AU oo ciidamo kordhin go’aamisey, Al-shabab oo qaadacey & DKMG oo soo dhaweysay.

Published on July 29, 2010 by   ·   5 Comments   ·   print

Shirkii Ururka Midowga Afrika ee ka dhacey Dalka Uganda waxa lagu go’aamiyey 4000 oo askari oo dheeriya in lagu soo kordhiyo ciidamada AMISOM ee xilligan ku sugan Magaalada Muqdisho.

Go’aanka Ururka AU ee ciidamo kordhinta waxaa qaadacey Xarakada Shababul Mujaahidiin oo uu Hadley Afhayeenka Xarakada Sh Cali Maxamuud Raage, waxa uuna sheegay iney ka hortagayaan.

Afhayeenku shir jaraa’id oo shaley Saxaafada u qabtey waxa uu sidoo kale ka sheegay ciidamada AMISOM iney fashilmeen lana dagaalamaan iyaga iyo DKMG, go’aanka AU-da gaareyna uu yahey waxba kama jiraan aan hadal dhaafsiisneyn.

Balse DKMG ayaa dhinaceeda soo dhaweysay go’aanka ciidamo kordhinta ee Ururka Midowga Afrika ka soo baxey, waxa uuna go’aankan ku tilmaamey Afhayeenka Xukuumadu C/qaadrir Walaayo mid lagu hagaajinayo Xaalada amdni daro iyo dhibaato ee dalka ka taagan, siduu hadalka u dhigey.

Hadalada qaadacaada iyo soodhweynta isugu jira ee ka soo kala baxey Al-shabab iyo DKMG ayaa imaanaya maalin ka dib markii ururka AU-du go’aan ciidamo dheeriya oo ka kala imaanaya Dalka Guinea, Djibouti iyo kuwo aan la cayimin oo ka tirsan IGAD ka soo saarey shirkii ugu soo gebo geboobay Dalka Uganda.

Ciidamo dheeriya oo Soomaaliya loo soo diro lama filayo iney Xaalada qalafsan ee Dalka ka taagan wax ka bedelaan, balse waxaa loo toog hayaa iney uga sii darayaan dhibaatooyinka kale duwan ee Shacabka heysta.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xubno ka tirsan Baarlamaanka KMG ah oo qaadacey Dalabka Ciidamo Shisheeye oo la keeno.
  2. Al-shabab oo ka hadley Ciidamo Kenya u Tababareyso DKMG ah.
  3. Al-shabab oo soo bandhigey Qoryo & Sarkaal ka soo goostey DKMG.
  4. Al-shabab oo sheegtey Mas’uuliyada weeraradii Kampala.
  5. Ciidamo cusub oo Al-shabab ah oo Muqdisho soo gaarey.

Readers Comments (5)

  1. wadaad yare says:

    Waa jug jug meeshaadi joog arrintaani. Waa dagaal laa ghaalib walaa maghluub ah oo waxa ku dhamaanayaa yihiin shacabka soomaaliyeed.

    Afar kun oo ciidan afrikaan ah waxa kaliya oo ay awoodaan waa iney wadciga hadda jira meeshiisa ku hayaan. Waa arrin ku talo gal ah oo niyadda looga dilayo dadka soomaaliyeed. Waxna idinlama qabaneyno idinkana tegi meyno, waxaanan idinku sameyneynaa ixtiwaa(containment) si Alqacidada dalkiina saldhigatey aysan uga soo gacan banaanaan soomaaliya oo meelo kale usoo haweysan!

    Arrintaan eedeeda dadka soomaalidaa ayaa leh oo garan waayey hor dibba waxa dantoodu ku jirto. Aayahoodi wuxuu gacanta u galey ajaanib aan ka naxeyn dantooda. Ajaanibtaasna waa labada qolo ee kala taageerta labada qolo oo isku haya talada dalka.

    Sida hadda xaalku yahey waxaa dhaanta in Shabaab qabsado dalka oo sidey rabaan u maamulaan, laakiin nasiib darrada jirta waxey tahey Shabaabku maahan dad dal maamulid u jeeda oo yoolkoodu ku xadidanyahey soomaaliya. Laakiin waa dad ah qalab lagu adeegto oo qeyb ka ah dhaq dhaqaaq caalami ah oo ajendi caalamiya leh. Macnaha Shabaab hadey soomaaliya iney maamulaan u jeedaan oo aysan ajende caalamiya wadan waa u diyaar laakiin su,aashu waxey tahey ma doonayaan taas?
    Anigoo wadaad yare oo ku caan baxey naqdinta Shabaabka welina aan wax jaceyl ah u qabin iyaga iyo cida ka danbeysaba waxaan idiin cadeynayaa hadaan ogahey iney dal maamulid u jeedaan inaan gacmo furan kusoo dhaweyn lahaa, anigoon ku qanacsaneyn manhajkooda iyo mafhuumkooda diinta toona!

    Sh. Shariif iyo dawladiisu mayyitul axyaa( dadka nool oo dhintey) wax wanaag ah oo laga filayo ma jiraan. Fursado qaali ah way heleen welina way heystaan laakiin dadkii fursadaha ka faa,iideysan lahaa maahan.

    Waxaa loo dhaxeeyaa Shabaab oo furahooda nin god galey oo dhuuntey la maqanyahey. DKMG ah oo liability ah(qaan) oo maqaar saar u ah ciidamada Uganda oo lacagta ku qaata joogitaankooda dalka soomaaliya.

    Talo waa tan alle laakiin ma indho fiicna arrintu.

  2. qabilsomali says:

    Qolada Alshabaab hadii ay yihiin wuxuush dadkii eber ka dhigay, sidee ku noqotay in iyaga kaliya u hadlaan shacabka bilaa yacniga iskaga dhimanaya? Maxaa u diidey Afrikanta iyo dawlada shariifka ee magac uyaalka ah inay sidaa si la mida u hadlaan shacabka oo muujiyaan inay ka damqanayaan masaakiinta le’enaysa? Jawaabtu waa Afrikaantu uma joogaan inay Soomaali caawiyaan ee waa inay dhulkaan la wareegaan, dadka wixii soo harana noqdaan, minority. Inay dhulkeena ku beeraan iniintii kiristaanimada, waayo sidaad aragto askaraha lasoo wado, dhamaan waa kiristaan. Naagta, iyo cunuga iyo waayeelka la dilayo, waxaa lagu ciqaabayaa mujaahidka oo Afrikaanta ay la tahay Naagtaas ninkeeda, cunugaas aabihiis iyo waayeelkaas wiilashooda waaye kuwa nala diriraya. Markaa hadii aanu iyaga u taag waynay aanu si kale u ciqaabno oo ka layno familadooda, waa sida ay caqligooda 500 sano komada ku jira la tahaye.
    Dadka lasoo indha cad Alshabaab baa wax dhamaysay, tolow maxay oran jireen markii Qabqablayaashu joogeen oo xaaladu ahayd bil walba qabiilo ku dirira soohdimo cusub, iyo mooryaantii loo taag waayi jirey oo jidadka isbaarada dhigan jirey, oo lacag furasho kaliya maahee, naf qoyn, kufsi joogto ah iyo inaan la isku gooshi karirin gobolada caado u ahayd? Hadii hada Alshabaab meesha ka baxdo waad ogtihiin in sidaasi nawada sugayso.
    Amaa America iyo European-ka taageersan Afrikaantaan, iyagii baa u taag waayey meelihii ay qasabka ku galeen ee Ciraaq iyo Afghanistan, Soomaaliyana waa lawada xasuustaa waqtigii black hawk down. Aanu wada dhawro macangagnimada Afrikaanta iyo madaxweynahooda ujooga Soomaaliya ee sheekh Shariif halka cawaaqib xumada ciribtoodu ku danbeyso.

  3. Allemagan says:

    Wadaad yare,

    Hadalka aad qortay waa aad asiibtay. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa nin buka boqol u tali. Waxaana muuqata in dadka Soomaaliyeed ee yihiin bukaan iyo fadhiid aan lahayn qoomiyad iyo wax garad sidaas u sii ridan oo dhaafsiisan qabyaalad. Marka kaliya oo ay dan difaacaan war marka qabiil lagu habar wacdo.

    Waxaan qabaa Alqaacida waligeed ma ay hesheen helina mayso meel qorshahooda in laga fuliyo uga haboon Soomaaliya. Waa dad kala qaybsan oo qoloba Alle howshooda u qurxiya. Waxay isku mashquuliyeen kuwa dawlada sheeganaya oo daawanaya sharka soo if baxay ee argagaxisadu inta uu aqalkooda ugu soo gelayo. kuwa sanuud aruursanaya oo fowdada ka macaasha. Kuwa aan tashan oo labaatan sano balo ku dul hardamaysay oo ayan nolosha iyo geeridu midna qiima la lahayn. Waxaa kale oo Alle ku ibtileeyay Soomaali hogaan la’aan. Wadaadkan (Shiikh Shariif) ee macallin dugsiga ah Soomaali hogaan dhaama wayday asagana guul kama soo muuqato.

    Liidashada Soomaalida waxaad ka garan markaad aragtid mid walba oo leh madaafiicda hugankooda ayaan ka seexan waynay. Waxaad liidashada Soomaalida ka garan markay cidii ku dul lagdantaba u arkaan inay ayagu is haystaan oo ayaga mara amarku kusayn. Waxay u muuqataa inaan xeel Shiikh Shariif keenay aan xoolo lagu soo dhicinayn.

    Dhagwaynida Soomaalida ayaa shalay isticmaarka Etoobiya iyo Kenya dhulka Soomaalida ku dhaxleen maantana ku haystaan. Waxay Soomaalida inta badan u arkaan dhibka Soomaali kale gaara inuusan ayaga khusayn. Waa oodaa rogon. Waa dad reer miye ah oo aan garan karin qiimaha dalka, nabada iyo dadnimada iyo qaranimada. Waa dad ku haboon in la gumaysto (waana la gumaysan) ilaa saacada qiyaame sida muuqata.

  4. Mujaahid says:

    asc wr wb

    to wadaad yare

    well said

    wabillaahi towfiiq

  5. wadaad yare says:

    Allemagan
    Walaal waa sidaad u sheegtey arrinta xaqiiqdeedu oo darajada ilaahey ninkii doonayaa hela. Dadkeenni iyagiina wacyi qawmi ah ma laha, hoggaamiye Mandella oo kale ahna nasiib uma helin oo isku duma, isku duwa oo himiladooda u jiheeya dhanka wanaagga iyo rajada.
    Waxaa la yiri: Hoggaamiyeyaasha cabqarigaa waa xaalad naadir ah oo shantii boqol oo sano ama kunleydiiba mar la helo, markaasna umadooda wax weyn bay u qabtaan. Laakiin waxaa la yiri: Wacyiga iyo garaadka bulshada oo guud ayaa ka qiimo badan kana muhimsan hoggaamiyeha cabqarigaa. Waayo haddii shacabka wacyigiisu liito fursadba ma helayo hogaamiyaha wanaagsane, waxey u kala rixinayaan habaar qabayaal xabaashoodi qodaya oo iyaga isku halaagaya.

    Anigu mustaqbalka fog ee Soomaalida rajo weyn baan ka qabaa, oo qawmiyad jirta oo xididdo adag ku taagan ayaan nahey, laakiin mustaqbalka dhow waa mid wal wal leh!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xubno ka tirsan Baarlamaanka KMG ah oo qaadacey Dalabka Ciidamo Shisheeye oo la keeno.
  2. Al-shabab oo ka hadley Ciidamo Kenya u Tababareyso DKMG ah.
  3. Al-shabab oo soo bandhigey Qoryo & Sarkaal ka soo goostey DKMG.
  4. Al-shabab oo sheegtey Mas’uuliyada weeraradii Kampala.
  5. Ciidamo cusub oo Al-shabab ah oo Muqdisho soo gaarey.

Latest Headlines