Seddex kun oo qof oo si maalinle ah isu dila

Published on July 28, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Hay’adda caafimaadka adduunku waxay sheegtay inay maalin walba is daldalaan ilaa seddex kun oo qof, taas oo tirada sannadkii is disha ka dhigaysa hal milyan oo qof.

 

Tiro-koob ay hay’addu samaysay waxay sheegtay in 45kii sano ee ugu dambaysay is dilistu ay korortay 60%. Hay’addu waxay tiri: is dilku wuxuu ka mid yahay seddexda sababood ee dadka ugu badan u dhintaan gaar ahaan kuwa da’doodu u dhexayso 15-44 sano.

 Xilliyadii hore is dilka waxaa ugu badnaan jirey ragga waaweyn, dhawaanse waxaa aas u soo kordhaya dhallinyarada is dilaysa ilaa ay noqdeen kuwa khatarta u badan haysato.

 Hay’addu waxay kaloo sheegtay in dalalka Yurub iyo woqooyiga Amerika ay sababaha u badan ee is dilku yihiin is lahadalka, walwalka iyo jirrooyinka ka dhashay isticmaalka maandooriyeyaasha.

 Waxaa xusid mudan in qofku is dilo inay tahay xaaraan, qofka ku kacana uu cadaab ku mutaysanayo iyo in aysan dhibaatadaani haysan dadka muslimiinta ah ee Ilaahay ku xiran, cibaadadana ku dadaala ee ay tahay mushkilad ka timaada diin la’aanta iyo Alle ka fogaanshaha, loona baahanayahay inay muslimiintu diintooda u soo noqdaan; si aysan u haleelin mushkiladaha ay ummadaha kale la il-daran yihiin. Sidoo kale ay aadanaha kale ugu baaqaan xaqa Ilaahay iyaga ku sharfay oo ah diinta islaamka.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Seddex nin oo god ku awdmay (Q. 19aad)
  2. Sh. Fu’aad Max’ed Khalaf“Anagu Dadka waan Nooleynaaye Ma Dilno”

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Seddex nin oo god ku awdmay (Q. 19aad)
  2. Sh. Fu’aad Max’ed Khalaf“Anagu Dadka waan Nooleynaaye Ma Dilno”

Latest Headlines