Abaaaro 10:00 Subaxnimo ee maanta waxaa Hotelka Ghion ee Magaalada Addis Ababa si toos ah uga furmay Shirkii Saxiixa heshiiska Ururka UWSLF iyo Dowladda Itoobiya waxaana Shirka goob joog ah ahaa wufuud caalami ah oo ka kala yimid Daafaha Caalamka.
Shirka ayaa waxaa intii uu socday hadalo dheer dheer oo meelo badan taabanayay soo jeediyay Wasiirka Arimaha Federal ka Itoobiya Dr Shiferow Teqla Mariam ,Gudoomiyaha Ururka UWSL Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen iyo Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Hadaladaa kadib waxa ay Dr Sheferow iyo Sheekh Ibraahim dheere is waydaarsadeen Warqadihii ay ku qoraayeen waxa ay ku heshiiyeen Dowladda Itoobiya iyo Ururka UWSLF.
Shirka ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u soo gaba gaboobo galabnimada Maanta ah waxaana dib la isugu soo noqonayaa 2:30 galabnimo xiligaa oo la qaban doono Shir Saxaafadeed arintaa lagu faah faahinayo
Wixii warar ah ee shirkaa ka soo baxa dib ayaan idinka soo sheegi doonaa ilahay idankii

Related posts:
Nin gaal u midiidimay
Mici naar inuu geli
Kutubtaa u maragee
Ma wax laga murmaabaa?
Mushrik inaad jeclaataan
Amaad mudan ku sheegtaan
Hadaydnaan mujrim ahayn
Masalo maad u haysaan?
Masalo-gaabyadiinaa
Meel daran idiin diray
Salam,
Oo filinkan wali ma socdaa, inuu goor hore dhamaaday ayaan mooodayaye.
Illahaow kuwa beenta dadka udheega dadka ka qabo — amiin
anigoo magacatgu yahay Abdishakur Hasan jooga dalka Australia waxaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa geesiyiinta qaatay go,aanka wanagsan ee meel marka u noqondoono in shalaah wuuna noqon doonaa heshiiskii ay qaateen mid lagu nasto dhibkana looga baxo sc
Asc alahu akbar alahu akbar walilahil xamdi waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa walaalah websedka aan anigu ubixiyay (barakale)waxsan sheege) intaa kadib waxaan si aan lakoobi karin usoo dhawaynayaa hawshan geesinimada leh ee maanta sogagabawday guul guul mansha alah
asc waxaan aad uguhanbalaynaynaaa madaxa sarw jabhada soomaaligalbeed guula hay kasoo hoyiyeen he shiiska udanayn haya diinat umada reer soomaaligalbeed danta shacabka iyodalka dhis mihiisaba waxaan aad ugu farax sanahay ilaa iyohada siduu wax usocdaa ilaahayna waxaan kabar yahaynaa in uuguul nagu siiyo
asc www waxaanuhanbal yaynaynaa dhamaan umada soomaaligalbeed in uunajaxay shirkii ay uculimadeen iyo madaxdeena aykulajireen guumaysiga itoobiya inagoorajan hayna in uu midha galnoqdo
baaq
waxaan ugubaaqaynaa dhamaan umada soomaaligalbeed in ay taageeraan heshiishka soomaaligalbeed iyo itoobiya
Asalaamu calaykum
Allaah waxaan kabaryayaa anigoo kubaryaya magacyadiisa wan wanaagsan iyo tilmaamihiisa sareeya, inuu heshiiskaas kadhigo mid manfacadiisa ay yeeshaan muslimiinta Gobolkaas degan,
Kii xudaybiya midhihii laga gurtay ookalana in laga gurto ayaaan allaah karajaynayaa,
sh Axmed Nashaad iyo Sh Ibraahim,
allaah guul haidin siiyo cadawgiinana haidiinka hiiliyo
ninkaad safar lagasho ayaad barataa 1994 tii ayaan sh Axmed nashaad safar lug ah wada galay labadanada kaliya marka, tadxiyadiisa iyo iithaarkiisa, sabirkiisa iyo Allaah sida uu ucuskado ayaa icajabgalisay,
walaalaha muslimiinta ah waxaan kulöa talin lahaa inay diinta difaacaan oo marxalado badan adeegsadaan, illeen dagaalku waa xeeladaysiye.
Asalaamu calaykum
ilaahbaa mahad oodhan u sugnaatay,
waxaan aad iyo aad ugu faraxasanahay warkan heshiiska ah. maxaa yeelay umada muslimiinta ah ee ku nool wadan ethiopia aad iyo aad bay u rafaad santahay waxayna u baahanthay nabad iyo daganaansho bal uu si ay wax uga dhadhamiso nolasha aduunka.
heshiiskana waxaan ku tilmaamkaraa mid taarikh ah.
allaahu akbar
waad mahadsantihiin
Maxaa diidaya in si xikmadi ku jirto labo kaar la ciyaaro. Kaarka nabada waa loo baahanyahey, hadduu shaqeeyana falillaahil xamdu. Hadduu shaqeyn waayana illeen Itoobiya duco qabto maahan oo waan ognahaye kaarkii kale lala soo baxo?
Waxaa ii muuqata labada urur ee dhulkaas ka halgamayey oo midna nabadda qaatey midna dagaalka qaatey iney iyagu isku mashquulsanyihiine aysan Itoobiya ku mashquulsaneyn.
War kii nabad qaatayow haddii nabad loo aayo aad keento ummadu adigey kugu dabo feyleysaaye waxba ONLF haku mashquuline ka qaayo gaar heshiiska oo umada usoo dhici wax ka mid ah xuquuqdeeda. Xuquuqda kulligeed soo dhici maba lagu oran karo oo waa arrin adage.
Kuwa dagaalka qaateyna sidoo kale heegan ahaada oo kuwo markii lasoo hungoobo lagu soo hirto noqda oo umada hogaamiya.
Wixii intaas kasoo hara waa in meel cidlaa la iska xag xagto.
Ilaah ha ka dhigo mid lagu nasto laguna raysto.
waan idin salaamay bahda somalimirror.com waxaan ka dhagaystay heshiiskan bbcda habayaraatee wax micna leh oo la taaban karo meesha lama sheegin aan ka aheen in loo siidaayo maxaabiista taas micnaheeda waxay ka dhigantahay in just iska xaroodeen waa uun nadaaya aan iska joognee wax dan ah ay oogu fadhido shacbka dhiban ee ree Ogadenia majirto waxaan leeyahay ku quusqaata kuwii hunguriga u taagayay heshiiskaas waa xaqiiq in ay ONLF ku socoto wadada toosan ee xaq udirirka ah
ASALAAMU CALAYKUM OH GOD UWSLF THEY ARE GIVE UP ETHIOPIA TODAY. WHERE IS THE THEY ARE FORGET FREEDOM AND RELIGTION. WAR WAA DABAQOODHI. BYE. I AM LOOKING FOR ALI GUURE, KKKKKKK WHERE HE GOING THIS DAYS MAYBEGO ETHIOPIA,,,,,,, WHAT HE SAY…..!!! ETHIOPIA WALAALO OR NOT…
horta webkan qolada wslf baa la wareegtey wax kaleba kama sheekeeyee.
oo wax kaod sheegtaan ma la’dihiin
maasha allaah waan ku faraxsanahay sida habsamida leh ee aad usoo gudbiseen heshiiskaan taariikhiga ah balse waxaan jeclaan lahaa wixii dan ugu jirto magaalada muqdisho inaan saan oo kale usoo gudbisaan nimanka muqdisho fowdada iyo dowlad nacaybka ka wadana aad ka soo horjeesataan
Somalida waxay tiraahdaa sidaad doonayso hadaad gaari waydo si aad u dhowayn karto yeel.
In kasta oo qobodaba ku jira qaarkood ay qaraar yihiin haddana waxaan shaki ku jirin in haddii si fiican loo maareeyo wax fiican ka dhalan karo dacwa ahaan iyo dib isu dhis.
Laakiin Xabashida aynu naqaan inta ay ballanka ka baxaan ayay hadhow cabaadi doonaan.
Ilaahow u gargaar walaalada ijtihaaday.
ONLF kale ee weli cabaadaysa baroorta iska dhaafa ama meelihiinna dhaantadiinna ku ciyaara.