Maxaad kala socotaa waxqabadka Golaha isutaga Masaajida ee W/Maraykanka

Published on July 30, 2010 by   ·   10 Comments   ·   print

Golaha isutaga Masaajida ee W/Maraykanka waa Organization Non Profit ah,Waxaana la aas aasay dhamaadkii sanadkii 2000kii,wuxuusa si rasmi ah u dhaqangalay sanadkii 2001dii

 

 
Ujeedooyinkii loo aas Aasay:-

1-Dhismayaasha Masaajida iyo Maraakista Islaamiga ah.
2-Midaynta Awooda Masaajida iyo Maraakista Jaaliyada .
3-Xalinta qilaafaadka Jaaliyada mid guud iyo mid gaar ahba. sida Xalinta dhibaatooyinka qoysaska.

4-Ka jawaabida masaa’isha Diiniga ah{Fadwah}.

5-Iclaaminta{Sheegida soogalida iyo bixida bisha Ramadaan si loo ilaaliyo midnimada umada.

6-Diyaarinta ducaad{Culimo} si ay jaaliyada uga haqabtiraan baahida Diimeed.
7-Wacyi galinta dhalinta da’da yar ee qurbaha,si looga ilaaliyo dhaqan xumada iwm.

8-Gaarsiinta Dacwada{Islamka}Dadyooga kale ee aanan muslimka ahayn.
 
Waxqabadkii Golaha mudadii uu jiray.

 
• Goluhu Ilaahay fadligii ka gadaal wuxuu ku guulaystay mudadaas u jiray inuu gobolo badan oo ay Soomaalidu dagtay ka dhisaan Masaajid iyo Maraakis Islaami ah.

• Golaha isutaga Masaajida,markii ugu horaysay ee la’aas aasayay wuxuu ka koobnaa{6Masajid maantana wuxuu marayaa ilaa(17)Masaajid.oo badankood ay yihiin mulki ay leedahay Jaaliyada Soomaaliyed.waxayna ku timid ilaahay fadligii kagadaal midnimada iyo wadajirka Golaha.

• Goluhu wuxuu mideeyay ilaahay fadligii kagadaal,awoodii kala tagsanayd ee Masaajida Gobalada,sida Midaynta Mu’tamaraadka,Dhaqaalo aruurinta{fundraising}IWM.

• Goluhu mudadaas wuxuu ku guulaystay xalinta khilaadyo faro badan oo soogaray oo isugu jiro,kuwo family iyo kuwo ganacsi{Shirkado}.
• Goluhu wuxuu ku guulaystay ilaahay fadligii kagadaal inuu midiiyo soogalida bisha ramadaan in iskumar la soomo lana afuro iyadoo laraacayo sunadii nabiga iyo qaabkuu u soomi jiray.
• Goluhu mudadaas uu jiray wuxuu ku guulaystay inuu xaliyo dhibaatooyin in badan haystay shaqaalo badan oo jaaliyada ka mid ah dhibaatooyinkaas oo ay kala kulmi jireen warshadaha, hilibka iyo warshado kaleba,waxaana dhibaatooyinkaas ugu waa waynaa xaga cibaadaadka.
 
Masaajida iyo Maraakista ku midaysan Golaha.

 
1-Masajidka abu-bakar asadiq Minneapolis,MN

2-Masjidka Al-Ixzan St.paul,Mn

3-Masjid Ibnu-taymiyah Columbus,OH

4-Masjid Arahma Owatanna,MN

5-Masjid Ataqwah Kansas,MO

6-Masjid bilal pelican rabe,MN

7-Masjid Asunah Atlanta,GA

8-Masjid al-ansar Sandiego,CA

9-Masjid Arahmah Phenix,AZ

10-Masjid Al-faruq Nashville,TN

11-Masjid Al-huda Salt lake city,Ut

12-Masjid Abu-bakar Asadiq Seattle WA

13-Omaha Islamic Center Omaha,NE

14-Masjid Billaal Portland,ME

15-Masjid Atawfiq Boston,MA

16-Faribault Islamic Center Faribault,MN

17-Lewiston Islamic Center Lewiston ME

Iyo maraakis yar yar oo ku yaalo tooliynka qaarkood oo hoostago masaajida waawayn ee gobalada.

Wixii faah faahin intaa dheer kala xiriir Madaxa Fulinta Golaha Iimaamyada ee W/Maraykanka.

 Sheekh C/llaahi Abul-fadli. Smajlis210@gmail ama kulmiye99@hotmail.com

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maxaad Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay Qarka u Saaran tahay in Lala Wareego Bisha May 13, 2009?
  2. Dagaalka Lacagaha Aduunka Maxaad Kala Socotaa??
  3. Golaha Isutaga Iimaamaada ee Waqooyiga Maraykanka oo ka tacsiyeynaya Geeridii ku timid Sh Max’ed Rashaad.
  4. Golaha isutaga Iimaamaada ee Waqooyiga Maraykanka oo Ciida ugu hambalyeeyey Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
  5. Golaha isutaga Masajida W/qoyiga Mareykanka oo ka tacsiyadeynaya Geerigii Sh Maxamuud.

Readers Comments (10)

  1. ali says:

    ASC.Walaalaha dacwada ee w/maraykanka waan salaamayaa salaan ka dibna,waxaan ugu hanbalyaynayaa camalkan sharafta leh ee ay wadaan waxaan dareemaynaa farxad hadaanu nahay muslimiinta aanan ku nooleeyn qurbaha,markaan aragno hawlaha majliska iyo sida uu ilaahay ugu badbaadiyay dad badan oo gaalada ku milmilahaa.

    walaalkiin jeelle kismayo/somalia.

  2. nuurto says:

    ASC.Walaalayaal dadaalkiina wada masaajida dhimana soo xareeya,sida jadiidiyada,islaaxa,iyo salafiyada xanaaqa lafurtay masaajida sida kuwa mineapolis ku yaalo.
    ilaahayna ha idin waa fajiyo sida wanaagsan.

    waxaan salaamayaa culimada ku hawlan dacwada oo marwalbaa safarka u taagan
    sh abdirahman sh omar xafidahullaah.
    sh abdullaahi abul-fadli xafidahullaah.
    sh maxamed qadar
    sh kaariye
    sh a/rizaq
    sh ahmed nuur iyo culimada lamidka ah.

    umuruun columbus/ohio.

  3. xafzah says:

    asc………………Walaal dadaalka aad wadaana wadankii gaarsiiya gobolo badan ayaan masaajid lahayn oo ku yaalo soomaaliye,waa hadii aad sharci u leedihiin inaad somaliya wax ka dhisi kartaan

    Maraykan waad nuuriseene allaaha idin nuuriyo aakhiro iyo aduunbo.

    aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaammmmmmmmmmmmmmmiiiiiiiinnnnn

    walashin umumahamed. minneapolis/MN

  4. Hassan says:

    asalaamu Calaykum wr wbt
    Goluhu danaha ictisaam buu ka shaqeeyaa ee naga daaya riwaayada dhaha culimada Maraykanka. waa kuwan islaamka khudbada ku aflagaadeeya u diiida ducaada inay Masaajidka abuubakar ee minneapolis wax ka sheegaan kuna soo dhaweeya Safiirka Gaalka ah ee maraykanka u joga Nairobi. waxaasi xaq ma aha Fundrising ka ayad ku fican tihin dhe.

  5. waayeel says:

    to:hassan walaal waxaan kaaga digayaa inaad culimada afkaaga ku taagtid,waxaad u egtahay wiil yar oo xiiqsan,fadliga culimada golaha waa mid aan ka qarsoonayn shacabka muslimiinta ah melkastoy joogaan,gaar ahaana maraykanka.adigoo kalana waa layaqaanaa hadaad culimada afkaaga ka daynwaydo,waxaa lagu arki adigoo xashiishka iyo tubaakada dhuuqayo.hilibka culimadu waa sun ee naftaada u nax. ictisaam iyo hebilow,maraykan laguma hayo dacwaa ka socoto salafi ah.wiil bood bood badana waa naqaanaa.

    walalkin caaqil//seattle Wa.

  6. jamac says:

    asc….walaalaha culimada illaah ha xifdiyee halagu dadaalo sidii majliska iyo culimada lootaageeri lahaa,hawl badan ayay wadankan ka qabteene.

    jamac/minneapolis

  7. Arday says:

    Golohu wuxuu u joogaa dhibaataynta danyarta muslimka ah oo ay xoolohooda ka gurtaan, kadibna ay daara ka dhistaan. Dawarsi aan dhamaanaynin, durid mulimiinta kale la duro, iyo khilaafaad dhexdooda ah. Malaga yaabaa inuu ku rumoobo xadiithkii nabiga salalaahu calayhi wasalim: Al-imatul mudiliin ama imaamyadii dhunsanaa. Illaahaywo bari baan ka ahay al -ictisaam

  8. xaq sheege says:

    marka hore way ku mahadsanyahiin golaha waxay qabteen laakiin waa la ogyahay wixii kale aya sameeyaan oo la ogeen sida soo socoto marka hore waxay ku heshiiyeeen wixii fikirkooda qilaafsan oo magaalo jooge in uusan wax dugsi ama masjid uusan furin oo la baloogo waa sida aan ka arkan qaar ka mid ah state ka aan joogo iyo midkaleba labo in dacaayada laga faafiyo sida waa jadiidiya ama islaax ama suufi sheekooyinkii soo dhamaaday ee dadka beenta logu sheegi jiray maxaa yeelay hada waa isku fikrad ictisaam jadiidiya suufiya islaaax wax farqi u dhexeeyo ma jiro. walaal waxaa kaloo laga qaataa lacagaha la soo aruuriyo 30 barsanta waa macruuf. sidoo kale ma shaqeeyaan badankooda marka walaalayaal dadka yaa been loo sheegin aniga waan aqaanaa oo waan la shaqeen jiray markii aan cusbaa wadanka marka ale ka cabsada oo dumarkan iyagoo aan idin ka qaadanin nimankooda lacagaha laga aruurinyo oo xataa lagu yiri deen soo qado si aad sadaqo u bixisid. marka walaal golahay qeer iyo shar labadaba waan ku arkay . raga golaha ah ha isa saxaan aduunyo waa laga tagi.cuqdada iyo calaada iyo dacaayaadka dadka lagu faafinayo ha daayaan, kani kuma tukado masjidkeena sadaqo ma bixiyo iyo maamulka oo ay ku dhiseen qabiilka boorka ayaan ka wadaa.marka wabilahi tawfiiq

  9. xaq sheege says:

    caaqil waa lagu yaqaanaa adoo kale gudiga ayaad ku jirtaa dhaarta iska daa ama ictisaam u tacasub ama iska daa qiyaamo ictisaam kuma badbaadinayso ee aqiradaada dhawro aniga culimo ma caynayo laakiin waxaan sheegeenaa wixii aan ku arkay gobolka aan joogno iyo wixi gobolkale ka dhacay

  10. Akhriye says:

    ?????? ?????
    walaal qofka qaba inay dadka dhuminayaan maxaad ka wadaa
    mase adag tahay inaan sida nala amrayba aanu islaamka ka run
    sheegno oo uusan qofku uusan la qarxin wax qalbigiisa ka buuxa
    oo uun allaah Kaliya ogyahay ee uu akhlaaqda iyo edebta dooda
    dhawro waaba hadii dooda wax uun khayr Ah ay ku jirto umaba
    malaynayo doodaheena maanta ikhlaasba inuu ku jiree.
    Dadka intiisii badnayd haday aduunkii cayrinayaan ragaas is xil
    qaamay maka fakirnay dhaleecayntooda yaa ka faa’iidaya
    shaydaan iyo ragiisa.
    Waxay ku khaldan yihiin halooga naseexeeyo iyadoo edebta la
    dhawrayo,qoloqolo iyo koox kooxna cidna inaan laga yeelayn
    qofkasta waa inuu ogaadaa.????? ????????.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maxaad Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay Qarka u Saaran tahay in Lala Wareego Bisha May 13, 2009?
  2. Dagaalka Lacagaha Aduunka Maxaad Kala Socotaa??
  3. Golaha Isutaga Iimaamaada ee Waqooyiga Maraykanka oo ka tacsiyeynaya Geeridii ku timid Sh Max’ed Rashaad.
  4. Golaha isutaga Iimaamaada ee Waqooyiga Maraykanka oo Ciida ugu hambalyeeyey Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
  5. Golaha isutaga Masajida W/qoyiga Mareykanka oo ka tacsiyadeynaya Geerigii Sh Maxamuud.

Latest Headlines