Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo Qoraal ka soo saray Warkii ay shabakadda Al jazeera ka qortay
Published on August 19, 2010 by Somalimirror · 37 Comments ·
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa Shabkadda Somalimirror soo gaadhsiiyay war qoraal oo uu uga hadlayo war qoraal ahaa oo lagu faafiyay Shabkadda Al jazeera.net sidoo kalena ay tarjuntay Shabakadda Somalimirror,wuxuuna Sheeekhu qoraalkiisa ku sheegay in warkaa la faafiyay wax badan aysan ka saxsaneyn, qoraalkii Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxa uu u qoraa sidan :-

Qoraalka uu SHeekh Max'ed Cabdi Umal soo gaadhsiiyay Shabakadda Somalimirror
Related posts:
- Sheekh Umal oo soo gaaray Muqdisho kuna Biiray Shirka Culimada Soomaaliyeed
- Sheekh Daahir Aw Cabdi oo Nadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankeesu ahaa ” xaaraantinimada dilka nafta oo xaq daro lagu dilo “
- Sheekh Maxamed Rashaad oo ku geeriyooday Banka Carafa
- Sheekh Daahir Aw Cabdi oo Nadwada Masjidka Al-rowda ee M. Boosaaso Caawa uga hadlay Mowduuc uu ciwaaankiisu ahaa “Adaabta Khilaafka iyo Qawaacida loola dhaqmo dadka is Khilaafsan”
- Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ka Maanta kalmad ka yidhi Geerida ku timid Dr C/qaadir Garre
Shiikha hadalkiisa iyo mowqifkiisa dhabta ah miyay Somalimirro diidan tahay. Maxaa keenay qaabka (format) maqaalka oo aan la akhrin karin ulajeedadiisa. Wadaadka fursad siiya uu isku daafaco.
Beeneey Waa Run!! Beeneey Waa Run!! Beeneey Waa Run!!
Mu’minku waa Ka Dhici Kartaa Zino! Waana ka Dhici Kartaa Xatooyo! Labadubana waa Danbiyo waa wayn , Laakiin Been Kama Dhici Karto.
Ilaahayow na Xifdi , waa Maalin Ramadaane ?
HEshiiska Sida ay Culimadu u Caddeeyaan ayaan ugu Gowracan nahay , Waana inaan Aqbalaa , haddaan Diin Doon Nahay , Ma aha Sida kuwa Shabaabka ah ee Hadduu Gaal waafaqo mabda’ooda janagalaha u Yaqaan , Hadduu Mu’min Khilaafana Gaalka u Yaqaan? Nimankaa Fidnoobay Yaan loo ekaan oo Ilaahay Ha loogu Dhawaado in Sifooyinkooda diinta Khilaafsan la Khilaafo.
Maashallaah tabaarakallaah,
Beeni raadmaleh, alla beeni tabardaranaa,
laa zakaata fil ibil ookale ayuu kadhigay maxed sahal hadalkii sheekha
Xaq buu uleeyahay sheekhu inuu rayigiisa sharciyan cadeeyo waxa uukaqabo heshiiskaas.
laakiin in lamasabito ayaan meesha kujirin.
Allaah hanadhawro.
walaalaha Somali mirror Aljazeera sida ay isu muujiso ma aha
waa idaacad Calmaani ah ninka Waddaax layidhaahdo ee Urduniga ah ee madaxa ka ah ayaa waraysiyadiisa kucadeeya inuusan ahayn nin diinta ujanjeedha marka iska hubsada waxay qorto.
takale Gayigu waa wareersanyahay, alshabaab, alxizb,suufiyo qaylinaya, cilmaaniyiin, shariif,Amisom, Mooryaan, maraykan, yurub, xabashi, dhamaan intaas aan sheegay xabad bay ridaan xabaduna kolley isku mid aha
laakiin Hooyada soomaaliyeed ee iyadoo gurigeedi kaqaxday buushkay cawska kasamaysatay madfac loogu geynayo iyadu xabad alshabaab iyo alxizb tuureen iyo tan Amisom umakala duwana maxaa yeelay labaduba way dilaysaa, sida caruurtii habeenkii dhawayd Digreef lugu laayay.
asc wr wb waxaan kayaabanaa warkan al jazeera ay qortay ee al furqaan ku cel celisay!!!
waxaan umalayn ninka kashakisan arinta uwslf in uu yahay qof aan xog ka haynin s/galbeed ama diinta islamka ay ku yartahy aqoonteedu .
bal waydiiya sida ay diinta islaamka u laba kacday intii heshiiska la galay kadib dadka reer s/galbeed
ama u dirsada dad idiinka soo warama !
waxaa ka hir galay in hablihii ay xijaab isku wada duubeen , wiilashiina sar waalka gaabsadeen , kutubtii salafkuna laga bilaabay masaajidda .
in sha allaah waxaan rajaynayaa in dadka kashaki qaba arintaas oo ruclaynaya/xiiqsan ay iman doonan carrada s/galbeed .
Asalamu alikum
waataan taan filaayay cajiib..
waxaan awalba layaabanaa siduu usoo qoray hadalkaas deg-dega ah…
SH umal waa ka dhacay arimahaan Jihaadka ah oo waxa uu ka qaatay go’aan cad oo uu meel walba fagaaraha kagahadlo oo uu kuradiyo hadana inuu halmar IBRAAHIM DHEERE ku xukumo inuu ku dhacay Riddo…..tas waan layaabnay qof walba oo la socday arimaha sheekha…
aan sugno mawqifka soo socda..wasalam
Asc wbr ikhwaanii anigu waxaan ka mid ahaa mujaahidiinti itoobia & dowladi c/yusuf ladagaalameysay waana taageersanahay heshiiska sh/ibrahim dhere walaalayaal waxaan idiin dar daarmayaa waxaa jira 2 websid oo mabda, takfiiriya wata iskana ilaaliya waxey takfiriyaan culimad salafiyiinta ah inta aanan al shabab fidnada ku raacin webyadu waa sidan somalimemo.net somalimidnimo.com
Asc dhamaan akhristayaasha somalimirror.
Marka xigta waxaa mahad leh Allah swt kaasoo kashifay wariyaha iyo beenta uu kasheegay xafiduhulah sheikh M Abdi Umal. Runtiina Somalimirror way kuqaldanayd inay soo dhigto webka hadal aysan kahubsan sheekha. Sheikha waxuu uu kayiri heshiiska UWSLF ay lagashay Ethiopia iyo shircigeeda iyo wixii uu kaogaa iyo culumadii kale ee laqaadatay fikirkiisa isaga ayaan kasugaynaa ee yaanan ladegdegin. Tanakale been abuurashada uu wariye shaydaan Abdirahman Sahal kasheegay sheekha ilaahay hakucadaabo. Hadalka uu kaqoray Sheikha iyo sida ay Somalibadan ilaa shalay ugu wareersanaayeen warbixintiisa, inta uu waqti kagalumiyay intii akhrisay iyo intii wax kasheegtay sheekha dambigooda waxaa leh wariye abdirahman, ilaahayna wuu tusayaa hadii uusan katowbad keenin, cafisna waydiisan Sheikha.
ALLEMAGAN awkiyaale ama muraayada indhaha ayaad u baahantahay hadii aadan arki karin qoraalka sheekha, si kastaba ha ahaate arinku waxaan suubaan in qofku aakhiradiisa ilaashado oo been abuurka iyo buhtaanka la iska ilaaliyo, somalimirror Alle ha idinka abaal mariyo wixii wanaag ah ee aad asiibtaan.
cilmi oo idil Alle ayuu u suganyahay.
Asalaamu calaykum
walaalha Somali Mirror waad mahadsantihiin, Bayaanka Sheekh Umal ee aad faafiseen,Laakiin walaalyaal markaan aqriyay dhawr jeer maqaalka lagu baahiyay Aljazeera.net, wax dhib ah iigama muuqdo oo keeni kara in la naqdiyo Bal akhristayashow akhriya.
http://www.aljazeera.net/NR/exeres/EFCF590F-C47D-4FBC-9FAF-DDF04523D69F.htm
walaalaha Shabakada waxaan ka codsanayaa in ay baahiyaan Tacliiqan
Waan ka urinayey qoraalka in qolyaha xag jirkaa arrinta lug ku leeyihiin.
Walaalaha soomaaliyeedow Aljazeera khadkeeda siyaasadeed ma fahamsanid qaarkiin badan. Hadaan damco inaan idiin sharxana waxaan ka baqayaa inaad tiraahdaan (awalbaba darooryiba jiryaye doxorku yeelkiise) oo ninku war badanaa intaad tiraahdaan aad ka caajistaan warkeyga qalbiga ka imaanaya!
Mawqifka Aljazeera hadaad dooneysaan waxaan idin xusuusinayaa hadal hadda kahor Faarax Macallin allaha dhowree uu BBC da ka sheegey oo uu yiri: Dadbaa doonaya iney Muqdisho ka xoreystaan dalalkooda! Qaarkiin ma fahmin baan filayaa weli.
Aljazeera ma ahan islaami salafi jihaadi ah,laakiin qadiyada Falastiin iyo muqaawamada carbeed ee Bariga Dhexe ayey si qawmi ah u aaminsantahey. Iyadoo meeshana aysan ka maqneyn tartanka iyo is ximinta ka dhexeeya carabta oo Qadar iyo Sacuudi ayaa isku shida. Marka Salafiya Jihaadiya(alqacida) ayey buun buunisaa Aljazeera. Ujeedaduna waa si Mareykanka iyo R/Galbeedba loo tusiyo hadeysan qadiyada Falastiin wax ka qaban in xaaladu faraha ka baxeyso. Macnaha Qadar looma rabo Salafiya Jihaadiya,laakiin Afqaanistaan,Pakistaan iyo Somaliya waa lagu dhiiri gelinayaa. Si kale hadaan u dhigo Jigjiga ayaa la holcinayaa si Gaza loo damiyo. Dadka sidaas sameynaya oo Qadar ahna saldhiga Mareykanka ugu weyn ayaa dalkeeda ku yaalla. Ninkii laga helayo ayaa dalkiisa xaabo laga dhigtaa.
asc waxaan aad ugu cadhaynahay wariyaha kubeen abuurtay caalimka soomaaliyeed sheekh maxem umal waxaan leehay walaal waad khadan taye ilaahay utoobad keen sheekhana kacafis dalab tan kale waxaan umalay wari yuhu isagaa jeclaa in niman kaa laugu tilmaa mo gaalo walaahi waa wax laga yaa bo ooaad iyo aad fajac u ah waxaan leehay aniga fir raday da maan ta soomaaliya waxay maraysaa aniga iraac hadiikale gaal baad tahay waxaan qabaa ookale dhulkaa soomaaligalbeed eelaguu mays to cid fatwa ka dhiiban karta majirto oon ahayn niman kaa udagaali jiray hadana heshiiska qaatay maxaadhacay dadkakale mabagaran hayaa xaalada meeshaa kataagan walaal saas darteed waxaan leehay halooga dan beeyo fadwada iyaga asc
asc waxaan aad oolayaabay saaka markay kudadgdagtay soomalimirror qoraalaka akjazeeranet ee ayna kafiirsanin waxaana damcay in aan idinla soo hadlaa wasaana ogaa in culimada uu kamid yahay sheekh umal aysan kudagdagin gaalaynta mujaahidiinta iyo ducaada ilaah ayay mahad oodhan usugnaatay asaga fadligiisa ay kudhamaystirmaan umuuruhu waxaan rabaa kaliya in aan dhaho ahlu maka adraa bishicaabihii anagu hadaan nahay uwslf ooma joojinayno cidkstoo hadasha talaabooyinka aan qaadaynana waxaan uleenahay aragti xeel dheer oo diini ah iyo mid siyaasi ah waxaan naqaanaa dana umadanada iyo maslaxadeeda aqoonyahano dhinacwalba ahna waan leenahay waxaan kumashquulaynaa in aan u istaagnaa wax uqabadka umadanada kana dhisnaa xaga diinta dhaqaalaha waxbarashada khadamaadka aas aasiga ah noomana qorshaysna in aan kajawaabnaa hadalada kasoo yeedhaya dhalinyarada xamaasaysan iyo cidii lamaid ahba mahadsanidin
waan ka xumahay in sheekha lugta loo soo galiyo wax yaabo riqiis ah, sida ururo pirate ah sida al-itaxaan, al-shaydan oon qiimo u lahayn siyasada geeska afrika… Sheekha waxan o dhan lahaa yuusan isku daalinin kuwan iyaga waxay yihin bananka iskenaye…. Shalay al_shabab ayay hoosta kagajiren maantana males….ruuxi caqli leh intaas aya daliil oogu filan..
adduunyada nin joogoow maxaa aragti kuu laaban.
shiikh maxamedoow xaalkagu masidanbuu ku danbeeyay..?
haddaad tidhi gaalnimay ku dhaceen oo aanad acyaan ahaan u gaalaysiin dhib ma leh wana ijtihaadkaaga..
laakiin shiikh xassan iyo mujaahidiinta qaliga ah eedhiiggoodii tawxiidku maanta ku taaganyahay baan ka cararayaa maad iska tidhaahdid..
ANoo ku qaddarinay wax iiga kaa muuqda adi iyo saaxiibadaa inaad siyaasadda ku fashilanteen akhiiyoow waxa fiican inaad iskaga aamustaan arrimahan
waadigii yidhi waan ka aamusi siyaasadda waagaad xmar ka tagtay maxaad ufulin wayday akhii?
ma mudna nin calim ahi inuu martabaddan isdhigo
ma mudna in diintii laysku ximiyo
ibraahim dheere waxuu galay hadduu geli lahaa shiikh abu zubayr xaalku see ahaan lahaa
hadda AYAY alshabaab saaxibbadaa leeyihiin waa jawaasiise hadday gaalo ugeli lahaayeen maxaad odhan lahayd?
shiikh cidina kaa dhegaysan mayso s/galbeed waysaxantahay alshabaabna waa qaldn yihiin
cidina kaa dhegaysan mayso hallaysu dhiibo galo
hana laga baraao qaato mujaahidiinta sida laga dhadhansanyaay muxaadarddaaii iswiidhan
salaama
shiikh an
Ascwr wb
to:masuul
Walaal ilaahay ka cabso oo qof ha aracine raac kitaabka iyo sunada iyo qaabkii ay salafku u fahmeen laakiin haddaad nin bustaha daba dhigato ninkaas wax kasta aya ka suurooba caalimkuna wa banii adam qald iyo saxba wa ka dhacaan Nabi adam calayhi salam aya qaldamaayey iska dhaaf wadaad adduunkaan akhiru zamaan joogee qallid caaliman talqallaaha saaliman waa sheeko aan soconayn adigoo xaqii arka oo baadilka iyo xaqa kala saari kara haddaad nin iska raacdo lasoco in aadan macduur ahayn maxaa yeeley ilaahay wa ku ogyahay in aad sheegan garan kartey ama aad heli akrtey haddaad raadiso waxaad tiri waan ku gawracanahay wixii culimadu sheegaan akhii waa qalad waxaan ku gawracanahay qalwka allaah iyo rasuulkiisa inta kale waxna wa lga qaadan waxna wa lagu diidi culiamdu haddey ku dhahaan zanawi daba dhilif u noqo oo kabaha u baalash ma raacaysaa haddey ku dhahaan zanawi la qabo soomaaliya inta ka hortey ha gumaystee ma ku raacaysaa culimadu haddey dhahaan zanawi dhulka muslimiinta halooga tanaazulo maku raacaysaa?
NIN KA MID HAA CULIMADII SELAFKA AYAA YIDHI; QOFKII KA TAGA SUNNADA NEBI MUXAMED CSW WUXUU BADIYAA GUUR GUURKA IS BED,BEDELKA IYO IS BARAAN BARINTA.
WAKHTIGAN AYNU KU JIRNO ARINTAASI MA TAAGAN TAHAY MISE MA TAAGNA? JAWAABTA WAXAAN UGA TEGAYAA QOF KASTA OO CAQLI LEH
WA BILAAHI AL TAWFIIQ
kuba la baxey al shabaab baa diintii iyo dadkii
iyo dalkii iyo colamadii marinhabaabiyey
ee ilaahey ha ka qabto wilashaas yaryarka ak ee dadkii wax soobey dhahey waxba ma ahidiin
la arki doonee meeshey ku dabeyaan
sheekh umal allaha xifdiyee runta ayuu sheegay ka dib markii si kahldan loo tarjumay warsigii uu bixiyay.. marka maxaan ka ictibaarinnaa hadalka wariyaha? dad u jeeddo leh ayaa marjic ka dhigtay wariye hadalkiisa iyagoon hubsanin oo sheekha waydiinin mowqifkiisa.. wallaahi zaman halis ah ayay maraysaa soomaliya oo dadkii dacwada iyo diinta nasoo baray ayaa maanta la caayayaa!!!!
somalimirror waad ku mahadsantihiin sida aad umadda runta ugu soo bandhigaysaan.. allow diinta nagu sug, allow kuwa diinta fasaadinaya naga qabo
Umada soomaligalbeed nabada ka hanaqaadey waxey leedahay cadow farabadan oo muuqda iyo kuwo qarsoon. ninka sheekha ku been abuurtey ee la yidhaa CABDIRAHMAN SAHAL una shaqeeya Aljazeera, waxaan leenahay MUTUU BIQAYTHIKUM.
ama ka nax ama ha ka nixin waanu tashaney, adigga iyo Xasaan”Takfiir” midna waxba laga qori mahayo.
waxaan salaamayaa markahore bahda wabseedka markalabaad waxaadhab ah in uu kubeen abuurtay c\rahman sahal uu yahayna nin ujanjeedha afkaarkale wayna cadahay halka uudagaalka kagajiro waxaana leeyahay umada akhrisatay qoraalkii hore in ogaadaan in ay beentahay waxa uu galiyay jazera net mararhorena waxaa dhacay waxyaabo badan oo ka yimid nin kaas takale waxaan leeyahay culumada in ay iska ilalaaliyaan dadka kabeen sheegaya had iyo jer waxana muhiim ah in marwalba ay feejignaadaan waad mahadsantihiin
Ramadaan kariim, ma rabin inaan wax tacliiqiyo inta lagu jiro bisha barakaysan bal waxaan u soo jeedin lahaa akhyaarta webkan iska leh inay ka mabnuucaan dadka culimada aflagaadaynayo sida cali guure hadaad sidaa aydnan yeelin ogow danbigiisa ayaad wax ku yeelanaysaan fiira gaara u yeeshan ninkan ramadaanka dhexdiisa aflagaadeynaya culimada rabaaniyiinta ah. Ku: cali guure waad caytamaysaa waxaadna aflagaadaynaysaa culimo rabaaniyiin ah ayadoo bil ramadaan lagu jiro axkaamta soonkana ayka mid tahay in caydu ay soonka buriso waaba hadaad tahay nin sooman.
Somalimirror waxan kacodsaneyna qoralka iney format ka kabadalan si loo akhrin karo ay uqoran. Waa codsiga akhristayasha smlmrrr
wabilahi towfiq
waa sax sheikha hadalkisa waxeyna igula muuqataa wax wanagsan hadii uu yiri anaa osoo gudbin doona waxa eey igula aadantahay sh. allaha xafido sh.maxamed cabdi umul
marka hore waa alle mahadii sheekha wixi laga sheegayay ee dhoodhoobka ahaa haday beenoobeen tan kale maanta webabka alshabaab hala sugo waxa ay ka yiraahdaan hadalka sheekha oo waa uu ridoobay haday u ega ayay ka soo qori doonaan shalay hadalkii beentaa haa marka ay arkeen xafidahullaahu ayay dheheen balse aan dhugano isbedelkooda
waxaan ka xumahay waxa ka dhacay ibnu sahal
ninka aan aqoon waa khariij suudaani ah isla markaana xaafidul qu,aan ah inta aan ka ogaa 9sano ka hor qoraalka carabigana u fudud laakiin waxogaa dhalinyaro nimo waan ku ogaa ee hadda waxaan filayay xaddu rushdi inuu garay
laakiin al akh c/rahman waxaaan kuleeyayahay
qalinkaaga ilaahi culumadda waaweyna hadalkoda dad badan ayay marjic uyihiin ee wax aaad qaladay yaan lagu qaldamin
waa wareerkii salafiyiinta nimanka sheegta lagu yiqiinay, horta yaa u xilsaray inan markasta gooyaan masiirka umadda soomaalida aaway culumadii kale, aaway madaaristii kale mise xoog ayaa lagu haystaa aaway Madrasaddii Tabliiq aaway madrasadii Ilkwaanul muslimiin aaway…. aaway…. aaway tan iyo maalintii dalkeenu burburay dowladeenii dhacday Culumadda Salafiyiinta ama al itixaad ama Al ictisaam waxay dadka ku faralyeeli jireen jihaad aan sax ahayn kolka ay jabaana way ka laaban jireen ma tirsami karto inta jeer ay umadda luggooyeen waa jihaah ….. maaha jihaad….. waa jihaad…. maaha jihaad war walaalayaaloow ilaahay ka cabsada dad muslimiin ah oo isleynaya yaan diinta si qaldan loogu fasirin oo yaan dadka la wareerinin gaalaysiinta iyo jihaadka siyaasiga ahna yaan dadka looga dhigin kii saxda ahaa ee alah subxaanahu wa tacaalaa ku waajibiyay umadda muslimiinta ah bal u fiisro inta jeer ay culumada ictisamku is badbadalayaan miyaan xisaab laga baqayn walalayaal aloow culumadeena hanuuni o xaqa tus iyo inay dadka mideeyaan
Ac Afjooga looma adeego sheekh Ummal madhiman mana dheero. Afkiisaan ka hayaa mar aan fogeyn waxba kama ogeyn heshiiska uu galay ururka UWSLF laakiin markaan ogaaday wax dhib ah uma arag balse waan ku qancay si sharci ah. hadaba walaalayaa aduunaka maanta jooga ayaa wuxuu iska yahay nin walba wuxuu raba ha qoro. mida kale shekha waxaan kula talin lahaa in uusan shakhsi gooni ah uga fadwoonin arin caam ah ee wixii caam ah meel fagaaro ah kasheego, taasi waa mida isaga iyo arinta uu kahadlayaba ufiican. Ilaahay waxaan kabaryayaa ummada muslimiinta ah khaasatay kuwa somalida in uu xaqa iyo runta kutoosiyo. mida kale nin wax qorey iyo kii wax laga qorey keed adigu dhageysan? Wa Billaahi towfiiq.
nuur ma in lays dhiibo ayaad uu sacabo tumaysaa mise sheekh umal baa diinta haya waxaan meesha taala waa in laga hadlo, hadii ay dhabtahay oo alitaxad la heshiyeen ethiopia maxay ku heshiyeen ma ii sheegi karta, ibrahim dheere wuxuu sheegay inay dastuurka qateen muxuu yahay dastuurku, waxaan la yaabanahay diciifnimada ku jirta dadkan ku dhaqaan degaanka somalida duli iyo dulmi ayey ka shaqeynayaa ilahay uu noqda, haduu sheekh umal leeyahay waa sax ha lays dhiibo wan diidnay sheekh dambena lama waydiin doona waxa ka jira ethiopia meeshan dad baa la gumaysta xuquuqdoodi maqaantahay maxaa keenay daliil ninkii xaqiisa doonan kara ha la dhiiri galiyo why uu sheekh umal uu leeyahay waa sax muxuu ka heli ethiopai ibrahim dheere maxay siin maxaa yaala wuu isdhiibey ilaa hadana ma yaqaan waxa uu joogo iyo waxa uu rabo waxaa hadalkisa ka mid ahaa waxaan rabnaa xuquuqda asaasiga maxaa asaasiga keenay iyadoo dhan buu heli karaaye dulmi foqol dulmi wan nacay wadada aan xaqa tageerin
Asc walalayan marka hore wan idin salamay. Somalimirrorna wan u mahad celinaya. sida wanagsan e ay warka ugu dadasho. warbahintuna wa seef laba afleh. Waxase muuqata in aad dhinac u badan tihiin. Walalayaal waxan shaki iiga jirin aniga markan fikirkayga gaban ku eego in Itobiya dhagar waddo heshiskasina uu ka dhigan yahay mid lagula dagalamayo diinta alle iyo hirgalinta shariicada. halganki soo jiray iyo jihadkana la rabo in xididada logu siibo. Waxan ognahay in itobiya ay Mandiqada qudeheda kala diriri jirta wax kasta oo cilaqo la laleh islamka suuban. waxay dad badan shegan hadda in mandaqada dacwada laga ogay heshiska ka dib. been san mayo arintas lkn waxad ogataan in dadka mandiqada ku nooli ay ka dhursugayeen in halgan kodu mira dhalo oo ay sharicada iyago xor ah isku ma mulaan. Haddase waxa muqata in dhalanted lagu sirayo. Itobiyana ay rabto gudaha mandaqadda in jihadku noqdo xaram waliba in ay waddo amina u hesho waxyelada Somaliya Saxwada slamka ah ee ka hana qaday. ugu danbeyn sheekh umal warkisu wa uun bayan lkn waxay unoqon nasixa ninki xaqa u dhaga nugul iyo hanba qabasho inta sabaatka laga helay wabilahi towfiiq……..
Rmdn Kariim
Sh,umul siyaasi miyaa mase waa shiikh Somaliyed oo caan ah ?
Asc sh.umul iyo sh.xasaan waa culumo waana laga fiican yahay iney u dhaqmaan side hogaamiyal qab qable dagaal onlf waa urur qabiil u dirirayo jihaadna luguma sheegi karo waa urur qabiil malaha wadaadado caadifad qabiil ba qaatey
Qoraaga SomaliMirror,
Mar marka qaar waxaad ku dadaashaan inaad runta ka carartaan oo aad hor istaagtaan in ra’yi dhab ah oo aan cidna gaar u durayn aad ka hortagtaan. Garan mayo sida aad u miisaantaan qoraalka aad soo gudbisaan iyo kaad wadada ka owdaan. Waa dhib iyo hadimo hadii aad soo gudbisaan hadalka kii aad raali ka tihiin oo qura ayada oo aan loo eegin hufnaan gaar ah. Xaqa wadada ha ka owdinina, Alle SWT waa kan yiri “…ataktumuunal xaqa wa antum taclamuuna”.. Qoraalkan soo daaya hadii kale aniga gaar email iigu soo dira si aan u ogaado sababta aad u hor istaageen adinkoo mahadsan.
Qoraalka Maqaalka:
Dhowr dhaliilood oo maqaalkan ku saabsan ayaan doonaya inaan soo qaado. Dhaliilahaasi waxaa weeye a) inuu Sheekh Maxamed Cabdi Umal marooqsanayo arrin aan dow uga furnayn sidiisaba, b) in dadka Soomaalida ahi ayan kala sooci karin danta dhabta ah iyo dibindaabyada joogtada ah iyo t) in ula jeedadada qorista maqaalkan muranka badani ka taagan yahay ay ahayd markii horeba in la daboolo falalka gurracan ee argagaxisadu ay u gaysanayso shacabka Soomaaliyeed ee arrinkiisa looga taag roonaaday.
Waa tan koobaade Sheekh Maxamed Cabdi sida qoraalada ka muuqata waa nin ku nool Kenya oo wata baasaboorkeeda inkastoo uu asal ahaan yahay Soomaali. Shiikhu ma matalo Soomaali Galbeed iyo dadka xabbadu daashatay ee ku nool gobolkaas. Hadana Sheekh Maxamed Cabdi wuxuu u hadlayaa sidii uu yahay ninka kaliya oo ay ka go’do arrinta Soomaali Galbeed iyo heshiisyada la xiriira ummada gobolkaas. Bal eeg wadaadku siduu hadalka u dhigay:
1. waxaan ka ogaa heshiiskii xabad joojinta ee ku dhacay sida qarsoodiga ah
2. markay arrintu soo baxday ee ay isoo gaadhay, maxaa igala qumanaaday, maxaase aan ila qumanaanin
3. waxii daliil sharci ah ee aan cuskaday mawqifka aan iska taagay heshiiska guud ahaan asagoo faahfaahsan
4. qodobada heshiiska maxaan ka ogaa inta aan la saxiixin, markay soo baxeense maxaan ka qabaa?
5. walaalaha heshiiska galay xukunkoodu muxuu yahay?
Waxay ila tahay wadaadku sida ay culumada Soomaaliyeed maanta u jaah wareersan tahay ayay asna arrintu uga murgsan tahay. Waxaa caado noqotay in ifta laga raadsho ama laga baxsho wax walba. Mar walba wadaad ayaa laga hadliyaa, magaciisana loo adeegsadaa si loo huriyo dagaal iyo iska horkeenka uunka Alle.
Wadaadadu waa garan kari la’yihiin inay ku ekaadaan howlaha diinta la xiriira waxayna galayaan siyaasad iyo wax ayan dow u lahayn inay ka hadlaan iyo arrimo kartidooda dhaafsiisan. Dadka Soomaaliyeedna waxay noqdeen nin buka 100 u tali. Taas ayaa keentay maanta aafada iyo burburka dalka Soomaaliya ama Soomaaliweyn oo dhan ku habsaday.
Tan labaad wariye Cabdiraxmaan Sahal markuu arrintan weydiinayay wadaaka maxay ahayd ula jeedada ka dambaysa in su’aalo sidaas xasaasi u ah la waydiiyo cid aan go’aanka arrintu Soomaali Galbeed ka go’in? Dibindaabyada joogtada ah ee dadkeena iyo dalkeena yaan la inaga indhasaabin. Markaad heshid jawaabta su’aashaas ayaad garan kartaa in maqaalkani yahay hagar daamo markiisa horeba loola jeeday habaajinta dadka. Nin ayaa laga hadlinayaa si nin kale loo magac dilo. Sheekh Maxamed Cabdi markiisa horeba xaq uma leh inuu dhex dabaasho bad wayn uusan hal iyo awr midna ku lahayn. Wadaadnimo iyo wilaayo aan kala saarno.
Tan sadexaad, falalka gurracan ee ay argagaxisadu ummada Soomaaliyeed kula kacayso ayaa la doonayaa in lagu daboolo muran iyo is jiid jiid marka la daabacayo maqaalada noocaan ah. Arrintani waa tii gaaladu oran jirtay dabada gillgil ama “wag the tail” marka ay doonayaan inay arrin ka galgashaan oo ay dadka indhahooda ka jeediyaan. Shiikh Maxamad Tahill qoyskii uu todobaadkii hore ka baxay maxay maanta ku sugan yihiin? Masaakiinta kale ee carrabka laga jarayo bishaan Ramadaan sidee u hadlaan, Alle u xusaan bisha Ramadaan oo ay anfaco u holliyaan? Sidee ayay u danqadaan oo ay xubinta go’an u dikaantaa? Dadkaas iyo kuwa laga barakiciyay guryahooda ee lagu afuriyo madaafiicda muxuu ugu yaal waxa Shiikh umal yiri iyo wuxuusan oran? Waxaa la doonayaa in dadka la illowsiiyo dhibka dul harsaday iyo damqashada xanunka badan ee maalin walba ku soo kordhaysa gudaha Soomaaliya. Ku noqo qoraalkii geerida Shiikh Maxamad Tahliil. Markii Shiikh Umal doodiisa la furay ayaa naqaashkeedu dhamaaday ilaa iyo hadana cid qiratay inay dilkaas ka dambaysay ma jirto.
Aan wadno inaan ku murano shiikhu wuu saxsan yahay iyo dowgii ayuu ka habaabay. Ma aragtaan godka laga faagay maanta dusha buundada Ansalooti iyo dhallaanka loo adeegsaday? Ma aragtaan shisheeyaha xaafadaha Muqdisha qaraxyada ka abaabulaya iyo kuwa ay ku adeegtaan (Al-shabaab iyo Xisbul Islaam) ee sugaya saacada afurka si ay colaada dardar u sii galiyaan? Ramadaan Kariim!
Allemagan | Aug 21, 2010 | Reply
Maashaa Allaah Allemagan!
Allaah yajziik, dareen fiyow iyo damiir nool oon la qaldi karin ayaad leedahey. Muranka iyo jikaartanka xuquuda lagu duudsiinayo sidaad u ishaartey weeye. Alle ayaa umadaan u maqan.
Sh. Umal waa caalim Soomaaliyeed oo leh culays diini iyo mid siyaasi ah. Markaan lahaa war ha la hubsado warka uu ka qorey ninka ONLFta ah waxaan dareensanaa Maxaned Cumar iyo kooxda ONLF naf la caarinnmadooda iyo sida ay u raadinayaan fatwo diini ah oo cimri dheerayso mashruuucooda ah wax ku cun Ogaadeeniya adiga oo marna dhaantada ciyaara marna cayrta London ku cunaya.
Sheekh umal waa kashifay beentii lagu abuurtay. dhaliishiisu waxaa waaye inuu aaminay mooryaan onlf ah
Waxaa maanta isku mowqif ah
Shabaab iyo ONLF
Xasaan iyo ONLF
marka laga eego xagga diidmada heshiiskan.
Waxa dhab ah inaan guri adag laga dul dhisi karin daruura.
Waxaa dhab in shabaab iyo onlf maanta ku kulansan yihiin baroorta.
Bal la yaab shalay marka ay mujaahid Axmad madoobe lahaayeen waa ONLF?
Bal la yaab xasaan oo shabaab u fatwoonayey nayroobida uu ka soo hadlaayey!
Bal la yaab culimada taageertay falka Itixaadka S. galbeed tiradooda iyo tayadooda.
Bal la yaab shabaab markay lahaayeen itxaadka naga dhaafa jihaadka Somaali galbeed si melez noogu soo jeedsan.
bal la fajac sida shabaab u biliqaysteen agabkii agoontiii mujaahidinta itxaadka s. galbeed markay heshiiska galeen.
bal ila eega sdia raggooda difaaca shabaabka sida khaadimka u yiri
Culimada meel uguma xirni…iwm.
walillaahi fii khalqihi shuúun
mujaahidiinta xarakada shabaabul mujaahidiin alle ha idin la garabgalo , walee anigu waan ku gawracanayahay xaqa aad ku taagantihiin wallow karahal mushsrikuun
weedha soo yeedhay eray aan ka iraahdo ,horta way xuntahay been abuurka ,laakiin hadal yar aan iraahdo sheekh umal,sheekh umaloow horta tanaaqudhkaagii baa batay,waxaan ku oran la haa iskaga bax shuhrada oo la mid noqo culimada waawey ee soomaaliyeed sida sheekh maxamed amiin ,shariif cabdi nuur kuwaasu waa culimada soomaaliyeed ee aan dhaxgalin fidnadan waxaan ku oran lahaa gabi haka dhicin
marka hore asc marka xigtane hadii ra’yigeyga ka dhiibto, hadalka shiiqa siyaaba badan ayaa loo tarjumay. qofka aadanaha ah sidiisabo hadalka siduu u jecelyahay ayuu uqataa (mesalan hadii 3 sadax qof oo somali ah hal goob ku dhageystaan idaacada bbc da ka dib la weydiiyo warkii ugu doorka ronayaa. Seddax daas qof midba siduu u jecelyahay ayuu u shegaa) s/galbeed koley raali kuma noqoneysa gumaysiga xabashida daalgane ayaa unbaa ku baba’ayo jihaadkane sidiisaba waxaa loo jidey in guul lagu gaaro ee looma baneynin in umada musimiinta ku dhamadaan wabilahitowfiiq