Wafdi uu Hogaamniyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maanta gaadhay Magaalada Jig jiga

Published on June 29, 2010 by   ·   10 Comments   ·   print

Wafdi uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samed Cali Shire uuna ka mid ahaa Wasiirka Amniga Yuusuf Axmed Kheyre iyo xubno kale ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Deegaanka Soomaalida Galbeed.(sawirro)

Wafdiga Puntland ka socday ayaa kulamo la qaatay  maamulka Deegaanka Soomaalida waxayna labada dhinac ka wada hadleen arimo ay ka mid ahaayeen Amniga ,Ganacsiga iyo iskaashiga dhanka kheyraadka.

Wafdiga ayaa ka yimid dhanka Magaalada Addis Ababa waxayna hadlkaa kulamo kala duwan kula soo qaateen madaxda sare ee Dowladda Itoobiya ,waxayna Wafdigani socdaal kala duwan ku tageen Goobo kala duwan ee ka mid ah Dalka Itoobiya.

Xubnaha uu Xogaanminayo General C/samed Cali Shire ayaa maanta ka qeyb galay Seminar in mudo ah u socday howladeeno ka tirsan Ururka UWSLF.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan labo maalmood kadib Magaalada Addis Ababa waxayna intaa kadib dib ugu laaban doonaan Deegaanka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland .



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Wafdi ka socda Ururka Islaamka oo Maanta gaadhay Magaalada Muqdisho
  2. Wafdigii UWSLF ee ku sugnaa Magalada Boosaaso oo dib ugu laabtay Magaalada Jig jiga
  3. Gaadhi uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Qarax lagula beegsaday Tuulada Laag
  4. Odayaal dhaqameedyo & Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland oo Addis Ababa u safray
  5. Safiirka Masar ee Soomaaliya oo maanta soo gaadhay Magaalada Boosaaso

Readers Comments (10)

  1. abukurayb says:

    subxaanallaah.
    somalimirror way maydhantay illahay ha idinku soo celiyo tubtii tosnayd, waxaad buun buunisaan wararka xabashida iyo dabadhilifkooda

  2. nabad says:

    waa doqomo iskugu timid sidii eey uga shiri lahaayeen oo loo soo xiri lahaa xadka,ganacsiga,isdhexgalka ka dhexeeya walaalaha kala degan ssc iyo Ogadenia, wuxuu meesha u joogaa asagoo wakiil ka ah inta neceb midnimada somaliya sidii uu u carqaladeeyn lahaa dadaalada eey shacabkaas wadaan kasoo eey ku baadi goobayaan aaya ka tashigoo0da

  3. Bargaan says:

    subxaannallaah Somalimirror sidaan miyaad noqoteen
    waxaad nagu dal dalaysaan Murtad meel booqday iyo Murtad PIS ah oo shil ku dhintay

    Maxaad u qori la’diyiin Guulaha ay Libaaxyadda Islaamka kasoo hooyeen dagaalada Xamar ka socda weliba saxaafadda ayaa maanta sawiro kasoo qaadatay.

    Shabakadda islaamka ugu deeqa ama iska xira naga daaya Jigjiga iyo dhulka somaligalbeed ee gumaysiga lagu hayso hadii dagaallo ka socdaan somaligalbeed noo sheega laakin Ictisaam iyo maamulka Faroole warkiisa naga dhaafa

  4. khaadul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    sheekada axmaaro kolay waa ka socotaa jigjiga laakiin reer puntland talow ma ciidan bay diri doonaan looga hortago axmaarada duulaanka ku ah soomaaliya mase axmaaray la soo safan doonaan ?

    WALLAAHU ACLAM

  5. ayman says:

    a/c/w layaab puntland oo isku qaban qaabineyso inaay ahaato kilinka lixaad kuna faraxsan, dad loo abuurey xuriyad una halgaamaayo inay hoostagaan gumeeysiga itoobiya waa arin caajib ah ……………..

  6. mohamed says:

    Asalaamu Aleykum

    waxaad moodaa soomalimirror inuu mudooyinkan kalumay aragdidii warbaahinayd ee u gaarka ahayd.

    Markaan webka furo waxaan baryahan ku arkaa:
    1- Wadaado xabashi laheshiiyey
    2- Mas’uul xabashi lakulmay
    Ogaada inaan kadaalnay warbaahin midaba badan. Taa macneheeda maaha soomaaliya kooxeheeda mid lasafta ee waxaan kawadaa noqda web islaami ah oo qaab xirfadi kusleeysantahay wax uga qora dhacdooyinka soomaaliya lehna aragti islaami ah oo wacyi iyo aqoon saxaafadeed kusleysan.

  7. yoocaale says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa yaab maxay kadooneen jigjiga tolaw mise laba nin ayay soo gadanayaan markay busaarad kudhacdo putland ayay ogaadeenka jooga sosaso gataan kkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. NUUR says:

    nimanka leh webka sidaa wax ha uqoro iyagu hasamaysteen mid ay waxay rabaan ku qortaan.
    somalimmiror cidna wax uma sheegi karto way qaan gaadhay somaligalbedna iyadaa danaheeda idinka taqaan marka marka ninwalba tiisa haka hadlo mida kalana ha iska dhaafo.

  9. daacad says:

    Salaankadib,
    Ilaah ayaa mahad ideylkeed iskaleh, Nabigeena suubana naxariis korkiisa ha ahaato.
    Walaalayaal. ma haboona in lagu degdego qof aadan hubin inuu gaal yahay in la gaaleysiiyo. sideekalena qof aan Muslim ahayn la yiraahdaa waa Muslin.
    Waxaa hadana marag madoonta ah in inbadan oo Muslim ah ama Islaanimo sheegataa ay u shaqeeyaan Kufaarta Alle iyo Nabiba ka furtay.

    Hadaba maxaa kula gudboon adiga ka qof ahaan?

    talada aan kusiin lahaa waxay tahay inta aadan xukum ku ridin cidkale ogow oo xusuunow Maalinta adiga oo qaawan oo cagacad oo weliba buuryaqab aad ALLe (SW) soo hor istaagi doontid oo camalkaagana laguu oofin doono adigoon lagu dulmineyn.

    Wabillaahi tawfiiq W.W.Wabarakaatuh.

  10. Mujaahid says:

    Awalan Asalaamu Caleykum marka xigta somalimirror waxaad idin leeyahay qaata walaalaha idinla jecel wanaaga fikirkooda sababtoo ah barnaamijkaan oo kaliya waxaa cod ka dhiibtay 9 qof mid qabiil ahaan ayuu u hadlay minna qeyr Allaha siiyee waana baraarujiyay 7 kalana waxeey idinku dhiiri kaliyeen in aad kusuu noqotaan wadadii la idinku jeclaa run ahaantii anaga markaan bartay webkaan wuxuu ii noqday midka 1 aad ee aan booqda waqti kasta hadana iguma soo dheceyso in aan booqdo hadaba waxaan idin leeyahay iniga iyo inta ila midka ahba walaalayaal inoogu soo noqda sidaan inoo aheydeen waan idinku jecleen sida aan inoo aheeydeene

    WABILLAAHI TOWFIIQ




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wafdi ka socda Ururka Islaamka oo Maanta gaadhay Magaalada Muqdisho
  2. Wafdigii UWSLF ee ku sugnaa Magalada Boosaaso oo dib ugu laabtay Magaalada Jig jiga
  3. Gaadhi uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Qarax lagula beegsaday Tuulada Laag
  4. Odayaal dhaqameedyo & Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland oo Addis Ababa u safray
  5. Safiirka Masar ee Soomaaliya oo maanta soo gaadhay Magaalada Boosaaso

Latest Headlines