Waxaan ku wargalineynaa walaalaha Muslimiinta ee ku nool wadanka Ingiriiska iyo Yurubta kalaba in la qaban doono Mutamarkii xagaaga wadanka UK gaar ahaan Magaalada Birmingham, Mutmarka oo sanadkaan aad loo soo diyaariyay kuna baxaya luqadaha Somali, Arabic and English ayaa waxaa ka qayb qaadanaya culimo qiima badan oo Somali ah kana kala imaan doona daafaha aduunka.
Mutamarka waxaa lagu qaban doona Centre weyn ee xaafada Small Heath, Birmingham. Hadaba yayasan ku dhaafin fursadaan aadka qaaliga u ah
Culima ka qayb galaya waxaa ka mid.
1. Sh. Musatafa Xaaji Ismaaciil
2. Cabdiraxmaan Sh. Cumar
3. Sh. Saciid Raage
4. Sh. Dr Cali Mohamed Saalax
5. Sh. Mohamed Irdis
6. Sh. Mohamed Omar Diri
7. Sh. Cabdiraxiim Abuceyneyn
8. sh. Mohamed Aadam
9. Sh.Cabduqaadir Mohamed Pakistaan.
Iyo kuwo kalaba

Related posts:
asc all islam ka wan salamantahan waana waxa wanagsan in la is fahansiiyo diinta wana mahadsanyahiin inta so gaba qabisay iyo wadadaba wana idin rajeynaa kher in alle naga siiyo aamin bye thanks all bye
BISMILLAAH.
…………..gaalo miyaa fasaxday shirkaas……………
waxaa la maqlaa indhawaydba wadaado muslimiina
baa la xirxiray , waxaa la maqlaa dad rayida oo muslimiina baa diyaarad aan duuliyo wadin oo loo malaynayo in maraykan leeyahay ku gumaadaya waziiristaan , waxaa kaloo ayaamahaan
aad loola socday doontii xoriyadda ee turkiya oo yuhuuddu xasuuqday dad ka mid ahaa dadkii saarnaa doonta , waxaa kaloo lala socdaa in xijaabkii gabdhaha la mamnuucay , waxaa kaloo laga maqlaa ingiriiska hawlgallo ka dhana ummadda muslimiinta ah ee qaxootiga ku ah iyo kuwa la siiyay waraaqaha gaaladu leedahay oo ah shaabadda ingiriiska loo huwiyay dadkaas oo goortay rabaan ka qaadaan.
waxaa kaloo la ogyahay in maalin aan fogayn in gaalada meeshaas ingiriiska joogta ay soo bandhigeen masrax naag dad salaad jumco ah ka bixinaysa kuna dhaqdhaqaaqaysa hortooda .
isku soo xooriyoo gaalo waa gaalo meelkasta oo ay joogaan .
su’aaaaaal : yaa u fasaxay wadaadadaan inay shir ku qabsadaan waddankaas ISLAAMKA lagala dagaalayo muslimiintana lagu dhibayo ?
su’aaaaal : mase waddaadadaani waxay ka tanaazuleen qaar ka mida diintooda ?
su’aaaal : mujaahidiinta miyay u ducayn karaan mase jihaad bay ka hadli karaan ?
war jiraaba cakkaaruu imaan ?
kolay waddaadadaaan hadday sax ku socon lahaayeen waa horaa la xirxiri lahaa kolay waxbaa si ka ah !!!!!!!!!!!!!!!!!!!
WALLAAHU ACLAM.
Culimada mu,tamaraatka qabata waa culimo Wahaabiyo ah laakiin kasoo dabcey mawaaqiftii aadka u xag jirtey ee lagu yaqiiney Wahaabiyada asalkaa, sababtaasna duruufta is badashey oo ay ku noolyihiin ayaa u sabab ahe is badal qanaaco ah oo ay mawaaqiftoodi ku muraajaceeyeen ma jirto.
Labada garab ee Wahaabiyada oo kala ah Salafi jihaadiga iyo garabka Sacuudiga ku xiran, labaduba madhabkii asalka ahaa wax bay ka badaleen oo ma hayaan wadadii uu ku bilowdey duruuftoo is badashey awgeed. Laakiin waxeysan labaduba iska badalin takfiirintii muslimiinta oo madhabta lagu yaqaaney iyo tashadudkii iyo maskax yaradii madhabtaas lagu yaqaaney.
Ma waxaad u baahantihiin daliilo muujinaya sida dacwada Wahaabigu takfiir ka khatarsan tan Alqacida u aheyd min bilowgii. Aqriya kutubta maraajicdaa oo iyagu leeyihiin oo la kala yiraahdo:
Cinwaanul majd fii taariikhi najd
Al durarul saniyah firrasaa,ilil najdiyah oo ah rasaa,ishii ay culimadii dacwada Wahaabiyadu isku diri jireen laga soo bilaabo waqtigii Muxamed C/Wahaab.
Kashfu shubuhaat, waxaana aad u fiicnaan laheyd hadaad xaq doon tahey inaad la aqriso kitaabka uu radinayo oo uu qorey Muxamed C/Wahaab walaalkiis Suleymaan Bin C/wahaab oo dabcadii hindiya cinwaankiisa ku magacowdey ( al sawaaciqul ilaahiya fil raddi calal wahaabiyah) Iyo midka Muxamed Zeyni Daxlaani oo fitnatul Wahaabiya la yiraahdo.
Dacwada Wahaabiyada Alqacida iyo shabaab ayaa si sax ah u heysta marka runta laga hadlo qolyahaan kale waa labo canleyn waxey wadaani. Laakiin Shabaabkana waxaa carqalad ku ah in Wahaabiyadu si muwathaq ah u takfiiriyeen khilaafadii Cuthmaaniyada, qofkaan takfiirina ku sheegeen inuu ku gaaloobayo.
Salafiya Jadiida iyo wixii la hal maala oo ahlul atharkii ta,wiilka diidi jirey in xukaamta lagu baxana diidi jirey doonaya iney gabaad ka dhigtaan waxaan leenahay intaad Wahaabiyo gadaasha marsaneysaan idiinma ansaxeyso taasiye Shabaabka ku daba feyla hadaad Wahaabiyo difaaceysaan.
Muxamed C/wahaab iyo xertiisu way ka takfiirin badnaayeen, wayna ka qatli badnaayeen Shabaabka.
Bilaadul islaam iyo suldaankiiba way taqkfiiriyeen kuna baxeen.
Cinwaanul Majd fii taariikhi najd ka aqriya sida Daa,if oo dagaal la,aan is dhiibtey loo baneystey oo dadka leyska laayey sabab la,aan! Kitaabkaasna maraajicdooda ayuu ka mid yahey.
Ka aqriya kitaabkaas sida ninkii wadey risaaladii Suleymaan Bin C/Wahaab qorey oo la oran jirey Suleymaan Bin Khuweydir uu Muxamed C/Wahaab u amrey in la dilo magaalada Cuyeyna!
Wahaabiyada inagoo yar ayaa si sahlan naloogu dhiibey, markaan wacyi yeelaneyna waxaa noo cadaatey iney firqo baadi ah oo takfiiri ah oo umada fitno dhex dhigtey tahey.
Markaan maraajicda taariikhigaa oo leydinka qariyey in mudaa indhihiina ku jeediyo ayaan u leexan doonaa masaa,isha ay dadka ku takfiiriyaan inaan xabab xabad u dul istaagno, waxaanad arki doontaan in badidoodu ama kulligoodba aysan is moodsiiskii khawaarijta wax weyn ka gedisneyn oo ay awhaam muslimiinta ku gaaleysiiyeen.
Ceeb iyo denbi waxey u sugnaatey qof Shabaab iyo -alqacida takfiirnimo ku ceebeynaya oo Maxamed C/wahaab oo ay taqliidiyeen kana daran iyaga xaga takfiirka difaacaya!
To: Khaaribul Islaam
Ascwrwb
Allaah yahdiik, waa adoo kale kuwa diinka ku ciyaara, ee aan lahayn meel loo raaco, qoraalkaaga ayay ku caddahay inaadan cilmi badan aqoon, iyo sidaad u deg degayso, su’aasha aad keentayna meesha kumaba haboona, hadaad mujaahidiin taagerayso, sidan looma taageero, adaaba mujaahidiinta shacabka ku diraayo; waa markuu noocaaga oo kale sheegto inuu taageeraayo mujaahidiin,
Mujaahidiinta waanu jecelnahay culimadeenana waanu jecelnahay, haday isku afkaar noqon waayaana, waanu u cudur daareynaa, amaa inaan ceebayno ma banaana, waana waxa aad hada qoreyso, ee walaalow Allaah swt ka xishoo oo jooji tafaraaruqa aad la dhex ordeyso muslimiinta dhexdooda. walaalhu aclam,
Karaali noqo canaanta, waxaan ka carooday sidaad wax u qortaye kuuma qabo nacayb. wscwrwb
War heedhe ninkaan khaadim la baxayoy maxay tahay baadilka aad halkaan kusoo aroorisay iyo su,aalaha uu sheydaanku kuu mariyey ee aad miisaanka uga dhigtay culimadaas dacwada gudanaysa..? ma wax ninweyn ku hadlaa mise waa hadal micno leh,xageed jirtay markii culimadaan last 15 years ay mu’tamaraadka dacwada ku qabanayeen yurub iyo meelo kaloo caalamka ka mid ah,mase la socotaa in caalamka aanu ku noolahay meel kasta oo ka mid ah ay weligeed ka socotay dacwada islaamku,oo ay culimo dacwo ka wadaan,lama socotid taas iyada ah,waayo dorraad ayaad rucle ku timid oo aad indhaha kala qaaday,markaad saas indhaha u kala qaadayna waxaa indhahaagu ku dhaceen kooxo qori la ordaya oo iska dhigaya inay iyaga kaliya uun yihiin kuwa xaqqa ku taagan,wax walba oo kalena daadka qaadsiiyey oo u qeybiyey qaar gaaloobay,qaar inxiraafay iyo qaar munaafiqiin ah,ilaahay diintiisiina ka dhigay Daruur kaliya oo iyaga ku da’day.
Calaa kullixaal waxaan ku oran lahaa afkaaga ka leexi culimada oo jahliga ku haya u noqo diinta alle iyo culimada oo wax ka baro,wixii uu sheydaan kuu meeriyey meelaha ha la wareegine.
Wadaad yare. Sh.maxamad c.wahaab wuxuu ka mid yahay mujadidiinta diinta islaamka ee qarnigii 12-aad ee hiriyada ayadoo suufiya,bidco iyo quraafaad hareeyey caalamul islaam ilaa qabriga suubanaha la caabudo oo wixii dahab iyo dayman dul yaalay uu u qaybiyey masaakiintii madiina ee baahnayd, amaa dawladii qabuura galeenka ee cuthmaaniyiinta ee la takfiiriyey wey mudnayd waxayna ku jirtay mudaaharatul kufaar calal muslimiin, muwaalaaul kaafiriin iyo muxaarabaul muslimiin waa tii maxamad cali baashe kusoo duulay najdi ee ku laalay 6oo culimo ah asagoo kaashanaya ingiriis idan dawladaa iyo geedi isku mid ayey ahaayeen ee umada ha habaabin maalmaan ka nasanay been abuurkaagii
Maxamed
Dawlada Cuthmaaniyiinta in Wahaabiyadu takfiirisey hadaad qirsantahey waa arin muhim ahe, yaan lagaa maqal alif baa wax leh iyo wax ma leh.
Dawlada cuthmaaniyiintu iyadaa bilaadul xijaaz ka aheyd dawlad, kitaabada Wahaabiyadana waxaa ku cad iney isticmaalayaan ereyga (al dawlah) oo leeyihiin dawlada qofkii ka shakiya gaalnimadeeda wuu gaaloobayaa!
Waxaa cajiib ah dad iyagu bughaat ah iney dawladii raacitaankeedi wax ku takfiiriyaan. Waa madhabtii khawaarijta oon xaraf laga badalin.
Haye dawladii garanaye dadka rayadkaa oo la xasuuqayeyna bal ka waran maxaad ka tiri iyagana?
Masaa,ilkaanse umuurta cithaamkaa oo gaaleysiin iyo dhiig baneysi ah aad sababta uga dhigateen yaa idiinkaga horeeyey salaf iyo khalaf ood uga dayateen?