Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna korkiisa ha ahaato.
BOOQASHOOYINKII DACWADEED EE SWEDEN SH. M. UMAL IYO SH.M. IDRIS
Somalimirror.com/Goteborg-Sweden
Labada Daaci ee Soomaaliyeed eecaanka ah, Sh. M. Cabdi Umal iyo Sh. M. Idris Axmed ayaa booqashooyin dacwadeed ku maray meela ka mida dalka Sweden ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee qurbaha ku badan tahay.
Labada Sheekh ka dib markii ay ka qayb galeen Shirweynihii 18aad ee Jaaliyadaha Scandinivia, ayey Muxaadarooyin u tageen Magaalooyinka Goteborg, Caasimadda 2aad ee dalka Sweden oo Jaalid aad u badan oo qadiim ahi degantahay, Markas weyn oo Soomaalidu Gaday Muslimiintoo dhanna Saldhig u ahina ku yaal oo la yiraahdo, Markaska Ahlu Sunnah ee Goteborg Imaamkana uu ka yahay Sh. Yusuf Axmed.
Shirweynaha oo Sanadkan lagu qabtay Magaala madaxda Sweden (Stockholm) amase sida loo yaqaan (Magaala Madaxda Scandinavia) (The Capital City of Scandinavia)Intii u dhexeysey 1-4 July 2010. Waxaana kasoo qayb galay Muxaadaraadna ka jeediyey Culimo iyo Ducaad Si weyn looga yaqaan guda iyo Dibadda Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen: Sh. Maxamed Cabdi Umal, Sh. Mustafa Xaaji Ismaaciil, Sh. Muxamad Idris Axmed, Sh. Dr. Cali Maxamed Saalax, Sh. Cabdiraxiim Abul cayneyn, Sh. Yusuf Axmed, Sh. Cabdiraxmaan Abyad, Muxaadarooyinka qaarkoodna waxaa lagu tebinayey TV Universal si Toos ah, oo boqolaal kun daawanayaan, waxaa kaloo lagu tebinayey barta internetka sida boga Masjidka Stockholm, iyo Halgan iyo Somali Islam, sidoo kalena Paltalk ayaa tebinayey, waxaana shirweynaha sanad walba kasoo qayb gala in kabadan 3000 oo qof oo saaxadiisa soo xaadira, dhammaan Muxaadaraadkiisana waxaa duubta Somali Media.
MUXAADARAADKII OREBRO IYO GOTEBORG
Shirka ka dib ayaa Sh. M. Umal iyo Sh. M. Idris wexey Booqasho ku tageen khamiistii 8 July 2010 Magaalada Orebro oo Sh. Umal Habeenkaa soo gaarey Sh. Idris galabtii khamiista. Wexeyna jeediyeen Muxaadarooyin iyo Kulamo dadweynaha iyo dhalinyarada, Soomaalida iyo Carabta, waxaana galabtaa u badnaa Sh. Umal oo ay ahayd habeenkii ama aroortii jimcaha inuu ka tago magaalada si uu khudbada jimcaha uga Jeediyo, Masjidka weyn ee Goteborg, Halka Sh. Idrisna ku haray Orebro si Khudbadda Jimcaha uga jeediyo, Sabtidana ay labada sheikh uga qayb qaataan nadwooyin iyo Muxaadaraad laga qaban qaabiyey Goteborg. Sidaas ayuuna barnaamijku u dhacay ilaahay fadligii sidii loogu tala galay.
NADWOOYINKII GOTEBORG
Maalintii sabtida 10kii July 2010 Labada sheikh wexey ka qayb qaateen Nadwo Luqada Carabiga ku baxday oo Cilmiga ku saabsanayd, Galabnimadiina wexey ka qayb qaateen nadwo afsoomaali ahayd oo aad loo soo buuxiyey rag iyo dumar, kana hadleysey, Mushkiladda Soomaaliya dhibaatooyinka sababtooda, marxaladehey soo mareen, iyo Xalka meesha uu ku jiro, waxaana labada nadwaba maaraynayey Sh. Yusuf Axmed, Imaamka Masjidka Ahlu Sunnah ee Goteborg.
Wexey labada sheikh si xeel dheer uga hadleen Mushkiladda Soomaaliya ka taagan, wexey farta ku fiiqeen asbaabaha dhibka keenay oo dhamaantood salka ku haya ka fogaanshaha Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Nebiga calayhi salaatu wasalaam, nidaamyadii Soomaalidu qaadatay kadib bixitaankii Isticmaarka, sida nidaamkii Dimuqradiga iyo kii Shuuciyadda, dilkii Culimada iy cadaadiskii diinta la saaray iyo ehelkeeda. Wexey kaloo Culimadu si qota dheer u falanqeeyeen, aayadaha Qur’aanka iyo Sunnada Nebiga Calayhi salaatu wasalaam iyagoo ku ifinaya, wexeyna farta ku fiiqeen asbaabaha dhibka manta taagan, sida khilaafka iyo furqada Soomaalida dhexdeeda, heshiin la’aanta ummadda dhexdeeda, qabyaaladda, iyo faragelinta shisheeyaha.Wexeyna ummadda ugu baaqeen Tawbad keen dhaba, iyo midnimo, iyo wax isu ogolaanshaha, iyo isu tanaasulka iyo isu dhimrinta. Wexey kaloo ka hadleen dagaalada Soomaaliya ka socda, qaybaha la kala yahay, iyo waxyaabaha kaga aadan dadweynaha Muslimka ah. Ka dibna wexey ka jawaabeen su’aalihii dadweynaha.
W/Q: Sh Muxamad Idris
E-mail: hayaan@gmail.com

Related posts: