Mareykanka oo Ciidamada Ciraaq uga sugan 60% u wareejinaya Afganistan.

Published on June 28, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Hogaanka ciidamada Gumeysiga Mareykanka ee ku sugan Dalka Ciraaq, waxey ku qasbanaadeen 60% ciidamada Ciraaq uga sugan iney u wareejiyaan dhanka Dalka Afganistas, waxeyna talaabadina imaaneysa 2 bil ka hor xilliga rasmiga ah ee horey u go’aamiyeen iney uga baxayaan Ciraaq.

8 ka mida Saldhigyada ugu weyn ee ku leeyihiin Ciraaq ayaa la diyaariyey Ciidamadii ku sugnaa iyo agabkooda si loogu daadgureeyo dhanka Afganistan oo beryahan danbe weerarada ka dhanka ah ee uga imaanaya Daalibaan soo kordheen khasaarooyin kale duwana ka soo gaareen.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Ciraaq, xilliyadan danbe waxey isku howlayeen sidii ay u yareyn lahaayeen ciidamada halkaa ka jooga, ugana soo reebi lahaayeen ilaa 50 kun oo askari, inta ka horeynta bisha Augusto ee sanadkan.

General Jose Berna oo ah Mas’uulka daadgureynta ciidamada Mareykanka u qaabilsan waxa uu sheegay iney ku guda jiraan yareynta ciidamada Ciraaq uga sugan waxa uuna hadalkan sheegay xilli uu saarnaa Markab xamuul ooy saarnaayeen 330 gaadiidka gaashamana oo ku sii jeeday dhanka Dalka Kuweyt si loogu sii gudbiyo Afganistan.

Wuxuu intaa ku darey 32 kun oo ah agabka kale duwan ee ciidamada in laga qaadey Ciraaq tan iyo 2009, sidoo kale gaadiidka Miino barista loo isticmaalo iyo Diyaaradaha Ciidamada lagu daadgureeyo iyana laga wareejiyay Ciraaq.

Si joogta ah, gaadiidka Ciidanka ee gaashaaman ayaa dhanka Koonfureed laga geliyaa Kuweyt ka hor inta aan loo sii gudbin Afganistan, waxaa sidoo kale horey loo daabuley 800 kun oo agabka Ciidanka ah.

Saldhiga Victory waxaa xarunta ugu weyn ee ciidamada laga daadgureynayo waxaa sidoo kale jirta 4 Saldhiga oo ku yaala Waqooyiga Ciraaq, mid ku yaalada Galbeedka iyo 2 Koonfurta ku taala, waxaa intaa dheer diyaarin joogta ah oo lagu wado Agabka ciidanka si loo qaado.

Xilligan 84 kun oo askari oo Mareykana ayaa ku sugan Ciraaq, ku talagankuna waa in dhamaan ciidamada dagaalama laga qaado Ciraaq siduu horey u sheegay Barak Obama, Madaxweynaha Mareykanku, waxeyna ka dhigan tahey ciidamo yar oo tababaro bixiya waxaan ka aheyn in laga saaro Ciraaq ka hor bisha Augusto ee sanadkan.

Xigasho; Almokhtsar.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Tirada Dhimasho ee Ciidamada Gumeysiga Mareykanka ee Dalalka Afganistan & Ciraq
  2. Ciidamada Mareykanka oo bilaabey inay ka baxaan Gudaha Magaalooyinka Ciraaq.
  3. New-Zealand oo Ciidamada Afganistan ka jooga kordhineysa & Daliban oo weeraro ka fuliyay duleedka Kabul.
  4. October oo noqoneysa Bishii Askarta Mareykanka ee Afganistan ugu dhimashada badnaayeen.
  5. 2 Askarta Mareykanka oo Ciraaq lagu Dilay.

Readers Comments (1)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ,,,,,,,,,,,,,afganastaan balaayaa ka raacday,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

    60% buu u wareejin afganastaan waxay daliil u tahay in afganastaan balaayo ka raacaday inta ay bishaan kaliya qirteen 100 waa ku dhowdahay ee maxaa sugaysaan muslimooow is raacsha bakhtigooda oo iska daaya tafaruqa oo u gargaara muslimiinta war mujaahidiinta raaca , war iska daaya dulmiga dhexdiina war u soo jeesta nasrigaa ALLAAH SUBXAANAH UU IDIN SIIYAY
    oo cadaw kaa xoog badan kaaga hiiliyay.

    RABBOW MUSLMIINTA HANUUNI OO QULUUBTOODA ISU KEEN OO GAALADA JABI OO MUSLIMIINTA KUWOODA KURBAYSAN KURBADA KA FAYD KOODA DHINTANA U NAXARIISO KOODA BAAHANNA DHARJI KOODA OOMANNA WARAABA KOODA BUKANA CAAFI KOODA FAQIIRKA AH QANI KA DHIG KOODA MURAAD AAN MACSI LAHAYN RABANA MURAADKIISA U SAHAL KOOD MUJAAHIDKA AH U NOQO WALI DHANKASTA OO EHELKIISA IYO XOOLIHIIS IYO NAFTIISA U ILAALI GUUSHANA SII
    KOODA BAADIYAYSANNA SOO HANUUNI.

    WALLAAHU ACLAM.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Tirada Dhimasho ee Ciidamada Gumeysiga Mareykanka ee Dalalka Afganistan & Ciraq
  2. Ciidamada Mareykanka oo bilaabey inay ka baxaan Gudaha Magaalooyinka Ciraaq.
  3. New-Zealand oo Ciidamada Afganistan ka jooga kordhineysa & Daliban oo weeraro ka fuliyay duleedka Kabul.
  4. October oo noqoneysa Bishii Askarta Mareykanka ee Afganistan ugu dhimashada badnaayeen.
  5. 2 Askarta Mareykanka oo Ciraaq lagu Dilay.

Latest Headlines