Dagaal Muqdisho ka dhacey, khasaare rayidna dhaliyay.

Published on June 30, 2010 by   ·   2 Comments   ·   print

4 qof ayaa ku dhimatey 20 meeyo kalena way ku dhaawacmeen oo dhamaantood ah rayid, dagaal shaley gelinkii danbe ka dhacey inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ahaa mid culus hubka noocyadiisa kale duwana la isugu adeegsadey ayaa u dhaxeeyay Xoogag kala taabacsan Xakarada Shababul Mujaahidiin iyo kooxda sheegatada Ahlu Sunnah Waljameeca ee DKMG gacan saarka la leh.

Dagaalka oo socdey in muddo ah ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyada kale duwan ee Dadka iyo Gaadiidka, waxa uuna soo gaarey ilaa gabal dhicii.

Inta badan khasaaraha kale duwan ee rayidka soo gaarey waxey ka dhasheen madiic xoogan oo imaaneysay dhanka Xarumaha DKMG iyo Ciidamada AMISOM oo lagu garaacey goobo ka baxsan halka uu dagaalku ka dhacey.

Xarakada Shababul Mujaahidiin oo dagaalkan ka hadley waxey sheegteen inay kula wareegeen goobo hor leh, halka DKMG arintaa beenisay, balse afhayeenka u Hadley uu sheegay iney xeelad dagaal goobaha qaar dib uga gurteen.

Waxa uu dagaalkan qeyb ka yahey kuwa soo noq noqda ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ayna ka dhashaan khasaarooyin lixaad leh oo soo gaaraya dadka rayidka ee aan ku lugta laheyn.

Xaalada Magaalada ayaa saaka ah mida degan waxaana dib u furmey dhaq-dhaqaaqyada kale duwan ee ka jiray goobihii dagaaladu shaley galab ka dhaceen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacey Muqdisho.
  2. Duqeyn & Dagaal khasaare Rayid dhaliyey oo ka dhacey Muqdisho
  3. Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacey xuduudka Gobolada Hiiraan & Sh/Dhexe.
  4. Dagaal & Duqeyn khasaare ka dhashey oo ka dhacey Muqdisho.
  5. Dagaal & Duqeyn khasaare dhaliyey oo ka dhacey Muqdisho

Readers Comments (2)

  1. wadaad yare says:

    Doodaani waxey ku saabsantahey dood noo socotey nin Ibnu Fulaan la yiraahdo oo cinwaankii Salmaan Bin Fahad Alcawdah la socotey. Waxaan halkaan ugu soo rarey in dadka Wahaabiyada aaminsan aan ka doodno arimaha asaasigaa oo Wahaabiyadu wax ku takfiiriyaan.

    Ibnu Fulaan
    Horta inaadan firaaqo laheyn ood dooda ka cudur daarato waan ka xumahey. Sababtoo ah intaan doodaha ku jirey ma arag qof madhabtaad difaaceyso aaminsan oo leh iddilaacaaga oo kale. Dadka wax yaqaanana wax uunbaa xira oo si unbaa wax leyskula fahmayaa.

    Dooda asalkeeda hadaan u celiyo waxaa asal u ah doodeyda:

    1. Wahaabiyada firqo uga horeysey takfiirin jamaaci ah oo ahlul qiblada iyo dhiigoodu sidaas lagu daadiyo oon khawaarij aheyn ma jirto. Anigu waxaan ku doodayaa waa waaqic sugan oo muran ma doonto ah oo sajilan in Wahaabiyadu muslimiintii zamankoodi joogtey la jihaadeen, oo xukaam iyo maxkuumiinba laheyd. Yaa taas dood ka qaba oo oranaya waa been abuur?

    2. Wahaabiyadu arimaha ay dadka ku takfiiriyeen sida barakeysiga qubuuraha, xoolaha loo sadaqeeyo dadka dhintey, tawasulka iyo istiqaathada, sharadka iwm, maaheyn arimo cusub oo la bilowdey Muxamed C/Wahaabe ma dhacdey cid isaga ka horeysey oo intey dadka ku takfiriyeen kula dagaaleen oo dhiig u daadisey?

    Arimahaas aan soo xusey cid Ibnu Teymiyah ka horeysey oo shirki ku sheegtey ma jirtaa oo aayadaha Quraankaa oo mushrikiintii Qureysheed ka hadlaya sheegey iney soo hoos gelayaan?

    Qubuuraha barakeysigoodu asnaamta barakeysigooda inuu la mid yahey hal caalim oo yiri noo sheega?

    Istighaathada nebiyaasha iyosaalixiintu istaghaathadii asnaamta ayey la mid tahey oo ayaadahaas ayaa shamlinaya hal caalim oo Ibnu Teymiyah ka horeeyey bal sheega?

    Waxa ugu yar oo la oran karo waa in la yiraahdo mas,aladaas culimo iyo caamaba wixii Ibnu Teymiyah ka horeeyey way ka ilduufeen oo isagaa ku baraarugey!

    Mise waxaad leedihiin hortiis maba jirinoo bidco isaga waqtigiisi la bilaabatey ayey aheyd?

    Walaalayaal indhaha fura oo Ibnu Taymiyah iyo Muxamed C/Wahaab difaacitaankoodu yuusan idinla gelin inaad ummatul islaam wixii Ibnu Teymiyah ka horeeyey iyo wixii ka danbeeyeyba aad diintooda durtaan! Laa yastaqiim wallaahi bi ayyi xaal!

    Hadaad tiraahdaan arimahaasi bidco Ibnu Teymiyah la dhalatey oon hortiis jirin ayey ahaayeen waaqicaa diidaya oo tabaruka saalixiintu shey mutacaaraf ah min cahdi salaf ayuu ahaa, waxeyna itihaam ku tahey culimadii Ibnu Teymiyah la noolaa iyo kuwii ka danbeeyey ilaa laga soo gaaro waqtiguu soo baxey Muxamed C/Wahaab!

    Culimada shirkul akbar al mukhriju minal millah garan waayey oo umada uga digi waayey maxey noqonayaan?

    Intaan hadaba cudur daarka la gaarin Wahaabiyadu waxa dadka ay ku takfiiriyaan oo dhiigooda ku baneystaani ma shubhooyin aayado si qaldan loo fasireybaa mise waa arin ahlul cilmigu ijmaac ku yahey sida ay dadka iyo naftoodaba u wahmi gelinayaan?

    Muxamed C/Wahaab taariikhdiisa ku qoran kutubta Wahaabiyada oo muctamadkaa dadka wuu la dagaaley oo dhiig badan buu daadiyey, xataa waxaa ku qoran kitaabka cinwaanul majd fii taariikhi najd inuusan shahaadadoodi hore u tix gelineyne uu shahaadada u qaban jirey ( wa aqarra lahumu shahaadah)

    Waxaan is weydiinayaa hadii Wahaabiyo takfiir noqon waayaan takfiir wuuba macno beelayaa.

  2. Xafsa says:

    Walalaha ha iska dhafen dagalka iyo isdilka ee si’kale wax ha uxaliyen




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacey Muqdisho.
  2. Duqeyn & Dagaal khasaare Rayid dhaliyey oo ka dhacey Muqdisho
  3. Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacey xuduudka Gobolada Hiiraan & Sh/Dhexe.
  4. Dagaal & Duqeyn khasaare ka dhashey oo ka dhacey Muqdisho.
  5. Dagaal & Duqeyn khasaare dhaliyey oo ka dhacey Muqdisho

Latest Headlines