Maraykanka oo sheegay in ay saacidi doonaan Ciiadmada Afrikaanka ah ee Soomaaliya la geyn doono

Published on July 21, 2010 by   ·   2 Comments   ·   print

Ma’uuliyiin ka tirsan Ciidanka Maraykanka ayaa maalinimadii shalay ahayd ku dhawaaqay in ay diyaar u yihiin in ay diyaar u yihiin in ay saacidaan Ciidamada Nabad ilaaliyayaasha ah ee loo dirayo Soomaaliya si ay meesha uga saaraan Xoogaga kacdoonka wadda .

Mas’uuliyiintaa oo ka tisan laanta Sirdoonta kee MAraykan ayaa ka digay xidhiidhka sii faafaya ee ka dhaxeeya Xarakadda Shabaabul Mujaahintiin iyo Ururka Al qaacidda ,waxayna xuseen in Geeska Afrika uu mudada soo socoto noqon doonaa meesha ugu dhibka iyo khatarta badan ,waxayna intaa ku dareen in Xukuumadda Madaxweyne Obama ay arintaa u dajisay Isaraatiijiyad.

Ganeral William Ward oo ah madaxa Ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in Ciiamada Midowga Afrika uu u dirayo Soomaaliya ay ka saacidi doonaan dhinacyo badan kuwaas oo uu ka xusay in ay ka mid noqon doonaan is waydaarsiga macluumaadka ,tabarbridda Askarta iyo dhanka gurmadka.

William waxa uu sheegay isagoo ka hadlay qaabka ay u saacidayaan ciidamada Afrikaanka ah ee la geyn doono Soomaaliya  xiligaana sharaxaad siinayay Xarunta Diraasadka Istaartiijiga Caalamiga ah ee Washington waxa uu yidhi “waxaan uga la shaqen doonaan qaab si hoos ah waxyaabaha naga khuseeya dhinacyada gurmadka ,tabbaridda ciidamada iyo is dhaafsiga Macliimada , waxaaana wadaynaa sidii aan arintaa u xoojin lahayn una heli lahayn xog  lagu burburin karo xoogagaa kacdoonka wada”

Isaagoo ka jawaabayay la waydiiyay oo ahayd in diyaaradaha basaaska ah ee dul wareega hawada Soomaaliya ay ka dhigan yihiin xog raadin ayuu William kaga jawaabay “ taasi qeyb kama ahan saaciditaankayaga wakhtigan … dhamaan waxyaabaha la dooran doono waa kuwo hadda la diraasaynayo”.

Mas’uul kale oo ka tirsan laanta la dagaalanka Agagixisada ee Maraykanka didayna magaciisa in la sheego ayaa xusay in ay suura gal tahay in ciidamada tagi doona Soomaaliya ay goobo kala duwan ka dagaal gali doonaan.

Mas’uulkaa magaciisa qariyay ayaa shegay in ay adag tahay sida loo kala saari kale Al shabaab iyo Al qaacidda wuxuna yidhi “way adag tahay in  la ogaado waxybaahaha kala xuduudeeya labadaa Kooxood  si wada jir ah ayay u tababartaan si wada jir ahna way u dagaalamaan waxayna ka midaysan yihiin abuuritaanka khalalka, Karaahiyadda iyo xag jirnimadda ,sidaa darteen waxaa muhum ah inaan u dhaqaaqno si aan u tirtiro”.

Maalmihii la soo dhaafay ayay ahayd markii ay wadamo kala duwan oo Afirkaan ahi balan qaadeen in ay Soomaaliya u soo dirayaan ciidamo sidoo kalena ay tiriri doonaan xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxana la saadaalin karin sida ay isku badali doonto Xaaladda hadda ka jirta Dalka Soomaaliya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Madaxa CIA-da Maraykanka oo sheegay in Soomaaliya & Yaman ay noqon doonaan Gabaadyada Mustaqbalka ee AL-Qaacida
  2. Rushka & Maraykanka oo sheegay in ay si midaysan wax ugu qaban doonaan Burcad badeeda
  3. Midowga Afrika oo sheegay in ay cagta marin doonaan Argagixisada ka jirta Dalka Soomaaliya
  4. Maraykanka oo sheegay in uu Qorsheynayo in uu gudaha Soomaaliya kula dagaalamo Dagaalyahanada Ajinabiga ah
  5. musafani oo ku baaqay in ciidamda afrikaanka ah ee soomaaliya jooga 20 kun la gaarsiiyo

Readers Comments (2)

  1. abuxamsa says:

    Maraykanku wili madaalin miyaa, miskiin intee dal ayuu balan qaaday inuu caawinayo, malimba malinta kadambeysa wuu siikacaya, mardhowna aduunka dhan ayuu leeeyahay anigaa idin cawinayaa si aad alqaacida ula dagaalantaan, waxan leenahay wili wad malimba wadan ban tagaynaa, adna dheh wan caawinayaa.

  2. Ibnu_saxwah says:

    ?????? ????? ????? ???? ???????
    welcome hell




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Madaxa CIA-da Maraykanka oo sheegay in Soomaaliya & Yaman ay noqon doonaan Gabaadyada Mustaqbalka ee AL-Qaacida
  2. Rushka & Maraykanka oo sheegay in ay si midaysan wax ugu qaban doonaan Burcad badeeda
  3. Midowga Afrika oo sheegay in ay cagta marin doonaan Argagixisada ka jirta Dalka Soomaaliya
  4. Maraykanka oo sheegay in uu Qorsheynayo in uu gudaha Soomaaliya kula dagaalamo Dagaalyahanada Ajinabiga ah
  5. musafani oo ku baaqay in ciidamda afrikaanka ah ee soomaaliya jooga 20 kun la gaarsiiyo

Latest Headlines