Ciidamada AMISOM oo duqeymo khasaare xoogan dhaliyey u geystay Deegaanada loobarakacay.

Published on August 10, 2010 by   ·   9 Comments   ·   print

Ugu yaraan 4 qof oo Barakacayaal ah ayaa dhimatay in kabadan 10 kalana wey ku dhaawacmeen Madaafiic aad u xoogan oo ay Xalay Ciidamada AMISOM la dhaceen Deegaanada km13 iyo Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, waana deegaan ay ku barakaceen dadkii ka qaxay Dagaalada iyo duqeymaha Xamar.

Duqeymaha oo ay Ciidamada AMISOM xalay saacado badan la dhacayeen Deegaanada loobarakacay isla markaana ay u adeegsanayeen Madaafiicda BM-ka, Taangiyada iyo Hoobiyayaasha Culculus ayaa waxa ka dhashay qasaare baaxad weyn oo soo gaaray Barakacayaasha oo horey naftooda ugala cararay Magaalada Muqdisho.

Caruur iyo haween ayaa u badan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, musiibada ugu darana waxay soo gaartay laba qoys oo ay madaafiicdu ku habsaday isla markaana dhimasho iyo dhaawacyo halis ah ay soo gaareen caruurtii iyo waalidiintii qoysaskaas.

Daryanka Madaafiicda ayaa xalay gilgilayey deegaanada loo Baracakay welwel iyo cadbisi xoogan ayaana la soo daristay dadka Rayidka ah.

Xasuuqa loogeystay dadka Barkacayaasha ah ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay ay Ciidamada AMISOM Fariisin cusub ka sameysteen inta u dhexeysa Xoosh iyo Ex-control Afogooye, waxayna wararka qaar sheegayaan in madaafiic lala beegsaday fariisinka cusub ee AMISOM sameysatay.

Duqeymaha Ciidamada AMISOM ay u geystaan Magaalada Muqdisho ayaa sababay inay inta babadan dadkii kunoolaa Magaalada isaga cararaan waxaysa dadbadan layaabeen shacabkii kaqaxay Madaafiicda oo markale looga dabageeyey halkii ay maciin bideen.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ciidamada AMISOM oo Duqeymo Khasaare Xoogan dhaliyey ka geystay Muqdisho.
  2. Ciidamada AMISOM oo Xalay duqeymo ka geystay Mudisho.
  3. Ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka geystay Duqeymo lagu hoobtay.
  4. Duqeymo Qasaare dhaliyey oo ay AMISOM Muqdisho ka geysatay.
  5. Dagaalo xoogan oo ka socda Muqdisho & AMISOM oo 24 saac oo Xiriira duqeymo ku wada Caasimada.

Readers Comments (9)

  1. wadaad yare says:

    Col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisey ma maqli jirteen? Waa tan Xamar taalla maanta oo labo cadaw oon midkoodna dadka badbaadintooda dan ka laheyn loo dhaxeeyo.

    Cadawgu qasab maahan inuu ogyahey ama qirsanyahey cadawtooyada, laakiin falkaa ama gacaltooyo noqon kara ama cadawtooyo. Saaxiib cadawga ka xun baa jira oo dhibkiisu uu macno la,aan ka dhigayo ereyga cadaw!

  2. Muxamed says:

    Wadaadyare waan garanay in amisom yihiin col ku dhacay balse siday tuugo ku yihiin ragga tuugada gacmaha ka jara oo markay maqlaan wadaadadii gacmaha goyn jiray ayaa halkan soo dagay isku kaatshi jiray cabsi awgeed? Mise maahmaahda waxaad ka maqashay dad soomaali ah oo ku maahmaahayo adna waad iska tiri adigoon fahmin macnaheeda iyo meesha ay u dhacayso oo xaalkaagu waa samictannaasa yaquuluun fa qultu! Waa kaa akhristoo xaalkooda dadka maalin walbo nala doodo. Tankale labo nin ama labo kooxaad oo kasto iska soo horjeeda col mawada noqon karaan saaxiibna wada noqon karaan daalimiin mawada noqonkaraan madluumiinta mawada noqon karaa idan xikmadii allah.sw. Ayaa meel looga dhacayaa nasalalaahu salaama.

  3. ABUBAKAR says:

    cidamada mamiso oo kageystay duqaan waxay dhacaday magalada muqdusho ilahay hkaduul qadao masaakinta ay maalin waalba xasuuqyan

  4. wadaad yare says:

    Maxamed
    Xikamada col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisey ujeedadeeda ma aadan fahmine sidii ragga aad aragtida tihiin lagu yaqiiney ayaad xaraf ku dheg uun noqotey!
    Waxaa xikmadaas loo isticmaalaa markaad dhexda u gasho labo qolo oo midkoodna kheyrkaaga wadin oo midkood kuu soo hor maro si uu wax kuu yeelo ee markaasna midkii kale iska dhigo inuu adiga kuu soo gurmadey laakiin uu doonayo inuu kaa faa,iideysto, sida inta col ku dhaco markaas uu kuu soo garmado tuug iska dhigaya inuu wax kula qabanayo laakiin jeebkaaga iyo xeradaada uun dani ka heyso.

    Tan kale waxaad tiri: (labo nin ama labo kooxaad oo kasto iska soo horjeeda col mawada noqon karaan saaxiibna wada noqon karaan daalimiin mawada noqonkaraan madluumiinta mawada noqon karaa idan xikmadii allah.sw. Ayaa meel looga dhacayaa)

    Iyaduna waa qalad kale oo ibtidaa,i ah oo muujinaya aragtida sadxigaa eed caalamka ka heysato. Hoo tusaalayaashaan hadey wax kuu faa,iideyn karaan:

    1. Dalka soomaaliyeed iyo aduunkoo dhan waxaa ku dul dagaalamey 1939-1945 quwado yurub iyo Mareykan iyo Japan ah oo isku heystey gacan ku heynta caalamka. Keebaa xaq ahaa keebaase baadil ahaa.
    2. Dagaalkii qaboobaa oo ka dhaxeeyey Mareykanka iyo Ruushka
    3. Dagaalkii ka dhexeeyey qabqableyaashii soomaaliyeed oo qabiilka iyo awooda isku heystey, ma midkoodbaa ahlul xaq ahaa?

    Hadaan tiri is iraahdo buugaag ayaa buuxsameysa in aadanuhu uu ku dagaalo xaq darro labada dhicba, adigana aqoontaadi iyo khayaalkaagi arrintaas sidaas u sahlan wuu keeni waayey oo wax kasta aswad iyo abyad, xaq iyo baadil, shar iyo kheyr iney yihiin ayaad u heysataa. Marka Maxamedow wiil yar oon wax badan u baxsaneyn oo hada indhaha soo kala qaadey baad tahaye wax baro isna deji.

  5. b/bashi cali says:

    aniga oo ah ninka magiciisu kor ku xusanyahay
    waxaan qabaa in aysan amisom dan inoo wadin nabadna aysan ka dhalin karin somalia
    lakin ay kafaaiiday sanayaan khilaafka somalia
    hadii aan heshiinana ay iska tagayaan marka waxay ku xirantahay inaga

  6. Galdile says:

    Asc. alle ayaa mahad dhamaanteed iska leh naxariis iyo nabadgalyo nabbiggeena muxamad korkiisa ha ahaato waxaan jecelahay in aan labo u kala qaado ariinta doodaan. 1:

  7. Galdile says:

    1:- dhibaatada shacabka iyo diinta lagu haayo. 2:- danaha dahsoon ee yahuud nasaaro ku hayaan gayigaan east africa, hadaan ku horeeyo dhibaatada shacabka waa gumaad oo gowraac cid u dooda ma lehee ninki ka danqaada waa argaagixiiso dadka qaar markay hadla

  8. ABDI FATAH says:

    ACW run &ilkaba waa la cadeeyaa waxaana fiican in aan runta isu sheegno oo aanan waxba duugduugin dhibaatadaan mas,uuliyadeeda waxaa qaadaayo ururka SHABAB&AMISOM sababtoo ah dadka dhexdooda ayaa waxaa laga soo tuurayaa hoobiyaal ka dibna waxaa loogu jawaabayaa madaafic culus oo arxan daro ah kii kuugu diirkaaga ahaa haddii uusan kaa naxeyn maxaad ka sugaysaa mid kale?
    adeer shacakaan dan uma heysaan ee ka hor wareego SHABAAB,TFG,HIZBUL ISLAM&AMISOM MAALIN UUN XISAAB AYAA IMAAN DOONTO
    WABILAAHI TOWFIQ

  9. cabdulaahi says:

    waxaa lagayaabaa in ay ku jiraan dooda rag wali ka xanaaqsan wadaadadii lacaabudijiray oo qabuurohoodii meel kale loo raray si dadka loogu xiro in ay Allaah kaliya caabudaan marka ragaas ayaga ah waagay wax fahmi doonaan ayaan layaabanahay qaar waxay ku leeyihiin waaga jihaadku bilowdo ayaan jihaadi doonaa qaarna waxay ku leeyihiin islaamiyiintu ayagaa u yeertay cadawga marka ragaas waxba lagama dhaadhicin karo ilaa fikrada khaladka ah ku salaysan caqiidadooda wax iska badalaan dadkiina ladoodayana waxaan xasuusin lahaa maahmaah
    aroy daaroodaan layaabaa naagaan carro bogan iyo dabaan qiiqbogay ay shuushaamiyaan= ay maslxaan ama afuufaan
    gabo gabo ragaas ha ladoodina ilaa ay caro bogaan ama xaga gartaan




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamada AMISOM oo Duqeymo Khasaare Xoogan dhaliyey ka geystay Muqdisho.
  2. Ciidamada AMISOM oo Xalay duqeymo ka geystay Mudisho.
  3. Ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka geystay Duqeymo lagu hoobtay.
  4. Duqeymo Qasaare dhaliyey oo ay AMISOM Muqdisho ka geysatay.
  5. Dagaalo xoogan oo ka socda Muqdisho & AMISOM oo 24 saac oo Xiriira duqeymo ku wada Caasimada.

Latest Headlines