Wamada Midowga Afrika oo isku raacay in aysan Makamadda Dambiyada Dagaalka u gacan galineyn Madaxweynaha Dalka Sudan

Published on July 28, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Madaxda Wadamada Afrikaanka ah  ee ka qeyb galay Shirkii Midowga Afrika ee ka dhacay Magaalada Kampala ee Dalka Uganda ayaa sheegay in ay haboon tahay in uu dacwada la laabto Xeer Ilaaliyaha Makmadda Caalamiga ee Dambiyada Dagaalka ee eedeyay Madaxweynah Dalka Sudan Cumar Xasan Al bashiir.

Kulankii ka dhacay Kampala ayay Madaxdu isku raaceen in dhamaan Wadamada Afrikaanka ahi aysan soo xidheyn Cumar Xasan Al bashiir ,wuxuuna Midowga Afrika sheegay in Wadamada Afrikaanka ah laga doonayo in ay meel mariyaan qaraarka ah in aan la qaban karin madaxweyna Dalka Sudan Cumar Xasan Al bashiir .

Midowga Afrika oo qoraal ka soo saaray dabayaaqadii kulankaa ayaa yidhi “waxaan go’aaminay in dhamaan wadamada xubnaha ah aysan ka shaqeyn sidii loo joojin lahaa Cumr Al bashiir .. waxaan wadamada xubnaha ah u sheegaynaa in ay meel mariyaan waxyaabaha uu ka soo saray Maxkmadda Caalamig ah ee Dambiyada Dagaalka wixii ka suuroobi kara”.

Midowga Afrika waxa uu walaac ka muujiyay hab dhaqanka Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Moreno Okambo  waxyana sheegeen in aysan qaadaneyn eedayaha uu soo jeediyay oo meel ku dhac ku ah guud ahaan Midowga Afrika gaar ahaana Dalka Sudan.

 Waxa uu Midowga Afrika gaashaanka ku dhuftay eedaymaha Okambo  iyo  qorshe ay Maxkmaddaasi wado oo ay ku dooneyso in ay Xafiis ka furato Magaalada Addis Ababa wuxuuna  yidhi “ waxaan diideynaa wakhti xaadirkan dalabka Maxkamada Dambiyada Dagaalka in ay Xafiis la xidhiidha ka furato Magaalada Addis Ababa  oo ah Xarunta Midowga Afrika”.

Bishii July 2009-kii ayay ahayd markii ay Makamadda Caalamiga ah ee Dambiyadda Dagaalku amartay in la soo xidho Madaxweynaha Dalka Sudan oo xiligaa ay  ku eedaysay in uu Gobolka Daarfuur ka geystay  damiyo Dagaal iyo falal ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, ma jiraan ilaa iyo hadda wax ka meel maray hadalkii xaligaa ka soo yeedhay Maxkamaddaa oo hadda laga joogo sanad.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shirkii 14-aad ee Midowga Afrika oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Adis Ababa loogana hadli doono xaaladaha Sudan iyo Soomaaliya ka jira
  2. Al-bashiir oo kulanka Doxa ka codsaday in go’aan geesinimo leh laga qaato go’anka Maxkamada Caalamiga ah ee dambiyada Dagaalka
  3. Midowga Afrika oo sheegay in ay cagta marin doonaan Argagixisada ka jirta Dalka Soomaaliya
  4. M. Afrika oo isku Raacay in la xoojiyo AMISOM
  5. Midowga Yurub oo isku raacay la Dagaalanka Burcad Badeeda

Readers Comments (1)

  1. Colonel says:

    Ya learn smoetihng new everyday. It’s true I guess!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shirkii 14-aad ee Midowga Afrika oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Adis Ababa loogana hadli doono xaaladaha Sudan iyo Soomaaliya ka jira
  2. Al-bashiir oo kulanka Doxa ka codsaday in go’aan geesinimo leh laga qaato go’anka Maxkamada Caalamiga ah ee dambiyada Dagaalka
  3. Midowga Afrika oo sheegay in ay cagta marin doonaan Argagixisada ka jirta Dalka Soomaaliya
  4. M. Afrika oo isku Raacay in la xoojiyo AMISOM
  5. Midowga Yurub oo isku raacay la Dagaalanka Burcad Badeeda

Latest Headlines