Abshir: Gabay cusub

Published on August 9, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print


Maanta, meesha uu marayo xaalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed waa mid laga wada dharagsanyahay. Waxaase in la xasuusnaado mudan in adduunyadu ay tahay hoos wareega, sida caawa ay u muuqatana aysan waligeed caloosha uga rarnaan doonin.
 
Quraankeenna kariimka ahi wuxuu noogu bishaareeyay in culeys kasta oo jira uu ka dambeeyo fudeyd. Waxaa kale oo naloo caddeeyay in dadku ay wax badali karaan, dariiqii la mari lahaana waa naloo tilmaamay. Cudur daawadiisa la hayo in laga ceyman karo ayay markaas u badantahay. Quusasho qiil ma laha!!
 
Gabaygaan bishaarada ah oo aan ku magacaabay Abshir, waxaan u hadiyeeyay agoonta Soomaaliyeed ee ku dandarreysan dunida daafaheeda, gudaha iyo dibaddaba. Si gaar ah wuxuu gabaygu ugu halqabsanayaa agoonkii Dulmane Daacad oo ay duruufihiisa ka warrameysay maansadii Agoon ee soo baxday sanadkii 2006dii.
 
Dulmane, walow uu u dhashay diracnimo, dadnimo iyo dulqaad bandanna uu Eebbe ku manneystay, haddana, dhibaatada sii dabadheeraatay iyo darxumada joogtada ahi waxay ku abuureen dareen lala murugoodo.
 
“Ehelkey markaan waayay
Arxan waaban ka quustay
Aroortii ma quraacdo
Ayaan ayaan ma qadeeyo
Cashana waaban illoobay
Adkeysigaan jiscintaayoo
Ilmada aan ku tiraa”
 
(Agoon, 2006)
 
In agoon la xannaanneeyaa waa halkeedee, ayaamahaan waxaaba adkaatay in ayagii la ammaangeliyo. Inta loo daranyahay ayay ugu sii daranyihiin. Cawo iyo maalin wey calaacalaan, laakiin codkoodu wuxuu ku dhacaa dhago cuban.
 
“Saan u aallo bal eeg
Itaalkeyga bal fiiri
Axe! meeyay damiirkii?
Aahe! waa ku sidee?
Aqligii ma dhammaaday?
Aawayey naxariistii?
Miyaadan aadmi ahayn?”
 
(Agoon, 2006i)
 
Dulmane, wuxuu darbijiif soo ahaadaba, maanta waa gaashaanqaad duruufuhu ay ku soo ababiyeen duruus uu wax badan ka bartay. Inkastoo uu arrad la qaawanyahay, maalmaha uu qatanyahayna ay ka badanyihiin kuwa uu qadada helo, haddana waa qani ay qalbigiisa kalsooniyi ka buuxdo. Nasiibdarrase, waxaa badan kuwo aan ku qanacsaneyn nimcada uu Qaaddir siiyay, quud sumeysanna dhaafsiisanaya dad, dal iyo diinba. Waa kuwaas kuwa uu ka waaninayo in ay dheef ka raadiyaan dhaca dhaxal agoomeed, dhuuniguna ku xambaaro in ay dhulkooda shilimaan dhaafsadaan.
 
“Waxa aanse ogsoonay
Hadduu Eebbe yiraahdo
Mar inaan istareexiyoo
Aaggoo noo nabadoobay
Intifaacsan dhulkeygoo
Amaah looma baxshaan iyo
Arligu waa dhaxalkeygee
Aakhiraan la hureyne
Ilaahaaga ka yaaboo
Rabbi baa wax arsaaqee
Adigoo anfac raadin
Hayga iibin Awoowe!”
 
( Agoon, 2006)
 
Nasiibdarro, dhagaha ayaa badi laga fureystay dhawaaqa ka soo yeeraya maatida dhibban, welina lagama waantoobin wax ku raadinta waddadii lagu halaagmay. Haddii shalay qadyaan laga taagnaa qabqableyaal dagaal oo shacabkii qaaq ka siiyay, maanta waxaa wax qasaya qiilmawaayeyaal dhaqan qowleysato leh oo qamiisyo dhagareed u soo qaatay in wax qaldaan.
 
Gabayga Abshir, wuxuu Dulmane iyo inta da’aaddiisa ah ku dhiirrigelinayaa dadaal, dulqaad iyo isku kalsoonaan. Wuxuu ku dhiirrigelinayaa in aysan mustaqbalkooda cidna marti uga noqon oo ay maankooda iyo muruqooda ku raadiyaan isbeddelka ay awoodaan, ummadoodana ay badbaadiyaan.
 
Waxaanan Alle weyne ka baryayaa inuu dhamaanteen nagu hanuuniyo waddada toosan, culeysyada jirana nooga ciidamiyo.
 
Gabayga Abshir oo la hadlaya agoonka Dulmane wuxuu billaabmayaa:
 
Internetka idaacadaha jira aalad dheereysa
Arrinkaad ku soo tabisayeed ka ashtakooneysay
Agoonyahow akhbaartii helniyo ereyadaadiiye
Ulajeeddadii iyo la faham ehbintii wiilyowe
Abti iyo adeer kuu naxiyo eeddo iyo aayo
Waxan ay awowyadii faleen ehel kuwaad moodday
Ashqaraar wax nagu reebay iyo waa afkalaqaade.
 
Aqal li’ida arradkiyo dhibkiyo oonka kugu raagay
Oofta cudurkad uxu leedihiyo aada iyo taaha
Itaalgabida calooshoo ebera indhomadoobaadka
Adigoo ardaa laga qaxiyo irid cidlaa yaalla
Sida awr ardaal qooqayoo ababa’leynaaya
Arxanlaawe wuxuu kugu tuntoo urugo kuu geystay
Edebdarro wuxuu axmaq mid ahi ku aflagaaddeeyay.
 
Imtixaannadaad soo martiyo aahe! murugooyin
Inkastoon ilmada garan kariyo waxaad la ooyeyso
Omos kulul abaar tow daranee uumanaa bi’isa
Ilo buuxa hawadoo udgoon iyo dhirtoo ubax leh
Sidaan aragnay onkod iyo hillaac aaran baa xigiyo
Eebbe lagama quustiyo Allihii Qaadirka ahaaye
I dhageyso ibtiladu ma yara arliga taallaaye.
 
Ma iftiimo qalbi awdanuu uskag halleeyaaye
Iintiyo haddaan laga daweyn cudurro aafeeya
Oo uu dareemuhu engegoo idil madoobaado
Allamagane dadku inu ambadoo meel xun ku abaado
Ibleysyaduna ay arooriyaan aadmi wow halise
Isticmaarka waa taa la rabo iyo addoonsigaye
Waa kaa afmiishaar mid iyo eed qabuu talinne.
 
Amaanada dadweynoo la xado eexda lagu faano
Waa kaa colaad olosha iyo aake loo bogaye
Waa kaa asay dumar sidiyo ubadkii yaaceene
Waa kaa Alaska laga gudbiyo taniyo Aartiige
Waa kaa Islaam ceeb yahoo la inkiraayaaye
Adigaaban inanyow la bixin Arial iyo Joone
I dhageyso ibtiladu ma yara arliga taallaaye.
 
Alle ka cabsi afkoo khayrku fari uurku la wadaago
Ixsaankii beryahan laga tag iyo dhaqan leh iimaane
Axaadiistii Nabigeenna (NNKH) iyo aayad lagu dheelye
Addis-ababa Imaam laga amriyo iib ragaa jiraye
Awliyo intaad aw xaq raba isku ekeysiiso
Adigaan akhii ku ajareyn duul ku aaminaye
I dhageyso ibtiladu ma yara arliga taallaaye.
 
Ufo roob aaggoy biyo rogmaden dhaxan afuufmeysa
Okorasho hadduu waayo uu aarku qoyo maalmo
Urruf dawac ahbalka aan aqoon ula ekoonaaye
Araggaaga doorsamay inkastoo lagugu iimeeyay
Indhowgaradna amakaagsanyoo uuba kula yaabi
Edeggaa orgiga laga gartaa owr midkii noqonne
Abshireyso Amiir aan huboo arrimin baad tahaye.
 
Akhlaaq suubbanaantiyo Ugaas aaminnimadaada
Ikhyaarnimada kuu gaar ah iyo isku kalsoonaanta
Asaaggaa waxaad uga hormari waa adkeysigaye
Ileyskii rajada guud ahaan umadda Soomaali
Aanada mid naga duuga iyo aarsi iyo weerar
Aayahana lagu diirsadoon cidi inkaareynin
Abshireyso waxaad noqon Aflaxe ruux ayaan badane.
 
Ayaamaha wax baa laga bartaa waayihii adage
Ifafaalahaan muuqda iyo sidan awaalaayo
Gacalkoo dhamaan urursanoon kala irdhoobeynin
Abtirsiimo shacabkoon ab iyo oodi kala geynin
Oo ay Indheergaradku hagi eheluddiin waraca
Istareex amaan lagu ledaad insha-Allaah arage
Abshireyso isbedellaa imaan aayatiin wacane.
 
Isbaheysigii hororradiyo kuwow adeegaayay
Itaalyari haddey nagu tuhmeen ajnabi dullaana
Oy aqalladeennow muhdeen agab wixii yaallay
Inaan cidi na soo aadi karin maanta la ogaaye
Abasiinya argagixii ku dhacay eede damaciiye
Saakana albaab buu daydayi unugga joogaaye
Abshireyso dulmi iil galyoo aasnay kibirkiiye.
 
Ilbaxnimadu uubateyn ma aha ficilka uuleeye
Ixtiraam abuurmiyo isfaham waa iskaashigaye
Awooddeenna oo muuqatoo laga asluubeysto
Ameerikiyo Oshiyaana iyo Aasiyada tarantay
Afrikadaad abaalka u gashee saaka illowday
Waxaad arag Orobboo kuu martiya ood agaasimiye
Abshireysoo Alxamdulilla iyo Eebbow mahaddaa dheh.
 
Abshireyso Amiir aan huboo arrimin baad tahaye
Abshireyso waxad noqon Aflaxe ruux ayaan badane
Abshireyso isbedellaa imaan aayatiin wacane
Abshireyso dulmi iil galyoo aasnay kibirkiiye
Abshireysoo Alxamdulilla iyo Eebbow mahaddaa dheh.

 

Maxamed C. Cibaar

 mohamed_ebar@hotmail.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (1)

  1. sharifullah khaliif guure says:

    MAASHA ALLAH JASAAKALAH MAAMULKA SOO GUDBIYAY AAD BEY UMAHAD SANYIHIIN




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines