Carabta iyo af carabigu ma ajnabibaa? (qeybta 1aad)

Published on July 12, 2010 by   ·   10 Comments   ·   print

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

 

            Inkastoo ay horey u jireen dad ku hawlan in shacabka Soomaaliyeed la kala fogeeyo iyo in laga fogeeyo diintooda iyo dadkooda, haddana waxaa beryahaan soo xoogaysanaya dadka ka doodaya magacyada carbeed ee dadkeenu la baxaan ama ay u baxshaan goobaha iyo hay’adaha ay qadarinayaan. Waxay kaloo buuq iyo dicaayad farabadan ku hayaan luqada carabiga iyo manaahijta waxbarashada ee af carabiga ku baxda. Golayaasha shacabka iyo hay’adaha loo yaqaan sharci dajintuna kama nastaan loolan adag oo dhexdooda ah, kaas oo rag ku doonayaan in la tirtiro qodobka distuuriga ah ee afka carabiga uga dhigaya dalka luqad rasmi ah. Waxaa kaloo jira rag kulan kasta doonaya inay shacabkeena luqadihii gumaystayaasha ku kakabiyaan oo uga dhigaan luqao rasmi ah[1].  Rag kale oo aan ishooda mudac marin baa iyana har cad isla soo taagay in shacabka Soomaaliyeed uusan carab ahayn ee uu u dhashay Cushitic!.

           Intaa waxaa dheer in hay’adaha samafalka iyo kuwo waxbarashada ee carbeed loo baxsho ajnabi, laguna tuhmaysto iyaga iyo ciddii xiriir la yeelataba argagixisanimo. Waxaan intaa ka hawlayarayn in qofkii  carab ah ama muslim kale ah oo dalkeena yimaada loola dhaqmo sidii cadawgii halka gaalada dalkay doonaan ha u dhasheene gacmo furan lagu soo dhaweynayo. Tillaabooyinkaas oo dhammaan u  muuqda kuwo lagu doonayo in shacabka Soomaaliyeed lagaga fogeeyo diintooda, afkooda aabbe iyo ummadda carbeed oo ay diin iyo dhalashaba wadaagaan. Haddaba si aynu u ogaano in carabta iyo af carabigu ajnabi ina ka yihiin iyo in kale aynu marka hore eegno xiriirka Soomaalida kala dhexeeya carabta iyo af carabiga.      

 Islaamnimada iyo af carabiga

             Soomaalidu 100% waa muslimiin, islaamnimadana aad bay u jeceshahay. Waxay kaloo jeceshahay wax kasta oo islaamnimada xiriir la leh oo ah dad, dal iyo afba. Haddaba aynu wax ka tibaaxno arrimahaas:  

1. islaamka waxaa saldhig u ah Qur’aanka iyo Xadiiska nabiga (scw) oo labaduba af carabi ku soo degay, kuna qoran. Qofka muslimka ahina kama maarmo in uu akhriyo, uuna fahmo hadalka Ilaahay iyo kan rasuulkiisa; si uu ugu dhaqmo, jiilalka dambena ugu gudbiyo. Taasi waxay keenaysaa in shacabka Soomaaliyeed meeshuu doono ha joogee jeclaado, kuna dadaalo barashada iyo faafinta afka carabiga.

2. Waxaa ku qoran afka carabiga culuumtii islaamka ee kala duwanayd, sida: tafsiirka Qur’aanka, sharaxa xadiiska, axkaamta fiqhiga ah, caqiidada, akhlaaqda, siirada nabiga (scw), taariikhda islaamka iyo suugaanta carbeed oo inta badan xambaarsan dhaqankii islaamka. Qofka ama bulshada aan baac ku lahayn afka carabigana waxay ka qadayaan dhaxalka ballaaran ee islaamka.

 3. Waxaa kale oo qofka muslimka ah u baahanyahay in uu ka barto afka carabiga qadar ugu filan salaadda, adkaarta (wardiga), istiqfaarta iwm. Qofkii intaas baran waayana cibaadadiisa oo salaaddu ugu horrayso ayaanba ansaxayn.

 4. Diinta islaamku waxay u soo dagtay in ay xaqiijiso danaha adduun iyo kuwa aakhiro ee addoomada, ayna ka hortagto wax kasta oo addoomada adduun iyo aakhiro dhibaya. Taa macneheedu waxaa weeye in dadku fahmaan, kuna dhaqmaan waxa diintoodu fartay, ayna ka dheeraadaan waxa ay ka reebtay; si ay u gaaraan wanaagga ay la doonayso. Mana suurtoobi karto in dadku hirgaliyaan wax aysan fahamsanayn. Fahamka diintana afka carabigu saldhig buu u yahay.

 5.  Dhinaca kale islaamnimadu ma sii jiri karto haddii aan bulshada laga dhex helin dad aqoon sare u leh af carabiga oo diinta si buuxda ugu fahma, ka dibna bulshada bara. Taas waxay tusaysaa in af carabigu soomaalida u yahay af diineed oo aysan ka maarmin.

Soomaalida iyo carabnimada

             Shacabka Soomaaliyeed dhalasho ahaan waa shacab carbeed oo waliba badankiisu ku abtirsado Quraysh waliba reer Banii Haashim ah. Tirada yar ee aan carabta ku abtirsana waxay walaalo kula yihiin islaamnimada, qaraabanimada (xidid iyo xigaalo), deegaanka, afka, taariikhda iyo masaalixdaba. Waxayna la wadaagaan walaalohood jacaylka iyo hirgalinta afka carabiga.

          Waxyaabaha Soomaali isku wafaqsantahay waxaa ugu horreeya islaamnimada, ka dibna carabnimada. Wax dood iyo muran ahna kaga ma jiraan Soomaalida inay carabyihiin, sooyaalkoodii horena way ku caddahay arrintaas af ahaan iyo qoraal ahaanba.Waxaa kale oo sii xoojinaya ijmaaca shacbiga ah (isku raacsanaanta loo dhanyahay) ee ay xilligaan ku qabaan carabnimadooda. Waxaan arrintaan kaga hadlay goobo badan oo ku kala yaal magaalooyin kala duwan ee Soomaaliyeed, dadweynahana waxaan si cad u weydiiyey inay carabyihiin iyo in kale, jawaabtooduna waxay ahayd hal mid oo aysan isku khilaafin.

           Magaalooyinka aan dadka abtirkooda masaajidda iyo fagaarayaasha ku waydiiyey waxaa ka mid ahaa: Kismaayo, Baydhabo[2], Muqdisho, Gaalkacyo, Galdogob, Garoowe, Boosaaso, Laascaanood, Caynaba, Burco, Oodweyne,  Berbera iyo Hargeysa. Intaba dadka wax shaki ah kaga ma jiro dhalashadooda, wayna isku wada raacsanyihiin xaqiiqada aan soo sheegnay. Mana jiro wax abtir ah oo Soomaali sheegato oo ka duwan kaa aan soo sheegnay. Wixii intaa ka baxsan waa uun dad ku hadaaqaya dacaayadihii gumaysigu doonayey inuu dadkeena ku marin habaabiyo, hadaaqaasina wax cilmi ah kuma dhisna, jid iyo jaho loo raacana ma leh[3].

 Deegaanka, dhaqanka, taariikhda iyo masaalixda

             Dadka ka hadla aragtiyaha qowmiyadda qolaba wax bay u celisaa asalka qowmiyadda, waxaana ka mida aragtiyahaas: diinta, isirka, afka, wadanka, dhaqanka, taariikhda la wadaago iyo danaha ka dhexeeya. Inkastoo diintu ay tahay waxa qura ee ummadda muslimiintaa mideeya, haddana si aynu ula gurino ragga  hadalada loo soo dhiibay ina kula meeraysanaya bal aynu shacabka soomaaliyeed aragtiyahaan mid mid ugu eegno. Wadankeena iyo dalalka Jaziirada carabta waxaa u dhexeeya badda cas uun, bii’ada dhulkeenuna wax yar mooyee kama duwana tan Jaziirada carabta.

          Dhinaca dhaqankana wax shaki ah kaa gali maayo inay dadka jaziirada carbeed iyo Soomaalidu isku dhaqan yihiin marka laga tago inta yaree qolo walba ay ka dhaxashay gaaladii gumaysan jirtay. Xagga taariikhdana kutubta soomaalidii hore qortay, sheekooyinkooda, maahmaahyadooda, gabayadooda, socdaaladooda, dadkii soo booqan jirey ama la soo dagi jirey iyo xiriiradoodii ganacsi intuba waxay tusayaan in taariikhda soomaalidu taariikh carbeed ahayd ee aysan lug weyn ku lahayn quruumo kale marka laga reebo loolankii ay muslimiinta bariga afrika boqortooyadii Xabashida kula jireen muddada dheer iyo gumaysigii Yurub oo hal qarni ka hor gayiga soomaalida soo caga-dhigtay. Bal aynu qoraallada, sheekooyinka iyo suugaanta soomaalida ka soo helno Kushiti, afrikan, zunuuj iwm. Dhanka masaalixda Somalidu xilligii gumaysiga ka hor wixii dalkeeda ka baxsan waxay ka jirin jirtey dhulalka carbeed, ha ahaato cilmi doonasho, cibaadaysi, hiil raadsi, ganacsi, shaqo doonasho ama guuritaane.

 Af carabiga iyo masaalixda Soomaaliyeed

             Soomaalidu marka laga tago danaha diimeed iyo siyaasadeed waxaa ugu jira barashada iyo xoojinta af carabiga faa’iidooyin badan oo aysan luqadaha kale ka helayn, waxaana ka mida: a) Soomaalidu ganacsiga ugu badan waxay la leeyihiin dalalka carbeed, dadkuna cidda ay la macaamilayaan afkeeda si gaara ayay ugu baahanyihiin, b) ardayda ugu badan ee dibadda wax ka barata waxay wax ku bartaan dalalka carbeed, sida: Suudaan, Masar, Yaman, Sucuudiga, Suuriya, Urdun iyo dalalka Khaliijka, ardaydaasina waxay si gaara ugu baahanyihiin af carabiga. Waliba dalalka carbeed waxay ardayda Soomaaliyeed siiyaan waxbarasho lacag la’aan ah.

  Dastuurka Soomaaliyeed iyo carabnimada

         Dhalashada aynu ka hadalnay ka sokow Soomaali waxay ka mid tahay jaamacadda carabta, luqada carabiguna waxay u tahay luqad rasmi ah, carabta iyo muslimiinta kalena dal carbeed bay u yaqaanaan, ulana dhaqmaan. Haddaba aynu is weydiinee dadka carabnimada soomaaliyeed ama luqada carabiga afka ku balaqsiinaya hadday iska indha-saabeen diinta, dhalashada, taariikhda, afka, masaalixda iyo mawqifka shacabka ee ku midaysan carabnimada iyo doorashada luqada carabiga maxay isaga indha-tirayaan dastuurka soomaaliyeed ee ay ku caddahay carabnimada shacabka soomaaliyeed iyo inay luqada carabigu dalka iyo dadka u tahay luqad rasmi ah?. Maxayse la arki la’yihiin ictiraafka beesha caalamka ee ay booskii diinta Alle dhigeen?. Mise dastuurka iyo mawqifka beesha caalamku qiime ma leh hadday danta soomaaliyeed ku jirto, markii lagu dhibaataynayase waa muqaddas?.

 Carab iyo af carabigu ma ajnabibaa?

             Haddaynu isla meeldhignay xiriirka ka dhexeeya islaamnimada iyo af carabiga, aynu aragnay sida dadkeenu u jecelyahay wax kasta iyo cid walba oo xiriir la leh islaaminmada, isla markaana ay inoo caddaatay abtirka carbeed ee Soomaali ku midaysantahay iyo waxyaabaha kale ee isu haya shacabka Soomaaliyeed iyo shucuubta kale ee carbeed, sida: taariikhda, deegaanka iyo masaalixda, ka dibna aynu isla qirnay in Soomaalidu tahay dal carbeed oo xubin ka ah jaamacadda carabta, aadanuhuna isku raacsanyahay, afka carbeedna dalka iyo dadka u yahay luqad rasmi ah, haddaynu intaas oo dhan is la fahamnay waxay ila tahay in aan la oran karin carabtu waa ajnabi ama af carabigu waa luqad ajnabi ah; erayga ajnabi wuxuu la macne yahay: shisheeye, qofkuna abtirkiisa ama afka awoowayaashiis kama noqon karo shisheeye.

             Haddii cuqdadaas laga biskooday waxaynu qormada qaybteeda dambe ku eegi doonnaa (haddii Alle idmo) shubhooyinka ay ragga ka buka carabnimada iyo carabigu gaashaanka uga dhigtaan duullaankooda.

 


[1] ) Shirkii Eldoret rag baa shirkii ka kacay markii laga diiday in Talyaaniga lagu daro luqadaha rasmigaa ee dalka!.

[2] ) Masjidka jaamica ee Baydhabo ayaan salaad jamce ka dib ka istaagay, markaasaan jamaacadii ku iri: sow carab ma ahain?. Waxay dheheen: haa. Haddana waxaan ku iri: afkeena iyo kan reer abtigeen kee ina xiga?. Waxay iigu jawaabeen: keenaa ina xiga. Waaxaan ku iri: haddaba ogaada af soomaaligu lahjadduu doono ha noqdee waa afkii reer abtigeen, carabiguna waa afkii reer adeerkeen.

[3] ) waxaa la ii sheegay inuu xilligii kacaanka yimid magaalada Buurtinle wafdi uu hoggaaminayo nin reer woqooyi ah, ka dibna uu dadweynihii u sheegay inay soomaalidu Kushiti tahay. Ka dibna oday baa weydiiyey: oo adeer xaggaynu Kushitiga ka galnaa, xaggeese isagu galaa?. Ka dibna ninkii madaxda ahaa laftiisii ayay malaha carabnimadii qaadayoo wuxuu yiri: oo miyaan garanaynaa waxaa uun bay noo sheegeene?!.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Haasaawe Siyaasadeed ( Qeybta 1aad).
  2. Sideen ugu abtirinnaa Suugaanteenna? (Qeybta 1aad)
  3. Socdaalkaygii Galdogob iyo Jibbuuti … Muuqaallo iyo Dareeno (Qeybta 1aad)
  4. Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (qeybta 1aad)
  5. Falanqaynta Jihaadka & Faalada Axkaamtiisa (Qeybta 1aad)

Readers Comments (10)

  1. Nuur says:

    shiikha kheer allaha siiyo mawuuc fiicanuu ka hadlay. waxaanse usheegayaa kuwaad u jawaabeysid hadal loo soo dhiibey ay wadwadaan wax kasta haddii loo sheegana ma deynaayiin. laakiin dadka beentooda halooga digo.

  2. yuusuf Abuukar says:

    Runtii waa war cad ciddii dan kaheysana ey fahmi karto. Waxaanse ku deri laha wax yar. Sideynu ogngahay Afka carabiga marka naxwe ahaan labaranayo waxaa asal u ah miisaaladana laga soo qaataa Quraanka Kariimka,Axaadiista Nabiga(scw) iyo shicirka(gabayga) carbeed;sida la ogyahayna ku dhisan buxuur iyo owzaan kala duwan,afka Soomaaligana waxaa laga helaa Nabi amaano fara badan oo ku socda buxuurta iyo owzaanta afka Carabiga ku dhisan yahay.Niman wadaado isku sheeg ah islamarkaana doonayay in habar iska maskiin ah ey xooleheeda aftahannimo ku cunaan rabay ayaa yiri: “waney birey wadwadaaji waalidkaa u niyoo waxbaxsa meysida wabka gaad hakaaga dhacdee”. Damcan sida ka muuqata shicirkan waxaa lagu metelayaa kan burdaha oo ku socda baxarka loo yaqaana “baxrul basiid”. Tani wexey daliil cad u tahay in xataa afka Soomaaligu yahay lahjad afka Carbeed ka mid ah. Mahadsanadiin

  3. Cali yare says:

    dad cadcad oo carab la dhoho iyo qabiilo soomaalida ah oo carab sheegta wuu jiray ee goorma ayaa soomaali carab wada sheegan jirtey?

  4. looyaan says:

    islaan waa nahay, carabse ma nihin kumana ceebeeysnin inaanan carab ahayn.
    Ninkii carabnimo isku huboow waa ku adiga.
    Waxaan maqlaa in qabiilo soomaalida ka mid ahi inta kale carabnimada u diidaan, waxaan kuwaas leeyahay hadii carab idin dhalay dee waa waalidkiin ee anaga ha nagu qasbina cid aan dhalin.

  5. Maxamuud Warsame says:

    ASC
    Marka hore waxaan jeclahay inaan walaalkey qoraaga Axmed C/samad uga mahad celiyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee uu ugu jiro sidii Soomaali sharafteedii loo soo celin lahaa. ALLAAH wanaag hakuugu bedelo.aamiin.

    Marka xigta, dadkaa iyagaa ee midabka inoo ka eg, afkeenoo kalana ku hadlaya, laakiin aan dhab ahaantii waxba inakala dhaxayn, kooda ugu dhow baa shafshafo lasoo siiyey, marka hayska sii hadleen intii ayaan ah.Waanu ka bixi doonaa duliga iyo kala daadsanaanta, waana lala xisaabtami doonaa ALLE idanki. “waa la doogine, yaan la dacaroon”.

  6. Sahro Nuux says:

    Gumaysigii ka hor Soomaalidu waxay isu warin jirtey ina aye taxan oo ku aroora qabiilooyinkii carbeed ee caanka ahaa. waxaa jirey abtir u qoran qabiilooyinka. ma jirin sheegasho dhalasho afrikaanimo. muran kuma jirin carabnimada.

    Gumaysigii ka dib waxba isma badalin. kaliya dad fara ku tiris ah baa gunuc-gunuc bilaabay. cid soo dirtay iyo meel laga soo diray ma garanayo. waxaan hubaa hadalkay sheegayaan in eysan ku qancin ee sheega la dhahay.

    ma maqasheen dowlad afrikaan oo inaan qaraabo nahay sheegtay. ma maqasheen qabiil soomaali oo abtirkiisa galo afrikaan. ma jiro.

    Haa soomaali waa afrikaan lkn waa deegaanka ee maaha dhalasho. masar iyo marooko waa afrika lkn waa carab dhalasho.

    ninkii beeso ku qaata soomaali carab maaha beesada ha qaato mar mar ha hadlo inta badan ha aamuso waa beentiis ee iska yaree beenta.

  7. Guure muse says:

    Ku Looyaan. Abboowe annaga carab ah. adiga yeelkaa. qabiil qabiilooyinka kale carab u diidi kara ma jiro. qoraaga wax badan wuu sheegay qaar kale wuu ka tagey adiga islaanimo bas ayaa ka dhexeeya ayaa tiri. ka fiirso.

    Ninkii aan aheen carab inuu sheegto maaha mana lagu khasbaayo lkn sxb dadka ha u diidin qaraabadooda. qolo aysan aheeyna ha ku khasbin.

    adiga haddaa afrikaan tahay walaal islaan ayaa tahay. waa ku soo dhaweynaynaa. carab noqo ma lagu dhahaayo. ku bishaareyso lkn aabbahaa sooweydii inaa afrikaan tihiin iyo inaa carab tihiin.

  8. Faarax Aadan says:

    Hadal ma daayo nin af iyo labo daan ku yaalaan. Maalinba qolo ayaa noo kacda mar kaabba koox yiraahda Itoobiyo waa walaalo, mar kale mid la dhalan rogay oo diinta diida. Marna kuwo isirka dura. Marna kuwo dalka qolo u cabbira. Mar kuwo dalka iyo dadka u lug xira ilaalinta cadawga.

    Ujeedka carabi diidku dhalasho diid maaha ee waa diin diid iyo cadaw u danayn. Kaalinta carabiga loo diidayo waxaa loo bannaynayaa Ingiriis, Talyaani iyo amxaari, waase haddaan ka yeelno.

  9. Saxafi says:

    Niman kudhalin shegashadisa wa wacalnimo somali inay carab tahayna cidi lama weydinayo afka caribiguna dhalasho diin iyo dhaqanba wa afkeni alana kumahadsan islamnidiyo asalka dhalashaduba

  10. Falxado says:

    Kheyr Allaha siiyo sheekh axmed sida uu nooqa haqab tiro mawaadiicda uu qalinka ku qaato.

    Abtirsiimada luqadaha iyo ummaduhu waa cilmi la barto, sida loo barto culuumta kale ee kala geddisan. marka xaqiiqda waxba ka beddli mayso, arrimaha caddifadda la xiriira sida ummad la jeclaado iyo mid la necbaado.

    Kol haddii uu arrinku cilmi yahay waxaa loo baahan yahay daraasad dhab ah oo wax lagu dharaariyo, caddaymaha la hayana si cilmi ah loo soo bandhigo. Qaabka sahlan ee ay soomaalidu u abtirsadaan inta badan cilmi weyn kuma dhisna, mararka qaarna waa wax caqligu diidayo in ummad dhan iyo Luqaddeed ay ku samaysami karaan muddada ay sheegayaan!

    Runtii ahaantii sheekhow, maanta muhiim maaha carab iyo cajam ciddda aynu nahay. waxaa xaqiiqo ah inaan halis u nahay dabar go’ iyo qarni-guur.

    Waxaan nahay ummad ay colal badani ku waabariisteen. gaajo, cudurro, dagaallo, iyo innagoo noqonnay beer lagu tijaabiyo fekradaha curdanka ah.

    Haddaba sheekhow ummadda xaalkeedu sidaas yahay walaalahooda carbeed kama aysan helin wixii ay ka sugayeen.

    Soomaalidu waxay ku maah maahdaa: Dad dibno la xiriirsho ayuu leeyahay ee malaha dabo(seyn) la xiriirsho.

    Waxaan rejeynayaa in qormadiisa dambe uu sheekhu kusoo qaadan doono sababta ay waddama carabtu nolosha noogu ciriiriyaan, oo ay noogu qasbaan inaan caruurteenna ula cararno, waddamada gaalada ah?? am aan dhalasho ka soo qaadanno waddamo aan neceb nahay?

    Sababta ay fiisaha iyo iqaamada noogu oggoladaan markaan soo qaadanno baasaboor xabashi ama kenyaan ah, iyagoo na og inaan soomaali nahay, oo aysan noogu siin keenna soomaaliga ah, ama xitaa ay noogu samayn waayeen dukumiinto duruufeed sida ay u sameeyaan reer falastiin?? Maxay dhabarka noogu jeediyaan markii uu maraykanku noo cadhoodo?

    Neceyb carbeed iguma jiro, haddana haddi la yiraahdo wixii carb ah farta ha taageen, anigu deg-deg farta uma taageen!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Haasaawe Siyaasadeed ( Qeybta 1aad).
  2. Sideen ugu abtirinnaa Suugaanteenna? (Qeybta 1aad)
  3. Socdaalkaygii Galdogob iyo Jibbuuti … Muuqaallo iyo Dareeno (Qeybta 1aad)
  4. Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (qeybta 1aad)
  5. Falanqaynta Jihaadka & Faalada Axkaamtiisa (Qeybta 1aad)

Latest Headlines