HILIBkA CULIMADU WAA SUMEYSAN YAHAY EE HA CUNIN.

Published on August 22, 2010 by   ·   2 Comments   ·   print

Hillibka Culimada waa sumeysan yahay ee ha cunin, waa Faalo jawaab u ‘ah qaar ka mid ah qoraalo ay dhawaanahan saxafiyiinta qaarkood ku durayeen xubno ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Marka hore Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allaah, nabad galyo iyo naxariisna ha’ahaato Nabigeena dushiisa (SCW).

Waxaa waayadan aad u soo batay saxafiyiin shaqo ka dhigatay wax ka sheega qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, waxaana baraha internet-ka qaarkood subax walba ku arkeysaa qoraalo wax looga sheegayo culimo la yaqaano, iyadoo weliba waxa ay u cuskanayaan wax ka sheegooda ayan aheyn qodobo caga adag ku taagan.

Ilaahayga aduunkan iyo waxa dulsaaran abuuray ayaa Culimada ku sheegay inay yihiin kuwa kaliya ee sida dhabta ah isaga uga baqa, waxaana alle ka cabsiga lagu qeexi karaa, wax kasta oo Ilaahay jecel yahay, iyadoo sidoo kale lagu soo uruurin karo u hogaansamida waxa Ilaahay ku faray, iyo ka fogaanshaha waxa Alle ka reebay Aadamaha.

Rasuulkeena suuban ee Muxamed (SCW) waxa uu sheegay in Culimadu ay yihiin kuwii dhaxlay Nabiyada, waxa ay dhaxalka u heleena waa diintii ay ka tageen Nabiyada oo dhamaantood isku dariiq ku socday, hadafkooduna ahaa sidii Bini’aadmku loogu duwi lahaa wadada toosan.

Sinna uma banaana ku xad gudubka Muslimiinta, gaar ahaan Culimada, maxaa yeelay waxaa ka dhalanaya xumaan farabadan, waxaana waayadan soo baxay saxafiyiin guntiga dhiisha isaga dhigtay sidii ay wax uga sheegi lahaayeen Culimada, iyagoo had iyo jeer qoraalo been abuur ah iyo kuwo xadgudub ahba ka qora Culimada, waxaadna moodaa in saxafiyiintaan ay daawo ka doonayaan sun.

KA DAR OO DIBI DHAL

Waa yaabe saxafiyiintaan ayaa qoraalada ay ku durayaan Culimada waxa ay u cuskadaan diinta Islaamka, iyagoo qoraaladooda qaarkoodna ayan u qalmin wax laga jawaabi karo, balse waxaan is dultaagayaa qaar ka mid ah waxyaabaha ay ku eedeeyaan Culimada ay ku xadgudbayaan, waxaana ka mid ah arimaha ay ku doodaan.

1- Waxay ka soo horjeedaan Jihaadka “Culimada”

2- Waxay leeyihiin Hanti farabadan, gawaari cad cad iyo guryo

3- Waxay nabad ku dhex joogaan wadamada Gaalada

Waxaan mid mid isu dul taagayaa arimahan 3-da ‘ah.

1- Jihaadku waa qeyb ka mid ah diinta Islaamka, waxaana Rasuulku (SCW) ku sheegay inuu yahay baarka ugu sareeya ee Diinta Islaamka, qofkii jiritaankiisa diidana wuxuu kaga bixi karaa moorada Islaamka, maxaa yeelay wuxuu inkirayaa aayado badan iyo axaadiith badan oo ku soo arooray Jihaadka.

Marka ay saxafiyoihiintu leeyihiin culimadu Jihaadka ayey ka soo horjeedaan malaha ma dareensana inay ku hadaaqayaan wax diinta loogu baxo oo ay ku tuurayaan Culimada ay durayaan, waxaana waayadan caadi noqotay in qofku uu soo halgaado kalimad ay khatari ka dhalaneyso, isagoo u haysta inuu Alle u dhawaanayo.

Xalay caawa u ‘ekaa

Hadii qofi ku yiraahdo Salaada sidan looma tukado, ama sidan Nabiga looguma saliyo, qofkaasi kama soo horjeedo salaada, iyo saliga Nabiga (SCW) ee waxaa mudan in laga hadlo qodobada lagugu haysto sax miyaa mase waa lagugu xadgudbay, taas ayaa doodu ka furan tahay, balse ma haboona inaad qofkaas dusha u saarto wax uusan aaminsaneyn, amaba uu diinta kaga baxayo, maxaa yeelay ka soo horjeedka arimaha aan soo xusay dhamaantood waa wax moorada looga baxo.

Marka aan soo kufiyo qodobka 1-aad Culimada kama soo horjeedaan Jihaadka, kamana soo horjeesan karaan ee Saxafiyiinta ayaan malaha fahansaneyn waxa ay culimadu ka hadleyso.

2- Waxay leeyihiin Hanti farabadan, gawaari cad cad iyo guryo

In Culimadu shaqeystaan oo xoolo yeeshaan waa ku amaanan yihiin ee kuma eedeysna, hantida ay haystaana waa hanti ay Muslimiinta Akhiyaartooda gacanta ku hayaan, waxaana Ilaahay ka baryeynaa inuu umadeena ku anfaco, ugu yaraanna waxaa meesha ka baxaya in lagu tuhmo inay diinta magaceeda xoolo ku helaan.

Maxaad dhihi laheyd hadii culimadu ay ku noolaan lahaayeen xoolo dad kale leeyahay, malaha taas ayaa ka sii darnaan laheyd, sharafna ma ‘ahan in qof caalim ah uu gacan kale wax ka sugo, Diinta Islaamkuna waxay dhiira gelisay ka shaqeysashada xalaasha, iyadoo Saxaabigii qiimaha badnaa ee C/raxmaan Ibnu Cowf markii uu yimid Madiina uu codsaday in suuqa la tuso si uu ‘uga shaqeysto, markii dambena noqday Hantiile weyn oo Islaamka anfacay, wuxuuna C/raxmaan tusaale fiican u yahay Muslimiinta oo dhan.

ام يحسد ون ا لنا س على ما ءا تاهم اللة من فضلة

Ma moodaa in xoolaha culimadu xalaasha ku shaqeysteen laga xasdayo, mana banaana xaasidnimadu, hadii aan malaha u wanaajiyo saxafiyiintana waxaan leenahay waxaa jirta garasho la’aan ee xaasidnimo ulama jeedaan.

Hadii aan qodobka 2-aad soo uruuriyo wax haboon maaha in lagu mashquulo xoolo qof kale shaqeystay, hadii uu qofka xoolahaas leh uu yahay Culimana kumaba sii jirto, mida kaliya ee Saxafiyiinta iyo inagaba nala gudboon waa inaan Ilaahay ka barino inuu xoolo xalaal ah nagu irsaaqo, ka dibna nagu hago sidii aan jid wanaagsan ugu bixin lahayn.

3-Waxay nabad ku dhex joogaan wadamada Gaalada

Inta aan ogahay majiro shardi diini ah oo Culimada cilmigooda ku xiraya in ay bartilmaameed u ‘ahaadaan Gaalada, hadii Ilaahay ka badbaadiyo culimada sharka Gaalada waa wax Ilaahay loogu Xamdiyo ee maaha wax Culimada lagu tuhmo, ama loogu ciil cuno maxaa loo ugaarsan waayey, hadii qodobkaas la sii dhiraan dhiriyana waxaaba ka soo baxaya wax aad u xun, mase is lihi waxa arikaan ka dhalan kara ayaa Saxafiyiinta ku baraarugsan yihiin, laakiin Ilaah ayaa garanaya xaqiiqda.

Ilaahay nagama dhigo intii ay meeli qaado

Dadka ku hadla luuqada aan qalinka u qaatay inaan ku difaaco akhiyaarta umadeena, waxa ay daadsan yihiin dunida dacaladeeda, iyagoo halis ugu jira inay ugaarsadaan cid ku faraxsan inay bedelaan Dhaqankooda iyo Diintooda, waxayna u baahan yihiin cid ka horeysa cadowgaas, kuwa la doonayo inay Waajibkaas u kacaanna waa aqoonyahanka Diinta Islaamka.

Culimadu waxa ay meel walba oo ay joogaan ka wadaan sidii umadda banaanka u soo baxday ay u ilaashan laheyd Diinteeda iyo Dhaqankeeda, waxaadna arinkaas dareemi kartaa hadii aad ka mid tahay boqolaalka kun ee Soomaaliyeed ee daadsan wadamada ay dadku u soo barakaceen, waxayna Culimadu dadka baraan diintooda, iyagoo ka jawaaba su’aalaha ay bulshadu dooneyso in laga haqab tiro, waxayna sidoo kale yihiin kuwa u garqaada dadka Soomaaliyeed ee baahida ay u qabaan diintooda ay sii kordheyso, waxaana xusid mudan in ay kor u kaceyso kalsoonida dadku ku qabaan Culimadooda.

Iyadoo ay intaas iyo in ka sii badanna jirto ayaanan anigu “qoraaga faaladan” fahmin waxa Saxafiyiintu u ‘arki waayeen muhiimada ay Culimadu meelaha ay joogaan ku hayaan, waxaa xusid mudan inay fiicnaan lahayd in umadeena ilaahay isu soo uruuriyo, waana ka baryeynaa Alle, balse hada cid walba waxaa meesha ay joogto ku haysata duruuf gooni ah, cidii wax ku dhaanta ee ka hormuuqata oo ay Culimadu ugu horeeyaanna waa waajib saaran inay daboolaan baahiyaha ay bulshadu qabto.

Hadii qodobkan aan isku dayo inaan soo afmeero, wax jira ma’aha in wax ka qaadashada culumada iyo culimanimadooda lagu xiro inay bartilmaameed u noqdaan Gaalada, iyadoo dad badani ay ka wada dheregsan yihiin in culimada qaar ka mid ah wadamo ay ku noolaayeen laga soo masaafuriyey, qaarkood wadamada qaar aan loo ogoleyn, kuwa kale marar badan laga masaafuriyey wadamada ay ku nool yihiin.

Maxaa la gudboon saxafiyiinta?

Saxafiyiinta iyo inteena kaleba waxaa nala gudboon inaanan wax diinta ku xumeyn, amaba ku amaanan aanan xumeynin, anagoo dano kale ka leh, waxaa kaloo nalaga doonayaa inaan wanaaga ka shaqeyno xaqana u hiilino, kana fogaano borobogaandada ka dhanka ah akhiyaarta umadda.

Fiiro gaar ah

Malihi culimadu khalad magalaan, waxaana jira waxyaabo qof walba qalbigiisa ku jira oo uu Culimada ka dooni lahaa inay sameeyaan, balse Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa habar fadhida Lagdin la fududaa, waxaana leeyahay hadii culimadu khalad leedahay waxaa iftiiminaya qof cilmi u leh waxa ay culimadu khaldeen, isagoo weliba laga doonayo inuu si anshax leh u iftiimiyo khaladka uu arkay, waase marka uu sugnaado khaladkaase.

Gunaanad

Saxaafadu waa sakiin laba afle ah wanaag iyo xumaanba loo adeegsan karo, Culimaduna waxa ay xambaarsan yihiin Risaaladii Nabi Maxamed (SCW) bishan Ramadaan oo kale lagu soo dajiyey, in iyaga shaqo laga dhigtana waxaa ka dhalan kara in qofka diintiisa ay dhaawacnto oo uu fidnoobo, hadaba saxaafadu ha ‘ahaato mid soo bandhigta wanaaga, walow wanaagiiba laga dhigay sida uu qofku u ‘arko, waxaana ugu dambeyn nafteyda iyo tan walaalaha kaleba kula talinayaa inaanan sabab u noqonin in dad badan ay ku dhiiradaan akhiyaarta umadan.

W/Q Maxamed Nuur Shire

nasi2@windowslive.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Culimadu wax ma Caymin karaan?(W.Q.xasan m.ibraahim)
  2. Imaaraadka oo Cunaqabatayntii ka qaaday Hilibka Xoolaha Soomaalida
  3. Culimada P/land oo bayaan soo saaray: xasuuqa culimadu gacma shisheeye kama marna
  4. Waraysi:- Sh.Max’ed Cusmaan”waxaan ku Guuleysanay inaan la kulano Dowlada Sh. Shariif Madaxda ka yahay & Xisbiga Islaamiga oo uu Sh. Cumar Iimaan Madaxda ka yahay & Xarakatu Shabaab Al-Mujaahidiin”.
  5. Sh. Fu’aad (Aflow) oo ka warbixiyay kaalintii ay culimadu ka qaateen sii daynta Ardeydii lagu haystay Boosaaso.

Readers Comments (2)

  1. Geeddi says:

    @maxamed nur shire

    Culimada iyo cid kaste oo muslim ah xanteeda iyo ceebeeynteeda ma banaana .

    balse hadii qofka caalimka ah uu inta saxaafada soo fadhiisto hadal khaldan oo uu isaga gaar la yahay diin ahaana danbi ah uu ku hadlo ka waran maxaa la gudboon umada muslimka ah in laga aamuso miyaa????????

    tusaale hadaan ku siiyo sheekh cumar faaruuq wuxuu yiri Ciidamo Ka socdo Igad iyo afrikaanka(gaalo) kaleba in somalia la soo galiyo wey banaantahay waana arin mashruuc ah diin ahaan.

    wuxuu daliishaday hadal uu horey u yiri jamaal cabdi naasir oo ahaa in sheydaan uu kaalmeysanayo dantiisa wuuna u duceeyay jamaal cabdinasir in allaah uu u naxariisto.

    hadalkaas adiga haduu kula saxan yahay waa meesheeda lkin in laga jawaabo oo sheekha la dhaho sheekhoow arintaan ka laabo haduu ka dhaga adeygana in lagu ceebeeyo weeye xaqiiqatay xaqa in la haleeyo cidna loogu dulqaadan mayo ama sheekh ama shariif.

    mida kale sheekh cumar faruq horey fatwo uu u soo saaray niman muslim sheegta buu ku gaaleysiiyay gaalo ay soo galiyeen dalka sida c/laahi yuusuf tan shariif soo galinayona waa banaan tahay diin ahaan buu yiri maxaa ka leedahay adiga taas?

  2. Abdirahman M M says:

    ASC: Farqi ayaa u dhexeeya qof keliya iyo dad badan. Magaca Culimo waa caam, magaca sheekh hebelna waa khaas, haddaan culimadu wakiilan inuu u hadlo. Sidaa daraadeed laguma eedayn karo wax qof ka dhacay culimada oo dhan, diinteenuna waa naseexo ee maaha in la is eedeeyo ama la is ceebeeyo, waana in qofkii khaladku ka dhacay la toosiiyo sida ugu wanaagsanna wax loogu sheego karo. Culimadana debbedda iyo gudahaba waa looga baahan yahay debbeddaana baahi badan 100%.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Culimadu wax ma Caymin karaan?(W.Q.xasan m.ibraahim)
  2. Imaaraadka oo Cunaqabatayntii ka qaaday Hilibka Xoolaha Soomaalida
  3. Culimada P/land oo bayaan soo saaray: xasuuqa culimadu gacma shisheeye kama marna
  4. Waraysi:- Sh.Max’ed Cusmaan”waxaan ku Guuleysanay inaan la kulano Dowlada Sh. Shariif Madaxda ka yahay & Xisbiga Islaamiga oo uu Sh. Cumar Iimaan Madaxda ka yahay & Xarakatu Shabaab Al-Mujaahidiin”.
  5. Sh. Fu’aad (Aflow) oo ka warbixiyay kaalintii ay culimadu ka qaateen sii daynta Ardeydii lagu haystay Boosaaso.

Latest Headlines