Qisadii Safarka saddex dhallinyaro ah
By SomaliMirror on 24 Jul, 2010 8:44 AM in Kulanka ducaadda, Madadaalo, Maqaallo
Qore: Axmed Cabdullaahi
(25+25+25=75)
Saddex wiil ayaa u safray wadan aad u fog, waxayna dageen guri aad u dheer oo kakooban 75dabaq, waxayna dageen dabaqa u sareeya ee 75naad. Waardiyihii Daarta ayaa u sharxay nidaamka dagenaanta guriga, wuxuuna ku yiri; halkan waxaa kajira nidaam ka duwan, kan kajira wadamadiina.
Wiishka Daarta lagu fuulo 10.00 habeenimo ayuu otomatik isu xiraa, waxaana laga xukumaa meel fog oo haduu mar is xiro cid furi kartaa ma jirto!. Marka waa inaad soo dheelmataan kahor 10.00 habeen-nimo, wuxuuna ka codsaday inay warkaas si fiican u fahmaan, waxayna u adkeeyeen inay fahmeen.
Habeenkii 1aad way soo dheelmadeen 10. kahor, laakiin habeenkii 2aad bay tamashlayntii la dheeraatay, waxayna yimideen iyagoo aad u ordaya 10. iyo 5daqiiqo, albaabkiina jaa waa xirmay. Halkii bayna oohin iyo qaylo ka dhaqaaqeen, waxayna weceen qofkasta oo ay u maleeyeen inuu Daarta u furi karo, laakiin faaiido la´aan. Markay quusteena waxay ku heshiiyeen inay Daarta ka fuullaan jaranjarta ilaa iyo dabaqa 75aad, waxayna ku heshiiyeen inuu mid waliba uga sheekeeyo Qiso dheer oo xiisa badan oo soconaysa inta ay fuulayaan 25dabaq, si ay isu hilmaan-siiyaan Daalka iyo jilba xanuunka.
Kii 1aad wuxuu yiri anu waxaad idiinka sheekayn qisooyin marqaan badan, oo qosol idinku dilaya ilaa aad is illowdaan, oydaan Daalba xasuusanin!. Wuuna u sheekeeyay ilaa ay Qossol ku dhiman gaareen, waalina ku dhawaadeen, Daarta oo dhana laga maqlay qossolkooda iyo qayladooda ilaa ay ka-gaareen dabaqaii 25aad.
Kii 2aad wuxuu yiri anu mahayo sheekooyin lagu waasho, balse waxaan idiin hayaa dhacdooyin run iyo xaqiiqo u badan, oo taa-banaya nolosha dhabta ah iyo dhacdooyinka waayaha. Maxaa lagud-boon qofka raba inuu Guul iyo horumara gaaro, ama wax fiican samaysto iwm. Wuuna u sheekeeyay isagoo siiyay tusaalooyin, waanooyin iyo dhacdooyin fara badan, ilaa ay kasoo gaareen dabaqii 50aad.
Kii 3aad wuxuu yiri anu waxaan idiin hayaa qisooyin ka samaysan dhib xanuun iyo wareer, maxaayeelay waad soo maqasheen sheekoo-yinkii qosolka iyo madadaalada, kuwii dhabta iyo xaqiiqada intaba. Marka ani waxaad iga sugtaanba waa sheekooyinkii xanuunka iyo dhibka. Labadii kalana waxay dheheen; Soodaa maxaayeelay waxaaban rabnaa inaan gaarro Gurigeenii inagoo naga-batay Daalka iyo fikirku, kadibna aan dhakhso seexano! Wuuna uga sheekeeyay ilaa ay kasoo gaareen dabaqii 75aad, iyagoo Daal la dhiman raba.
wuxuuna ku soo dhameeyay; qisada ugu danbaysa uguna kharaarka badana; WAA INAAN FURIHII GURIGA KUSOO ILOWNAY WAARDIYIHII DABAQA 1AAD JOOGAY, EE AAN FURAHA WIISHKA KA RABNAY! SADDEXDIINA WAA LA MIYIR DABOOLAY, WAXAYNA KU SIGTEEN INAY NAXDIN LA DHINTAAN!
Qisadu waa mid xanuun badan, oo laga naxo balse waxay ku saabsan tahay xaqiiqada nolosha bani aadamka ee caadiga ah. Oo hadaan u qaybino nolosha qofka 3qaybood waxay noqonaysaa 25+25+25=75, intaasina waa cumriga sare ee uu qofka caadiga ahi gaari karo. Oo Rasuulkeenii (scw) wuxuu inoo sheegay umadiisa cumri dhexaad-keedu inuu yahay inta u dhaxaysa 60 iyo 70, in yarina ay halkaa dhafi karto.
Hadaba maxay kala-yihiin sadexda qaybood? Waxaa badan in dadku ay; 25sano ee dhalin yaranimada ku nool yihiin; nolol u badan ciyaar, qosol, fikir la´aan, madadaalo iwm. Waana wakhtiga uu qofku ugu xoogbad- yahay, ugu firifircoon yahay, haduu dhinaca khayrka u jeedsadana uu wax badan qabsan karo. 25sano ee xigta inta badan waxaa lagu mashquulaa noloshii dhabta ahayd; shaqo raadin, Guur raadin, reer samayn, ilmo dhalid iyo korin, waa wakhtiga tabcashada iyo dhibka nolosha lagu mashquulo.
25sano ee xigtana waxaa bilaabata dhibaatada caafimaadka; xanuun badan, tabar darro badan, daawo qaadasho fara badan iyo in da´da laysku noco oo shaqada loo-diido qofka ay Da´diisu 50sano kor u dhaaftay. Dhinaca kalana Ilmihii oo dhibkooda ayaa sii bata, mid shaqo la´aan ah, oo Biil u bahan, mid guur u baahan, mid lasoo furay, mid wax haleeyay oo u baahan in dhib laga badbaadiyo iwm. Waxaana bilaabata inuu qofku ukala wareego Isbitaalada isagoo ladagaa-lamaya xanuuno badan oo soo weeraraya. Waana waqtiga uu qofka Caqligiisu dhamays-tirmo, xaqiiqada noloshana si xeel dheer u dareemo, aadna uu u badiyo shalaytada iyo maxaan waxaa u qabsan waaya, maxaan sidaa u samayn waayay, maxaan waxaa u qalday iwm?
Qisada waxaa u danbaysay uguna xanuun badnayd inuu dhalinta kii u danbeeyay yiri waxaan hoos kusoo ilownay furihii Guriga! Taasi maxay ka dhigan-tahay? Jawaabtu way sahlan-tahay, oo dadka badan-koodu markay da´yarta yihiin waxay iloobaan ama dhinac maraan Diinta Rabbi (swt) qaada-shadeeda, ku dhaqankeeda, wax u qabadkeeda, u Jihadkeeda. Taasina waxay lamid tahay qof kasoo tagay Furihii uu Gurigiisa/ Qabrigiisa ku gali lahaa, raalli ahaan-shaha Rabbina (swt) ku mudan lahaa uu kasoo dhumay, goobtiina yimid isagoo fara maran oo aan fure haysanin. Waxaana dhab ah qofkaasi inuu lakul-mayo xanuun, dhib, ceeb iyo naxdin iyo shlayto fara-badan.
Taasina waxa naxasuusin kartaa; Xadiiskii uu Nabigu (scw) inoo sheegay in maalinta Qiyaamada ay jiraan 7tilmaamood oo dadka wataa ay harsan doonaan hooska Rabbi (swt) waxaana kamid ah, qof dhalin yar oo kusoo barbaaray Alle (swt) kacabsi, Iimaan iyo khayr, oo aan soo marin waqigii waalida, madadaala, haw-raaca, Diin ka-fogaanta iyo qiimaha arintaasi leedahay.
Daabaco
Waa qiso lagu cibroqaato ee ha la akhristo. Qoraagu waa ku mahadsanyahay dadaalkiisa.
Faarax Aadan | Jul 24, 2010 | Reply
waa qiso aad u cajiib badan
abdulai Hassan | Jul 26, 2010 | Reply
waa qoraa cabqari ah ilaahay khayrka hana waafajiyo arkayna xaalada umadu ku jirto rabigu ha ku xifdiyo
Hassan | Jul 26, 2010 | Reply
Asc dhaman inta so qortay qisadan cajibka ah ale hanaga dhigo ku ku cimir qato amin
Dholey | Jul 26, 2010 | Reply
Wa qiso dhabta ka hadleso ninki qorana alle swt ajar haka siyo
Bashir | Jul 27, 2010 | Reply
Waa qiso qiima badan ku fadhida , oo mudan in waxay na fartay la qaato waxay reebtayna laga reebtoonaado …
Soomaalidu waxay tiraahdaa saddex ILAAH waa karaa se ma aqbalo waxaana ka mida:-
ILAAHOOW CAMAL FALAN MAYEE HA I CADAABIN …
Dhalinta waqtiga ha laga faa’iidaysto, HALI GELIN BAY CEEL JOOGTAAYE , intaad dhaylada tihiin diinta si fiican ha loo barto ….
THANK YOU SO MUCH WRITER DR:AXMED CABDALLA
Cabdalla Cabdisalam | Jul 27, 2010 | Reply
Manshaalah ilahey qayrka hana wafijiyo sidokale waxan mahad celin bokaadin leh udiraya qoraaga
Wanaag | Aug 19, 2010 | Reply
Asc masha allah kheyr allaha siiyo qoraaga anaguna hana ka dhigo kuwi ku cibro qaado aamin
Abu abdala | Aug 22, 2010 | Reply
Daadir
Cabduqaadir | Aug 23, 2010 | Reply