Mu’assasada federaliga ah ee Maraykanka ee ugu qaabilsan ilaalinta lacagaha bangiyada la dhigto waxay caddaysay xiritaanka toddobo bangi oo Maraykan ah iyo xoolohoodii oo lala wareegay, taas oo ka dhigaysa tirade bangiyada Maraykanka ah ee sannadkaan musalifay 103 bangi.
Diraasad ay jimcihii soo saartay mu’assasadu waxay odorostay in bangiyada Maraykanka ee kacaya sannadkaan dhexdiisa ay kor u dhaafi doonaan 140 bangi, waana tiradii bangiyadii kacay sannadkii hore.
Mu’assasadu waxay sheegtay in bangiyadaan toddobada ah ee hadda la xiray ay ku yaallaan magaalooyinka: Florida, Georgia, South Carolina, Kansas, Minnesota, Nevada iyo Oregon. Waxay sheegeen rag ka faallooda arrimaha dhaqaalaha in bangiyada ay haysato khatarta musallifiddu ay yihiin kuwa yaryar.

Related posts:
allah ayaa mahad oo dhami usugnaatay naxariis iyo nabad galyo nabi muxamed korkiisa ha ahaato,
waa wax la ogsoonyahay in qoon kasta oo kufriya ay ciribtooda danbe burbureyso america weyqooqeeen lakiin allah ayaa ka aarsanaya
asc wr wb salaantaas qiimaha badan kabacdi anigu waxaan u maleynayaa arintaan waa waxey galabsadeen dadka ku dhaqma ribada iyo wixii lamid ah marka waxaan oran lahaa ha latashadeen qubarada muslimka ah ilaaheyna ha caabudeen hana kabaqeen dhib ma arkayaan dabe
ilaah bey mahd usugnaatey runtii wixii kubata ribada aaqirkana weybaba ayaan marka nacalad hakudhado ribo iyo wii kushaqestaba waadna salaamantihiin dhamaan walaalaha muslimiinta