Xubnaha Ururka UWSLf ee lagu wado in ay ka qeyb galaan ayaa maanta shir hor dhac ah ku qaatay Hotelka Ethiopia ee Magaalada Addis Ababa wuxuuna kulankaasi ahaa mid loogu sii gogol xaadhayay shirka guud ee Bari lagu wado in uu ka dhoco Hotelka GION ee dhex mari doono UWSLF iyo Dowladda Itoobiya.
Shirka ay wada yeesheen Xubnaha UWSLF ayuu Gudoomiyaha Ururkaa Sheekh Ibaarahim Maxamed Xuseen si rasmi ah u furay waxaana ka soo qeyb galay dhamaan Xubnaha Ururka ee shirka ka qeyb gali doono iyo qaar ka mid ah Wufuudii Magaalada Addis Abab soo gadhay ee lagu casuumay in ay shirka Bari dhici doona ka qeyb galaan.
Gudoomiyaha ayaa faah faahiyay halka uu marayo qaban qaabada shirka loo banasan yahay iyo waxyaabihii u hir galay, wuxuuna Sheekh Ibraahim Dheere sheegay in wax badan ay labada dhinac ka wada shaqeeyeen ilahay idankii bari loo balansan yahay in uu dhoco shirka Heshiiska Xasiis wada hadalkii soo socday ee u dhaxeeyay UWSLF iyo Dowladda Itoobiya.
Sidoo kale waxa uu Sheekh Ibraahim sheegay in dhankooda ay sameeyeen gudiyo kala duwan oo ka qeyb qaata habsimi u socodka Shirka Bari iyo howlaha guud ee Ururka inta ay ku sugan yihiin Addis Ababa wuxuuna Gudiyadaa ka tilmaamay Gudiga Saxaafadda, Gudiga soo dhaweynta Martida ,Gudiga isku duba ridka iyo diyaarinta qoraalada shirka ,Gudiga hagidda Martidda.
Sheekh Ibraahim waxa uu xusay in wali aysan Magaalada Addis Ababa soo gaadhin Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Kenya iyo Wasiir kale oo Jabuutiyaan ah wuxuuna cabarabka ku dhuftay in Safaaradaha Wadamada ay ku leeyihin Addis Ababa ay Wasiiradaa ugu dhiibeen Fiisooyinkii iyo Warqadihii Casuumaada balse ilaa iyo hadda uu jiro dhib u dhac ayna ku han weyn yihiin in ay shirka ka soo qeyb galaan.
Sidoo kale Sheekh Ibraahim Dheere waxa uu shaaca ka qaaday in Saxaafadda Caalamiga ah ay goob joog ka noqon doonto shirka bari dhici doona wuxuuna xusay Idaacadda BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga iyo TV-ga Al jazeera in ay xaadir noqon doonaan madasha shirka ee Bari.
Kulanka intii uu socday waxaa hadalo kala duwan is waydaarsaday Xubnaha shirka goob jooga ka ahaa waxayna dhamaantood isku raaceen shirka kadib in kulan kale ay ku qaataan Magaalada Jigjiga marka ay dib ugu laabtaan maalmaha soo socda.
Sidoo kale waxaa hadal kooban kulanka ka soo jeediyay Maxaabiistii 5-ta ahaa ee dhawaan laga soo daayay xabsi ku yaalay Magaaladda Addis Ababa waxayna maxaabiistaa xoriyadooda helayi sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin talaabada uu Ururka qaaday waxayna codsadeen in Ururku uu sii wado sii deynta xubnaha kale ee wali xidhan.
Kulanka ayaa ku soo gaba gaboobay heer wanaagsan ,wuxuuna kulankan gaar u ahaa Ururka UWSLF si ay usla jaan qaadan malinta bari ah si uusan wax is af garan waa ah uga dhicin shirka bari loo balan sanyahay.

Related posts: