Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa wacad ku martay in ciidamada Afrikaanka ah ee lagu wado in ay Muqdisho yimaadaan ay halkaa uga qodi doonto qabuurihii lagu aasi lahaa sidoo kalena ay sii wadayso dagaalkii Jihaadka ahaa ee ay ku jirtay Xarakardaasi.
Af hayeenka guud ee Al shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh cali dheere” ayaa sheegay in ciidamada ay wadamada Afrikaanka ahi u soo diri doonaan soomaaliya ay noqon doonan kuwa ku halaagasami doono dagaalka ay u soo socdaan in ay la galaan xarakoooda wuxuuna yidhi “ciidamada la soo dirayo ee dheeriga ahi waa kuwo dhamaan doono noocey doonaanba ha noqdeene Ilahaay idankii Muqdishana waxa ay noqon doontaa qabuuro”
Sheekh Cali Dheere waxa uu tilmaamay in wax badan ay la socdaan ciidamada la soo dirayo, meelaha ay dagi doonaan iyo hub ahaan waxa ay sitaan ee qalab ah,waxa uu intaa ku daray in xarakadoodu ay tahay mid u diyaar ah dagaal ay ciidamadaa la gasho.
waxa uu sidoo kale Sheekh Cali Dheere sheegay in DKMG ah ay ku fashilantay in caalamka uu ka yeelo codsiga ah in ay cidan u soo diraan Soomaaliya wuxuuna yidhi “Xukuumadda Khaa’inadda ah way ku fashilantay ugu horeyn in madaxdeeda kufaata ah ay ciidamo u keenaan soomaaliya lakin hadda ayay sheegeen in ay doonayaan in ay ciidamo u soo diraan Muqdisho mana sameyn doonaan wax dhaq dhaqaaq ah ”
dhanka kale DKMG ah ayaa soo dhaweysay maalinimadii Arbacada ahayd go;aankii ka soo baxay Midowga Afrika ee ahaa in ciidamo dheeri ah loo diro Soomaaliya si ay u bad baadiyaan DKMG ah sidoo kalena ay meesha ugu saaraan Xoogaga kacdoonka wada oo uu Midowga Arika ku tilmaamay in ay yihiin Argaagixiso caalami ah .
Midowga Afrika ayaa dhankiisa sheegay in bisha inaga soo fuuda leh uu diyaar garen doono 6 kun oo askari si ay ugu biiraan ciidamada nabad ilaaliyayaasha ah ee hadda ku sugan Soomaaliya ,wuxuuna Midowgu dhanka kale xusay in ciidamadaa aysan noqoneysn kuwo nabada oo kaliya ilaaliya balse ay yihin kuwo dagaalo gali kara sidoo kalena wax difaaci kara.
lama saadaalin karo sida uu noqon doono xaalka Soomaaliya marka laga fiiriyo hadalada iska soo horjeeda ee ka soo kala baxaya DKMGa ah , Midowga Afrika ,Xoogaga Al shabaab iyo Xisbul Islaami kuwaas oo ku dhawaaqay in mid walbaa midka kale oo cagta marin doono.

Related posts: