykeysan ee Ramadan,Sheekhu waxa uu Bulshada xasuusiyay in bishaa ay ku jirto habeen ka kheyr badan Kun bilood marka sanad loo badalana gaadheysa 83 sano iyo dhowr bilood,wuxuuna sheekhu tilmaamay in qofka nasiibka lehi uu yahay kan ka faa’iisayta habeenkaa kheyr lagu sheegay.
Culimada ayaa Salaadaa Taraawiixda kadib waxa ay socod gaaban ku sameeyeen Magaalada dhaxedeeda .
Maalinimadii habeenkaa ayay ahayd Markii ay culimadu Hoolka weyn ee Shirarka Barlamanka kulan kula yeesheen dadka Deegaanka halkanaa ay Muxaadaro iyo kalamdo kala duwan uga soo jeediyeen waxaana Hoolkaa isgu yimid dad weyne fara badan oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaalada Hargelle.

dadka ku dhagan Magalada Hargelle oo dhageysana Muxaadaro wada jir ah oo ay Culimada u soo jeedinayso
Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim “Abuu Xasaan” ayaa ugu horeyn halkaa kalmad ka jeediyay wuxuuna Sheekhu kalmadiisa ku faahfaahiyay Bisha Ramadan ,ku dhaqanka Diinta islaamka,salaadda iyo cibaadada qeybaheeda kala duwan,wuxuuan Sheekhu si gaar ah u amanay dadka magaalada Hargelle oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dad diin jecel sidoo kalena leh is maqal iyo kala dambeyn,sidoo kale waxa uu Sheekhu wax ka tilmaamay waxyaabaha laga doonayo qofka Muslimka ah ,wxuuna dadka ku booriyay in ay Salaada ku dadaalaan sidoo kalena ay ka shaqeeyaan wanaaga dhexdooda .
Kalmadda Sheekh Abuu Xasaan kadib waxaa kalmad kooban soo wada jeediyay Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar (madani) iyo Axmed Maxamed Canshuur Dr madani ayaa dadwaynaha u sheegay inay ka faaiidaystaan isbadalka dhacay, xuquuq badan oo ay dawladu u diidi jirtay hada ka horna hishiiskan dartii lagu ogolaaday, ayna tahay shacabku inay si fiican u hantaan xuquuqdooda, oo ay ugu horayso diintoodu! Kadibna maamulka ayuu ku waaniyay drku inay shacabka u turaan dhibkana ka daayaan, masaalixdooda siday ugu xaqiijin lahaayeena ku dadaalaan, waxayna labada Sheekhiba carabka ku dhufteen in ay haboontahay in laga faa’iidaysto sidoo kalena la dhaqan galiyo waxyaabihii uu Sheekh Abuu Xasaan ka hadlay ,waxayna intaa ku dareen in waxa kaliya ee ay Gobolka u tageeni tahay sidii ay u soo arki lahaayeen xaaladda dhabta ah ee Gobolka ka jirta ayna si gaar ah ugu kuur galayeen xaaladda dacwadeed ee gobolka iyo baahidda Diimeed ee ka jirta haday noqon lahayd xagga Masaajidda ,xagga Madaarista iyo dhanka Barashada Diinta Islaamka.
Kulankaa waxaa dhanka kale hadalo ka soo jeediyay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Hargelle waxayna sheegeen in aysan taariikhda intii ay noolaayeen aysan arag Culimo intaa la eg oo Deegaanka u dhashay oo deegaanka mar qudha yimaadda ,waxayna shegeen in ay si aad ah ugu faraxsan yihiin ayna soo dhaweynayaan.
Booqashadii Culimada ee Goobaha Muhiimka ah ee Hargelle
Kadib kulanka ay Culimadu la qaadatay dadka Deegaanka ee Hargelle waxa ay booqdeen Iskuulka sare ee Magalada Isbitaalka iyo masjidka Jaamaca weyn ee uu dhismuhu ku socdo.
Masjidka Jaamaca Magaalada iyo Dhismihiisa
Masjidka jaamaca ee magaalada Hargelle waa mid uu dhismihiisu qabyo yahay wuxuuna masjidkan yahay mid ku fadhiya dhul weyn ,marka laga gudbo dhimaha masjidka waxa masjidka u banaan dhul ay gudigu ugu talageen in laga sameeyo Madaraso ,Musqulo iyo qeybta weysada.
Masjidka waxa mid ay dhisteen dadka deegaanku mana jiraan caawinado ah oo ay dibadda ka heleen ,kharashka lagu dhisay masjidka waa mid ay soo aruuriyeen dadku qofba inta uu awoodu waxaana sidaa Ilaahay ku suura galiyay in ay sidaa ku dhisaan Masjidka.
Masjidka ayaa hadda maray kala badh marka loo eego kharaska ku baxay iyo kharashka dhiman,waxyana gudiga Masjidku culimada u sheegeen in fariinta ay gaadhsiinayaani ay tahay dhameytirka masjidka.
Iskuulka sare oo Magaalada iyo Dhismihiisa
Iskuulka sare ee Magaaladu waa mid uu qabyo yahay dhismihiisu wuxuuna dhismaha masjidku ku yimid kadib markii Ardayda Gobolku ay sameeyeen hormar dhanka waxbarashada ah taas oo ka dhalatay tayo lagu sameeyay Ardayda iyo macalimiinta oo ahayd in ay dhibcaha guud ardayda Dugsiyada Itoobiya oo dhan ay ka ka galeen Kaalinta Sadaxeed.
Kartida ay muujiyeen Ardayda Gobolka Afdheer iyo Macalimiintu wax ay dhaxalsiiyay in ay abaal gud u heleen in loo dhiso Iskuulka sare ,waxayn Ardaydu horey wax ugu baran jirtay guryo yar yar oo cidhiidhi ah
Sirta ka dambeysay in Gobolku uu abaalmarintaa helo ayaa ahayd kadib markii ay jaaliyadda dibadda ee Gobolkaa iyo dadka Deegaanku isla qaateen in Macalimiin tayo leh loo soo kireeyo Ardayda si heerkooda waxbarasho loo soo qaado una noqdaan arday wax la qeybsan karta Guud ahaa Itoobiya waxayna arintaasi tusaale muuqda u noqotay Gobolka oo lagu amaanay talabada uu qaatay ee ah in uu si gooni ah wax u barto Ardaydiisa.
Isbitaalka guud ee Hargelle
Isbitaalka guud ee magaalada waxa la dhisay mudo haatan laga joogo ku dhawaad 2 sanadood wuxuuna dhismahiisu qaatay ku dhawaad 2 sano oo kale ,wuxuuna Isbitaalku yahay mid leh qeybo kala duwan oo loogu tala galay qeybaha kala duwan ee Bukaanka haday noqon lahayd kuwa laga dabiibo iyo kuwa la seexiyaba ,Isbitaalku waxa uu sidoo kale leeyahay qeybta qaliinka guud Qeybta Gar Gaarka Deg Deg ah ,Qeybta dhalmada Dumar ,iyo qolalka lagu dhaqo Meydka,
Dhismaha Isbitaalka ayaa ku yimid kadib dadaal ay dadka Deegaanka ka sameeyeen dhanka amaanka guud iyo nabad galyada waxayna Dowladdu ugu abaal guday in ay u dhisto Isbitaalkaa
Dhismaha Isbitaalku uu ku fadhiyo ayaa gaadhaya ku dhawaad 1KM isku wereeg ah ,waxaana Isbitaalka ku yar adeegga uu bixiyo waxayna arintaas tahay mid ka dhalatay waayidda la waayay dhakhaatiir ka howl gasha oo ay Dowladdu ku soo qortay si ay uga shaqeeyeen.
Caqabada Isbtitalka ayaa ah qalab la’aan iyo wax qabad la’aan waxaana dadka xanuunsan loo qaadaa dhanka dalka Kenya iyo Magaalada Godey ,waxayna taasi muujinasaa in uu Deegaanka ay ka jirto baahi dhanka Caafimaadka ah.
Booqashadii Culimada ee Degmada Jarrati
Magaalada Jarrati waxa ay 40 KM dhanka galbeed ka xigtaa Caasimadda gobolka Af dheer ee Hagelle ,Magaalada waxaa mara Wabiga Weeb ,waxayna Magaaladu tahay Xurunta Ganacsiga ee Gobolka Af dheer , magaaladu leedahay wax soo saar dhanka Beeraha ah wallow uusan wali ahayd mid hana qaaday haddana waa talaabo muuqda oo laga dareemayo Deegaanka, sidoo kale waxa Magaalada ku yaala Biyo Xidheen lagu sameeyay Wabiga iyo suuqa ugu weyn ee Xoolaha Nool ee dhulka Soomaaligalbeed.
Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi ayaa kalmad ka jeediyay Salaadii Casar kadib Masjidka jaamaca ah ee Magaalada wuxuuna Dr-ku ka hadlay soonta iyo sida loo guto ,wuxuuna sidoo kale Sheekhu kalmado ka yidhi salaadda,
Culimada ayaa Hotelka ay magaalada ka daegeen waxaa ku soo booqday maamulka Degmada oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Degmadaa C/casiis , Gudoomiyaha Xisbiga ee Degmada ,Af hayeenka Baaralamnka Degmada iyo Duqda Magaalada Jarrati,kulanka ay qaateen Culimada iyo maamulka waxa ay isku waydaarsadeen xaalada guud ee Degmada iyo xaalada Dacwada ee Degmada iyo tuulooyinka ku xeeranba.
Wakhtiga oo xiligaa ku dhawaa habeen waxa ay maamulka iyo Culimadu isla qaateen in ay subaxnimada ay dadka deegaanka kalmad u jeediyaan .
Culimada waxa aan u suura galin in ay dadka Deegaanka kalmad u jeediyaan waxayna Culimadu ku daaheen booqasho ay ku tageen beeraha magaalada iyo Madaraso iyo Masaajidka magaalada oo la dhisayo,waxayna taasi keentay in uu baaqdo kulankaa ay wada yeelan lahaayeen dadka Degaanka iyo Culimadu .
Soo gaba gabeyntii Culimada ee Safarka gobolka Af dheer
Culimada safarkii ay ku tageen Gobolka Af dheer waxa uu ka qaatay 2 habeen iyo laba maalmood oo ay ku kala sugnaayeen magaalooyinka Hargelle iyo Jarratti wuxuuna Safarkaa Culimada u ahaa mid taariikhi ah marka laga eegmo mudada ay deegaanka ka maqnaayeen oo ku dhaweyd 20 sanadood ama ka badanba,wuxuuna safarkaasi ahaa mid si weyn dhanka dawacada gobolka wax uga badalay.
Soo gaba gabeyntii Guud ee Safarka Culimada
Culimadu waxa ay safarkooda si guud u soo gaba gabeeyeen 18-08-2010 oo ahayd maalintii Arbacada ahayd waxayna Culimadu dib ugu laabteen Magaalada Jigjiga oo ay hadda ku sugan yihiin.
Safarka Culimadu kuma eken doono oo waxaa Culimada u qorsheysan in ay safar ku tagaan Gobolada Qoraxey iyo Wardheer ,waxaana sidoo kale xusid mudan in Gudi Culimo ah ay shalay 20-08-2010 ay u amba baxeen Gobolka Shiniile .

Related posts:
asc walaahi waxaa wax aad loogu far xa ah culimada soomaaligalbeed eekormeerka kumartay dalkooda hooyo iyo mu xaada rooyin ka ayka soo jeedi yeen waa wax aad loogu ri yaaqo ???????? ???????? ?? ???????? ilaahayna loogu mahadi iyo kolay anagu hadaan nahay muda reer somaaligalbeed eequrba joogta ah aad ayaan ugu farax sanahay culimadanada iyo cad wadooda naf iyo maalbana waan kugarab taagan hay ???????? ????????? asc
Aad ayey u wanaagsantahay una tahay wax Alle loogu mahadiyoin dadkii muddada go’doonsanaa ay heleen culimo Risaalada Alle soo gaarsiisa ama boorka uga tunta. Waxaanse is waafajin la’ahay sheshiis culimo gashay (WSLF) iyo Jabhad (Garab ONLF ah), Itoobiyaan rabaayad baan ahay oo hadda ka dib aamin bay lay dhahaa soomalidana dhulka lagama lama haddana dhanka kale isla waqtigaas neo-police ayaa xasuuqaya shacabkii xoola raacatada ahaa arintaasu waxay tusineysaa in aan Xabashi la aamini karin Soomali-galbeed dadka jiraana ay yihiin dad qaba cudurka weyn ee Soomaalidii kale maliil-ka ka dhigay. Alla ha sahlo
asc waxaan aad ugufarax sanahay dhamaan culimadana kormeerka kusoomaray dhulkooda hooyo iyaga oowax laqab sanahaya shacab kooda rafaad san dacwana gaasha siin haya maraka waxaam imahad celin haynaa madaxda jab hada soomaaligalbeed eesuur tagalisay in cuimadu umadooda waxa usheegaan soona qiimay naa xaalada shacab kooda rafaad san waxaan leenahay hadaan nahay quba joogta reer soomaaligalbeed aleha idin xifdi yo hadaad tihiin culimo iyohadaad to hiin siyaasi yiin ba waxaan ku soogaba gabayn lahaa umadiina ushaqeeya in taad ilaahay kala kumaysaan asc
saliibka suran isbitaalka guud ee Godey iyo heshiiska jabhada maxaa xigi doona
ASC RAMADAAN KARIIM, WARA RAGGIIN WAA JAAJUUS DABAQOODHI, OO GAALORAACYO. LAST 2 DAYS MORE THAN 300 PEOPLE THEY ARE ARREST DHANAAN TOWN. GUUSHA MMUSLIN LEH! BYE.
Meles Zanawi Suufiyada iyo C/laahi yusuf markii ay la hishiiyeen iyo ismaamulka Soomali Galbeed maxaad u gaalaysiin jirteeen? dhulka Soomali ayaa iska leh ma waxaad gaalo u siiseen in aad kitaab akhrisaan ? Talaabiib iyo Americaba waa laga akhriyaan kumanaan masaajidna waa ku taalay Goday
Dastuurka Itoobiya waad aqbasheen farqada shanaad qodobka koowaad maxaad u aqbasheen?
“Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo”. Culimadani intii ay fadhiyi lahaayeen Boosaaso,waxaa haboon in ay deegaankooda joogaan.
socdaalka culimada waxaa ka muuqda mid qaab qabiil ah waayo waxaad moodaa meelahay mareen inay dagaan dad gaar ah haday runsheegayaan markay marayeen gobolka goday maxay u tagi waayeen magaalooyinka mustaxiil .shilaabo. qalaafo .feerfeer maxay ugu gudbeen gobiolka afdheer somali mirrorna waxay noqotay mid u xaglisa dad gaar ah
BISMILLAAH.
………..somalimirror aad bay dacaayadda raggaas u buun buunisay…………….
……waxayna u muuqdaan shaqaalo si hufan oo hagar la’aana …………………..
…………….ugu shaqaynaya gaalka qurmay melizinaawi………….
birrina waxaad maqli doontaa wax ka duwan midda
hadda ay raggaan la waasheen oo ah inay guul gaareen ! ! !
ma maqasheen saadaat waxii ka raacay sheekadii siinaay , intay hoos ugu dhigeen bay xusni baaraak meesha keeneen !
ma maqasheen sidii yuhuuddu u khiyaantay reer falastiin intay guryihii ka gateen bay haddana ka kacsadeen laga soo bilaabo 1948 iyo ka hor bay u soo gaaatamayeen ! ilaa hadda oo ah 2010 ay si fiican ula wareegeen dhulkaas qudus ilaa ay qubuurihii ka dudumiyeen !
war heedhe raggu ma waasheen war aaway waxii ay akhrin jireen ? ma haddaad misna si fiican la isu dhiibay oo muxaadarooyin melizinaawi loo akhrinayaa ?
war yaa been loo sheegay ? dhulka ay isku dhex sawirayaan waxaa lagu soo daadshay dhiig muslimiin ayana waxay rabaan aygoo mushaaxaya oo gaal qurmay ku hoos jira inay muxaadaro fidiyaan ha dhowna si rasmiya loogu shaabadeeyo inay axmaara ku dhalada yihiin oo aysan diidi karin haddii melizinaawi oo damco in uu la xidido mid ka mida raggaan hadda culimada sheeganaya oo miyuu dii karaa hadhow waaba waliyyu amrigiisiiye miyuu ku dhacaa inuu hadal ku soo celiyo ?
warjiraaba cakkaaruu imaaaaaaaaaan ?
MUSLIMOOOOOOOOOOOOOOOOOOOW BARAAAAAAAAAARUG !
WALLAAHU ACLAM.
masha aalah farxadayda waxaan kucabiro maba sheegi karo waa ilah mahadii dadkayagii u omanaa dacwada hada ymaanta saa udhex mushaaxayaan culimadanadii diinta ale waxbadan kataqaanay waa midaan aad usoo dhawaynayo hadaan nahay shacabka somaligalbeed ilahay hana makansiyo arintaas aadbayna culimadaasi ugu mahadsanyihiin dadaalka taarikhiga ahay umadooda ugu adeegayaan waxaana leeyahay inta dhiman ee culimada gobalka udhlatay iyo cid walboo aqoon diimeed iyo mid maadi lehba ha usoo noqdaan wadankooda hooyo hana hor mariyaan wadankooda wabilahi tawfiiq
waa wax alaah lagu mahadiyo waxa meesha kadhacay ee muxaadarooyin ah, waxaanse jeclahay sida caadada ii ahayd in aan dhinac kale ka fiiriyo xaajada, taasoo ah ma cumimada uu duur wareegu dilay ayaan kufaraxnaa in ay heleen fursad ay dhulkoodi kusoo arkaan?! mise dadka culimo la’aantu rafaadisay ayaa culimo helay??!
kee baan la’farxnaa?? ileen labaduba fursado ayey heleene,,,
way mahadsanyihiin walaalahay somalimirror ee noosoo bandhigay akhbaartan dalki hooyo.
iyo dhamaan dadka tacliiqiyayba
walalayaal walayaab niman jihaad sheeganjiray hadana cadawga isu dhiibay bal maxeey usheegayaan dadka ilaah xaqa ha fahansiiya
waa layaab nimanku muddo kahor sawirka xagooda soo xaaran kama aheyn ? waa maxey nimanka sawirka ku kala ordi sidi geel ooman o ceel kudaadan camal subxaanallah
asc wr wb ramadaan kariim waan dhageystey cajaladan sh shibile , aniga culumada soomaaliyeed waxaan u hayaa ixtiraam iyo sharaf balse waxan dhihi lahaa dib ha isu dhageysteen hadan nahey caamadu waan ku wareerney ,ilaahey diintan qiimaha leh hanagu sugo soomaaliya ha noolaato iyo muslimiinto dhan soomaaliya nanab nabad nabad, ma dooneyno dagaal iyo khilaaf diimeed ma dooneyno firqo firqo , ma dooneyno nin walbo inuu xarakadiisa darteed uu dad kale dhulka la galo soomaaliyeed hubka dhiga naga joojiya dagaalka ,ilaahey ka baqa,sheekhii weynaa ee caalimka ahaa AL BAANA raximullaah wuxu yiri kalmad aan aad uga heley muslimiintay joojiya khilaafka inta aan isku raacsanahey aan ku dhaqano oo ku midowno inta aan isku khilaafsanaheyna aan meel iska dhigno ,waxa laga yaaba tusaale ahaan in aan isku raacsan nahey 95% intaas aan ku midowno waxan gaareyna barwaaqo iyo horumar iyo naxariista ALLAAH SWC inta soo harteyna ee 5%ee aan isku khillafsanaheyna aan meel iska dhigno nin walbow hadad aamin san tahey ku dhaqan dad kale haku dhibaateyn ,,,,,,,,,,, xasuusin , inta xisaabatka aniga ayey iga timid waa is tusaaleyn sh al baana waa inta kore hadalkisa raximullaah.
sorry qoraalka sare meel kale u wadey
BISMILLAAH. Waxkasta waxay leeyihiin bilow iyo
dhammaad aan ka ahayn ALLAHA WAYN OO JALIILKA AH SUBXAANAHUU WATACAALAA, asagu ma leh bilow iyo dhammaad asagaa awwal ah aakhirna ah , haddaba haddaynu ka biqin rabbigeen waxaa lagu danbayn doonaa caaqibo xumo, bishu waa ramadaan
umadaha muslimiinta ahna waxaa haysta dhibaato iyo mashaakilaad aan la koobi karin , haddaan fiirsho saansaanka muslimiintana waxaa ii caddaatay in la imtixaanan yahay , haddama markaan u soo noqdo mawduuca boggaan ee sawirada lagu sharaxay waxaa ii soo baxday in riyo lagu jiro , markaan u sii dhaba galayna waxaaba ii caddaatay in sawiradaan iyo ragga meesha ku sawiran ay nolol dheel dheela ku jiraan ayagoo iska indha laabay in dad walaalahood ah oo muslimiina ay axmaarada iyo gaalada shuftada ahi ay gawrac iyo boob iyo dil
iyo gumaad xasuuqiisu ka daran yahay kuwii hore ay ku hayaan soomaaliya wayna ogyihiin in heshiiska ay la galeen axmaarada inuu yahay daliil cad in ay raali ka yihiin wax kasta oo axmaaradu u gaysato muslimiinta soomaaliya iyo dhulka ay muslimiintu daggan yihiin meel kasta oo ka mida dhulka rabbi na siiyay.
waxaan ku raacsanahay walaalaha ka hor yimid munkarka ay ku kaceen raggaan culimada lagu sheegay haddana diinta amarkeeda khilaafay.
rabbooooooow islaaaaaaamka igu dil.
Somalimirror – war ilaahay uga cabada oo bil ramdaanbaa lagu jiraaye beenta dadka ka daaya.
Magalaada Goday mudo hal todobaad ingaaniintii ayaa ka gonayd oo hawlo ayey gaaladu ka wadeen, Dhanaan dadbaa lagu xidhay farabadan. Dhagaxbuur Meyd shacab ah oo la laayey ayaa hadana magaalda dhexdheeda lasoo dhigay la yirina lama aasi karo.
War nimanyahow kooxaysi intaan ku jirtaan ha aafoobina—-Shubhana allah.
Anaga ayey waalidkeen iyo ehelkeen ku noolyihiin oo mar walbo la hadalno…. waxaad meeshan ka sheegtaan iyo xaqiiqda dhulkii ka jirnata waa kaaf iyo kali dheeri…
Mahadsanidin
Well come to the real world! Ama muxaadaro ha aqriyeen, ama ha is dhiibeene iney nimanku mahzalada Salafiya Jihaadiya ka tageen waa nuqdo iijaabi ah oo faa,iido leh.
Nimankaas Salafiya Jihaadiyada ahaa oo hada heshiiska qaatey difaacoodi ayaan aad ugu mashquuley, anigoo og qaladaadka iyo tanaaqudka badan oo ka muuqda. Waxaan weliba lasii yaabanahey dadka shaleyna xisbinimo u taageersanaa maantana xisbinimo u taageersan, oo u maleeya in sharcigu meesha xisbigu aado la aadayo.
Isku soo duuboo in caqligu shaqeeyo oo daruuraha lagu socdo laga soo dego waa muhim.
geele su’aashaado waa id meesha ku jirta
waxaan intaas raacinayaa
Maxaa loo gaalaysiiyaa culimada somaliyeed ee la hishiisay dawladii Nuur cade
waxaa cadaatay in islaamiyinta somaliya marba sida ya doonaan diinta u macnaystaan
Manshalaah, waa arin lagu farxo Illaahayna loogu mahadiyo,.
waxaase layaableh aduunkan muxaadaradii iyo Ilahay kabaqa hadii shar loo arko dadka xaalashaday dhiiga muslimiintana jihaad loo arko. Ilaahow xaqa nagu dil.
aad iyo aad baan ugu farahsanahay, nabada iyo horamarka gobalka iyo dhamaan madahda sharafta leh ee soo hindistay, wana soo dhawaynaynaa.
a/c allaahu akbar walilaahil xamdu wallaahi waa arin ilaaahay loogu mahadiyo qoraxdaan dacwadeed oo inoo soo baxday waana nasri noo bilowday waan ogaa inuu illaahay maalin uun nasri nasiinaayo tanina waa bilowga guusha lagu gaaray dhiigii shuhadada ilaahay dartii loogu dilay dhulkaan si ay ukoryeelaan raayada ilaahay miraha kasoo bixi doona dacwada hada xuriyada qaadatayna waa ay soo socotaa inshaa allaah tacaalaa
arey dadka beentaka daaaya culamda kaartoa ay kawataan
adinka aqristayaasha ah ba gaalaad ku hoos nooshihin
ee maxaa laga rabaa kuwaan
car iisheg meel sharciga islamka looga dhaqmo oo wadaad wayn jooga , aan ka ahayn sacuudiga oo isna xaalkis alle og yahay,
SHEEKH IBRAHIM WAXUU ARKEY MAADAAN ARKIN WAA NIN K WAR QABA WAAQICA MEESHA KA JIRA,
TUSAALE SHEEQ KASTA OO JOGA USA AMA WESTERN COUNTARY WAXUU KU DHAARTEY INUU DAACAD U YAHAY SHARCIGA WADANKAA KA JIRA,
MAXAA SHEEQA LAGA RABA HADUU ISKU DAYAY WXII XAL U MUQDA
saliibka dulsaaran cusbitaalka guud ee goday imisuu dulsaarnaa , onlf iyo wadaadadu maxay u tuuriwaayeen saliibka markahore jihaadka kabilow saliibka
walaal way mahad san yihiin culimadu
waxan leenahay jasaakumu khayr
ilaahay haka abaal mariyo
waxayna mudan yihiin in laga faaiidaysto
oo laga qaato waxay xambaar sanyihiin
inaa lilaahi wa inaa eleehi raajicuun, waa marka aan ka eego dhanka masiibada iyo dadka afwaajan afwaajan ama qabaail iska dhan oo diinta ka baxay islaamka oo ay hor galeen aimo ama hogaamiya yaal albaabada jahanamo taagan oo dadkiina halaag ku shubaya!
dhankaa marka laga eego arinkani waa masiibo wayn!
marka laga eego dhanka in la arkay warkii nebi maxamed swc sheegay oo muuqalkii aynu hayno (( qiyaamuhu istaagi maayo ilaa ay qabiilooyin umadaydu kamid ahi diinta ka laabtaan shirkiga iyo gaalnimadii ku noqdaan)) xadiis kale(( waxaad raaci doontaan talaabo talaabo iyo taako taako yuhuud iyo kiristaanka wixii ay sameeyeen oo dhan hadii ay galaan god masa cagaley waad geli doontiin)) xadiis kale(( ducaad ama wadaado dadka ugu yeeraya calanka islaamka wax aan ahayn umadana u qurxinaya sidaana jahanama uga buuxinaya kuwaas ka dheeraw geedna aad qaniintide))hudayfa.
dhankaas farxad ayay ka tahay nebinimada rasuulkeena swc iyo in ilahay safkii islaamka safeeyey oo waxaas uu ka soo saaray maanta yana waxay ku tusaysaa guushii islaamku in ay soo dhawaatay maadaama jawaasiistii iyo khabiisiintii ilaahay soo jafay ama hufay! khilaafada u diyaar garoobo way dhalane. bishaaro,bishaaro,bishaaro for islaam!