Laba inan oo Ingiriis ah oo caado ka dhigtay inay ku xadgudbaan dadka muslimiinta ah ee waayeelka ah ayaa waxay ku dileen masjid ku yaal magaalada London hortiisa oday 67 sano jir ah oo muslim ah oo ay wehelisey gabar 3 jir ah oo uu awoowe u yahay.
Kaameerooyinka ilaalada ayaa soo bandhigay muuqaalka xadgudubkii waxshiga ahaa ee ay inamadaasi ku sameeyeen muslimka waayeelka ah, taas oo ay ka muuqatey inay ku raaxaysanayeen dhibaatada ay u gaysanayeen odayga waayeelka ah oo ay ku horgaraaceen ilmaha uu awoowaha u yahay ilaa uu u dhintay dhaawacyadii ka soo gaaray.
Inamadan ayaa waqti yar ka hor waxay ku weerareen nin iyo xaaskiis oo muslimiin ah masjid kale horti. Maxakamaddu waxay ku xukuntay wiilasha midkood oo 15 jir ah afar sano iyo bar. Halka kan kale oo 14 jir ah ay ku xukuntay seddex sano iyo bar. Wiilashaan oo caadaystay falalkaan xadgudubkaa markii xukunku ku dhacay ma aanay muujin wax shallayto iyo ka xumaansho ah midna.
Waxaa kaloo inamadaan lagu qabtay xadgudubyo badan oo ay ku sameeyeen dad muslimiin ah oo waayeel ah oo ay ku sawireen kaameerada mobile-ladooda; si ay ugu faanaan dhallinyarada saaxiibbadood ah.
Muslimiinta Ingiriiska ayaa aad iyo aad uga xumaaday xadgudubyada noocaan ah ee loo gaysanayo muslimiinta waayeelkaa oo waliba lagu raaxaysanayo, la isuguna faanayo.
Waxaa xusid mudan inay dowladaha reer galbeedka iyo qalabkooda warbaahintuba caadaysteen colaadinta muslimiinta iyo in shucuubta gaalada ah lagu kiciyo ilaa arrintu ay gaartay in ubadkoodii har cad ay ku laayaan waayeel biri-magaydo ah, taas oo ka turjumaysa colaadda iyo cuqdadaha islaamka iyo muslimiinta looga qabo guryaha ay ubadkaasi ka soo tooseen iyo iskuulada ay wax ka bartaan.

Related posts:
bismilaahi waxaan u arkaa falkan mid wuxuushnimada ah mid dhamaan saamayn kuu yeelann karta dadka muslimiinta ah .
waxaan ilaahay ugabaryayayaa dadkaa wayeelka muslimka ah in uu ilaahay janadiisa ku manaysto.
kuwa gaalada ah ee faalkaas foosha xun sameeyayna in ilaah naarta ku fogeeyo.
wabilaahi tawfiiq
Somalimirror:Wilaasha mid ba la dhaha “Hamza”. Victimkodna waxa ka mid ah “mrs and mrs patel”. Marka, arintu maha mid diin ah.
Tashfin
waad foorartaa!
Inaa lilali wa ina ilah rajacun allaha u naxaristo dadki falkas sameyay alla ha ka awal marsho insha allah markan ka hadlo fikirkeyga ku aadan arinkas dowlad enland hadena diyar ka eheen arinkas ma dhici laheyn waxan ku so gabagabena hadalkeyga islamka meel walbo uu jogo allaha guleeyo amin amin amin bye
Tashfin
Ma waxaad leedahay labada gacan ku dhiigle waa shiico ama sunni oo mahan gaalo?
Hadii ay jawaabtaadu tahay haa? maxay ugu hor dileen odaygan muslimka ah masaajidka hortiisa?
Haddaad wax og tahay noo faaiidee si aan tacliigga ku habboon uga bixinno.
Falkaan isaga ah waa mid layaab leh dhalinyaro waayeel ku dheelaya sidii kubadii waxaase kaliita kuwa macbadkaas hortiisa falka kadhacay ku cibaadeysto intey ku halmaameenn (MATHALUL MUMININ FI TAWAADIHIM WA TARAAXUMIHIM KAMATHALIL JASADIL WAAXID ITHASH TAKAA CUTHWUN WAAXIDUN MINHU TADAACAA LAHUL AAKHARIIN) Allaha duleeyo cidii u gargaari weeyso ISLAAMKA & MUSLIMIINTA.
Bismilaahi raxmaani raxiim.
This shows animity of the kuffar,and how they are planning to come to an end
islam and muslims,