U qeybsanaha Arimaha Bini Aadaninimada Midowga Yurub oo lagu magacaabo Cristina gorgivia ayaa sheegay in ay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay ugu deeqaan 35 Milyan oo Euro si ay ugu meel mariso howlaha ay culeyska ka haystaan.
Waxa ay Cristina sheegay in Shacabka Soomaaliyeed uu dhibaato badan soo maray ilaa hadda uu wali ku sugan yahay qaar ka mid ah dhibaatooyinkii baahsanaa ee soomaray ,dadka Somaaliyeed intooda badanna ay la il daran yihiin nafaqo daro baahsan oo la soo daristay .
Waxa ay Xustay in 3.2 Milyan oo qof oo Soomaali ah ay haysato nafaqo daro waxayna tidhi iyadoo arimahaa ka hadlaysay “kharashaadkaa waxaa loo isticmaali doonaa arimaha Kaalmooyinka gaar ahaan caafimaadka ,Biyaha dib u dajinta iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah ,tirakoobto waxa ay sheegaysaa in 3.2 Milyan oo qof oo u dhigmaya 42% tirada guud ee dadka Soomaalida ah ay u baahan yihiin gar gaaro deg deg ah si ay u sii noolaadaan.
Sidoo kale waxa ay Bayaankaa Cristina ku sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u geeriyoodaan nafaqo daro la soo darista kala dhalatay cuna yarida guud ee haysata waxayna tidhi iyadoo arimaa ka hadlaysa “qaar badan oo Soomaalida ka mid ah waxa ay u tabar dhigaan cuna yarida ka heysata xagga quudka ,daryeel la’aanta Caafimaad noo suura gal ma ahan inaan iska dayno xataa hadii xaalada duruufeed ee nahaysataa ay tahay mid dhibadan khatarna leh”
Dhanka kale waxa ay tilmaantay in uu Midowga Yurub mar sii horeysay DKMG ah siiyaya 10 Milyan oo Euro taas oo ahayd si looga hor taggo abaaraha guud ee ka jira Wadamada dhaca geeska Afrika ee ay Soomaaliya ka midka tahay.
DKMG ah ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka soo yeeshay Qeylo dhaan la xidhiidha in ay u baahan tahay gar gaar si ay ula tacaasho xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku barakay dagaalada aan ujeedka cad leheyn ee Soomaaliya ka jira waxaana ugu dambeysay codsi ay DKMG ah u dirtay Wadamada Carabta oo ay ku dalbatay in bil walba loo qoondeeyo10 Milyan oo Dollar .

Related posts: