Hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Jig jiga ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay seminar in mudo ah u socday Ururuka UWSLF ,waxaana siminaarkaas uu socday ku dhawaad mudo bil ah waxaana duruus ka bixinayay aqoon yahano u dhashay Deegaanka Soomaali Galbeed(sawirro)
Siminaarka ayaa lagu furay Aayaad Quraanka kariimka ah waxaana akhriyay Sheekh Sulub Macalin Qorane ,wxuuuna Sheekh Sulub akhrinta Quraanka Kariimka ah kadib uu soo jeediyay Muxaadaro wacyi galin ahayd.
Waxaa xaflada ka hadlay Qaban qaabiyaha Seminar-ka ahnaa Gudoomiyaha Gobolka Jig jiga Mowliid Haayir ,wuxuuna sheegay in ay si aad ah ugu faraxsan yihiin in ay maanta soo gaba gabeeyaan Seminaarkii ay mudada ku soo jireen.
Khaalid Sheekh C/laahi Cumar oo ah Ku xigeenka Xafiiska Warfaafinta kana mid ahaa dadkii
qaadatay Seminar –ka oo ka hadlay Xaflada lagu soo xidhayay Seminar-ka ayaa sheegay in wax badan ay ka faa’iidaysteen Seminar-ka.
Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida C/fataax Sheekh C/laahi waxaanu ka dhawaajiyay in markii hore ee ay wada hadlayeen UWSLF iyo Dowladda Itoobiya ay kala shikisnaayeen balse markii dambe dhan walbaa uu arkay daacadnimada dhanka kale ,wuxuuna tilmaamay in wax badan ay ku niyad san yihiin walalahooda ay 18 sano hubka isku siteen oo ay hadda waxa joogaan kuna heshiiyeen in ay dalkooda si nabad ah ugu wada noolaadan kana wada shaqeynaya hormarka dalkooda.
Hogaanka Xafiiska Nabad galyada Cabdi Muxumad Cumar ayaa sheegay in wax badan ay ku faraxsan yihiin Seminar-kan soo gaba gabooyay ,wuxuuna xusay in UWSLF ay qaadatay talaabo taariikhdu ay xusi doonto.
Gaba gabadii Xafladda waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay Ardaydiiyay uu seminar-ku u soo gaba gaboobay waxaana shahadooyinka gudoonsiiyay Sheekh Muxumed Gadhweyne,wuxuuna Sheekhu ardayda ku booriyay cabsida Alle SW.











Related posts:
kkkkkkkkkkk ileen soomaali mirror waa is badashay maanta ayaan soo galay waaba iyadiiyoo buunbuuninaysa waxaan jirin, ma shalay ayay qaldanaayeen oo maanta ayay saxan yihiin mise maanta ayay qaldan yihiin oo shalay ayay saxnaayeen waa iga su’aal aniga aqristow. waxaan kaloo layaabay ilaa hadda dalka intiisa kale isku si uma towjiihiyaan dadka ee waa u kala eexdaan soomaalimirror. dhanka kale kuwan waa kuwo is dhiibay oo ay nolashu ku adkaatay ama wadi waayay halganka waa maxay macnaha ay sameynayso 20 sano kadib in heshiis la galo kagadaal kolkii dadkii la laayay, adeerayaalow nagadaaya ciyaarta hadaad al itixaad tihiin dhiiga soomaali ku lagu ciyaaro maaha
ilahay idamkii khayamada iyo makriga aad umada umalegaysaan kugulaysan maysaan malin malmaha kamid ah na waa laydin xisaabin tastuurka xabashida ee orta dhogoska laga soo manguriyay hadii laydin barayay waa dhibaata inteeda leeg nin shalay kitaabka ale ayaan udagalamaya alaahaa in manta tastuur gaalo dajisay xifdin teeda shahaado lagu gudonsiiyo ilahow idin soha dee
Asalamu alaikum
waaba yaabanahee maxaa loo istaagay ma calanka saliibiyinta tigreeba mise?
taas iga jahil bixiya wasalam
Somalimorror hala yaabin maanta ineey dhiiro galiso in halgankii islaamiga ahaa inta laga tanaazulo in nasaaro la hoos galo oo la isku dhiibo calanka xabashida loo istaago ama waxa loogu sheego siminaar lagu baranaayo nabada loo qabto kaasoo macnahiisa dhabta ah yahay anshax xumeeyn iyo duleen la duleeynayo dadkii shalay sheeganaayay Islaamnimo. hala yaabane Allah SWT ayaa noo sheegay. Mid Allah duleeyay ama ihaaneeyay yaa Allah gadaashiis karaameeyn karo oo sharaf u yeelo karo ??????????
wa yaab in manta webkii an uga baranay inuu islaamka galeysiiyo itoobiyan cadawga u yaqanayy inuu manta buubuniyo marka ma qabyalada sidatan mise waa hawl uun dad gooni ah lagu shidayo karbuuno?
umada somaliyud hayska jireen wabkaan jaajuska ah kana soo horjeeda magaca iyo qarannimada umada somaliyed una shaqeya muusaniyada yahuuda
qolyahan comments qoraya hayska dhaanteeyaan hadal macaan oon waxba tarin waxaa dhaama howl yar oo shacabka anfacda is waydiiya xaalka wadanku kujiro iyo inta kuhadhay fikira ha dhaantaynine e
SOMALIMIRROR WAX KALE IDIN DHIHI MAAYEE ISLAAMKA U SHAQEEYA KANA TOWBAD KEENA CADAWGA RAGA RAACAY HA BUUN BUUNININA
WAXAAN IDIIN RAJEYNAYAA IN AAD WADADII LA IDINKU JECLAA EE XAQA AHEYD USOO NOQOTAAN WAAD OGTIHIIN IN AAD AHEEYDEEN WABKA MUSLIMIINTA SOOMAALIYA IYO DADKA AHLU-SUNNA WALJAMEECADA DHABTA AH WABKA EEY KU XIRANYIHIIN HADANA WAXAA SOO DHAW BISHII BARAKEYSNEYD MANA HALMAAMI DOONO RAMADAAN KASTA DARUUSTII AAD INOO SOO GUDBIN JIRTEEN EE WALAALAYAAL SUMCADIINA HAKU CIYAARININA
WAXAAN IDINKA SUGNAABA WAA JAWAAB WAAFI AH OO AAN KU QANACNO IYO IN AAD SI DEG DEG AH AAN IINKAGA DHEX ARAGNO WANAAGAAD BULSHADA U HESEEN OO AAD DIB USOO CELISAAN INSHA ALLAAH
(RAJADA AAN IDINKA QABNANA HANA SEEJININA)
(WAXAAN KALOO ALLAAH KA RAJEYNEYNAA QEYR)