Maxada Wada hadalka ururka UWSLF Axmed Nashaad ayaa Shabakadda Somalimirror soo gaadhsiiyay Qoraal uu uga hadlayay Maxaabiista laga siidaayay magaalooyinka Addis Ababa iyo Diri Dhaba wuxuuna Qoraalkaasi u qoraa sidan
| Anigoo ah Axmed Cabdinaasir (A/Nashaad) waxaan maanta oo ah maalin weyn marka dhinacyo badan laga eego oogu bishaareynayaa dhammaan shacbka Soomaaliyeed meelkasta oo ey joogaan arrinta taariikhiga ah ee kadhacdey maanta Magaalooyinka Adisababa & Diridawa 24/7/2010 saacadu markey aheyd 2:00 Pm arrintaas oo ah in ooda laga qaadey islamarkaana ey xoriyadoodii heleen intii badneyd walaaladii kujirey xabsiga weyn ee Adisababa ragaas oo katirsanaa Ururka UWSLF kuna xukunnaa xukunno isugujira Dil iyo Xabsi daaim waxeyna kala yihiin: 1-Muj: Maxamed Xassan Mxamuud (Duulane) 2-Muj:Maxammed Maxamuud Faarax (Maxamed Xaq) 3-Muj:Maxamed Axmed Cabdullahi (Abuu Jandal) 4-Muj:Maxamed Cilmi Liibaan (Abu Dar) 5-Muj: Ibraahiim Xassan Naaleeye (Naaleeye) 6-Muj:Muuse Cabdullaahi Xassan 7-Muj: Cismaan Axmed Yuusuf Maadaama oon ahaa madaxii wadahadaladii nabadeed ee dhaxmarey Ururka UWSLF iyo Dawlada Fedaralka Itoopia waxaan halakan kucadeynayaa oon munaasabadan qaaliga ah ooga faaiideysanayaa arrimahan : 1- Ayadoo Ururka kudhaqmayo waajibaadka sharciga ah iyo masuuliyadii naga saarneyd (soodeynta) qaofka Asiirka ah ayuu Ururku waligii hiil iyo hooba lagarabtaagnaa walaaladaas 14 kii sano ee ey kujireen xabsigaa waxuuna dabooli jirey baahiyahooda intii awoodu saamaxdey: kharashka walaalada iyo ilmahooda, kharashka looyaradii udoodi jirey, daryeelkooda caafimaad IWM. waxaana ilaa hadda Alle ogolaadey siideynta boqolaal maxbuus oo isugu jirey UWSLF, ONLF iyo Siyaasiyiin Madaxbaan. 2-waxaan halkan kacadeynayaa in arrinta soodeynta walaaladaas maanta lasiidaayey ey aheyd qodobkii oogu adkaa wareegyadii wada xaajoodka labada dhinac sababo badan oo kuxeeraa awgood. 3-Arrinta walaalada iyo sidii ey xoriyada kuheli lahaayeen waxey aheyd arrin aad iyo aad xaga damiirka dhib badan noogu heysey waxaana xaqiiqa ah in uusan dhadhan yeesheen heshiisk nabdeed ee lagaadhey ilaa hadana inta hal qof kuhadhey xabsiyada waa xanuun taagan. 4-waxaan halkan kacadeynayaa in maalintii ragaasi gacangaleen 4/11/1996 iyo maanta oo xoriyadoodii heleen 24/07/2010 in ey yihiin labadii maalmood ee oogu xanuun iyo farxad badnaa taariikhda nolasheyda Axmed ahaan waana hubaa in Ururku kawada sinaa dareenkaas. Allane waxuu ogyahey in aan waligeey kafikiri jirey sidey xorriyadooda kuheli lahaayeen aniguna sababta soodeyntooda Gacan oogu yeelan lahaa waana mida maanta dhacdey walillaahi alxamdu. 5- Anigoo kuhadlaya magaca gudigii UWSLF ee wadaxaajoodka, Magaca Gudoomiyaha, magaca Ururrka waxaan halkan Mahad balaadhan kaga mahdinhayaa Allaah oo suura galiyey soodeynta walaalada. kadib waxaan umahadcelinayaa dhammaan dadkii sida wanaagsan ooga qeybgaley furdaaminta siideynta walaalada gaar ahaan Gudiga wada xaajoodka Dawlada Dhaxe, Gudiga Amniga Qaranka Federalka ee arrinta qalinka kuduugey, Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar ,Gudoomiyaha Ururka haya talada DDS mudane C/fataax Sh C/hi iyo Madaxa Xafiiska Maxaabiista UWSLF mudane Nuur Shaafi Maxammed iyo Dhamaan ehelada iyo Asxaabta walaalada oo si sharaf iyo Iimaan leh kusabirsanaa. 6-waxaan markale usheegayaa shacabka S/galbeed in aan waxii awoodayada ah kudadaali doona in dhammaan walaalada kuhadhey xabsiyada aanan kadaaleynin soodeyntooda anagoon ukala eegeynin magaca siyaasadeed ee ey uxidhanyihiin. BAAQ INSAANINIMO waxaan halkan baaq bini aadam nimo ooga jeedinhayaa walaalada Masuuliinta ONLF ee kunool Dalalka Rer Galbeedka, gaar ahaan garabka aan nabada qaadan in uu il naxariiseed oo islaamnimo iyo bini aadan nimo kujirto in uu ku eego xaaladaha naxdinta leh ee uu kusigan yahey shacabku ee dhanwalba leh si guud iyo dhibaatada maxaabiista ubadan ONLF oo ey kusoo dhawaadaan wadada nabada dareemaan xanuunka dumarka, Odoyaasha iyo buktada xabsiyada kutabaaleysan oo ey sabab unoqdaan in caruurta iyo waalidiintoodu maalin farxad leh kulmaan. AXMED NASHAAD Gudoomiyaha Golaha Shuuradda UWSLF |

Related posts:
Masha Allah
Waa khabar lagu diirsado. Keliya halaga daayo ereyga Mujaahid ee laga hormariyey magacyadooda si aysan u noqon tazkiyo joogta ah. Waa jihaahdeen laakiin waa magac laga baqo in loo akhrin karo is tustusid
Maxmed Cumarna baroorta ha dhaafo
asc walaalayaal marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada islaamka ah gaar ahaan kuwa ree soomaaligalbeed gaar ahaan ururka uwslf oo iyagu ah kuwa utaagan wax uqabadka shacabka ree soomaaligalbeed waxaana taa daliil u ah waxa shalay kadhacay magaalooyinka adis ababa iyo diri dhaba ilahayna waxaan ooga baryaynaa in ukuguulaysiiyo howsha aywadaan waxaana lee ahay walaalayaal hakadaalina howsha aad wadaan midakale waxaan rabaa in aan meeshan baaq ooga jeediyo ururka onlf garabka maxamed cumar waxaana leeyahay walaalayaal udaneeya shacabkiina kuna soo biira talaabada nabada ee ay wadaan mujaahidiinta uwslf waxaadna ogaataan sida aad hada kujirtaan sina kama xuma dalna kuxoraynmaysaan ee dadkiina udaneeya
marka hore waan idin salaamay bahda webseedka somalimirror.com marka labaad walaal waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay hawshaas geesi nimada ah ee ay sameeyeen ururka uwslf ee sababtay in ay soo daayaan walaalaha ku kala xukunaa xabsi daaim iyo dil aalahu akbar alahu akbar maansha alaah
bishaaro bishaaro waxaan aad ugufarax sanahay talaabada ayqaadeen mujaahidiinta soomaaligalbeed tanina waatii iigu farxada bad nayd ee isoomar ta aduun kay ragii walaalaha ahaa ee jihaad ka kasooqayb qaatay ayaamaan ta lasiidaa waabi shaaro waabishaaro mahad ilaahay kadibna waxaan umahad celin haynaa sheekh ibraahim maxamed xuseen
waguul osohoyatay dhamaan dadka islaamka khas ah aan dadka kudhaqan dhulka somali galbwwd wana uguhan balyanayna wada hadalka somali galbeed wana gulihi wayahanba shacabka farax galinayay
waxaa is waydiin mudan
ina sheekh muumin wadaadkii laangadhaha ahaa ee dacwada ka wadi jiray horaantii sagaasha meeyada ee xabashidu xidhay miyuuna
idinka ahayn jabhaddinan
maxaad ugu dacwoon la’dihiin
wali idinkoo ka hadlaya ma maqlin e