بسم الله الرحمن الرحيم
Aadaabta maalinta Jimcada
Maalinta Jimcada waxey leedahay ahmiyad qaas iyo fadaail qaas sidaan ku soo marnay maqaalkeeni kan ka horeeyey. Hadeer waxaan ka hadli doonna aadaabta salaadda Jimcada iyo muhiimmadeeda, si ay walaaleheen muslimiinta iskaga ilaaliyaan qaladaadka lagu dhaco una helaan ajarka maalintaan fadliga badan.
Muslimiinta qaar ka mid ah wey ilaaween maalintaan fadligeeda ama wey is ilowsiiyeen maxaa dhahay waxaad arkeysaa dad badan oo ihtimaam an siineynin maalintaan oo isku diyaarineynin sidii loogu baahnay saas darteet walaleheen waxaan xasuusineenaa:
Waajibaadka iyo sunnoynka maalinta Jimcada:
· Waxaa waajib ku ah raga muslimiinta in ey tukadaan salaadda Jimcada waqtiga salaadda duhurka. Nabiga wuxuu yiri: ”Jumcada waa waajib saaran qof kasto oo muslim ah asagoo ku tukanaayo jamaacad aan ka eheen 4 qof: Adoon la leeyahay ama dumar ama ilma yar ama qof xanuunsan” Nisaaii (saxiix)
· Markuu uu imaamku khudbaynaayo waa mamnuuc in la hadlo sida uu yiri nabiga: ”Hadaad ku tiraahdo saaxiibkaa maalinta Jimcada aamus asagoo imaamku khutbaynaayo waxaad la timid laqwi (dambi)” Buqaari iyo Muslim
· Waxaa u banaan in imaamku la hadlo qaar ka mid ah dadka dhageysanaayo sidoo kale waxaa banaan in dadka dhageysanaayaan la hadlaan imaamka hadii wax dani keento.
· Hadii uu qof soo galo asagoo imaamka ku jiro khutbada, wuxuu fadhiisanaaya markuu tukado 2 rakcad oo fudud kadib
· waxaa sunna ah in la qubeysto oo la xirto dhar cad lana is catareye gaar ahaan markii loo socdo salaadda Jimcada
· Waxaa fiican in loo kalaho masjidka salaadda ka hor, laguna mashquulo dikriga Alle iyo salaad sunno iyo quraanka ilaa uu ka soo baxaayo imaamka
· Waxaa sunna ah in maalintaan la aqriyo suuratul kahf, Nabiga wuxuu yiri: ”Qofkii aqriyo suuratul kahf maalinta Jimcada waxaa laga ifinayaa nuur lugahiisa hoostoot ilaa cirka meesha uugu sarreyso oo ifayo maalinta qiyaamada, waana loo dambidhaafaa labada jimca inta u dhaxeyso.” Xaakim iyo Bayhaqi (saxiix).
Wa akhiru Dacwaana Alxamdulilahi Rabil Caalamiin
Golaha Ducada Soomaaliyeed
28/7/1431
10/7/2010

Related posts:
Ajar Ilaahay ha idinka siiyo, faaidada casharka, hana idin waafajiyo fadiilada jimcaha, hana idiin aqbalo ducada inta ka faa’iidaysata, hana idiin saaro miizaakiinna xasanaatka.
Fadlan badiya duruusta cilmiga leh oo faaiidaynaysa adduunkeenna iyo aakhiradeenna.
AllE ajir iyo xasanaad idinka siiyo.