| Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhin teen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato.Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))
Waxaan soo gaarney anagoo banaanka nala tubay oo askartii suudaanta meesha nagu qabatay. Anigaa la ii yeeray oo layiri ka tarjum. Dadku waa 76 qof oo Soomaaliya ooh al gaari lagu guray. Askartii ayaan waxaan ku iri: Nimanyohow anaga Soomaali masaakiina oo tahriibeysa, oo adduunkaa Ilaahay calaf ka doon ah ayaanu nahay, dhib idiin ma wadno, waxna ma haysanno. Askarta ninkii u madaxda ahaa: Waan ognahay inaad tahriib tihiin, dhibna idin lama rabo, laakiin qofkiiba $100 ha bixiyo waa idin sii deyneynaa, haddii kale, dib ayaanu Khartuum idiinku celineynaa. Waxaan ku iri: Ikhwaanii dadku muddo ayey hadda safar kusoo jireen, duurka rafanayeen, sahaydiina waa ka dhamaatay, waxba haystaan waa dad masaakiin ah. Wuxuu yiri: Idinkey idiin taallaa.. Qofkiiba $100 ha bixiyo, dumarka ayaanu idiin dhaafeynaa. Sidaan nimankii u gor gortameyney, waxaan isla gaarney, $20 qofkii iney ka qaataan, dumarkana iska dhaafaan. Lacagtii ayaan u ururinay, markaas ayey yiraahdeen: Fuula gaariga. ALLAHAYOW MAXAA NOO QORAN! Qofna waxa looxa loogu qoray ma oga. Markaanu is niraahno dhibkii wuu dhamaaday oo waa la soconayaaba waxaa noo bilawday bog cusub oo kii hore ka daran. Dad badan oo tahriibka soo marayaa ma oga waxa la marayo si maalin maalin ah, waxaa looga dulmaraa uun dhib ayaa jira. Sidan xitaa annagu marna uma suuraysan, laakiin maalinba maalinta ka dambaysa wey kasii adagtahay. 80 KM maalintii oo dhan! Maalintii oo dhan waxaan soconey wax aan ka badnayn 80 km. Ka dibna gabbalku markuu noo dumey ayaa la yiri halkan ayaa la baryayaa, caawa, oo baabuurtii Liibyaanka ayaa halkan innoogu imaaneysa. 3 Gaari ayaa la keenayaaoo laydinku kala qaybinayaa. Laakiin subixii waxaa la helay hal gaari oo Landcruiserka (Cabdi Bile) Soomaalidu u taqaan, Annaguna waxaanu nahay 76 qof. Waxaa la yiri, labadii gaari oo kale goor dhow ayey imaanayaan ilaa galabta, gaarigan haddana qaybi hasii raacdo. Koox 27 qof ah oo wada socotey oo isku jicsin ahayd ayaa gaarigaas raacday. Mar dambe ayaan ogaaneynaa iney naga nasiib wanaagsanaayeen. Qofna waxa u qoran ma dhaafi karo. 16 MAALIN IYO GAARIGA HOOSTIISA! Gawaaridii kale galabta ama berry ayey imaaneysaa wexey noqotay 16 maalmood inaanu meeshaas fadhino! Maalinba maalin nalooku dhiibo. Meesha aanu joogno, geed kuma yaal. Waa saxaara cidla ah dhul kaa dheer cir kaa dheer! Haddaad dhinac kasta u socoto, qoray qalalan inaad hesho lagama yaabo. Maalin walba qofka waxaa la siiyaa: 4 xabo oo balaxa (timir busura)iyo hal kabbasho oo biya ah, 24 saac qof walbaa intaas ayuu leeyahay. Maalinta oo dhanna wax kale indha saari mayo. Dadku maalma ka dib tabar darro iyo xanuun ayey la daateen. Qaar ayaa suuxsan, qaar ayaa taahaya, qaar ayaa xanuunsan, gaar ahaan dadkii sigaarka cabbi jirey oo dhibaata weyni qabsatay. 16ka maalmood, hal habeen ayey bariis qalalan dadka u kariyeen, hal maalinna qorya raadsada ayey dheheen shaah aan idiin karinee? Saxaaraha ayaa intayadii socon kartey ku yaacday, hal qorina waa lasoo waayey dab lagu shito. BANI AADAM BAHAL ISU BEDELEY! Waxaa la yaab leh, Bani aadamku marka diinta iyo dareenku ka dhamaado inuu isu bedelayo bahal aan haba yaraatee wax naxdina iyo naxariisa midna lahayn. Nimanka dareewalada iyo shaqaalohooda iyo ninka safarta tahriibka hoggaaminaya ee Suudaantaa wexey wataan (neef weyn oo lo’a hilibkiis) oo la qallajiyey, oo baabuurka korkiisa u suran. Hadba xoogaa ayey goostaan oo karsadaan, maraqiisana cabbaan, hilibkiisana cunaan. Hal Kabbasho qofna uma taagaan. Dadkii oo meesha daadsan oo indhaha kusoo eegaya oo dhimanaya ayey halkaas kore dabkooda ku shidanayaan, waxna ku karsanayaan. Meel aad u cararto ma taqaan, gabdhihii ayaa yiri waan soconeynaa, markey cabbaar socdeen oo haddeey 100 km socdaan aaney geedna arkayn ayey soo noqdeen! Habeenkii dadka intiisa badan gaariga hoostiisa ayey jiiftaan, maalintiina meesha ayaa lawada harsadaa. Dadka intiisa badan maba dhaqaaqi karaan oo naftii ayaaba kalxamaha u taagan. Qof qof ayaa weli dhaq dhaqaaq ku sii yar yahay. Maalintii 17aad Subixii 17aad ee aanu goobtaas fadhiney ayaa la yiri, baabuurtii Liibiya ka imaaneysey waa diyaar, soo fuula meel dhow ayeynu ugu tegeynaa. Waa soo luudnay, gawaarida dadka qaar maba fuuli karaan, waa in la qaado, qaarna naf weyn maba hayaan. Waxaanu nimi 2 buurood oo yar yar dhexdood, halkaas oo aanu ugu nimi 2 gaari oo kuwa soomaalidu u taqaan (cabdi bile) ah. Waa nimankii Liibiyiinta ahaa ee nagala wareegi lahaa Suudaanta. Wajiya Cabsi leh!Gadasha cusub! Nimanka Liibiyiinta ee 2da gaari wadaa waa 5 nin. Waa niman dalka Chad iyo Liibiya u dhexeeya, oo mad madow. Waa niman wajigooda laga boqo oo naxariisi aaney ka muuqan. Guul guulka iyo canaanta iyo hadalka ayaad durba ka garaneysaa waxa ka dambeeya. 2da gaari ee cabdi bile, xagga liibiya ayey u jeedaan. Gaarigii looriga ahaa ee Suudaantu wadateyna wuxuu u jeedaa xagga Suudaan. Waxaa u dhexeysa masaafo aan ku qaddari karno 25 ilaa 30 mitir. Gaarigii Suudaanta haddii aan kasoo deganney ee dhulka nala tubay, waxaa nala hadlay ninkii Suudaanta u weynaa, wuxuu yiri: Nimanka Liibiyaanka Lacag cusub ayey rabaan! Waayo kharash cusub ayaa lasoo galay. Waana arrin ay isla ogyihiin kooxahaan wax tahriibiya, mid kastaa markuu kan kale gacanta kuu gelinayo ayuu kaa iibsanayaa!! Maxaa yeelay wax damaana ah ma jiraan, wax lagaaga baqayana ma leh. Haddaad meesha ku dhimato, iyo haddii lagugu hilmaamo, cid iskaa weydiineysa malaha. Xagga ehelkaagi iyo Soomaalidana waxaad tahay nin tahriibka ku dhintay, haddiiba lagu ogaado oo lagu soo sheego. Cid aad u qorantahay, cid la xisaabtameysa nimankaan, cid ka dambaysa oo ay ka baqayaan, midna ma jiro. Waxaa la yiri, 2 kooxood ayaa laydiin qaybinayaa, qayb kastaa gaari ayey fuuleysaa. Qola kastaa $1000 ayey bixineysaa. Ka jab: Anagii ayaa is qabanay. Qolo wexey tiri, lacagtii weynu soo bixinay ilaa liibiya, mexey tahay lacagta cusub ee aan bixineynaa. Qolona wexey tiri, war meeshaan waa saxaara cidla ah, wax aynu qaban karnaana ma jiraan, aan lacagta iska bixino. Qoladaasu maba daahin, koox wada socota ooh al qoys u badan ayey ahaayeen, lacagtiina kaash ayey u bixiyeen. Annaga kooxdayada qaarkood lacagba ma haystaan. Anaaba ka mid ahaa oo 20 doolar ayaaba aan lacag markaa ka haystaa. SURWAALKA LAABKIISA HOOSE: Lacagaha meela adag oo hoose oo doqon ma garata ah ayaa la gashadaa. Sidaa surweelka laabkiisa hoose oo lagu tolo, iwm. Ninkii Suudaanta Watey ee (Sammaani) ayaan la gor gortamay, waxaanu is jiid jiidnaba waxaan la gaarey kooxdayada inuu ka qaado $400. Ka dibna markaan u dhiibey wuxuu iisoo celiyey $50 maadaama aan turjumaan u ahaa, oo igu yiri, adigu jidka ku mar. Gaarigii Eritreanka: Xaaladdu markey halkaa mareyso nimankiina aanu kala baxnay qoladii Suudaantu ay kuwii kale nagu wareejiyeen, laakiin aan weli gawaarida la fuulin, Suudaantiina ay weli taagantahay, waxaa qolada Liibiyaanka u yimi gaari kale oo cabdi bile ah, oo dad Eritrea ah wadey oo meel dhow intuu kusoo daadiyey, kuwan u yimi si ay isula jaan helaan. Dhinacooda ayuu gaarigii soo istaajiyey xagga Liibiya isagoo u jeeda, oo matoorku u shidan yahay ayuu kasoo degey, albaabkuna waa u furnaa. Kuwa annaga na qaadi lahaana wexey ku foororeen shag baabuurta mid ka mida ka halaysan oo ay hagaajinayeen. Wuu soo dul istaagey, isagoo leh miyeydaan dhaqsanayn? Suudaantiina xaggaas meel ah ayey weli taagan yihiin, oo iney dhaqaaqaan ayey isu diyaarinayaan, annaguna dhexda ayaan tubannahay. JABHADDA CADLI WAl MUSAAWAAT WAATAN MUDH SOO TIRI! Iyadoo sidaa loo yaallo, waqtiguna galab yahay, casarkii galay, ayaa halkaa waxaa kasoo mudh yidhi gaari cabdi bile ah, oo ay saarantahay koox askar ah oo tobaneeya ah, oo hubaysan, oo Jabhadda Cadli Wal Musaawaat ee Suudaanta Mucaaradka ku ah. Daqiiqado yar kadib wexey kasoo daateen gaarigii iyagoo meesha isku hareereeyey. Qaar wexey markiiba qabteen Gaarigii Suudaanta gacanta ayeyna ku dhigeen. Kuwa kalena dhinaca kuwii liibiyaanka ayey soo aadeen. Ninkii watey gaariga Eritreanka ah, gaarigiisu wuu shidnaaye, markiiba shirka ayuu ku boodey, marshuuna geliyey oo luguhuu wax ka deyey! Waxaa ka daba boodey oo gaariga dushiisa haleelay laba nin oo kale oo kuwii na wadi lahaa ah. Gaari xoogaa cusaybana wuu ahaaye, caguhuu wax ka deyey. Gaarigii Jabhadda oo dhawr nin saarantahay ayaa ka daba tegey xabadana ku ridey. Gaariga Jabhadda Qori weyn ayaa saaran, sida kuwa Soomaalidu ku dagaalantu oo teknikada loo yaqaan. Wax yar ka dib, qadar 20 daqiiqadood ah, ayaa Gaarigii Jabhadda oo Gaarigii cararay soo qabtay soo noqday . Durawalkii Eritreanta wadey furihii gaariga ayaa laga qaaday, nin Jabhadda ka mid ah ayaa loo dhiibey oo lagu yiri: Gaarigan kexee oo saldhigii geey..Sidaas ayaa Gaarigii cararka damcay lagu qaniimaystey. Suudaantii Maxaa ku dhacay? Jabhadduu wexey markiiba hawsha waraysiga ka bilaabeen kooxdii Suudaanta ahayd, Waxaa lagu yiri: yaa madax ka ah kooxdaan? Ninkii (Sammaani) ahaa ayaa yiri: Waa aniga. Ninkii Jabhadda watey ayaa ku yidhi: Waan ognahay inaad dadkaan masaakiinta ah 16 cisho aad meeshan dhow ku haysey, oo ku rafaadisay. Mid mid ayey u waraysteen, magacyadooda, qabiilooyinkooda, waxaa soo baxay nin ay caddaatay inuu reerka Madaxweynaha Cumar Al Bashiir yahay, kaas dhinac ayaa loola baxay, markiina garaac ayaa lagu bilaabay, waxaa lagu yiri: adigu marti qaad gaara ayaad leedahay! Waxaanu u qaadanay ineyba dhici karto iney ama dilaan ama xirtaan! Kuwii kalena meel ayaa lagu ururshey. Annagu meesha ayaanu tubanahay cidi wax nama yeelin. Maxaa tihiin? Anigaa la hadlay: Soomaali tahriibeysa oo masaakiina ayaanu nahay. Kooxdii Eritreanta ahayd ee meesha uu ku daadshey gaariguna waa la soo qaaday oo dhinacayaga ayaa lasoo tubay. Gawaarida ku fasaxa: Waa taan idiin sheegay inaanu 16 cisho waxba naga deign aan ka ahayn 4 xabo oo busura iyo kabbasha biyaa maalinka oo dhan. Jabhaddii wexey na yiraahdeen: Gawaarida fuula dadyohow oo wax walba oo aad ka cuni kartaan ama ka cabbi kartaan xor ayaad u tihiin ee cuna. Iyaga laftoodu wexey wateen buskud ay xoogaa noo daadiyeen. Nimankii Muharibiinta ee Cadawga ahaa Ilaah waa nooga aaray: Gacan ka xoog badan ayaa heshay. Baabuurtii ayaa lagu yaacay, nin biya hela nin, cunta hela, nin gasacad garaacda, nin xabbad kibisa oo qalalan meel ka hela, rag iyo dumar qof walbaa wixii kusoo hagaaga ayuu cunay! Kuwiina iyagoo dullaysan ayey na daawanayaan annagoo baabuurtii faganeyna. Kuwa soodaantaa, 16kii maalmood raashinkii ay iyaga keligood cunayeen ayaanu hadda hortooda, Ilaahay amarkiis, ku cuneynaa. Ilaahow adigaa qaadira!Waxaanse la yaabay dadka Soomaaliyeed qaar ayaa ka dhawrsaday nimanka xoogga lagu haysto woxooda iney boobaan, sidaa darteed dadkii ku yaacay kama ay qayb gelin! Xoogaa biya ah oo Jabhaddu wadatey ayey na siiyeen, oo markii u horrayseyba dadka naftii ayaa kusoo noqotay. Kooxdan Jabhaddaa waxaa hoggaaminaya nin da’diisa aan is idhi waa dhawr iyo sodon jir. Aadna uma dheera mana gaabna. Waa nin dhuuban, cimaamad shaal yar ah ayaa duub ahaan ugu xiran, gar yar oo dhuuban ayuu leeyahay, surweel dheer iyo shaati aad moodu kuwa paakistaanta oo kale oo sii deysan ayuu gashan yahay. Buug iyo qalin ayuu gacanta ku sitaa. Ragga la socdaa isku wada lebbis maaha. Qaar ayaa dharka askarta lebbisan. Qaarna cimaamad weyn oo cad oo tan suudaanta ayey xidhanyihiin. Qaarna marada sariirta la goglo ayey hoos gunti u xidhan yihiin. Midba wuxuu arkay ayuu sitaa. Wuxuu amray gaari iyo 2 askari iyo 2 Soomaali ah iney baxaan iyo biya soo dhaamiyaan. Intayadii kalena anagoo baabuurtii faganay oo buskud iyo cuntaba wax dhadhminay ayaa meeshayadii nala tubay. Dhinac waa Soomaalidii. Dhinac kale oo nagu dhowna waa Eritreantii 27 qof oo caruur iyo dumar u badan, sidaa waxaanu klu noqonay mar kale 76. Annaga awal waxaa naga tegey 27 qof. Haddana 27 Eritrean ah ayaa nagu soo biiray marka 49 Soomaali ah iyo 27 Eritrean ah ayaanu nahay. Askartii Jabhadda oo Gabdhihii Damac ka galay!! Waa markii noogu darrayd intaanu soo soconey. Gaajo aragnay, harraad aragnay, askar iyo xabsi ku sigannay. Hadba baad nala ka qaad. :Laakiin caawa waa imtixaankii ugu horreeyey uguna dhib badnaa oo ah nimankii Jabhadda qaar ka mida oo gabdhahayagii Soomaaliyeed hunguriyaynaya! Waqtigu waa fiid..Nimankii biyaha doonay oo ninkii madaxda ahaa ku jiro wey maqanyihiin. Nimankii Tahriibka dhammaantood waxaa lagu kuusay hal meel. Jabhaddii wexey baarteen marka hore qolada Eritreanka ahaa, rag yar ilaa 8 ayaa ku jirey oo gaala u badan. Ka dibna anaga ayey noo yimaadeen. Qof walba xabbad sigaara ayey u taageen, xitaa dumarka. Kuwii cabbi jirey ayaa ka qaatay, intayadii kalena waa diidney. Ka dibna wey na baarteen, waxba noogama tegin wixii ay heli kareen, oo meelaha hoose aan lagu qarin. La soco qaybta saddexaad… W/Q. Muxamad Idris Axmad |

Related posts:
asc koleey ani waxeey ilatahay intaan sidaas aan badilahaa in aan wadankaykii hooyo ku silco ama kudhinto waxaana aad iyo aad oga xumahay dadkaas waxakudhacay ku wadanbe ee dahriibin in ay kuwaantoobaan oo ay wadankooda kusilcaan ama kudhintaan maxaayeelay hadaba waxa kudhacaaya ama loo geesanaayo waa waxkaxun dhimasho iyo magac xumo soomaalina meelbeey kagadhaceen yacni waa naceebeeyeen
Warbixin kooban
20/04/2010
Warbixin ku saabsaan dhibaatooyinka
Dhalinyarada soomaaliyeed
Dhibaatooyinka aan ugu soo tagnay somalia
Waxaan heysanay waqti fiican iyo wax barasho heerar kala dowan leh waxaan la nooleyn walidiinteena iyo asxaabteyna..
Waxaa isbadal ku imaaday magaaldii weynayd taa soo xumaatay waxaa soo batay ururo dana gaar leh waxey ku faafeyn gobaladda oo dhan iyo dalka intiisa kale
Waxaa is badal ku imaaday wax barashadeyna waxaan iskoolada ka aadi weynay dagaalo badan .
Waxaa kaloo soo siyaaday in noola adeegsado dagaalada socdaan anagoo nala soo wacaayo nogulana baaqaayo in aan ka qeyb galno .
Anagoo hadalkooda aan raali ka aheyna aano rabin daaglo in aan ka qeyb galno
Haddii aan diidno eey noo adeegsanaaya dil.
Ayaan go, aansanay in aan isga soo tago wadankeyga
Anagoo raadineyno noloshaan mid ka fiican ayaa soo galnay safar waxaan ku soo dheeraanay walidiinteena iyo asxaabteyna.
Dhibaatooyinka safarka aan ku soo marno.
Waxaan soo galnay safar ku jehaysan south Africa .
Kenya: waxaan galnaa safar u dhaxeeyo Kenya iyo Somali waxaan lugeynaa waqti badan waxaan kaloo aragnaa rafaad badan .
Rafaad badan kadib waxaan I maanaa keyna .
Tanzaniya: waxaan ka soo baxnaa keyna anagoo ku soo jeedno tansaaniya waxaa na kula soo qaadaa taraag booyada saarantahay iyadoo nala soo dhafinaayo tansaniya waxaa dhacado in aan ku dhimano ama aan ku suuxno qaar keyn waxaan soo gaarnaa malawi.
Malawi: waxaan I maanaa xiro ku taalo xadka malaawi iyo tansaniya {karoonko}
Karoonko kuma dahno waxaa wadanaa safarkeyna .
Waxaan I maanaa xero ku taalo xadka malaawi iyo mozambique {saleeko}
Saleeko waxaan ku daahnaa mana hilno raashin fiican iyo hooy aan ku hoyano mida kale la kolanaa xaanoono kala dowan
Waan ka soo garnaa waqti dheer kadib
Mozambique : ayaan soo galnaa waxaan ku soo lugeynaa duurka maalmo badan kadib waxaan I maanaa simbabwe
Simbabwe :sidoo kale waan ka soo lugeynaa anagoo marayno duurka ayaan ku jirnaa maalmo waxaan I maanaa xadka simbabwe iyo south Africa
Dhibaatooniyka south Africa
Waxaan nugla soo dhaweeyaa xadka south Africa anagoo nugula dhaho ku soo dhawaada south Africa waxaan nala siiyaa warqado sharci ah 14maalmood
waxaan gudaha u galnaa dadka south Africa wali manoo dhamaanin dhibaatooyinkii aan kugu soo tagnay dalkeyna
waxaan bilaawnaa in aan shaqeyno waxaaan ka shaqeynaa dukaaman .
dugkaanka aan ka shaqeyneyno waxaan kula kulanaa dhibaatooyin badan
sida nadaafad daro, i hooy ximo, cabsi iyo caafimaada daro .
waxaan ku noolnahay tuulooyinka laga cabsado waxaan ka furanaa dukaaman.
Mara walbo waxaa dhacdo in la soo weeraro . Iyagoo adeegsanayaan qoryaha fudfudud waxey qaataan dhamaan hantidii weyna na dilaan sabab la, aan
Waxeyna noo geeystaan jirdil.
Waxaa halkaan ku dhintina waa walaalaheyna waa dhalinyaro ka soo carartay Somalia
Anagoo ka xun dhimashada walaalaheyna waxaan leynahay ALLE ha u naxariisto
Dowladda south Africa kama hadasho dilka loo geysto dhalinyarada somaliyeed
Dowladda ka hadasho maqabno heyadaha kama hadlaan
Waxaan ku noolnahay dhibaatooyin iyo khatar badan .
Waxaa nagu dhacay niyad jab weyn majirto qof ku fikiraayo in uu kulaabto Somalia
Aaway dhalinyaradii dalka wax u baraneysay?
Aaway wax barashadeynii?
Aaway mustaqbalkeynii
?
Waxaa soo diyaariyay yusuf cabdulahi xaji {yu haji}
& cabdi fatah ibrahin cali
Waxaad nagala soo xiriiri kartaa uk34@hotmail.com or uk3434@yahoo.com
ACW RAMADAAN KARIIM
salaan kadib mahad oo dhan waxaa leh ALLE intaad ka dib haddii aan cabiro ra,jigayaga ku wajahan tahriibka&sheekadaan naxdinta leh oo aad u malaynayso in aad daawanayso filam horror ah
aan iska ilowno tahriib &dhibkiisa maadama loo maraayo dhib aan qiyaas lahayn natiijadda ka danbeysana ay tahay meeshii cir aan ka sugaayay caad ayaa ka yimid qofkii intaa oo dhib ah ALLE uu dhaafiyay oo gaaray dalka ITALY haddana laga qaaday faro tasjiil ah fursadna aanan u helaynin in laga qaabilo wadan kale oo EURO ah waa dhibaato
CODSI
waxaan codsan lahaa in sheekadda dhabta ah la sii wado ilaa & y sida ugu dhaqsiyaha badan noogu soo gudbiya qeybaha 4,5,6,7,8&ilaa dhamaad
Asc kadib aad ayaan uga xumahay dadkaasi silaca iyo saxariirta kudhacday.dhamaan dadka somaliyeed wxn dhihi lahaa dhulkiina hoyo kudhinta koleey hadaad dhimaneeysaan.