Fadeexad jinsi ah oo gilgishay kaniisadda Kaatooliga

            Jariidadda The Daily Telegraph waxay kashiftay inuu sawir qaade ka tirsan majallada Panorama ee toddobaadlaha ah ee uu leeyahay Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi inuu soo sawiray seddex muuqaal oo ay leeyihiin seddex baadari oo ku sugan club ay leeyihiin khaniisyadu.

 

          Majalladu waxay tiri: baadariyaasha midkood oo Faransiis ah, laguna magacaabo Paul wuxuu hagay QUDDAAS-kii subaxnimada, inta aanu u raacin labo saaxiibbadiis ah oo Khaniisiin ah xaflad galabnimadii ah.

           Kaniisadduwaxay kaga jawaabtay fadeexaddaas inay caddayso inay lagama maarmaan tahay inay erido seddexdaan baadari ee ku nool nolosha is burinaysa, ayna waajib tahay inay isaga tagaan baadarinimada.

           Wuxuu yiri Georgi Mall oo tafaftire ka ah majallada Panorama: baadhitaanka socday labada usbuuc ma ahayn mid looga gol lahaa in fadeexad la abuuro ee waxaa looga jeeday in la caddeeyo inay jiraan rag diinta ku dhex jira, una dhaqmaya si khilaafsan.

      Faatikaanku wuxuu xilliyadaan dambe la kulmay naqdi adag oo farabadan ka dib markii lagu tuhmay baadariyaal farabadan oo dalal kala duwan u dhashay xadgudubyo jinsi ah iyo kufsi carruureed. Qaar badan oo baadariyaashaas ka mida waxay soo gudbiyeen is casilaadoodii ka dib markay soo if baxeen fadeexooyinkii ay sameeyeen iyo dukumintiyo caddaynaya.

           Faatikaanku wuxuu ku dhawaaqay fadeexooyinkaas ka dib qodobbo cusub oo lagaga hortagayo baadariyaasha ilamaha kufsanaya iyo in la fududeeyo habka kaniisaddu ula dhaqmayso xadgudubyada jinsiga ah.

           Wuxuu yiri af hayeenka Faatikaanka Federico Lombardi: qodobbadaan cusub waxay ku saabsanyihiin sidii tillaabooyin degdeg ah oo waxtar ah looga qaadan lahaa xaaladaha aadka khatarta u ah. Tan kale sida ku cad qodobbadaan cusub Pope-ku wuxuu xaq u leeyahay inuu baadariyaasha ka xayuubiyo shaqadooda iyo jagooyinkooda diimeed iyadoon maxkamad rasmi ah la saarin ama aan lagu soo eedayn dambiyo hore. Qodobbadaani waxay kaloo dambi ka dhigayaan in baadariyaashu Internet-ka ka shubtaan maaddooyin jinsi ah.

           Bishii May ee tagtay wuxuu qirtay Pope-ka Kaatooligga Benedict XVI inay run tahay in xadgudubyo jinsi ah lagu sameeyo kaniisadaha dhexdooda, wuxuuna yiri: waxa aan arkay waa wax laga argagaxo.

           Waxaa xusid mudan in baadariyaasha Kaatooligga looga maara la’yahay kahniisnimo, dhillaynimo iyo carruur kufsi iaydoo aysan diintoodu u oggolayn xataa guurka caadiga ah!.

 Xigasho: almoslim.com



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

12 Comment(s)

  1. nimankan sheeganaya kiristaanimada hada bilow uma aha in ayna ku dhaqmin diintooda laakiin waxay ka tageen 1400 oo sano ka hor bilaash bay ka eedaynayaan nimanka is khaniisay iyo kuwa caruurta fuula ee iyagoo dhan baa dhiiqada kujira

    c/raxmaan c/salaam seeraar | Jul 25, 2010 | Reply

  2. Asalaamu Calaykum

    !!!!!! Khaaaaaakhkhkhkh!!! Uffff!!

    Walaalaha soomaalimirror:

    Waxaa la sheegaa in soomaalida qaarkood haddii ay maqlaan waxyaabaha qaarkood ay is-dooxaan!!

    Haddaba idinka ayaa ka masuul ah haddii uu qof (ciise) ah akhriyo qoraalkaan oo uu markaasna is-dooxo!!!!

    Falxado | Jul 26, 2010 | Reply

  3. to: somalimirror

    walaalayaal ma ahayn inaad waxaan soo gudbisaan, waa qoraal anshaxa ka fog, kiristaanka inuu waxooda baadil horaan u ogeyn mana ahan wax cadymo loo raadinaayo.

    Abu-hamzaa

    Abu-Hamzaa | Jul 26, 2010 | Reply

  4. marka hore waxaan salaamayaa soomaalimirror oo run ahaantii aan dhihi karo waxay kasoo waramaan wax bulshada dan u ah waanad dadaasheen waayo dad muslimiin ah oo jooga meelo aan islaamku iskuula kulahayn ayay iskuulada u hayaan dadka kaatooliga ah oo ku xidhan kaniisadahaas dadaalkiina halkaa ka wada oo baraarujiyay warmaqabtada axsantun wa jisaa ka allaah

    khadar | Jul 26, 2010 | Reply

  5. walaalayaal salaan kabacdi waxan aadsoo gudbinaysaan mahan wax la akhrisankaro waayo waxaanahay umad islaam ah oo maanunihin faatikaan marka waxaan oran lahaa wax umada soomaaliyeed wax tar uleh ukeena lkn waxaad kasheekaynaysaan waa wax damiirka qofka somali ka ah ama muslimka ah uusan ogo layn waxaan idinku baraarujinayaa inydaan wax an shaxdaro ah aad ka ilaalisaan umada somalida
    waadna mahadsantihiin iganaraali ahaada
    hadaad hadalkayga dhisataan
    waa saa

    c/waaxid | Jul 27, 2010 | Reply

  6. salan kadib walalaha dhahayo wa qalad in laso gudbiyo qoraalkan wa dad jahli yar ku jiro manta ma oga imiso aya ku so islaamtay markay arkeyb dadki ay aminsanayeyn o xumaanta ay ku jiraan marka dadka jahliga aya looga saraa .waxana aminsahaya qofka hadaladas o kale dhahana inu yahay kuwa maanta wadanka maanta qaribaayo ,allaha naga qabto shartooda ,,,

    abusomali | Jul 27, 2010 | Reply

  7. awalba ilaahbaa noo sheegay in ay lamidyihiin xoolaha oo kale bal in ay kaliitaan sababtoo waxyaalaha hadda aanu aragno xoolugu futada iskama fuulaan waan layaabanahay in dad rag ah ay guri dawlada ka sharciyaysan club ay u furtaan in ay futada iska fuulaan dawlada arintaa u shirciyaysayna waa ka darantahay xoolaha
    adinkuna somalimirror good sababtoo ah dad ayaan aqoonsanin wali kiristaanka oo waxay u qabaan in ay akhlaaq leeyihiin kadib markay arkeen dadkoodii oo lacag ugasoo diraya meelo u jeedo lagaleeyahay sida maraykanka dadkana lagu gaalaysiiyo akhlaaqdoodana lagu fasahaadiyo

    cabdisaalaam | Jul 28, 2010 | Reply

  8. tani waxay tusinaysa waxa caabuda chrismiska inay waxa kaniisadaha ujooga wada yihiin waxan waxba ahayn ee ah dadka aduunka ku nool kuwa ugu liita xitaa waxa ay ka liitan xayawaanka kan ugu liita dhankasta marka arintan waa wax tusinaysa ku waxas daba socda inay yihiin waxbayahay dadka muslimka ahna waxan kula talin lahaa inaysan waxa oo kale akhrisan oo ay tahay wax aad u akhlaaq xun oo samayn karta dadk akhristayasha ah dhanka website ka waxan ini ku waninayaa inaysan tan idin wanagsanayn inad soo gudbisan waxyalaha noocan oo kale ah oo ah wax dadka somalida ah ee musliminta ah waxay dhibsanayaan oo ku saabsan chrismiska

    sayfudiin Al- qacida | Jul 31, 2010 | Reply

  9. nacdali haku dhacdo gaalada ilaahay ayaa quraan ka kusheegay inay xaasidaan muslinka iyo diinteena macaan ee islaamka

    aasiya jaamac xirsi | Aug 8, 2010 | Reply

  10. Waa wax cadi u ah nimankan

    ALI | Aug 8, 2010 | Reply

  11. Asc dhaman kuwan lama dhihi karo waa krishtan waa cawaan ka liidada xayawaanka hadana krishtanka wax la yiraahdo hada majiran magac kaliya ayey sheeganayan waana wax laga wiswiso dhanka somaalida yanan luguso qorin

    Abu abdala | Aug 26, 2010 | Reply

  12. asc all samali mirror iyo aqristayaashooda aad baadna u mahadsantihiin war xiisa leh ee aad noo gudbiseen anaga hadii aan nahay muslimiin aad baan ugufaraxsanahay khaasaraha gaalada aakhirane cadab baa u danbeeyo badiriyada galada isuma ogolo in aay gursadaan taasina waxey markhaati ka tahay inay yihiin baadi wabilaahi towfiiq

    hanad-cade | Aug 29, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo