Wasaaradda gaadiidka ee Dalka Shiinaha ayaa sheegtay in Gacan Biyoodka Cadan laga qafaashay dooni laga lahaa dalka Singapore ayna saaraayeen 12 shaqaale oo u dhashay dalka Shiinaha .
War qoraalka oo ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka ee Shiinaha kuna qoraa Afka Shiinaha ayay Wasaaradaasi ku faafisay Internetka waxayna sheegtay in Doonida la af duubtay lagu magacaabo Golden Plisinjy ,waxayn Doonidaa u kala safraysay xiliga la qabsaday Dalalka Sucuudiga iyo Hiniya.
Wasaaradaasi ma aysan sheegeen xogta rasmiga ah ee ay ka heyso halka ay Budhcad badeedu ay la aadeen Doonidaa kadib markii ay qafaasheen ,waxayna Wasaaraddu tilmaantay in ay isku dayayso bal in ay xidhiidh la sameyso Kabtanka Doonida .
Doonida ayaa Budhcad badeeda u gacan gashay saaka waabarigii hore waxaana budhcad badeeda u caado ah in Doomaha ama Maraakiibta ay soo qafaashaan ay la soo aadaan Xeebaha Dalka Soomaaliya.

Related posts:
Ragani maahan rag lagutilmaamikaro burcad badeed ee waxa weeye ciidanka bada ee soomalia maxaa yeelay soomalia malahan wqtigan ciidankii marineska ee xeebaha somaalia ilalin jiray
BISMILLAAH.
war hooooy waxaad afduubtaan waa la idin waydiin doonaaye oo rabbi baa idin koobaye oo meel walba idinka jeeda oo idin og waxaad hadda ku sugan tihiine .
horaan idiinku sheegay war hooy cadaw ALLAAH la dagaala ama iska dayaaya mooryaanimada.
WALLAAHU ACLAM.
Alla budhcada baduhu dhibna weyleyihin marna wa halgamayal wayo galaduba kheyradkanaga ayey iskaqatan