Sideen uugu diyaar garoobaa Ramadaanka?

Published on July 31, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

 Walaalayaal waxaa noo soo dhowaaday bil uu Alle ka doortay biloynka sanadka waa bisha toobadkeenka, bisha quraanka, waa bisha ey muslimiintii horey ee salafka nus sanad ka baryi jireen in uu Alle gaarsiiyo bishaan barakeysan nuska kale ee sanadkana Alle ka baryi jireen in uu ka aqbalo camallada ey sameeyeen bishaan. Ramadaan waa bisha ey muslimiinta Alle nasri ka heli jireen, waa bisha soonka iyo salaada taraawiixda iyo cibaadoynka kuwooda kala duwon waqtiga lagu dadaali lahaay, marka saas ey tahay walaal ma is weydiisay sideen isku diyaariyaa bishaan barakeysan ee Ramadaan?.

Waxaan idiin soo qudbineynaa waxyaabo oon Alle ka baryeeno in uu idinka iyo anagaba nagu anfaco:

  • Toobadkeen laga toobadkeeno dunuubta kuwooda yar yar iyo kuwooda waa weyn.
  • In Alle laga baryo in uu ku gaarsiiyo bishaan barakeysan uuna kaa aqbalo camallada wanaagsan.
  • In aad axakaamta soonka baratit sida waajibaatka soonka iyo waxyaallaha jabinaaya soonka iyo wax la mid ah.
  • In aad jadwal u diyaarsatit bishaan barakeysan, sida inta suurad aad aqrin leheed maalin kasto ama cibaadoynka aad sameen leheed iyo waxa la mid ah.
  • In aad jirka leylin sii siidid ood uugu yaraan dhoor maalin ka soontit bishaan shacbaan.
  • In hadii lagugu leeyahay soon qallo ee sanadki hore aad iska gudid.

Walaalayaal markii marti shafab badan soo dhowyahay waa la is diyaariyaa oo la is abaabulaa, waxaa nagu soo food leh marti aad u qiimo badan marka waxaa noolaga baahanayahay in aan saas u dareemnaa oon isku diyaarinnaa. Bisha ramadaan ee nagu soo fool leh waxaa ay ka mid tahay khayraad uu Alle na siiyay,waxaana hor socda baaqii uu nabigu (scw) noo sheegay ” Kii khayr raadiyoow kaalay, kii shar wadowna naga joog, Allena wuxuu ka xoreyaa naarta dad fara badan ”. Iska ilaali walaakayga Muslimka ahoow ama walaashayda muslimadda ahaydeey in bishan Ramadaan aad ku qaabisho cunto oo la cuno, soo jeed aan macno ku salaysnayn, hurdo aan lagaba kacayn iyo ganacsi lagu mashquulay oo wax walba ku dhaafiyay.


Codsi: Fadlan walaal khayrkan usii gudbi walaalahaaga Muslimiinta inta aad taqaano
Allaah ajar hakasiiyee..jazaka Allaahu Khayraa
——————————————————-
Golaha Ducaada Soomaaliyeed
Daaciga@gmail.com

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Somalimirror oo Bog Cusub u sameysay Bisha Ramadaanka
  2. Side ugu diyaar garownaa Bisha ramadaan?
  3. Dawro ku saabsan Ramadaanka oo Xalay lagu soo gabagabeeyey Masjidka Ramadaan ee Gaalkacyo
  4. Ururka Mu’tamarka Islaamka oo ku baaqay in Dagaalada la joojiyo Ramadaanka.
  5. diyaar garowga ciidda iyo goboladda maamulka somaliland

Readers Comments (1)

  1. MAHDI says:

    walaalisku diyaari ramadaamka




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Somalimirror oo Bog Cusub u sameysay Bisha Ramadaanka
  2. Side ugu diyaar garownaa Bisha ramadaan?
  3. Dawro ku saabsan Ramadaanka oo Xalay lagu soo gabagabeeyey Masjidka Ramadaan ee Gaalkacyo
  4. Ururka Mu’tamarka Islaamka oo ku baaqay in Dagaalada la joojiyo Ramadaanka.
  5. diyaar garowga ciidda iyo goboladda maamulka somaliland

Latest Headlines