Yusuf Cabdul Casiis
Khawaarijtu waa firqo diini ah oo ku caan baxday colaada muslimiinta iyo in dunuubta lagu gaalaysiiyo dadka Ahlu qiblaha ah, waxayna soo if baxeen bilowgiisii waqtigii Cali Binu Abi Daalib qormadanna waxaan si kooban u xusaynaa sida ay ku bilowdeen iyo talaabadii laga qaaday iyo caqiidadooda gurracan.
Sida la og yahay khilaaf ayaa soo kala dhexgalay Cali Binu Abi Daalib oo loo doortay khalaafada iyo mucaawiye oo Gobolka Shaam waali ka ahaa waqtigii cusmaan bin cafaan, khilaafkaasi wuxuu ku salaysnaa mucaawiye oo diiday inuu Cali u citiraafo madaxnimo ilaa ragii cusmaan diley maxkamad la soo saaro, iyado lagu tuhmaayey in ragii cusmaan dilay ay ciidanka cali ku jiraan, Cali Binu Abi Daalib isna wuxuu ku adkaystay bal in horta wadanka oo dhan gacanta soo galo oo uu soo celiyo kala danbayntii.
Wadahadalkii iyo ergooyinkii hadii ay keeni waayeen wax is af garad ah ayaa dagaal ka dhex qarxay bishii safar 37H, dagaalkii hadii uu mudo socdey waxaa lagu biyo keenay ciidankii mucaawiye oo la jabin gaaray, mucaawiye markii uu ka baqay in ciidankiisa la jabiyo ayuu ku yiri kitaabka quraanka ah kor u qaada, ciidankii Cali markii ay kitaabkii arkeen ayey yiraahdeen war kitaabka aynu ogolaanno, Cali wuxuu ku yiri: waa xeel dagaal ee kitaab ma ay ogola, Cali ciidankiisii waxay ku khasbeen inuu dagaalka joojiyo, waxaana la isla gartay in la soo magacaabo guddi labo nin ka kooban oo qoloba nin soo dirsato, wixii ay gooyaana la qaato, Cali wuxuu dirsaday Abi Muusa Al- Ashcari Mucaawiyena Camar Binu Caas oo nin caqli badan ahaa.
Guddigii markii ay kulmeen waxay soo saareen qodobo ay ka mid ahaayeen in Abi Musa Al-Ashcari ogolaaday in Cali iyo Mucaawiye la wada casilo Camar Binu Caasna uu diiday in Mucaawiye la Caliso, Ciidankii Cali markii ay arintaa maqleen waxay ku dhex abuurtay Buuq badan, Cali wuxuu go`aansaday in Mucaawiye ay dagaal ku kala haraan, wuxuuna abaabulay ciidankiisii, isla markiiba ciidankii Cali waxaa ka soo dhex baxay koox Cali ku eedaynaysa magacaabidii gudiga oo uu ogolaaday, waxayna ku yiraahdeen Cali ilaahay quraanka wuxuu ku yiri:
( ان الحكم الا لله )
Macnaha: xukunka ilaahay ayaa iska leh, adiguna rag ayaad ogolaatay inay dadka kala xukumaan quraankii ayaad khilaaftay ee toobad keen hadii kale adiga iyo mucaawiyeba gaalo ayaad tihiin !!
Cali iyo rag kale oo asxaabtii nabiga ka mid ahaa ayaa waaniyey qaar ayaa ka toobadkeenay badankoodiina waa diideen, waxayna noqdeen ciidan xoog leh oo ciidanka cali ka hor jeeda, Cali wuxuu go`aansaday inuu weerar ku qaado wuuna la hadlay oo wuxuu ku yiri: qofkii nimankaa ka baxa waa cafis, qofkii calankaan hoostaga waa cafis qofkii madiina iska aada waa cafis dhiigiina doonimayno laakiin way ka diideen, ka dibna waxaa lagu boobay seefaha iyo warmaha iyo gamuunka, ka dibna maydkoodii ayaa soo hoobtay, sheikh aad u sawiray jabka iyo naasabeelka ku dhacay khawaarijtaa wuxuu yiri: waxaan arkay khawaarijtii oo seefta iyo waranku ka meel waayeen iyaga oo aad mooddid ari roob ka jirsanaya waxaad mooddaa in lagu yiri iska dhinta oo ay dhinteen, Shahrastani wuxuu yiri: khawaarijta aad ayaa loo xasuuqay waxaana ka haray dad ka yar toban, ka dibna labo waxay u carartay Cumaan, labona Karmaan, labona Sajistaan, labona Jasiira midna Yaman, ka dibna bidcada khawaarijtu wadamadaas ayey ka soo faaftay, Cali khawaarijta ma gaalaysiin markii la waydiiyey ma gaalaa? Wuxuu yiri gaalnimo ayey ka soo carareen ee waa walaalaheen oo inagu xad gudbay.
Khawaarijtu Cali waxay ku eedeeyeen aqbaliddii uu aqblay guddigii maslaxada ka dhex waday cali iyo mucaawiye, Cusmaan Binu Cafaanna waxay ku eedeeyeen inuu qabiilkiisa u dhiibay joogyin muhiim ah, axaadiistii labadooda laga wariyeyna waa diideen waana gaalaysiiyeen, ka dibna qofkii aan Cali iyo Cusmaan gaalaysiin, way gaalaysiiyeen waxayna u arkeen qofkii aan iyaga raacin inuu gaal yahay oo dhiiggiisu banaana yahay.
Khawaarijtu waxay caan ku yihiin inay dadka dunuubta ku gaalaysiiyaan oo aysan u kala saarin dunuubta mid weyn iyo mid yar, waxayna daliishanayaan Aayadahaan iwm:
(ومن يكفر بالايمان فقد حبط عمله )
(انا هديناه السبيل اما شاكرا واما كفوا)
(هو الذي خلقكم فمنكم كافر ومنكم مؤمن)
Firqda khawaarijtu waa ku qaldameen gaalaysiinta ay muslimiinta ku gaalaysiinayaan Aayadahaan iwm oo ay hawadooda ku fassireen, wayna ku qaldameen dunuubta oo ay dadka ku gaalaysiiyeen, waayo ilaahay wuxuu yiri:
(والذين يرمون المحصنات ثم لم يأتوا باربعة شهداء فاجلدوهم ثمانين جلدة ولا تقبلوا لهم شهادة أبدا وؤلك هم الفاسقون).
Bal eeg ilaahay wuxuu dhigay faasiqa martabad u dhaxaysa Mu’minka iyo Gaalka oo Faasiqa laguma xiriirin Muninka ama Gaalka ee inuu Faasiq yahay ayaa ilaahay caddeeyey.
Caqiidada Ahlu Sunuhu waxay u dhaxaysaa labo Firqo oo midi qabto inaan dadka Ahlu qiblada ah cidna laga gaalaysiin iyo Firqo kale oo qabta in dadka Ahlu qiblaha ah dunuubta oo dhan lagu gaalaysiiyo iyagoon eegin in shuruudii lagu gaalaysiin lahaa u dhantahay ama aysan jirin wax maanacaya gaalnimadaas.
Caqiida Ahlu sunnaha waxaa ka mid ah in ficil qof ku kaco ama hadal qofku hadlo gaalnimo keeni karo oo gaalnimo lagu sheegi karo cidii hadlkaas ama ficilkaas ku kacda, laakiin hadii qof gaar ah gaalnimo lagu xukumaayo waxaa lagama maarmaan ah in la hubiyo inuu shuruuddii lagu gaalaysiin lahaa u dhantahay ama aysan jirin wax maanic ah sida inuu Jaahil ahaa ama ta`wiil meesha la maray ama la soo qasbay iwm.
Sidaas daraadeed qof Ahlu qibla ah loogama markhaati kici karo inuu ahlu naar yahay waayo waxaa dhici karta inuusan naarta gelin shuruudii oo aan u buuxsamin awgeed ama wax maanic ah oo jira, haddii shuruuddii u dhan tahay wax maanic ahna uusan jirin, riddo ayaa lagu xukumayaa waana laga toobad dalbayaa hadii uu diidona waa la dilayaa.
Hadaba dulmiga ugu weyn waa in qof Ahlu qiblo ah lagu yiraahdo ilaahay kuu danbi dhaafimaayo ama ilaahay kuu naxariisan maayo oo naarta ayaad ku waaraysaa iayada oo aan wax xujo ah loo heynin ee ay hawo raac tahay !!, Abi Hurayra waxaa laga wariyey inuu yiri nabiga صلى الله عليه وسلم waxaan ka maqalay isaga oo leh: reer bani israa`il waxaa ka mid ahaa laba nin oo saaxiibbo ahaa oo mid caabid ahaa midna macsilow, markii ay kulmaanba kan caabidka ahi wuxuu ku yiraahdaa kan kale war danbiga ka joog, maalintii danbe ayaa caabidkii ugu yimid kii kale oo danbi faraha kula jira markaasuu ku yiri war ka joog danbiga, suuye warma anigaa inaad I ilaaliso laguu soo diray aniga iyo ilaahay isu kaaya daa!! Suuye: walaahi ilaahay kuu danbi dhaafi maayo, labadiiba waa dhinteen waxayna ku kulmeen ilaahay agtiisa, ilaahay wuxuu ku yiri kii caabidka ahaa ma adigaa xogtayda ogaa mise waxa gacantayda ku jira ayaad awood u lahayd kaxeeya oo naarata galiya kii maclisowga ahaana wuuu ku yiri: orodoo Janada naxariistayda ku gal, Abi hurayra wuxuu yiri: wallee wuxuu ku hadlay hadal aduunkiisii iyo aakhiradiisiiba seejiyey.
Hadaba waxaan ugu baaaqayaa cidii fikirkaas ama wax u dhaw qaba inay ku filaato wixii Abu Hurayra ku filaaday oo ay u soo laabtaan caqiidadii A`imadii iyo Culumadii ummadda, waxaanu ugu yeeraynaa inay qaatan manhajka xaqa ah ee Ahlu sunaha oo ah mid aad loo yaqaan meel walbana laga heli karo, in isaga la raaco ayey ku jirtaa badbaada aduun iyo aakhiroba, ilaahay jidka toosan ha inagu hanuuniyo hana inaga ilaaliyo hawadeena iyo qurxinta shaydaanka.
Aragtida maqaalkan waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

Related posts:
Asalamu alaikum
waxaan qoraaga uga mahadcelinaynaa maqaalkaan uu ka qoray khawaarijta waxa logu yeero..lakin hadana waxan ka rajaynaynaa inuu bal wax ka taabto qoladan kale ee loo yaqaan MURJI’ADA waayo waa cudur isagana aad ugu faafay umada iyo ducaadeeda bal firqadaasna wax nooga bidhaami adoo mahadsan
waad mahadsantihiin
wasalam
Firqada Khawaarijta in si taariikhi ah loo barto waa muhim. Waxaa kaloo muhim ah kooxaha ay bah wadaagta yihiin ee hada jira simaatka iyo sifaatka ay wadaagaan in la xuso weliba si cumqi leh.
Anigoon soo koobeyn sifaatka ay wadaagaan labada kooxood waxaa ka mid ah:
1. Takfiirinta muslimiinta oo aysan la wadaagin sawaadka guud oo muslimiinta iyo culimada zamankaasi.
2. Aayadaha quraankaa oo gaalada kufriga asalkaa iyo munaafiqiinta ka hadlaya oo muslimiinta lagu gaaleysiiyo.
3. Jiilkii iyaga ka horeeyey oo ay diinta kasoo gaareen oo xariga loo jaro.
4. Dhalin yaro xamaasad iyo fudeyd ka qaalib noqdey oo aad u careysan oo jadbeysan.
5. Xaraf ku dhegnimo heer nacasnimo ah oo qof cilmi leh daaye qofka caamigaa oo wax garadkaa ineysan sax aheyn uu fahmi karo.
6. Dad leyn iyo dhiig baneysi xad dhaaf ah oo aan u khidmeyneyn islaamka iyo muslimiinta ee wiiqeysa awoodooda oo isku halaageysa.
7. Amiirkoodi shaley oo maanta gaal laga dhigey. Khawaarijta taariikhigaa iyo kuwa casrigaaba waa laga hayaa taas, waxaana labada keeney sifaatka xun xun oo kor aan ku xusey oo fudeydka, muslim khilaafnimada iyo xarfinimada aan carada mooyee cilmigu ka danbeyn.
8. Kala jajabida iyo iney firqooyin kala noqdaan is wada gaaleysiinaya oo bidconimo isku wada xukminaya. Waxna la arag waxna laaban ee ishu ha furnaato.
9. Maqaasidii iyo ula jeedooyinkii shareecadu usoo degtey iney xifdiso oo la bur buriyo iyadoo xaraf ama mas,alo juz,i ah oo si qaldan loo fahmey laga duulayo.
10. Xarbun calaa ahlil islaam wa silmun calaa ahlil awthaan. Mas,aladaan danbe dad badan shubho ayaa uga jirta oo uma cada laakiin qofkii dhug leh wuu fahmayaa in biyo dhaca khawaarijta casrigu sidaas yahey, mar hadey muslimiintii intey wiiqaan gaaladii hoos geynayaan iyadoon gaaladiina dhib gaarin u dhigma key muslimiinta gaarsiiyeen.Isha la raac meelaha ay ka kaceen sida dadka ishoodu tahey iyo sidey u dulleeyeen dadka, adigoo bar bar dhigaya meelaha aysan heysan oo kale sida dadka karaamadoodu uga fiicantahey meeshooda. Sida meelaha ay joogaan dadkii joogey ugu qaxeen dhulka gaalada ay leeyihiin jihaadbaa naga dhaxeeya!Hargeysa iyo Boosaaso dad ka qaxey ma joogaan Addis Ababa iyo Neyrobi iyo Kampala? Maya weeye qof kastaana wuu ogyahey, bal xabishidiibaa ka tuugsata oo ka xamaalata magaalooyinkaas. Laakiin dadkii Kismaayo iyo Muqdisho iyo Baydhabo waxey ku dulleysanyihiin magaalooyinkaas aan soo xusey! Haathaa huwal faariq. Qofkii indho leh.Waa dabo dhilif iyo Adis buu aadey taas ayaa ka macno weyn. Jihaadkaagi hadduu dadkaagi dalkoodina cadaw ugu keeney, qaarna uu magan uga dhigey cadawgii yuu u khidmeynayaa jihaadkaasi ii sheega?
Si jiddiya khawaarijta iyo usuushiisa iyo simaatkiisa halooga doodo. Jiddiya la,aan iyo cabathiya waa mida indhahaan noo yeeshaye.
Wey fiican tahay in laga hadlo firiqa lunsan laakiin khatarta dadka muslimiinta ah caqiidadooda maanta waxaa ugu halis badan caqiidada murji’ada ee maxaa looga leexleexanayaa. Culimadii salafka waxey isku raacsanaayeen in murji’adu tahay mid ka xun khawaarijta hadaba maxaa indhaha la isaga tirayaa oo meelo kale loogu meermeereysanayaa. Mida labaad waxaad ogaataan marka ay arrintu tahay hoggaamin in aysan shardi aheyn qofka wax hogaaminaya inuu yahay qof shiikh ah tusaale waxaa noogu filan saxaabadii nabiga(scw)kuwooda wax hogaamiya marka laga reebo khulafadii afarta aheyd waxey u badnaayeen kuwo laga cilmi badan yahay. Marka waxaan fahmi waayay culimada wax walba halooga dambeeyo in daliil laga dhigto. Culimada islaamka waxey isku raacsantahay adillada sharciga marka laga hadlayo waxaa daliil ah: Quraanka, sunnada, ijmaaca iyo qiyaaska. marka dadkan ku wareegaya culimadii ayaa la garab maray iyagoon masaa’isha la isku hayo aan si cilmi iyo cadaalad ku dhisan uga hadleynin waxaa isaga jira tacasub waana waxa maanta aafeeyo saaxada in qof walba u tacasubo kooxda uu raacsanyahay oo uusan fiirin daliilka sharciga ah. Ninka maanta soomaaliya jooga ee yiri waan la dagaalami xabashi, ugaandheys iyo igad waxey soo dhoodhoobtay wuxuu ku taagan yahay daliil sharci ah ninkii taas ka doodaya waxaan leeyahay haatuu burhaanakum in kuntum saadiqiin.
wabillahi towfiiq.
Labo tilmaamood oo asaasi ah ayaan tilmaamihii hore raacinayaa:
1. Waxey soo baxeen khawaarijtii hore calaa xiini furqatin minal muslimiin) waqti muslimiintu kala qeybsanyihiin oo niyad jab weyn jiro.
2. Waxey mashaakilka jira isku dayaan iney dilal qorsheysan oo gaadmaa ku xaliyaan waa ightiyaalaatkee.
Intaasoo tilmaamood iney wadaagaan lagama murmayo ee waxaa daliil laga dhiganayaa kuwa aysan wadaagin sida kabaa,irta wax kuma takfiiriyaan oo kale!
Khawaarijta nafsaddodu masaa,ilka dhan kama mideysneyne simaatka asaasigaa unbaa mideeya.
Dhalinyaro maangaab ah( sufahaa,ul axlaam) quraan aqris badan quraankana aan fahmeyn ujeedooyinkiisa, diintana orod uga dhex baxaya oo uusan soleyn, waxaasoo tilmaamo ah in lagaaga saan gato hal tilmaan iwm waa adiga iyo faham yaradaada, waana waxa khawaarijta casrigaa u cimri dheereeyey faham yaradaasi.
Asc walalayaal aniga maqabo maanta ayay geyigeen khawarij lakin waa dhici kartaa xarakooyin islaami
masha alaaah qoraaga aadbu mahadsanyahay