Side ugu diyaar garownaa Bisha ramadaan?

Published on July 28, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Allaah ayaa mahadoodhan iskaleh Nabad galyo iyo Naxariis ha ahaato Suubanaheenna SCW

kadib

Waxaan jeclahay inaan walaalahayga kala qeyb qaato is xusuusinta hababka ugu wanaagsan ee aan kusoo dhaweyn karno bishaan barakeysan

Marka hore: Isdiyaarinta nafsaaniga iyo camaliga ama shaqada ee bishaan barakeysan:

   Ducada oo labadiyo inta uusan soogalin ramadaanka ducooyinka soo aroorayna waxaakamid ah :

A-    (Allaahumma baarik lanaa fii rajab wa shacbaan wa ballignaa Ramadaan)

B-    (Allaahumma sallimnii ilaa ramadaan wasallim lii ramadaan watasallamhu minnii mutaqabalan)

v   Niyooyinka ay haboontahay in qofka uu sii nineysto intuusan imaanin ramadaanka:

Sida kusugan saxiixul muslim xadiithul qudsi ayuu allaah SXW kuleeyahay (Addoonkeyga hadii naftiisa uu ugu sheekeeyo inuu camal wanaagsan sameysto waxaan u qorayaa xasanah)

Niyooyinka larabo bishaan waxaakamid ah:

1-      In qofka uu niyeysto inuu khatimo quraanka kariimka ah dhowr jeer

2-      In qofka uu niyeysto inuu allaah u towbad keeno asagoo katowbad keenayo dunuubtiisii oodhan

3-      Inuu niyeysto in bishan barakeysan ay unoqoto bishii uu kheyrka bilaabi lahaa siina wadi lahaa kheyrkaas waligiisba insha allaah

4-      Inuu qofka niyeysto inuu bishaan sameysto ajar aad iyo aad u fara badan waayo bishaan ajarka waa la laba jibaaraa

5-      Inuu qofka niyeysto inuu bishaan hagaajiyo akhlaaqdiisa iyo habdhaqankiisa uu dadka kula dhaqmaayo dhaqan wanaagsanna uu yeesho

6-      Inuu niyeysto inuu bishaan barakeysan ka shaqeeyo faafinta iyo fahamsiinta dadka diinteena islaamka ee qiimaha badan waayo bishaan waa bil ay dadka kheyrka usoo jeedaan jecel yihiinna

Inuu niyeystaa inuu jadwal u sameysto cibaadada bishaan iyo daacadda allaah iskuna dayaa inuu jadwalkaas ku dhaqmaa 

§  Daalacashada iyo akhrinta kutubta iimaaniga ah:  waxaana loola jeedaa in qofka uu akhriyo kutubta RAQAA’IQDA ama quluubta jilciso ee bishaan ugaarka ah si naftiisa ugu diyaar garowdo bishaan barakeysan caadifad iimaani ah oo wanaagsanna uu uhelo

·        Aqri kitaabka (lataa if al macaarif) {babul wadaa if shahri ramadaan} natiijada waad arkeysaaye

·        Soon wax kamid ah bisha shacbaan wuxuu kuugu noqonaayaa diyaar garow bisha ramadaane

·        Walaal ka faa’iideyso fadaa’isha bishaan ramadaan iyo soonkeda: danbigaa lagu dhaafaa, naartaa la isaga xureeyaa, waxaa ku jirto habeenkii laylatul qadarka, oo malaa’ikta ay danbi dhaafka kuugu duceyneysay, ajarka ayaa la laalaabaa, waa bil naxariis ah waa bil la isu danbi dhaafo ka faa’iideyso qeybahaan oo dhan si naftaada aad usiiso nashaad iyo fir firconi

Dhageyso cajaladaha  muxaadarooyinka ka hadlaayo bishaan

§  Dhageyso Matalan hal cajal ama laba cajal kudhageyso guriga ama xitaa baabuurkaada waxad heleysaa natiijada insha allaah

§  Aqri ama dhageyso aayadaha ramadaanka tafsiirkooda

§  (Nala fadhiiso aan ramadaanka xasuusannee) waxaa kadhigataa cinwaan fadhi aad la qaadato dadka aad jeceshahay ee wanaaga aad ku taqaanno

v  Isku day inaad u jarto qeyb kamid ah lacagta kusoo gasho bishaan oo aad ku fuliso mashaariicda bishaan sida:

ü  Sadaqada bisha ramadaan

ü  Inaad ku gado kutub risaalooyin iyo cajalado si aad ugu qeybiso lacag la’aan

ü  Inaad ka qeyb qaadato afurinta dadka baahan

ü  Inaad aado xaramka si aad usoo gutato cumro bishaan ramadaan haday suuro gal kuutahay

Waxaad barataa FIQIGA SOONKA (aadaabta iyo axkaamta) adigoo ka baranaayo masaajidda iyo maraakizta

Tag oo ka qeyb gal muxaadarooyinka nadwooyinka iyo duruusta ku saabsan bishaan ee la qabanaayo

Gurigaada u diyaari bishaan barakeeysan ilmaha iyo xaaska ( adiinkoo kawada hadlaayo sidee ugu diyaar garownaa bishaan barakeysan)

Gaba bao: waxaan allaah ka baryaa inuu nabad nagu gaarsiiyo bisha barakeysan ee ramadaan nagana dhigo kuwo kafaa’iideysta acmaal wanaagsanna sameysto laguna daro kuwa laga xureeyo naarta Allaahumma aamiin

Waxaan kusoo gaba gabeynayaa maqaalkan gaaban ee aan ugu talo galay inaan kagala qeyb qaato walaaladeey soodhaweynta bishan barakeysan waxaan allaah ka baryayaa wixii khalad ah ee ku jiro inuu iiga danbi dhaafo igana cafiyo

Walaaladeyda akhristayaasha ahna waxaan ka codsanayaa iney igasaxaan wixii khalad ah ama toosin ah waxaan shaki ku jirin inay adagtahay in lahelo wax wada saxan oo banii aadam sameeyay inuu allaah waafajiyo mooyee

Waxaan aad iyo aad ujeclahay inaan heli wixii talo iyo toosin ah anigoo isku dayi doono inaan kaga faa’iideysto qoraalada danbe insha allaah iigusoo dir wixi talo ama toosin ah cinwaankeyga hoosta kuqoran wajazaakumullaahu kheyran         Asalaamu caleykum wr wb

Waxaa diyaariyay

  Abuukar Yaasiin Xaaji

               abuukarsom@live.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Soo dhoweynta Bisha Ramadaan.
  2. Baaq ku Aadan Bisha Ramadaan
  3. Gobolada Koonfureed ee Dalka qaar oo Bisha Ramadaan laga arkey.
  4. Axkaamta Soonka bisha Ramadaan
  5. Wax ka baddal Naftaada Bisha Ramadaan(Q 3aad)

Readers Comments (1)

  1. cawil jaamac axmed says:

    waad mahad santihiin waxaana ugu diyaar garoobeebaan si fii can adinkana faa faafin teedana si fii can ugu qayb qaata allah ajir idin ka sii yee tell: 0615573474




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Soo dhoweynta Bisha Ramadaan.
  2. Baaq ku Aadan Bisha Ramadaan
  3. Gobolada Koonfureed ee Dalka qaar oo Bisha Ramadaan laga arkey.
  4. Axkaamta Soonka bisha Ramadaan
  5. Wax ka baddal Naftaada Bisha Ramadaan(Q 3aad)

Latest Headlines