Wafdi balaadhan oo ka tirsan UWSLF oo safar ugu amba baxay Gobolkada Af dheer iyo Liibaan

Published on June 30, 2010 by   ·   2 Comments   ·   print

Waxaa maanta Magaalada Jigjiga ka amba baxay Wafdi balaadhan oo ka tirsan Ururuka UWSLF wuxuuna Wafdigaasi safaro ku soo kala bixin doonaa Goboladda Afdheer iyo Liibaan.Wafdiga ayaa ka kooban xobo kala duwan oo isku jira Culimo Saxafiyiin iyo xubo kale waxaana lagu wadaa in ay Goboladaa ku sugnaan doonaan ilaa labo isbuuc .

Culimada Wafdigaa waxa ka mid ah Sheekh Maxamed Carab iyo Sheekh Ibraahim Barkadle Cawl,Sheekh Maxamed Xasan ,Sheekh Xasan Sayid.

Waxaa sidoo kale xubanha Wafdiga ka mid ah labo Korneyl oo lagu kala magacaabo Axmed Cali iyo Maxamed Sheekh

Howla safarka wafdigaa ayaa lagu sheegay sidii ay goboladaa dadka degan iyo maamulka ugala soo arinsan lahaayeen qaabka looga shaqeyn lahaa diinta iyo hormarka dhulka Soomaaligalbeed.

Mas’ul ka tiran xafiiska Wafaafinta ee UWSLF ayaa Somalimirror u sheegay in safarka Wafdigaa ay sidoo kale ka qeyb noqon doono wacyi galin ay siin doonaan dadka Deegaanka ee goboladaa.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG ah oo Mamulka Somaliland ugu baaqay in uu faragalinta ka daayo Gobolkada Sool & Sanaag
  2. Wafdigii UWSLF ee ku sugnaa Magalada Boosaaso oo dib ugu laabtay Magaalada Jig jiga
  3. Wafdi ka socday UWSLF iyo Jaaliyadda Somaligalbeed ee ku sugan M. Boosaaso oo xalay kulmay
  4. Wafdi ka kooban Ugaasyo Garaaddo iyo Cuqaal oo ka qayb galaya Shirweynaha UWSLF oo Godey ka dagay
  5. Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Wafdi uu hogaaminayo oo u socdaalay Turkiga

Readers Comments (2)

  1. nabad says:

    A S C W, kooxdani itixaadka ah waxaan maqlay in eey tageen puuqland oo kulamo ku soo qaateen oo aan xataa la’islasoo hadal qaadin shacabkii lagu xasuuqay xabsiyada boosaaso iyo kuwa hada ku xiran,lama soo hadal qaadin mucaamalada dhaqanka iyo asluubta aan ka dhaxalnay nabigeena MUXAMAD (C S W)ka baxsan oo lagula kacayo shacabka Ogadenia,bal maxaa ka dhexeen kara wadaad garweeyn oo ka soojeeda umada la’gumaadayo iyo maamul aan kuu ogoleen somalinimada oo guumeeysiku gumaadayo kalkaaliye u ah,sheek ibraahin meel xun ayeeyn kaga dhagantahay oo waxaa lagu amray in uusan mardanbe ku howlgali karin waxa la’yiraahdo somali galbeed oo uu ku howlgalo EASTERN ETHIOPIA,meel kasto oo eey tagaan wexeey ku faanaan maxaabiis ayaa soo siideeynay oo hadii eey xataa xaqiiqa tahay waxaa ayadana la’iska indha tiri karin inta xarootay kadib heshiis kusheegooda (AKA ISDHIIBID) oo maxaabiistii ugu danbeeysay waxaa lagu xiray addis ababa ayagoo lagu soo eedeeyay in eey yihiin ONLF,sida eey wararka naga soo gaaray deegaanka eey tabinayaan ayaa ah in laga diiday sheekh ibraahim codsi ahaa in la’xiro gabi ahaanba JEEL OGADENIA taas oo uu ishortaagay AIDHIS QABE ina ILEY jahanama alaha ku fogeeye inta eeysan cidkalaba maqlin, waxaa noo cad in sheekh ibraahim la hoosgeeyn doono kooxdan dhagar qabayaasha ah oo uu ka shidaal qaadan doona hadii kale……………..??????????????????????,somalimirror waxaan ku waanini lahaa in eey deegaanka ugu yeeraan magaca looga yaqaano caalamka,UNta UNPD,EU,AU,ARAB LEGUE iyo shacabka u dhashay deegaanka intooda badan kaassoo ah OGADENIA, guul,midnimo,isku tashi VIVA ONLF

  2. ahmed says:

    UWSLF walee hadaad garaten inaan xabad xal aheyn umadna lagu hogaamin karin maanta maskaxda baa laga diriraa ee maaha maalintii gacanta laga dagaalami lahaa ogaadana shacabka somali galbeed in nabad u baahan yihiin dal weynihii somaliyana meesha uu yaal ka mid yahay asbaabaha burburkau keenay dagaalkii 1977 kaas oo isaga si fiican loga baaraan dagin dagaal lagu galay




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG ah oo Mamulka Somaliland ugu baaqay in uu faragalinta ka daayo Gobolkada Sool & Sanaag
  2. Wafdigii UWSLF ee ku sugnaa Magalada Boosaaso oo dib ugu laabtay Magaalada Jig jiga
  3. Wafdi ka socday UWSLF iyo Jaaliyadda Somaligalbeed ee ku sugan M. Boosaaso oo xalay kulmay
  4. Wafdi ka kooban Ugaasyo Garaaddo iyo Cuqaal oo ka qayb galaya Shirweynaha UWSLF oo Godey ka dagay
  5. Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Wafdi uu hogaaminayo oo u socdaalay Turkiga

Latest Headlines