Sheekh Shariif oo ka dhawaajiyay in Dowladda Sudan ay diyaar u tahay in ay dhinacyada Soomaaliya isku haya heshiisiiso

Published on August 19, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Madaxweynaha DMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaga oo ku sugan dalka Sudan waxa uu sheegay in Dowladda Sudan ay diyaar la tahay wada hadalo nabadeed oo ay u qabato dhinacyada Soomaaliyeed ee isku haya Siyaasaadda.

Si saxaafadeed uu Sheekh Shariif u qabtay Saxaafadda ayuu ku sheegay in ay diyaar u yihiin in Dowladda Sudan ay kala qeyb qaatado xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya wuxuuna xusay in ay lagama maar maan tahay meel marinta arintaa iyo sidoo kale soo af jaridda colaada dheeraatay.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay arinta ay Dowladda Sudan kala hadleen ee ah in ay isku keento dhinacyada Soomaalida ah ee is diiday ayuu yidhi “anigu baahi yaan u qabnaa kaalinta Sudan ee muhimka ah ee xal u helidda mushkiladda Soomaaliya …. Maalmaha soo socda saaxada waxaa laga dareemi doonaa dhaq dhaqaaqa ay sameyn doonto Dowladda Sudan ee la xidhiidha u kala dab qaadidda dhinacyada Soomaaliya iyo sidoo kale xoojinta DKMG ah ee Dhexe iyo wax is dhaafsi si nabadeed ah.”

 Waxa uu sidoo kale Sheekh Shariif waxa uu intaa ku daray in DKMG ah  ay qaadatay talaabo nabadeed oo arintaa xal looga gaadhayo mushkiladda Soomaaliya ,wuxuuna carabka ku dhuftay in ay arintaas horseedayso wada noolaansho iyo Dowlad loo dhan yahay oo ka hir gasha dalka Soomaaliya .

 Dowladda Sudan ayaa mar sii horeysay sheegtay in ay u diyaar tahay u kala dab qaadidda dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Soomaaliya ,waxayna arintaasi soo if baxday wixii ka dambeeyay kulankii ay magaalada Khurdum kuwa qaateen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Dalka Sudan .

 Dhanka kale Safiirka Sudan u fadhiya Itoobiya Maxamed Yuusuf Xasan oo mar sii horeysay u waramay Somalimirror ayaa sheegay in talaabada xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya tahay mid wax waara ka dhalin karta gayiga Soomaaliya wuxuuna xiligaa carabka ku adkeeyey in Sudan iyo Soomaaliya yihiin labo wadan oo walaalo ah dhibaatada Soomaaliyana ay ku xalismi karayso rabitaan dhab ah oo ka yimaadda dhamaan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

 Talaabada ay wado Dowladda Sudan ee la xidhiidha xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmasa xili ay jiraan culeyso badan oo ay Beesha Caalamku saarayso DKMG ah ee Soomaaliya six al looga gaadho dhibaatada Soomaaliya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gudigii ka tirsanaa ololaha Calaamiga ah ee la dagaalanka Gardarada oo jawaabo wax ku ool ah ka helay dhinacyada isku haya Soomaaliya
  2. Shirkii 14-aad ee Midowga Afrika oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Adis Ababa loogana hadli doono xaaladaha Sudan iyo Soomaaliya ka jira
  3. Dhinacyada Is-haya ee Soomaalida oo Masar Dhex Dhexaadin ka Dalbaday
  4. Sh. Shariif oo isku soo sharaxaya Madaxweynanimada Soomaaliya
  5. Prof. Cadow “Sh. Xasan & Sh. Shariif in la isku keeno ayaa ay tahay rajadu”

Readers Comments (1)

  1. Abu abdala says:

    Shariifka marka hore waxaa looga fadhiya shacabki leysey magtooda itheopia xiligu basaaska u ahaa iyo kuwa hada amison madaaficdeda ku hogaaminayo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gudigii ka tirsanaa ololaha Calaamiga ah ee la dagaalanka Gardarada oo jawaabo wax ku ool ah ka helay dhinacyada isku haya Soomaaliya
  2. Shirkii 14-aad ee Midowga Afrika oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Adis Ababa loogana hadli doono xaaladaha Sudan iyo Soomaaliya ka jira
  3. Dhinacyada Is-haya ee Soomaalida oo Masar Dhex Dhexaadin ka Dalbaday
  4. Sh. Shariif oo isku soo sharaxaya Madaxweynanimada Soomaaliya
  5. Prof. Cadow “Sh. Xasan & Sh. Shariif in la isku keeno ayaa ay tahay rajadu”

Latest Headlines