Dagaal u dhaxeeya labo beelood oo wada daga Gobolka Karkaar ayaa ka dhacay tuulada Uur Jire e Gobolkaa wuxuuna dagaalkaa dhaliyay khasaare isku jiray dhimasho iyo dhaawac kala gaadhay labadii dhinac ee uu dagaalku u dhaxeeyay.
Khasaarada uu dagaalkaa keenay ayaa ah dhimashada 5 qof iyo dhaawac tiro kale oo aan si xadidan loo heyn tiradooda ,waxaana dadka ay dhaawacyadu soo gaadheen la dhigay Isbitaalka Magaalada Qardho qaar kalen waxa ay wararku sheegayaan in loo gudbiyay dhanka Magaalada Boosaaso.
Odayaal dhaqameedka labada Beelood ee dagaalamay ayaa ku howlan sidii ay u kala dhex gali lahaayeen Maleeshida ay dirirtu dhex martay ,waxaa sidoo kale jira dadaalo ay wadaan dadka deegaanka oo ay ku kala qaadayaan maleeshida uu dagaalku u dhaxeeyo.
Si cad looma oga waxa keenay dagaalkan waxayna dadka deegaanka qaarkood uu Warbaahinta u waramay ay sheegeen in dagaalka hadda dhacay uu dabo socday dagaalkii horey labada beelood ugu dhex maray deegaanka Duud Hooyo dagaalkana uu daba socday aanooyin ay labada Beelood kala tirsanayeen.

Related posts:
BISMILLAAH.
,,,,,,,,,,,,,,,war heshiiya walaalaaba tihiine,,,,,,,,,,,,,,,,,
shaydaanka laaya , cadaw ALLAAH laaya , walaal ha layn , muslim ha layn aan danbi kaa galin, inta meel ee gaalo ku laynayso muslimiin aada oo gaala la dagaalama oo laaya , maxaad isku laynaysaan walaalaaba tihiine sow wax lala yaaba ma ahan see ku dishay walaalkaa ?
WALLAAHU ACLAM.
WAR SI FIICAN ISKU LAAYA OO IS XASUUQA SAA FREESH BAA TIHIINEE
ku midka nabada isku magacaabaynabad iyo adigu bari baad kala tihiin maxaa yeelay umad muslina ooshaydaan ka faa iidaystaad leedahay is laAYA FAREESH BAD TIHIIN NACAM UURKAADA AYAAD KA HADASHAY EE ALAAH HAKU SOO HADEEYO AYAGANA U DUCEE KUWA DAGAALKU DILOODAYNA U DUCEE ALAAHNA KAALAM TASHANAYO DADKAAS ARINTOODA OO TAAS AYAAN ALAAH KU XAMDINAYNAA ILAYN ADOON KU FARXAYA ADOOMO ISLAAMA AYAAD TAHAY
aslaamu caleekum dhamaan bahda somaalimirror waxaan idin leeyahay walaayaal wayahaaan dambe waxaa idinkamuuqda tanazul xaga mabda ah
KARKAAR waa musdalax eey bixiyeen holwadeenada xabashida u fadhiya gobalka waqooyi bari ee soomaliya marka waxaa ila qumaan inaad ka fiirsataan
allow kala qabooji war walaalayaan dhiigiina joojiya oo u imidooba sidaad isga dul qaadi leheedeen cadoowga idin heesto oo itopia wakiilda u ah ee somalida lamoodo