Dowladda Itoobiya & Ururka UWSLF oo qabtay Shir jaraa’id oo wada jir ah

Published on July 30, 2010 by   ·   10 Comments   ·   print
waxaa si wada jir ah Hotelka Ghion shir jaraa’id ugu wada qabtay Ururka UWSLF iyo Dowladda Itoobiya wuxuuna shirkaasi ahaa mid ay ku faah faahinayeen heshiiska ay wada gaadheen iyo waxyaabaha sharxidda u baahan ee saxaaddu dooneyso in loo bidhaamiyo waxaana Shirkaa, jaraa;id wada joogay Gudoomiyaha Ururka UWSLF ,Wasiirka Arimaha Federalka Itoobiya Dr Sheferow Tegla Mariam iyo Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar.

Shirka jaraaid waxaa goob joog ka ahaa qeybaha kala duwan ee Saxaafaddda Calamiga ah iy midda Maxaliga ah ee Itoobiya Wakaaladka Wararka ee ku hadla Afafka kala duwan ,sidoo kale waxaa madasha joogay TV-ga Al jazeera qeybtiisa Afka Carabiga ku hadasha.

shirkaa jaraa’id waxaa si rasmi ah u furay Dr Sheferow wuxuuna saxifiyiinta u dar daarmay in ay su’aalahoodu noqdaan kuwo cad kuna saabsan heshiiska ee aysan noqon kuwo arimo kale ka hadlaya , wuxuuna intaa kadib sharxay qaabka uu ku soo bilowday wada hadalka u dhaxeeyay Dowladda Itoobiya iyo UWSLF wuxuuna sheegay in wax badan ay wada hadaladaasi soo socdeen haddana ay si guul ah ku soo gaba gaboobeen wuxuna yidhi isagoo arimahaa ka hadlayay “sida la wada og yahay heshiiska mudo ayuu soo socday shirar kala duwana labada dhinac waa ay yeesheen dhamaan guul iyo is faham ayay ku soo dhamadeen wuxuna heshiskan noqonayaa mid taariikhda gala sidoo kalena horseeda nabadda iyo hormarka Deegaanka Soomaalida si gaar ah si guudna Itoobiya oo dhan ,dhankayaga wax walba sidii la rabay ayay ka yihiin dhanka kalena sidaa si la mid ah ayaan ka rajeynaynaa”

intaa kadib waxaa su’aal la waydiiyay Gudoomiyaha Ururka UWSLF Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen waxayna su’aashaasi ahayd – ma la dhihi karaa Ururkiinu heshiiskan waxa uu u qaatay qaab taagtiig ah wuxuuna Sheekh Ibraahim su’aashaa uga jawaabay “Ururka si guud waxa uu u qaatay istaariijiyadda uu hadda saxiixay ee ma ahan taagtiig Ururku in badan ayuu soo jiray wada hadalna yeeshay isaga dhexdiisa ka hor inta aanan Dowladda hor fadhiisan ,waxaa jirtay in uu Ururku shir ku qabtay Magaalada Cadaadle ee Gobolka Godey oo isaga u gaar ah shir guud oo wada tashi ah waxa uu Magaalada Godey kula yeeshay dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Deegaanka ku dhaqan dhamaantoodana waxa ay taageereen Istaraatiiyadda uu qaatay Ururka ee ah in uu wada hadal nabadeed la furo Dowladda Itoobiya”

 

Wariyaha Somalimirror oo goobta shirkaa ku sugnaa ayay u suura gashay in uu Dr Sheferow waydiiyo su’aashan – si guud ma loo dhihi karaa heshiiskan waa mid ku dhisan awood qeybsi (Power Shering) u dhaxeeya UWSLF iyo Itoobiya , muxuuse yahay qorshaha Dowladda ee ku aadan UWSLF wuxuuna Dr Sheferow uga jawaabay ” markaan shirka bilaabaynay waa anigii idhi waa in su’aashu ay cadaan tahay kuna saabsan tahay ajandaha shirka lakin hadda taas ma muuqato ,UWSLF waa dad muwaadiniin ah xaqna u leh in ay Dowladda dhex galaan waa ay isa soo sharixi karaan waa la dooran karaa ,Dowladdu talo ayay waydiisaneysaa khibradooda ayay ka faa’iidaysaneysaa ,si wada jir ah ayay wax u wada qabsanayaan iyagoo wada tashanaya wada jira mar walba ma kala maarano — hadan u laabto waxa aan ka dambacsanahay waa sidaa aaan kuu sheegay ee faah faahin uma baahna wiil da’yar ayaad tahay waana arkaa in aad su’aasha Af Carabi igu weydiisay”

intaa kadib waxaa Sheekh Ibraahim Dheere la waydiiyay in ay Siyaasadda ka qeyb qaadan doonaan iyo in kale wuxuuna ugua jawabaay “siyaasadda hadaba waan ku jiraa waana ka qeyb qaadaneynaa lakin ma ahan mid ah shardi ku xidhan heshiiska oo ah hadan siyaasadda nalaga qeyb galin heshiiska ma soconayo ee waa aan u madax banaanahay aanana ahayd shardi ,siyaabo badan ayaan siyaaasadda uga qeyb gali karaa lakin waa shardi la’aan ,,,,,, Ururku waxa uu qaatay labo waxyaabood midda koobaan waa nabdda mida labaad waa nabada mida boqolaad waa nabada tan talena waa hormarka ”

Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomalida ayaa dhankiisa la wayiiyay su’aal ahayd in uu gobolka Soomaalidu yahay gobol dhib u dhac iyo dhibaato ka jirto arintaasina ay tahay mid Madax kasta oo deegaankaa soo martaa ay ka dhigaan ajandahoda koobaan hadana aysan waxba ka qaban wuxuu Cabdi Maxamed Cumar uga jawaabay”gobolka wuu dib dhacsanaa waxaana ka jiray colaad waxaana ku rajo weynahay in si deg deg ah gobolka looga dareemo hormar dhan walba ah horseedana hormar buuxa oo deegaanka ka dhasha , hadda waxaa la taaban karaa in meel maalmo loo kala socon jiray sacado loo kala socdo kadib markii la dhisay wadada Laamiga ah sidoo kale waxaa meelo kala gadisan la gaadhsiiyay Adeega taleefankada Mobile-ka iyo Korontada 24 Saac ah inta dhimana waan ku taba jiraa in aan dhameyno anagoo celeys kastaa ugu dhabar adeygayna,,,, waxaana garabka ONLF ugu baaqayaa mar walbana ugu baaqnaa in ay nabadda qaataan kana qeyb galaan hormarka dalkooda iyo badbaadinta dadkooda mar walba waxaan diyaar u nahay inaan ONLF la hadlo”

shirkaa jaraa’id ayaa socday ku dhawaad mudo saacad ah waxaana si rasmi ah u soo xidhay Dr Sheferow Tegla Mariam ,wuxuuna gaba gabadii shirka u mahad celiyay Saxaafadda iyo sida wanaagsan ee ay uga soo qeyb gashay shirka wuxuuna ugu baaqay in ay tabisho sawirka wanaagsan ee ay ku aragtay shirka jaraa’id.

shirka jaraa’id ayaa yimid kadib 2 saac markii ay heshiis ka koobnaa dhow qodob ay kala saxiixdeen Dowladda Itoobiya iyo Midowga Jabhadda Xoreynta Somaaligalbeed (UWSLF),waxaa xusid mudan in Ururka UWSLF uu dagaal mudo 18 sano ah kula jiray Dowladda Itoobiya ,waxayna Xubnaha Ururkaasi mar sii horeysay sheegeen in ay wadada ay hada qaateen ay ku timid dadkooda oo baa’ba qarka u saaran marka laga fiiriyo Diintooda , dalkooda iyo dadnimadooda iyo Jahliga sii baahaya ee deegaanka ka jira.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Wafdi kala duwan oo gaadhay magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb galaan shirka heshiiska wada xaajoodka Ururka UWSLF iyo Itoobiya
  2. Xafladii Saxiixa heshiiskii dhex mari lahaa Ururka UWSLF &Dowladda Itoobiya oo dib loo dhigay ilaa 21 bisha July
  3. Xubnaha Ururka UWSLF uga qeyb gali doona Shirka Saxiixa Heshiiska UWSLf & Itoobiya oo kulan gaar ah yeeshay
  4. Faah Faahin Shirkii heshiiska Ururka UWSLF & Dowladda Itoobiya oo soo gaba gaboobay
  5. Qaar ka mid ah Wufudii lagu casuumay Shirka Heshiiska Ururka UWSLF & Dowladda Itoobiya oo gaadhay Addis Ababa

Readers Comments (10)

  1. xukun says:

    heshii ma xuma iyo in colaada dhamaato laakin nimanka wax dan ah meesha kuma aysan ku saxiixine waa se aaway danta umada? mise waa nin kastoow naftaa umada xaqeeda wax ah kolay ani uma jeedo oy nimankan sexiixen mida kale meesha waxaa ayana ka dagaalama jabhad kale oo ka xoog badan xaga ciidankee ayagana kuma jiraane sidee la isku ´waafajinaaya ?

  2. ibrahim says:

    kkkkk hayay waa meeshii uu ku baxay shariif marka mawaxad ku qanacsan tihiin dasduurka mals zanawe dadka muslimka ah ha lugeynina wallahi amxaro waa amxaaro marka hanaqal dinina halag ha idiin sugnado by

  3. burhaan says:

    waxaan la yaabanahay sheekhan waxa ka qaldan waqtibadan buu galiyay halgan buu u soogalay suu leeyahay anigu ma aanan arag meel uu halgan ku galay aan ka ahayn in laga soo tarxiilay USA. shirkan maanta haba yaraatee wax heshiis ah oy lagaleen Ethopia mijiro aan ka ahayn isdhiibid waxaan la saxiixaayo oo dhan waa nabadaan qaadanay walaahay waan ka naxay say shirqoolkii Tireegu ugu dhaceeyn. dhagayso bbcda somaliga Catoosh oo jooga Addisababa

  4. cali says:

    Bismillahi Wasalatu wasalamu Cala Rasuulilaah

    Sh.ibraahim iyo xertiisa waxa Ethiopia idinku soo dhawaynaysaa Gacmo furan!
    xoogaa ayaad i lowdeen xabashigii caanka ku ahaa bahdilka, cabudhinta iyo Islam nacaybka gaamuray.

    Antee, Shiridaam somali, Qushaasha, Hid kasii, Balage, Akaraariyooj , Qum, Tamalas, Hidh warasa, manaa gaba, lamin, indheet, …. Ishi,Taadhas Ishi, Ishi…yaa is gaadhayba.

    murtazaqa wadaad yare la baxay waad sii daysaan qudhunka oo qoree canaantayda iska sii daaya, Nimakaa is dhiibayna muddo dheer baan taageere u ahaa, jeclaa, ilaahayna uga baryay wanaag oo dhan, way ii muuqataa Amxar iyo tigree awoowayaasheen ka quusteen inaan 200 boqol oo ibrahim dheere oo kale ahi waxbadan soo kordhinayn.

    Eedaadka soo maray, umul baa ilowdee, idinkoo itaal daran waa la arki doonaa, Eedaadka soo maray, umul baa ilowdee, idinkoo itaal daran waa la arki doonaa
    Minim Jigir yalam

  5. Aw Jamac says:

    Asc,

    Waan kufaraxsanahay heshiiska UWSLF iyo Ethiopia gaareen. Waxaan filayaa in Ethiopia markay aragto hurumarka ay wadaadadu layimaadaan inay hadana qarbush iyo dictatornimo bilaawdo taasoo kacaraysiin doonta UWSLF. Shirka sida kamuuqata waxaa fadhiyaya wafuud beesha caalamka kasocta iyo Ambassadors, sidaa daraadeed, mafilayo in isku dhac imaan karto waqti dhow. Hadii amaan, xoriyatul qool, horumar, ganacsi, waxbarasho, adeega bulshado ay horumariyaan UWSLF, waxay ilatahay inay dad badani oo heshiiska kaxaaqsan ay faraxgalin doonto. Qolada kale ee ONLF, waxaan oran lahaa, reveiw kusameeya policigiina, waxa lagu xisaabtamayo waa taageerada bulshada, hadii UWSLF ay tusto shacabka horumar, ayna yiraahdaan horta wadanka aan dhisno, kadibna xaqeena aan raadsano, markaasi shacbiyad badan baad luminaysaan. Shacabkana waxaa suurtagal ah in lakala fur furo. Gudoomiyaha ONLF waxaan afkiisa kahayaa isagoo leh, qori kaliya isagama xoreyn karno EPRDF, marka iyaga qoriga hawadaan, UWSLF horumarka hakashaqeeyaan, maalintii ONLF iyo EPRDF na ay heshiiyaan, walaalahood UWSLF na way laheshiin, labadoodana waxay noqonayaan laba urur oo isu soosharxi kara doorashada wadanka. ONFL Qoriga iyo Qalinka wax kuraadi, UWSLFna horumarka hakashaqeeso, ganacsigana hafurmo. Putland iyo Somaliland iyagoo socda ayaya iman.

  6. sharif says:

    aniga haddan fikirkeyga ka dhibto waxey illaa tahay ineyyba awalba jirin mamda loo dagalamo haddi galada sideey rabaan loo yellay mida kalle nimankan la heshiyay mines zanawi ayagan ka sugeynaa waxey somali galbed u qabtan lkn waxaa ciill ah inta wiill oo u dhimatay dagalka lagula jiray galada zxabashada ah oo maanta laga dhigay mid kursi lagu radsdo insllah xaqa ayaa dillacayo haddey san xaq tahayna illaah ha la garab galo haddey kursi jaceyl u geysana waa la arkaa waxeeey ka dhefan ,, nolasha aduunkana waa malmo lkn tan aqiro ninkiii ku darsdo aduun alla asaga dhib qabo ,, waa billahi towfiq..

  7. Cali Guure says:

    Somalida waxay tiraahdaa sidaad doonayso hadaad gaari waydo si aad u dhowayn karto yeel.

    In kasta oo qobodaba ku jira qaarkood ay qaraar yihiin haddana waxaan shaki ku jirin in haddii si fiican loo maareeyo wax fiican ka dhalan karo dacwa ahaan iyo dib isu dhis.

    Laakiin Xabashida aynu naqaan inta ay ballanka ka baxaan ayay hadhow cabaadi doonaan.

    Ilaahow u gargaar walaalada ijtihaaday.

    _______________

    Burhan

    Waxaa muuqata in sheekha Dr Ibrahim aadan taaiiqdiisa la socon. Mareykanka ninkii jooga ama laga tarxiila ma jihaadi karo miyaa?

    Inta uusan mareykanaka tegin waxaa uu ka mid ahaa hoggaanka Itixaadka Soomaali galbeed. Markii uu tagana halakaasi ayuu ka sii waday.

    Waxaa muuqata inaad diinta iyo taariikhda caskriga islaamka ama tan Somali galbeed aadan si fiican u garanayn.

    Sharif

    Ma waxay kula tahay culimadii iyo ciidankii dagaalay inaad uga aqoon badan tahay diin iyo maslaxa shareecada. Saaxiib wax hubso inta aadan war aadan hubin ku dacwinin.

    Inta kale oo cambaaraysa

    Somalidu waxay tiraahdaa habar fadhiga lagdin la fududaa.

    Ilaahow u gargaar mujaahidiinta tabta maanta beddelay si ay ummadda wax ugu qabtaan dacwiyin wa diiniyan.

  8. wadaad yare says:

    Waxaan ku faraxsanahey in wadaadadii bilaabeen iney wacyi siyaasadeed yeeshaan oo ka koraan baraa,atul adfaalkii ay ku caan baxeen. Siyaasadu waa wax jaan oo dhib badan, qofkii galana dhib badan ayuu qoorta la gelayaa. Marka wadaadadii itixaadka la oran jireen oo soo bislaanaya oo ka bayrey waallida Alqacida iyo dadka falageeda ku meereysta waa arin wanaagsan.

    Ama masjidkaaga iska fariiso oo diinta dadka bar oo cibaadeyso, ama siyaasada hab maangal ah u gal oo xeeri maslaxada dadkaaga.

  9. maxamed cali says:

    asc walaalayaal waan taageersanahay heshiiska ay wada gaadheen uwslf iyo dowlada itobiya waayo dadku waxay ubaahanyahiin dacwo diineed iyada oo dagaal lawadana dacwo majirayso oo itibiya ma ogala marka waxaan rajeeynaynaa in waxbadan iska badalo dhanka dacwada marka halaga war dhowro yaan la dagdagin wabilaahi towfiiq

  10. Xaqdoon says:

    Saaxiibayaal. Asc.wbr.
    Waxaan aad uga xumahay in somalimirror iyo halgannet oo u shaqeeya itaaxaadkii hore iyo ictisaamka cusub in ay noo buunbuuniyaan wadaado maslaxadooda ka arkay in ay la hishiiyaan itoobiya oo aanu wada garaneyno in ay tahay yahuudii afrika,marka dhowr wadaad oo babinaya calankii itoobiya meesha waxba kuma hayaane ilaah xalka ha keeno,hakana qaado umada dhibka haysta.
    Waxaa kaloo yaab badan in raggan uu qalbiga ka fadhiistay qabiilka ee qora labadan homepage ay ilaah ka baqaan ogaadaana in ay dadka qaldi karin.
    waxaad naga dhaadhicineysaan in xamar jihaad ka socdo lana gumaado haweenka qashinka isku dayay in ay ka nadiifiyaan magaaladooda.
    ilaah ha laga baqo qabiilka idinku qurmayna ilaah ha idinka sifeeyo.
    Somalimirror + halgannet= Qabiil.
    majeerteenka iyo ogaadeenka la hishiiyay itoobiya hanooga dhigina mujaahidiin ee ilaah u noqda ee waan idinla soconaa ogaada.

    BEEN WAA DHAMAATAY OGAADA….BEEN WAA DHAMAATAY OGAADA………




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wafdi kala duwan oo gaadhay magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb galaan shirka heshiiska wada xaajoodka Ururka UWSLF iyo Itoobiya
  2. Xafladii Saxiixa heshiiskii dhex mari lahaa Ururka UWSLF &Dowladda Itoobiya oo dib loo dhigay ilaa 21 bisha July
  3. Xubnaha Ururka UWSLF uga qeyb gali doona Shirka Saxiixa Heshiiska UWSLf & Itoobiya oo kulan gaar ah yeeshay
  4. Faah Faahin Shirkii heshiiska Ururka UWSLF & Dowladda Itoobiya oo soo gaba gaboobay
  5. Qaar ka mid ah Wufudii lagu casuumay Shirka Heshiiska Ururka UWSLF & Dowladda Itoobiya oo gaadhay Addis Ababa

Latest Headlines