Daalibaan oo dishay 32 ka tirsasn askarta gumeysiga nato

Published on June 30, 2010 by   ·   2 Comments   ·   print

Ciidamada daalibaan oo weeraray garoonka diyaaradaha ee jalal-abaad ayaa sheegtay in ay 32 askari oo ka tirsan ciidamda gumeysiga nato ku dileen weerarkaas sida uu tv-ga CNN u sheegay masuul ka tirsan ururka daalibaan oo lagu magacaabo dabyullaah mujaahid.

Weerarkan lagu laayay askarta naato wuxuu saaka ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada jalaal- abaad oo xarun muhiim ah u ah ciidamada naato, waxaana lagu tilmaamaa inay tahay xarunta ciidan ee saddexaad xagga ahmiyadda iyada oo ku soo xigta qandahaar iyo bagraam.

Bisha juun waxaa ciidamada gumeysiga afqaanistaan lagaga dilay in ka badan 100 askari taas oo bishan ka dhigeysa middii ugu khasaaraha badneyd ciidamada nato laga soo billaabo weerarkii gardarrada ahaa  waddankaas lagu qaaday 2001dii.

Hoggaanka guud ee ciidamada mareykanka David Petrios oo la hadlayay aqalka congresska ayaa talaadadii sheegay in khasaaraha ciidamdoodu uu badan doono xilliyadan soo socda isaga oo arrintaas ku sababeeyay weerada daalibaan ee sii kordhaya.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Daalibaan oo dishay 11 Askari gubtayna 2 Gaadhi
  2. Daalibaan oo ugu Baaqdey Warbaahinta Aduunka inay indhahooda ku soo arkaan oohinta Askarta Gumeysiga ee Marjah
  3. NATO oo Bilowday Dagaal Balaaran oo ka dhan ah Daalibaan
  4. NATO oo Wada Hadal ugu Baaqday Daalibaan
  5. Daalibaan oo Ciidamada NATO ka gubtay 24 Baabuur oo Sahay u waday

Readers Comments (2)

  1. Rhamu says:

    Illah ayaa mahad leh

  2. MUSAAFIR ADUUNYO says:

    allaahuma sid lanaa min fadlik

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Daalibaan oo dishay 11 Askari gubtayna 2 Gaadhi
  2. Daalibaan oo ugu Baaqdey Warbaahinta Aduunka inay indhahooda ku soo arkaan oohinta Askarta Gumeysiga ee Marjah
  3. NATO oo Bilowday Dagaal Balaaran oo ka dhan ah Daalibaan
  4. NATO oo Wada Hadal ugu Baaqday Daalibaan
  5. Daalibaan oo Ciidamada NATO ka gubtay 24 Baabuur oo Sahay u waday

Latest Headlines