Xakaratul Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay in ay la wareegtay goobo istaraatiiji ah oo ku yaala Muqdsho

Published on June 30, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Xarakada  Shabaabul Mujaahidiin ayaa saxaafada u soo bandhigtay goobo cusub oo ka mid ah Magaalada Muqdisho oo ay kalawareegeen DKMG wuxuuna Mas’uul ka tirsan Al shabaab sheegay in goobaha ay la wareegeeni ay ahaayeen kuwo ay horey u heysteen DKMG.                                                                                    

Af hayeenka Xarakadda Al Shabaab sh cali dheere  ayaa sheegay in Xoogagoodu ay weerar xoogan ku qaadeen Askar ka mid ah DKMG ah kadib dagaalkaana ay la wareegeena goobo istaariiji u ah Magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali max’ud Raage Sh Cali Dheere oo ah Afhayeenka Shabaabul Mujaahidiin oo shir jaraa’id saxaafada  ugu qabtay gudaha Xaruntii gaadiidka ayaa sheegay inay lawareegeen Goobo ay kamid tahay Xaruntaas, Isgoyska Fiat iyo Dekeda Duqda ah waxaana barbar fadhiyey Cali dheere Xiliga uu saxaafada halkaa kula hadlayey  Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo kamida Saraakiisha sarsare ee Xarakada Al-Shabaab.

Waxa uu intaa ku daray in goobahaasi ay xiligan yihiiin kuwo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka mid ah Xarakadooda ayna siiwadi doonaan dagaalada kadhanka ah Ciidamada AMISOM iyo DKMG.

Dhanka kale Mas’uul u hadlay DKMG ah ayaa sheegay in sababta ay goobaha ay Al shabaab la wareegeen ay uga baxeen ay tahay xeelad dagaal ,wuxuuna xusay in DKMG ah wali tahay mid si dadban halkaa gacanta ugu heysa .

Hadalka ka soo baxay Xarakada Al shabaabul Mujaahidiin ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Muqdisho laga dareemayo xiisad dagaal ,waxayna DKMG ahi ka dhawaajisay in ay u diyaar garowday dagaal toos ah oo la gasho Xarakadda Al shabaab.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Al shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalkii maanta ka dhacay Xaafadaha ku yaala Waqooyiga Muqdisho
  2. DKMG ah oo la wareegtay Degmadda C/Casiis & Goobo kale
  3. Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo 3 Nin Xukumo Dil & Tacsiir ah ku ridey.
  4. Al-Xisbul Islaamiga Gedo oo ku biiray Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin
  5. Al-Xisbul Islaami“Baladweyne waxaa ku sugan Willaayaadka Islaamiga ah Shabaabul Mujaahidiin & Xisbul Islaam”.

Readers Comments (1)

  1. Abdirashid puntland says:

    Waxan ka xumahay dagaalada iyo xasuuqa ka jira muqdisho ilaa wakhtigan runti wa nasib daro dagaaladas waxayna dhibaatoyin ku hayan nolasha shacabka dagaaladu daashaden si gaar ah waxay usaameynayan dhalinyarada kuwaaso ah kuwa dhimanaya dhaawacmaya iyo kuwa qaxaya iyo kuwa dagaalamaya ee iska soo horjeeda wa cawaaqib xumo somalia u gaar ah waxan ugu baaqaya hogaamiyeyasha dhinacyada dagaalamaya inay u turaan shacabkoda u turaan wadankoda dagaalkana ay ku badalaan wada xaajod iyo turxaan bixin siyaasaded dagaalada ka jira wadankena manta xaqiqdi guul laguma gaarayo dhalinyarada somaliyed waxan kula talinaya inay ka fogaadan colaadaha iyo cidkasta oo kamid ah colaad oogeyasha dhalintu wa inay taageeran dadaal kasta oo dhanka nabada iyo horumarka looqaadayo somaliyey aayahaga garo gurigaga hagubine tashada




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Al shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalkii maanta ka dhacay Xaafadaha ku yaala Waqooyiga Muqdisho
  2. DKMG ah oo la wareegtay Degmadda C/Casiis & Goobo kale
  3. Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo 3 Nin Xukumo Dil & Tacsiir ah ku ridey.
  4. Al-Xisbul Islaamiga Gedo oo ku biiray Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin
  5. Al-Xisbul Islaami“Baladweyne waxaa ku sugan Willaayaadka Islaamiga ah Shabaabul Mujaahidiin & Xisbul Islaam”.

Latest Headlines