Kooxda sheegata Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo ku dhawaaqday in uu bur buray heshiiskii ay la galeen DKMG ah

Published on June 30, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Gudoomiyaha Kooxda la magac baxday Ahlu SunnaWal Jamaaca Sheekh Maxamed Xasan Faarax ayaa sheegay in uu gabi ahaanba burburay heshiiskii ay bilowgii sanadkan ay DKMG ah iyo Kooxdaa ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa.

Warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho ayuu gudoomiyahaa u sheegay in wixi hadda ka dambeeyay uu gabi ahaanba meesha ka baxay heshiiskii labada dhinac ay wada gaadheen ,sidoo kalena uu bur buray wada shaqeyntii iyo iskaashigii ka dhaxeeyay Ahlu Sunna iyo DKMG ah.

Isagoo u waramayay Idaacadaha qaarkooda ayuu yidhi Sheekh Maxamed Xasan Faarax “waxaan rabaa in aan u cadeeyo umadda Soomaaliyeed iyo caalamka in uusan jirin haba yaraatee wax heshiis ah oo ka baaqi ah heshiiskii ay wada gaadheen DKMG ah  iyo Ahlu Sunna wal Jamaaca ,iyagaana fashiliyay heshiiskaas”.

Waxa uu DKMG ah ku eedeeyay in ay iyadu tahay midda ka dambeysa in uu heshiiskaa bur buray dhankoodana ay marar badan ka digeen bur bur ku yimaadda heshiiskii ay labada dhinac ku gaadheen Addis Ababa.

Buburka ku yimid heshiiskaa ayuu Sheekh Maxamed Xasan Faarax ku tilmaamay nasiib daro wuxuuna xusay in wax badan oo bulshada Soomaaliyeed heshiiskaa u soo kordhin lahaa balse burburkiisu uu leeyahay dhibaato fara badan.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Waaliga Al shabaab ee Gobolkada dhexe oo sheegay in ay soo af jari doonaan Ahlu Sunna Wal Jamaaca Kooxda isku magacowday
  2. DKMG ah oo shaacisay in uu soo gaba gaboobay wajigii 2-aad ee kala dhaxeeyay Kooxda Ahlu Suna Wal Jamaaca
  3. Af hayeenka Xisbul Islaam ee Gobolada dhexe oo sheegay in ay ka war heleen dagaal ay qorsheynayaan kooxda sheegata Ahlu Sunna.
  4. Kooxda sheegata Ahlu Sunnah & DKMG oo heshiis isla gaarey.
  5. DKMG & Kooxda Ahlu Sunnah sheegata oo heshiis isla gaarey

Readers Comments (1)

  1. Abukar Yusuf maxmud says:

    AHLU SUBAG WADUFAN WATIGREE WAR HOOY ADINKA IYO SUNO WAAD KALAFOGTIHIIN EE SUNADA HAKABEEN SHEEGINA SUNO AHAL UMATIHIIN WAANA LEYDIN GARANAYAA UMADA SOMALIYEDNA WEY KABAXDAY MANHAJKIINII BIDCADA XAMBAARSANAA EE AAD BOQOLAALKA SANO KUSOO WADEEN

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Waaliga Al shabaab ee Gobolkada dhexe oo sheegay in ay soo af jari doonaan Ahlu Sunna Wal Jamaaca Kooxda isku magacowday
  2. DKMG ah oo shaacisay in uu soo gaba gaboobay wajigii 2-aad ee kala dhaxeeyay Kooxda Ahlu Suna Wal Jamaaca
  3. Af hayeenka Xisbul Islaam ee Gobolada dhexe oo sheegay in ay ka war heleen dagaal ay qorsheynayaan kooxda sheegata Ahlu Sunna.
  4. Kooxda sheegata Ahlu Sunnah & DKMG oo heshiis isla gaarey.
  5. DKMG & Kooxda Ahlu Sunnah sheegata oo heshiis isla gaarey

Latest Headlines